Juz' 10
(41) Ogaadana waxaad
Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku, iyo Qaraabada,
iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo
waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta, Maalintay kulmeen
Labadii Col (Badar)
Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa. (42) Xusuusta
markaad ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad isku Khilaafi
lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in Cidto, Ciddii
Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og. (43)
Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo
Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase
Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. (44)
Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna
yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin
Unuuraha. (45) Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la
Kulantaan Koox (Cadow ah)
Sugnaada Xusana Eebe wax Badan inaad Liibaantaan. (46)
Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu
Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta). (47) Hana ka mid
Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis kana
Celinaya (Dadka)
Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali. (48)
Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma
jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna
wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana
arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane. (49) Markay dhahayeen Munaafiqiintu iyo kuwa Cudurku Qalbiga
kaga jiro, waxaa Dhagray Kuwaas Diintooda, Ciddii Eebe tala saarata Ilaahay waa
Adkaade Falsan. (50) Haddaad Aragto Markay Oofsan (Nafta ka qaadi) Malaa'igtu kuwii
Gaaloobay oy ka Garaaci Wajiyadooda iyo Gadaashooda iyagoo ku Dhihi Dhadhamiya
Cadaabka Gubidda (waxaad arki lahayd Arrin wayn). (51) Arrintaasuna
waa waxay hormarsatay Gacmihiinnu darteed Eebana ma Dulmiyo Addoomada. (52) Waaa Caadadii Fircoon Qomkiisii iyo kuwii ka horreeyey
ee ka Gaaloobay Aayaadkii Eebe oo Eebe Qabtay Dambigooda Dartiis, Eebana waa
Xoong badane Ciqaab daran. (53) Arrintaasna waa
inaan Eebe doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka Dooriyaan wax Naftooda
ah, Eebana waa Maqla Og. (54) Waa Caadadii
Fircoon Qoomkiisii iyo kuwii ka Horreeyey, waxay ka Gaaloobeen Aayadkii
Eebahood markaasuu Halaagay Dambigooda Dartiis waxayna Dhammaan ahaayeen
Daalimiin. (55) Dhul Socde waxaa ugu Shar badan
Eebe Agtiisa kuwa Gaaloobay oon Rumeynin. (56) ee ah Kuwaad la
Ballantay markaas Buriya Ballankooda mar kasta, oon Dhawrsanayn. (57) Haddaad ku Libaanto (Adkaato) Dagaalka ku Eri (xanuuji) kuwa ka Dambeeya inay Xusuustaan. (58)
Haddaad ka Cabsato Qoom Khayaanadii u Tuur (Ogaysii) Ballankii si siman, Illeen Eebe ma Jeela Khaa'imiinta. (59) Yeyna u malayn kuwii Gaaloobay inay Carari (Karaan) iyagu ma Daaliyaan
(Eebe). (60) Ugu Darbada waxaad kartaan oo Xooga, iyo Darbidda
Fardaha inaad ku Cabsi galisaan Colka Eebe iyo Colkiina (Galaada) iyo kuwa kale oo ka soo hadhay (Munafiqiinta) ma ogidin Eebaase Og, waxaad ku Bixisaan Jidka Eebana waa
laydiin oofin (Dhammayn)
idinkoon laydin Dulmiyeyn. (61) Hadday u
Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun Maqla
ognee. (62) Hadday Doonaan inay ku Dhagraan
waxaa Kaafiyahaaga ah Eebaha kugu Xoojiya Gargaarkiisa iyo Mu'miniinta. (63) Isuna soo Dumay Quluubtooda, haddaad Bixiso waxa Dhulka
ku Sugan oo Dhan Maadan isu Dunteen Quluubtooda, Eebaase isu Dumay Dhexdooda
Illeen isagaa Adkaade falsan ehe. (64) Nabiyow waxaa
kugu Filan Eebe Adi iyo inta ku Raacday ee Mu'miniinta ah. (65)
Nabiyow ku boorri mu'miniinta Dagaalka hadday idinka Mid yihiin Labaatan Samra (Adkaysta) Waxay ka adkaan
Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Boqol waxay ka Adkaan Kun ah kuwa
Gaaloobay Illeen waa Qoomaan wax kasayne. (66) Hadda wuu
idinka Fududeeyey Eebe wuxuuna ogyahay inaad tabar Yartihiin hadday idinka Mid
yihiin Boqol Samra (Adkaysta) waxay ka Adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Kunna
waxay ka Adkaan Labo Kun Idanka Eebe, ILaahayna wuxuu la Jiraa kuwa samra. (67) Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay
intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni
Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan. (68) Hadduusan Jirin
Kitaab Eebe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen Darteed
Cadaab wayn. (69) ee Cuna waxaad Qanimaysataan oo
Xalaal Fiicana kana dhawrsada Eebe Illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee. (70) Nabiyow ku Dheh kuwa la Qafaashay ee Gaemihiinna ku
jira hadduu ku Ogyahay Eebe Quluubtiina Khayr wuxuu idin siin mid ka Khayrroon
wixii laydinka Qaaday wuuna idiin Dhaafi, Eebana waa Dhaafe Naxariista. (71) Hadday Doonaan Khiyaamadaadana waxay Khayaameen Eebe
mar hore markaasuu idin Makaniyey Eebana waa Oge Falsan. (72)
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda Jidka Eebe
iyo kuwa Dumay (soo Dhaweeyey) una
Gargaaray kuwaasu Qaarkood waa Gargaaraha Qaar, kuwa Rumeeyey oon hijroonin
Gargaarkooda waxba idinkama Saarra intay ka Hijrooni, haddayse idiinku Gargaar
warsadaan Diinta korkiinna Gargaarbaa ah qaar Dhexdiinna Ballan yahay mooyee,
Eebana waxaad Falaysaan wuu Arkaa. (73) Kuwa Gaaloobay
Qaarkood Waa Sokeeyaha Qaar haddaydaan saas falinna (Ogaanna) Fidmaa ahaan Dhulka iyo Fasaad wayn. (74)
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Jidka Eebe iyo kuwa soo Dhaweeyey una
Gargaaray kuwaasu iyagaa Mu'miniina Dhaba ah, waxayna Mudan Dambi Dhaafid iyo
Rizqi Sharafle. (75) Kuwa Rumeeya Gadaal oo Hijrooda oo
Jahaada la Jirkiinna kuwaasu waa idinka mid, Qaraabadaana Qaarkeed Qaar ku
Mudanyahay Xukunka Eebe Ilaahayna waxkasta waa ogyahay.
At-Tawba
Madinan
(1) Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo
Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah. (2) ee socda Dhulka afar
bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada. (3) waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka
Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad
Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan
Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay Cadaab daran. (4) 4 Kuwaad ballanteen
Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna
kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu
jecelyahay kuwa dhawrsada. (5) markay faydmaan
bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una
fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda,
bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee. (6) mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto
magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku
yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne. (7) siday ugu ahaan
gaalada ballan Eebe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen
Masaajidka Xur- mada leh Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada
Eebe wuxuu jecel yahay kuwa Dhawrsadee. (8) waa sidee hadday
idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku
raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin. (9) waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka
leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen. (10)
umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal. (11)
haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina
diinta waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan. (12)
haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila
madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta). (13) miyeydaan la
dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad
ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad Mu'miniin tihiin. (14) la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana
dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina. (15) tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad
aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan. (16)
ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo
idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo
Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan. (17)
uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda
gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari. (18) waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo
maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe
ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan. (19) ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo
camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku
jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka
daalimiinta ah. (20) kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo
naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay. (21) wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah,
ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto». (22) iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir
wayn yahay. (23) kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin
sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata oo
idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina. (24)
waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna,
qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo
guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad
jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka
faasiqiinta ah. (25) wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo
badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin
tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen
idinkoo carari. (26) markaas Eebe ku soo dajiyey
xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn
uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada. (27) markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu
doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista. (28) kuwa xaqa
rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan
ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa
hadduu doono illeen waa oge falsane. (29) la dagaallama
kuwaan rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe
iyo Rasuulkiisu ka diin dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo nasaarada intay ka
dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin. (30)
waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe,
kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u
gaaloobay hadalkoodii, Eebe hallaayo ee xaggee loo leexin. (31)
waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo
ciise ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe
mooyee ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin. (32) waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe
afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye. (33) Eebe waa kan
ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan
haba naceen gaaladuye. (34) kuwa xaqa
rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan
(dadka xaqa) kuwa kaydsada
dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran. (35) maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo
ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani
waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen
ciqaabtiisa. (36) tirada bilaha Eebe agtiisa waa
Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo
dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda
naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan
dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (37)
dib u dhigidda (bilo) waa
uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad
waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax
Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka
gaalada ah. (38) kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin
oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad
ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka
aakharo loo dayo waa uun raaxo yar. (39) haddaydaan
bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka
ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna
wax kasta oo uu doono waa karaa. (40) haddaydaan u
gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo
labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin
Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan
arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna
waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan. (41)
baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka
Eebe, saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin. (42)
hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen
waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan
idinia bixi lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been
sheegi. (43) Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay
intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha. (44) kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebe iyo maalinta
dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa ogyahay kuwa
dhawrsada. (45) waxaase ku idin waydiin kuwaan
rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon
(ku wareersanyihiin) shakigooda. (46) hadday doonaan bixid waxay u darban lahaayeen qalab,
wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu yidhi «gaaladii»
la fadhiista kuwa fadhiya. (47) hadday baxaan
dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen
fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo
idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta. (48)
waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka
yimaado xaqu oo ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici. (49) waxaa ka mid ah
kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way
koobtay gaalada. (50) hadduu wanaag ku soo gaadho
wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana waxay dhahayaan
waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan. (51) waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee,
isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen Mu'miniintu. (52) waxaad dhahdaa ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada
wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah
ama gaemahanaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye. (53)
waxaad dhahdaa Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee,
illeen waxaad tihiin qoom faasiqiina. (54) wax u diiday in
la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro,
mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb
mooyee. (55) yeyna ku yaab galinin xoolahoodu
iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo
naftoodu iyagoo gaala ah. (56) waxay ku
dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan. (57) hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan
way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi. (58) waxaa ka mid ah
kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon.
(59) hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo
rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa
rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon). (60) sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya,
kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe
Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan. (61) waxaa ka mid ah
(munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga
oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna
rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo
idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran. (62) waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan,
Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday
Mu'miniinyihiin. (63) miyeyna ogayn ciddii la
dagaalanta (oo khilaafta) Eebe
iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna
waa dulli wayn. (64) waxay ka digtoonyihiin
munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan,
waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan). (65) haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay
oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku
jees jeesayseen. (66) ha cudur daaranina waad gaalowdeen
Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen
iyagu waa dambiilayaale. (67) munaafiqiintu
rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta,
waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax
ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro
yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah. (68)
wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta
Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna
mudan cadaab joogta ah. (69) waxaad la
midtihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo
xoolo iyo caruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad
raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu raaxaysleen kuwii idinka horreeyey
nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray
camalkoodii adduun iyo aakhiraba kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray. (70) miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah
qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo
Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid
dulmiya iyagaase naflooda dulmiya. (71) Mu'miniinta rag
iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan
xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan
Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade
fal sane. (72) wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta
Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari
dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun
liibaanta wayn. (73) Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta,
kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.
(74) waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal
xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna
dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa
fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu
Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka
dhexdiisa iyo sokeeye midna. (75) waxaa ka mid ah
kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana
kuwa suuban. (76) markuu wax ka siiyey fadligiisa ay
ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. (77) wuxuu ku reebay
quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula
ballantameen iyo beenintoodii darteed. (78) miyeyna ogayn
in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan. (79) waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah
sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu
kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran. (80)
ama u dambidhaaf warso ama ha u dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf
warsato toddobaatan jeer uma dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen
Eebe iyo rasuulkiisa, eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (81) waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii
rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda
jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta
jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax kasi. (82)
ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax badan (aakhiro) iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen. (83) hadduu kuu soo celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin
waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi maysaan lajirkayga waligiin, lana
dagaallami maysaan Col
lajirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib
maray. (84) ha ku tukanin mid ka mid ah oo
dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebe
iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah. (85)
ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu
ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah. (86)
marka la soo dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka Rasuulkiisa waxaa idan ku
warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan na daa aan noqonno kuwa
fadhiyee. (87) waxay ka raalli noqdeen inay
noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan. (88) Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la Jira way ku
jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad,
kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (89) wuxuuna u
Darbay Eebe Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda
taasina waa liibaan wayn. (90) waxaa yimid
kuwii cudurdaaranayey oo Reebaadiyaha ahaa in loo idmo (Dib
mar) waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebe iyo
Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran. (91) dhib ma saara kuwa tabarta yar, kuwa huka iyo kuwaan
helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan (Diinta) Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh
Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista. (92) kuwiina dhib
masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro,
markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin
waxay bixiyaan. (93) waxaa uun jid laguleeyahay kuwa ku
idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe
daabacay quluubtooda waxna ma oga. (94) way idiin
cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina
idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa
camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan
iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal falayseen. (95) way idiin dhaaran markaad u gadoontaan xaggooda inaad
ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa jahannamee
waana ka abaal marin waxay kasbanayeen. (96) way idiin
dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah. (97) Reer baadiyahaa ugu daran Gaalnimada iyo
Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal
san. (98) Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwo
kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha
ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og. (99)
Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan
wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa
dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe
naxariista. (100) kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee
horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga
Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin
ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan
wayn. (101) gaararkiinna waxaa ka mida
reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase
og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn. (102) kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda, waxayna isku
khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay inuu ka toobad
aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista. (103)
Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu
Waxay u noqon Xasile, Eebana waa maqle og. (104) Miyayna Ogayn
in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan
ee Naxariista. (105) Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki
Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo
waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen. (106) Kuwo kalana
waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo,
Eebana waa oge Falsan. (107) Waxaa ka mida
kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la
dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn
Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (108)
ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho
yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga
iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is
Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya. (109)
Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa
Khayrroon mise Ruux ku billaabay dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici
Naarta Jahannamo Eebana ma hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah. (110) Kama tago dhismahooda
ay dhiseen inuu ku Jiro shaki Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana»
Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan. (111) Eebe wuxuu
kaga gatay Mu'miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku
dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil
iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood
gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn. (112) waa kuwa
toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma
oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga
reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta. (113) kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi dhaaf
warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay
kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin. (114) ma ahayn u
dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee,
markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa duco (Baryo)
badanaha (Eebe) oo
dul badan. (115) Eebana ma aha mid dhumiya qoom intuu
hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax kasta waa
ogyahay. (116) Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka
Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo
hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin. (117)
wuxuu Eebe ka toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday
Saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib,
markaasuu ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee. (118) saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo
waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas
Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista.
(119) kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka
kuwa runta badan. (120) kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo
kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe
oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba
ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin
Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka
samo falayaasaha. (121) waxay Bixiyaan
oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe
wanaagga waxay falayeen. (122) mana aha inay
Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta
kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay
digtoonaadaane. (123) Kuwa Xaqa rumeeyow la dagaallama
kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebe
la Jiro kuwa Dhawrsada. (124) marka la soo
Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa xaqa rumeeyeyse
waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan. (125)
kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan
iyagoo gaalo ah. (126) miyeyna arkayn in la
Imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin
xusuusanaynnam (127) marka la soo Dejiyo Suurad way
dayaan Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa
markaasay gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn. (128) waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku
darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan
Mu'miniinta. (129) haddayse jeedsadaan Dadku waxaad
dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah kalana ma jiro isagaana
talo saartay waana Eebaha Carsghiga wayn.
At-Tawba
Madinan
(1) Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la
Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah. (2) ee socda
Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn
gaalada. (3) waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo
Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo
Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad
jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay
Cadaab daran. (4) 4 Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah
markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya
tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada. (5) markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila
gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah
oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii
daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee. (6) mid ka mida
gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka
Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne. (7) siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe
agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh
Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay
kuwa Dhawrsadee. (8) waa sidee
hadday idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay
idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin.
(9) waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar
waxayna ka leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen. (10) umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo
ballan (midna) kuwaasuna waa
uun xadgudbayaal. (11) haddayse
toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina diinta
waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan. (12) haddayse
buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda
gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta). (13) miyeydaan la
dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay
markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad
Mu'miniin tihiin. (14) la dagaallama,
Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo
bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina. (15) tegsiiyana
cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa
oge falsan. (16) ma waxaad u
malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon
ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib,
Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan. (17) uma bannaana
gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas
waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari. (18) waxaa uun
camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo
bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay
ka mid noqdaan kuwa hanuunsan. (19) ma waxaad kala
mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux
rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe
agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah. (20) kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday
oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe
agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay. (21) wuxuu ugu
bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku
mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto». (22) iyagoo ku
waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay. (23) kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin
iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka
sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina. (24) waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin,
caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen,
ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka
jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni
amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (25) wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan
iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin
dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo
carari. (26) markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii
Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna
cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada. (27) markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka
dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista. (28) kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee
yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan
saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge
falsane. (29) la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo
maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin
dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo
nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin. (30) waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil
Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii
oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe
hallaayo ee xaggee loo leexin. (31) waxay ka
yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise
ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee
ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin. (32) waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan
Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen
gaaladuye. (33) Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa
hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.
(34) kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida
axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro
waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku
bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran. (35) maalinta lagu
gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo
dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen
Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa. (36) tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo
toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka,
waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha
dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday
idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (37) dib u dhigidda (bilo) waa uun
badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad
waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax
Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka
gaalada ah. (38) kuwa xaqa
rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu
cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow,
nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar. (39) haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi
cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa
karaa. (40) haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u
gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay
godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce,
oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay
kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa,
Eebana waa adkaade falsan. (41) baxa idinkoo
fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Eebe,
saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin. (42) hadduu jiro
muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku
fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan idinia bixi
lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (43) Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay
intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha. (44) kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey
Eebe iyo maalinta dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa
ogyahay kuwa dhawrsada. (45) waxaase ku
idin waydiin kuwaan rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu,
waxayna ku noqnoqon (ku
wareersanyihiin) shakigooda. (46) hadday doonaan bixid waxay u darban
lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu
yidhi «gaaladii» la fadhiista kuwa fadhiya. (47) hadday baxaan
dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen
fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo
idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta. (48) waxay idinla
dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka yimaado xaqu oo
ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici. (49) waxaa ka mid
ah kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way
koobtay gaalada. (50) hadduu wanaag
ku soo gaadho wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana
waxay dhahayaan waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo
faraxsan. (51) waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo
qoray mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen
Mu'miniintu. (52) waxaad dhahdaa
ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu
Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah ama gaemahanaga, ee
suga annaguna waan idin la sugaynaaye. (53) waxaad dhahdaa
Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee, illeen waxaad
tihiin qoom faasiqiina. (54) wax u diiday
in la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro,
mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb mooyee.
(55) yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo
caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo
naftoodu iyagoo gaala ah. (56) waxay ku
dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan. (57) hadday helayaan meel ay magan galaan ama
godod (buuro) ama meel ay
galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi. (58) waxaa ka mid
ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la
siininna cadhoon. (59) hadday ku
raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan
Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe
unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u
khayroon). (60) sadaqada (Zakada) waxaa uun muta
fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa
la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka,
waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan. (61) waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba
nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna
wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa
rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran. (62) waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin
raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan
hadday Mu'miniinyihiin. (63) miyeyna ogayn
ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta
jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn. (64) waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in lagu
soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa
jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan). (65) haddaad warsato waxay dhihi waan un yar
tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo
Rasuulkiisa yaad ku jees jeesayseen. (66) ha cudur
daaranina waad gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah
waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale. (67) munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood
qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta, waxayna ka reebaan
wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro
yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah. (68) wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa
rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku
filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna mudan cadaab joogta ah. (69) waxaad la midtihiin kuwii idinka
horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo caruur waxayna
ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu
raaxaysleen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta
siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba
kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray. (70) miyeyna soo
gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud,
Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid
rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya. (71) Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood
qaarka (kale) waa u Sokeeye
waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna
bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u
naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane. (72) wuxuu u
yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda
Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli
ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn. (73) Nabiyow la jahaad gaalda iyo
Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun
meel loo ahaan. (74) waxay ku
dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna
gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin,
waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday
toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab
daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye
midna. (75) waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe
hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban. (76) markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku
bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. (77) wuxuu ku
reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe
waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed. (78) miyeyna ogayn
in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan. (79) waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo
mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees
jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran. (80) ama u dambidhaaf warso ama ha u
dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato toddobaatan jeer uma
dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo rasuulkiisa, eebana
ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (81) waxay ku
farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen
inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku
bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax
kasi. (82) ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen
wax badan (aakhiro) iyadoo laga
abaal marin waxay kasbadeen. (83) hadduu kuu soo
celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi
maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen
fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray. (84) ha ku tukanin
mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka
gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah. (85) ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo
caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana
naftooduna iyagoo gaalo ah. (86) marka la soo
dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka
Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan
na daa aan noqonno kuwa fadhiyee. (87) waxay ka
raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda
waxna ma kasayaan. (88) Rasuulkase iyo
kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana
kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (89) wuxuuna u Darbay Eebe Jannooyin oy
socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn. (90) waxaa yimid kuwii cudurdaaranayey oo
Reebaadiyaha ahaa in loo idmo (Dib mar) waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey
Eebe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran.
(91) dhib ma saara kuwa tabarta yar, kuwa
huka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan (Diinta) Eebe iyo
Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh Eebana waa Dambi dhaafe
Naxariista. (92) kuwiina dhib
masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan
idinku xambaaro, markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar
inayna helin waxay bixiyaan.