Juz'
11
(93) waxaa uun jid laguleeyahay kuwa ku idan
warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe
daabacay quluubtooda waxna ma oga. (94) way idiin
cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina
idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa
camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan
iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal falayseen. (95) way idiin dhaaran markaad u gadoontaan
xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna
waa jahannamee waana ka abaal marin waxay kasbanayeen. (96) way idiin dhaaran inaad ka raalli
noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama
raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah. (97) Reer baadiyahaa
ugu daran Gaalnimada iyo Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda
(Soohdimaha) waxa Eebe ku
soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san. (98) Reer baadiyaha
waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi
dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og. (99) Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn
Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo
u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin
Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (100) kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee
horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga
Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin
ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan
wayn. (101) gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye
Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma
ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab
wayn. (102) kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda,
waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay
inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista. (103) Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku
daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu Waxay u noqon Xasile, Eebana
waa maqle og. (104) Miyayna Ogayn
in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe
yahay kan
toobad aqbalka Badan ee Naxariista. (105) Waxaad dhahdaa
Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La
idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana
Warrami (abaalmarin) waxaad
falayseen. (106) Kuwo kalana
waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo,
Eebana waa oge Falsan. (107) Waxaa ka mida
kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la
dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn
Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (108) ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid
lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is
Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya. (109) Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka
dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa Khayrroon mise Ruux ku billaabay
dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebana ma
hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah. (110) Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku Jiro shaki
Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana» Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan.
(111) Eebe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta
Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna
dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka
oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa
uun Liibaanta wayn. (112) waa kuwa
toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga
reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta. (113) kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi
dhaaf warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u
caddaatay kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin. (114) ma ahayn u
dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee,
markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa duco (Baryo) badanaha (Eebe) oo dul badan. (115) Eebana ma aha mid dhumiya qoom intuu
hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax kasta waa
ogyahay. (116) Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka
iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo
wali ah ama gargaara ah ma lehidiin. (117) wuxuu Eebe ka
toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday Saacaddii
cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib, markaasuu
ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee. (118) saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo
dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin
meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay
toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista. (119) kuwa xaqa
rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan. (120) kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino
iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka
Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama
dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin
Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana
ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha. (121) waxay Bixiyaan
oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe
wanaagga waxay falayeen. (122) mana aha inay
Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta
kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay
digtoonaadaane. (123) Kuwa Xaqa
rumeeyow la dagaallama kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen
adayg, ogaadana in Eebe la Jiro kuwa Dhawrsada. (124) marka la soo
Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa
xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan. (125) kuwa quluubta ka bukase waxay u
kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan iyagoo gaalo ah. (126) miyeyna arkayn in la Imtixaamo sanad
kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin xusuusanaynnam (127) marka la soo Dejiyo Suurad way dayaan
Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa markaasay
gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn. (128) waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida
oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis
badan Mu'miniinta. (129) haddayse
jeedsadaan Dadku waxaad dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah
kalana ma jiro isagaana talo saartay waana Eebaha Carsghiga wayn.
Yunus
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kalimada hore waxay ku
tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan. (2) Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka
mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican
Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad. (3) Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix
Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina
Idinkiisa la'aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda,
Miyeydaan wax Xusuusanayn. (4) Xaggiisaa
laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana
soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna
waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed. (5) Eebe waa kan
ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad
Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq
Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og. (6) Ishadalka
Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu
sugan Ciddii Dhawrsan. (7) Kuwaan Rajaynayn
la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan
Aayaadkannaga. (8) Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay
Kasbanayeen Darteed. (9) Kuwa Rumeeyey
Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana
socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan. (10) Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay,
Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh
Eebaha Caalamka ah. (11) Haddu Eebe u
Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa
Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo
ku Wareersan. (12) Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na
baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu
iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey
Xadgudbayaasha waxay Falayeen. (13) Waxaan
Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid
Rasuuladoodii Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka
Dambiilayaasha ah. (14) Markaasaan
idinka yeelay kuwo u hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan. (15) Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad
waxay Dhahaan kuwaan Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama
badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci
waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn. (16) Waxaad Dhahdaa Hadduu doono Eebe idnikiima Akhriycen
idinmana Ogaysiiyeen isaga, waxaan ku Nagaaday Dhexdiinna ka hor Cimri ee
Meyeydaan wax kasayn. (17) Yaa ka Dulmi
Badan Cid ku Been Abuuratay Eebe ama Beeniyey Aayaadkiisa, Illeen ma Lubaano
Dambiilayaal. (18) Waxay Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan Dhibayn Anfaceyna waxayna Odhan kuwana waa Shafeecayaalkanaga Eebe
Agtiisa, waxaad Dhahdaa ma waxaad uga warramaysaan Eebe wuxuusan ku Ogayn
Samooyinja iyo Dhulka, wuxuu ka Nasahanyahay oo ka Sarreeyaa waxay la
Wadaajiyeen Eebe. (19) Dadka wuxuu
ahaa Ummad Kaliya Markaasay Iskhilaafeen, haddayan Jirin Kalimad Eebahaa u
horraysay waa la kala Xukmin lahaa Dexdooda waxay isku diidanyihiin. (20) Waxay Odhan Gaaladu maa lagaga soo Dejiyo Xagga Eebahaa
Aayad, waxaad dhahdaa waxa Maqan Eebe umbaa iska leh, ee Suga Anuguna waan
idinka Sugiye. (21) Markaan Dhadhansiinno Dadka
Naxariis Dhibaato ka dib Taabatay waxaa soo Baxa iyagoo dhagri Aayaadkanaga,
waxaa Deg-Deg badan Ciqaabta Eebe Malaa'igtanaduna way Qori waxaad Dhagraysaan.
(22) Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay
ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u
Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la
koobay (la Halaagay)
waxay Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan waannu kugu Mahdin. (23) Markuu koriyeyna Markaas ku xad gudbaan Dhulka Xaq
Darro Dadoow waxaad uun ku Xad Gudbaysaan Naftinna, waa uun Nolosha Dhaw
Markaas Xagganagaa laydiin soo Celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad Camal
Falayseen. (24) Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo
kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah
wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo
Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar
waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu
Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri. (25) Eebe wuxuu ugu
yeedhi (Dadka)
Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa). (26) Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda
Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda. (27)
kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax
Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin
habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda, (28)
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la
wadaajiyey (Gaaloobay)
Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay
dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn. (29)
waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn. (30) halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay,
waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been
abuuranayeen. (31) waxaad dhahdaa yaa idinka Arsaaqa
Samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana ka soo bixiya wax Nool
wax dhintay, kana soo bixiya was Dhintay wax Nool, yaana Maamula Amarka waxay
ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn. (32)
kaasi waa Ilaahiin Eebihiinna xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oon baadi ahayn,
ee xaggee laydiin Leexin. (33) Saasay ugu
Waajibtay Kalimadii Eebahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeeynin (Xaqa). (34) waxaad dhahdaa ma ka midyihiin Shurakadiinna cid
billowda Abuurka Soona celiya, waxaad dhadaa Eebaa Bilaaba khalqiga soona
eeliya ee xaggee loo iili. (35) waxaad dhahdaa
ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa Eebaa ku
hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan
hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan. (36) mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro xaqa, Eebana waa ogyahay waxay falayaan. (37) ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow,
waase u rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro
wuxuuna ka ahaaday Eebaha Caalamka. (38) mise waxay
odhan wuu Been abuurtay, waxaad dhahdaa la imaadda suurad la mida una yeedha
ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan. (39) waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin (Quraanka) uusanna wali u
imaanin aayahiisu saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday
noqotay Cidhibtii Daalimiinta. (40) waxaa ka mida
Dadka mid rumeyn Quraanka iyo midaan rumaynayn Eebana waa ogyahay Mufsidiinta. (41) hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa anuugu waxaan
leeyahay Camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari
baad ka tihiin waxaan fali anna bari
baan ka ahay waxaad falaysaan. (42) waxaa ka mida
gaalada kuwo ku dhagaysan ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga la' oon wax
kasayn. (43) waxaana ka mida mid ku soo dhawri
ma adaa toosin kara mid indha la' oon wax arkayn. (44)
Eebe kama dulmiyo Dadka waxba, hasayeeshee Dadka Naftiisa Dulmiya. (45) Maalinta la kulminna waxay la mid noqon iyagoon
nagaanin Saacad Maalin mooyee, wayna is aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray
kuwa beeniyey la kulanka Eebe mana hanuunsanayn. (46)
haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xagganaga
umbaa loo soo celin, markaasna Eebaa ka maraga waxay falayaan. (47) Ummad kasa Rasuulbay leedahay, markuu u yimaaddo
Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo. (48) waxayna odhan gaaladu waa goorma yaboohaas (Gooddiga) haddaad
runsheegaysaan. (49) waxaad dhahdaa uma hanto naftayda
Dhib iyo nacfi midna wuxuu Eebe doono mooyee, Ummaad kastana waxay leedahay
Ajal (Muddo) markay
Ajashoodu timaadana lagama dib mariyo Saacad lagamana hor mariyo. (50) waxaad dhahdaa bal ka warrama hadduu idiinku yimaaddo
Cadaabkiisu (Eebe) Mir
ama Maalin maxay ka dedejisan xaggiisa Dambiilayaashu. (51)
Mise markuu dhaeaad rumaynaysaan hadda idinkoo Dedejisanayey. (52) markaasa lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya
cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal marinin waxaad kasbanayseen mooyee. (53) waxay ku warsan ma xaqbaa isagu, dheh haa Eebahaybaan
ku dhaartaye isagaa Xaqa, idinkuna ma tihidiin kuwo (Eebe) daalin. (54) hadday naf
kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd,
waxayna qarsan gaaladu shalayto markay Arkaan Cadaabka, waxaana lagu kala
xukmin Dhexdooda Xaq lamana dulminayo. (55) Eebana waxaa u
sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka, yabooha Eebana waa Xaq Dadka
badankiisuse ma oga. (56) Eebaa wax
nooleeyn waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin. (57)
Dadow waxaa idiin timid Waano Eebihiin iyo Caafimaadka waxa Laabta ku sugan iyo
Hanuun iyo naxariista Mu'miniinta. (58) Waxaad dhahdaa
Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine. (59)
waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka
yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku
Beenabuuranaysaan. (60) Maxay u malayn
kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma
mahadiyaan. (61) Wixii Xaala ood ku Sugan tahay
wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex
galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada,
wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin. (62) Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan. (63) waana kuwa rumeeyay (xaqa) dhawrsadana. (64) Waxaana u
sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana
ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn. (65) yuuna ku
walbahaarin hadalkoodu cisi dhamaantiis Eebaa iska leh, waana Maqle oge. (66) Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan,
waxay raacayaan oy Caabudi Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan heenaalayaal
ahaynna ma aha. (67) Eebe waa kan idiin yeelay Habeenka inaad xasishaan,
Maalintana Arag (Ka yeelay)
arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqli. (68)
waxay dheheen wuxuu yeeshay Eebe Ilmo, waa nasahanyahay, Eebana waa uun Hodan,
wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal
waxaas (Beenta) mise
Eebaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn. (69) waxaad dhahdaa
kuwa Eebe ku abuurta beenta ma libaanaan. (70) waa uun waaxada
adduunyo markaas xagganagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan Dhadhansiinaynaa
cadaab daran gaalnimadooda darteed. (71) ku akhri
korkooda warkii Nabi Nuux markuu ku yidhi qoomkiisii qoomkayow hadday idin la
waynaatay Nagaadigayga iyo ku waanintayada aayaadka Eebe waxaan tala saartay
Eebe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadinnaa yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon
(oo dhiba) markaas i xukuma
hana i sugina. (72) haddaad jeedsataan idin warsanmaayo
ujuuro, ujuuradayda waxaa idiin Eebe, waxaana lay faray inaan ka mid ahaado
Muslimiinta. (73) Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay
Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka,
waxaana maanshaynay kuwii beeniyey Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii
kuwii loo digay. (74) markaas kadib waxaan u
Bixinnay Rasuullo Qoomkoodii Waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana Rumayn
beenintoodii darteed ee horraysay Saasaan u Daabacnaa «daboollaa» Quluubta
xadgudbayaasha. (75) markaasaan u Bixinay gadaashood (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun fircoon
iyo colkiisii iyagoo Wata aayaadkannagii, wayna Isla waynaadeen waxayna Noqdeen
Qoom dambiilayaal ah. (76) markuu uga
yimid Xaqu Caggannaga waxay Dhaheen kani waa sixir cad. (77)
Wuxuuna yidhi (Nabi)
Muuse ma waxaad ku Dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid ma Sixirbaa kani?
isagoosan Liibaanin saaxiriintu. (78) Waxayna dhaheen
ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay Aabayaalkanni oy
idiin Ahaato waynaanta Dhulka (xukunka) annagu idinka idin Rumaynnaynno. (79)
wuxuu yidhi fircoon ii keena saaxir cilmi badan oo dhan. (80)
markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (81)
markay tuureenna wuxuu yidhi (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Eebaana Burin, Eebana ma
hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha. (82) wuxuuna ku
sugaa Eebe xaqa kalimadiisa haba naceen Dambiilayaashuye. (83)
ma rumaymn Nabi Muuse Farac yar oo Qoomkiisii ka mida mooyee iyagoo ka Cabsan
fircoon fyo Kooxdiisii inay fidmeeyaan, fircoonna wuu isku kibriyey dhulka
wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaaaha. (84) wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Qoomkayow
haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebe isaga uun tala saarta haddaad MusIimiin
Tihiin. (85) waxayna dheheen Ilaahay yaan lalo
saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo Qoomka Daalimiinta ah. (86) nagana kori naxariistaada darteed qoomka gaalada ah. (87) waxaana u waxyoonay (Nabi) Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan Qoomkiina Masar
Guryo kana yeesha guryihiinna Qiblada (Ku tukada) ooga salaadda Lina bishaaree Mu'miniinta. (88) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse Eebahannow adaa siiyey Fircoon iyo Kooxdiisa Qurux
iyo Xoolo Nolosha Adduunka Eebow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebow halaag (Tirtir) Xoolahooda Adkeena
Quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan Cadaab daran. (89) Eebe wuxuu yidhi waa la ajiibay Baryadiinna ee
toosnaada hana raacina Jidka kuwaan wax ogayn. (90)
waxaan tallaabinay Banii Israa'iil Badda waxayna u raaceen Fircoon iyo
Qoomkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey
inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid
ahay Muslimiinta. (91) (Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u
caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya. (92)
Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid Cidda kaa dambaysa Calaamo wax
badan oo Dadka ka mida Aayaadkannaga waa halmaansanyihiin. (93)
waxaan dejinay Bani Israa'iil Dejin runa (meel fiican) waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxayna is khilaafeen markuu
cilmigi u yimid, Eebahaana wuu kala xukumi maalinia Qiyaame waxay isku
khilaafeen. (94) haddaad Shakisantahay waxaan kugu
soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe
Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (95) hana ka mid
noqon kuwa beeniya Aayaadka Eebe ood ka mid noqoto kuwa Khasaaray. (96) kuwa ku waajibtay Kalimadii Eebahaa (Ciqaab) rumeynmaayaan. (97) xataa huddaad ula timaaddid Aayad kasta, inlay ka
arkaan Cadaab Daran. (98) maxay u
jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay
nimeeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay
tan iyo Muddo. (99) haddwi doono Eebabaa waxaa rumayn
tahaa waxa Dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa Dad ku qasbi inlay ka rumeeyaan (Xaqa). (100) nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna
Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda. (101)
waxaad dhahdaa daya waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka waxna kama
deeqaan Aayado (Calaamooyin) iyo
Digid qoom aan rumeyn (Xaqa). (102) ma waxay sugi
waxaan ahayn Ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale, waxaad dhahdaa suga anna
waan idinla sugiye. (103) markaasaan
korinnaa Rasuulada iyo kuwa rumeeyey saasaana Xaq nagu ah, inaan u korinno
Mu'miniinta. (104) waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin
kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay
waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo
Mu'iniinta. (105) iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta
anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta. (106)
Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho
waxaad ka mid Noqon Daalimiinta. (107) Hadduu ku
taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra
wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo
Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista. (108)
Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana
wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna
Wakiil uma ihi. (109) Ee raac waxa laguu waxyooday
Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime.
Hud
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Erayga hore wuxuu ku Tusin
Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas
lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa. (2) inaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan
idiinka ahay xagga Eebe Dige Bishaareeya. (3) dambi dhaafna
warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo
muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli) dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan Cadaab
Maalin wayn. (4) xagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax
kastana wuu karaa. (5) waxay iilayaan
Laabtooda inay iska qariyaan Eebe, markay isku dadi maryahooda waa ogyahay Eebe
waxay qarsan iyo waxay Muujin, illeen Eebe waa igyahay waxa laabta ku sugane.