Juz'
12
(6) Dhul socod kasta
Risqigeedu wuxuu saaranyahay Eebe wuxuuna ogyahay meejey ku Hoyan ooy u
dheelman dhammaanna Kitaab Cad yey ku suganyihiin. (7)
Eebe waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood, wuxuuna ahaa
Carshihiisu Biyo korkood inuu idin Imtixaamo kiinna Camalka Wanaagsan, haddaad
dhahdo waa laydin soo bixin Geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay kani
waxaan sixir Cad ahayn ma aha. (8) haddaan dib uga
dhigno Cadaabka Xaggooda tan iyo muddo tirsa waxay odhan maxaa celinaya,
maalintuuse u yimaaddo mid Iaga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku
,jeesjeesi (Ciqaabtiisii). (9) haddaan dhadhansiinno Dadka naxariis xaggannaga ah
markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir hadan. (10) haddaan dhadhansiinno Dadka Niemo dhib taabtay ka dib
wuxuu dhihi wwaxaa iga tagay sumaanti isagoo Farax iyo faan ku sugan. (11) kuwa Samra ee canal fiica fala mooyee, kuwaasna waxaa u
sugnaaday dambi dhaaf iyo ajir wayn. (12) waxaad u
dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy Ia cidhiidhyanto
Laabtaadu inay dhahaan maa lagu soo Dejiyo korkiisa Kansi ama Ia yimaaddo
malag, adugu waxaad uun tahay Dige, Eebana wax kasta wuxuu u yahay (Ilaaliye) Wakiil. (13) mise waxay odhan wuu been abuurtay, waxaad dhahdaa
karaa Toban Suuradood oo la mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan
oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan. (14) 14, haddayna idin Ajiibin «yeelin» ogaada in lagu soo
dejiyey Quraanka ogaansho Eebe iyo inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, a ma
islaamaysaan. (15) ciddii dooni nolosha adduunyo iyo
quruxdeeda waxaan u dhamaynaynaa camalkooda dhexdeeda lagamana nusqaamiyo. (16) Kuwaasuna waa kuwaan kulahayn Aakhiro waxaan Naar
ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda waxaana baadhila (wax kama jire ah) waxay falayeen. (17) Ruux ku sugan (Xujo) cad oo Eebihiis,
uu raacina marag Eebe, hortiisna ahaayeen Kitaabkii Muuse isagoo Imaam iyo
Naxariis ah ma la midbaa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn
Quraanka, ciddii ka gaalowda Quraanka iyo Nabiga oo Xisbiyada ka mida Naarbaa
ballan u ah, ee ha noqon mid Shakiya Xaggiisa isagu waa Xaq Eebe ka ahaadaye,
laakiin Dadka Radankiis ma Rumeeyaan. (18) yaa ka dulmi
badan ruux ku abuurtay Eebe Been, kuwaas waxaa loo bandhigi Eebahood waxayna
odhan maraggu kuwaasu waa kuwa ku been abuurtay Eebahood Lacnadi ha ahaato Daalimiinta
korkooda. (19) 19, ee
ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebe lana dooni Qallooc Aakharana ka gaaloobay. (20) kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebe Dhulka dhexdiisa
umana sugna wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaari waxaana loo Iaablaabi cadaabka,
mana karaan inay (Xaqa)
maqlaan ama arkaan. (21) kuwaasu waa
kuwa Khasaariyey Naftooda waxaana ka dhumay waxay been abuurteen. (22) waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyaga uun khasaaro
badnaadeen. (23) kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican
falay oo u noqday Eebahood kuwaasu waa Jannada Ehelkeeda wayn, ku dhex waari. (24) waxay La midyihiin Labada kooxood mid indhala' iyo mid
dhaaa la' mid wax arka iyo mid wax maqli ma simanyihiin tusaale ahaan miyeydaan
wax xusuusaneyn. (25) waxaan u diray (Nabi) Nuux qoomkiisii (Isagoo leh) waxaan idiin ahay
dige Cad. (26) inaydaan Caabudin wax Eebe ka soo
hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab Maalin daran. (27) waxayna dheheen madaxdii Gaalowday oo qoomkiisa ka mida
waxaan bashar nala mida ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay
waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku deg dega ra'yiga, Kuugumana ara- gno
korkannaga wax dheeraada waxaanse idiin malaynaynaa Beenaalayaal. (28) wuxuuna yidhi Qoomkayow ka warrama haddaan Xujo (cad) oo Eebahay ku
sugnahay uu ina siiyey naxariis Xaggiisa oo Laydinka indho tiray miyaao idinkii
laasimin karraa idinkoo nici. (29) Qoomkayow idin
warsan maayo Xoolo, Ajirkayga Eebaa haya, mana eryayo kuwa xaqa rumeeyey illeen
iyagu waxayla kulmi Eebahoode, waxaanse idinku arkaa Qoom Jaahiliina. (30) Qoomkayow yaa iiga gargaari Eebe haddaan eryo kuwaas (Xaqa rumeeyey) miyeydaao wax
Xusuusanayn. (31) idima dhahayo waxaa agtayda ah
Khasaa'intii Eebe mana ogi waxa maqan, idinmana odhanaayo waxaan ahay Malaa'ig,
idinmana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebc khayr, Eebaa og
waxa Naftooda ku sugan, markaas waxaan ka mid noqon Daalimiinta. (32) waxay dheheen Nuuxow waad nala dooday ood badisay la
doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi. (33) wuxuuna yidhi waxaa uun idiin keeni (kara) Eebe hadduu doono,
mana tihiin kuwo daalin Eebe. (34) waxna idiinma
tarto Naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeeyo hadduu Eebe doono inuu
iddin baadiyeeyo illeen waa Eebihiine. xagiisaana laydiin celin. (35) mise waxay dhihi isagaa been ahuurtay, waxaad dhahdaa
haddaan been abuurto dambigaygu anuu isaaranyahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan. (36) waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn
Qoomkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali. (37) samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana
igula hadlin (xaalka)
kuwii dulmi falay waa Ia maansheyne. (38) wuxuu
samaynayye Doon mar kasta oo Qoomkiisa koox ka
mida martana way ku jees jeesayeen wuxuuna ku dhahayey haddaad nagu jees
jeestaan anaguna waan idinku jees jeesi saad u jees jeesaysaan. (39) waadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya
kuna dago cadaab joogta ah. (40) markuu yimid
amarkannagii oo Tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi ku xambaar Doonida nooc kasta
Labo iyo Xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo cidii rumaysa xaqa (iyana ku xambaar) mana rumeynin wax
yar mooyee. (41) wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe
oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista. (42) wayna la socotay hir dhexdiis oo buuro la mida wuxuuna
u dhawaaqay Nabi Nuux Wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah (Isagoo leh) Wiilkaygow nala
soo kor hana la jirin gaalada. (43) wuxuuna ku
yidhi waxaan u dunmi buur iga dhawrta Biyaha wuxuu yidhi (Nabi
Nuux) wax ilaalin kara maanta amarka Eebe ma
jiro cid Eebe u naxariistay mooyee, waxaana kala dhex maray hirkii wuxuuna
noqday Wiilkii kuwa la maansheeyey. (44) waxaana la
yidhi dhulow Liq Biyahaaga Samooyna qaad (Jooji) waxaana la yareeyey «la gudhiyey» Biyihii waxaana la
xukumay Amarkii waxayna Ku dul ekaatay Doontii Juudi waxaana la yidhi fogaansho
haw sugnaato Qoomka Daalimiinta ah. (45) wuxuu u
dhawaaqay (Baryey) Nabi
Nuux Eebihiis wuxunna yidhi Eebow Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay Ehelkeyga
Yaboohaaguna waa xaq (sugan)adaana xuk unkaagu falsanyahay. (46)
Eebe wuxuu yidhi Nuuxow Wiilku Ehelkaaga kama
mid ma aha waana camal aan suubanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn
waxaan kaa waanin inaad jaahiliinta ka mid noqoto. (47)
wuxuuna yidhi Nabi Nuux Eebow waxaan kaa magan galay inaan ku warsado waxaanan
u cilmi lahayn haddaadan ii dambi dhaafin oodan ii naxariisan waxaan ka mid
noqon kuwa khasaaray. (48) waxaa lagu
yidhi Nuuxow ku deg Nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana
waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada. (49) kaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan
ahayn mid og adi iyo Qoomkaagu midna kan
hortiis ee samir cidhibta (Fiican) waxaa leh kuwa dhawrsada. (50)
Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud, wuxuuna yidhi Qoomkayow caabuda
Eebe Ilaah kale idiinma sugnee waxaan been abuurasho ahayna kuma sugnidin. (51) Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda
waxaan uun ka mutaa Eebaha i Abuuray ee miyeydaan wax kasayn. (52) Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna
ha soo (Daayo) diro
Samada (Roobka)
korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina
idinkoo Dambiilayaal ah. (53) waxay dheheen
Huudow noolama aadan imaanin Xujo cad kagamana tageeyono llaalryahannaga
hadalkaaga kumana rumeynayno. (54) wax kale kuguma
dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan
Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada). (55) oo Eebe ka soo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i
sugina. (56) anugu waxaan tala saartay llaahay
ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro (Awoodayn) Eebahayna wuxuu ku
sugan yahay jid toosan. (57) haddaad
Jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna
idinka gadaal marin Eebahay qoom kale waana kama
dhibaysaan, Eebahayna wax kasta wuu ilaaliyaa. (58)
markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay
Naxariistanada wexaana ka korinay Cadaab Adag. (59)
taasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii
waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis. (60)
waxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka
gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud ahaa. (61) Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna
yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana
idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una
toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade) (62) waxay dheheen
Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka hor ma waxaad
naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu shaki daran
baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi. (63) wuxuu yidhi bal
ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey Naxariis xaggiisa ah
yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan waxaan khasaarc
ahayn. (64) Qoomkayow tan waa Hashii Eebe
Calaamad bayna idiintahay ee iska Daaya ha cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina
Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab dhaw. (65) wayse dileen
Hashii, wuxuuna ku yidhi ku raaxaysta guryihiina Saddex maalmood kaasina waa
yabooh aan la beeninayn. (66) markuu u yimdi
amarkii Eebe waxaan ku korinay Nabi Saalax iyo intii rumaysay Naxariistanada
iyo inaan (ka korinay)
dulliga Maalintaas Eebana waa xoog badane Adkaada. (67) waxaana
wabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku dhexdhinta.
(68) sidii iyagoon ku dhex nagaanin, Thamuud waxay ka
gaaloobeen Eebahood waxayna muteen fogaansho (Halaag). (69) waxay ula
yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi Ibraahim Bishaaro, waxayna
dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi Salaam, kamana nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi
la dubay (Hilibkiis). (70) markuu arkay in ayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay
wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna dheheen ha cabsan waxaa naloo soo
diray Qoomka (Nabi)
Luudhe. (71) haweeneydiisiina way taagnayd wayna
qososhay waxaana ugu bishaaraynay (Nabi) Isxaaq gadaashiisna Yacquub (Wiilkiisii). (72) waxayna tidhi
waa la yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay arrintaasu waa
wax la yaab leh. (73) waxay dheheen ma waxaad la
yaabi amarka Eebe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna, qoyskanow, Eebana
waa la mahdiye la Sharrifo. (74) markay Nabi
Ibraahim ka tegtay Cabsidii (argagaxii) una timid Bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka
Qoomka (Nabi Luudh). (75) Nabi Ibraahimna waa dulsame noqosho iyo toobadkeen
badan. (76) Ibraahimow iskaga jeedso xaalkan,
waxaa dhab u yimid Amarkii Eebahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga
celinayne. (77) markay Malaa'igtaan soo diray u
timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani
waa Maalin daran. (78) waxaana yimid
Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala Xumaan,
wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dhahiran ee ka
dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin rashiida «fiican»
idinku jirin. (79) waxay dheheen waaad ogtahay
inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni. (80) wuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama
u dumi tiir adag (waan idin ciqaabi lahaa). (81) waxay dheheen (Malaa'igtii) Luudhow waxaan
nahay farriintii Eebahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee Guuri Ehelkaaga qayb
habeenka ka mida dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa
ku dhacaya ballankooduna waa subaxa miyuusan subuxu dhawayn. (82) markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii
hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan. (83) lagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka
fogna ma aha. (84) Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb, wuxuuna
yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah kalee, hana nusqaaminina
Beegidda (Miisiidda) iyo
miisaanka waxaan idinku arkaa khayre (xoolo) waxaana idiinka cabsan Cadaab Maalin koobi. (85) Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada
hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina. (86) Baaqiga Eebe yaa idiin khayrroone ma ihi mid idin
ilaalin (karee). (87) waxay dheheen shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan
ka tagno waxay caabudayeen Aabayaalkaanno ama ku fallo xoolahanaga waxaan
doonno adugu waxaad uun tahay dulbadane toosan (Jees
jees dartiis). (88) wuxuu yidhi
Qoomkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna arsuqay risqi
wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka reebi oonan
doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebe ahayn
ma karo isagaana talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad). (89) Qoomkayow
yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay Qoomkii (Nabi) Nuux ama qoomkii
Nabi Huud ama (Nabi)
Saalax idinkamana foga waqtigii Qoomkii (Nabi) Luudh. (90) ee dambi dhaaf
warsada Eebihiin una toobadkeena ileen Eebahay waa Naxariiste Jeeel (Ciddii toobad keentee). (91) waxay dheheen Schucaybow ma kasaynno wax badan ood
sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar yartahay, hadduusan
Qoomkaagu jirin waan ku dhegexyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cisi naguleh. (92) wuxuu yidhi Qoomkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn
Eebe ood ka yeelateen waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan (Xaqa) Eebahayna waxaad falaysaan wuu koobay. (93) wuxuu yidhi Qoomkayow ku camal fala dariiqadiinna anna
waan camal fali waxaadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya iyo
cidda beenaalaha ah ee suga anna waan idinla sugiye. (94)
markuu yimid amarkanagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey
naxariistanada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo
guryahoodii ku dhintay. (95) sidii iyagoon
ku nagaanin fogaansho (halaag) baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud (u halaagsantay). (96) waxaannu dhab ula dirray Nabi Muuse Aayaadkanagii iyo
xujo cad. (97) xagga Fircoon yaana u dirray iyo
Qoomkiisii, waxayna raaceen amarkii Ficoon, amarka Fircoonna ma ahayn mid
toosan (Hanuunsan). (98) wuxuu hor qaadi Qoomkiisa Maalinta qiyaame, wuxuuna ku
aroorin Naarta, meel lagu aroorana naarbaa u xun. (99)
waxaana la raacsiiyey Adduunyada Lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu
kordhiyana waxaa u xun (Arrintaa). (100) arrintaasu waa
warkii Magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana ka mida kuwo taagan iyo
kuwo la halaagay. (101) maanaan
dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin Ilaahyahoodii ay
caabudayeen Eebe ka sokow markuu u yimid amarkii Eeba- (102)
waana sidaas qabashada Eebahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo (Dadkeed) oo dulmi fashay,
qabashadiisuna way xanuun leedahay oy darantahay. (103) arrintaasna
calaamadbaa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka aakhiro waana maalin loo kulmin
dadka Dartiis, waana maalin la soo Joogsan. (104)
dibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee. (105)
maalintuu Qiyaamuhu yimaaddo ma hadasho nafi idinka Eebe mooyee, waxaana ka
mida dadka kuwo xun (Khasaaray) iyo kuwo liibaanay. (106) kuwa
xumaadayna naarbay gali dhexdeedayna ku hiinraagi kuna qaylyi. (107) iyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku
wuxuu Eebe doono mooyee, Eebahaana wuxuu doonuu falaa. (108)
kuwa la liibaanayna jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo Dhulku wuxuu
Eebe doono mooyee, waana siismo aan go'ayn. (109)
ha shakin (xumaanta)
waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay Aabayaalkood caabudayeen mar hore
mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda (Ciqaabta) oon laga Nusqaaminayn. (110)
waxaan siinnay (Nabi)
Muuse Kitaabka (Tawreed)
waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebahaa oo horreeyey waa lakala
xugmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga suganyihiin shaki daran. (111) dhammaan wuu u oofin Eebahaa Camalkooda illeen Eebe
waxay camal fali wuu ogyahay. (112) ee u toosnow
sida lagu faray adiga iyo inta kula toobadkeentay hana xadgudbina illeen Eebe
waxaad camal falaysaan wuu arkaaye. (113) ha u iilanina
kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebe ka sokow Awliyo
markaas laydiinna gargaari Maayo. (114) oog salaadda
maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah xuska badan. (115) samir (adkayso) ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama falee. (116) maxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba
fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna
raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal. (117) Eebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax
wanaajin. (118) hadduu doono Eebahaa wuxuu ka
yeeli lahaa Dadka mid kaliya mana ka tagaan kuwo iskhilaafsan. (119) cid Eebe u naxariistay mooyee saasaana Eebe ku
abuuray, wayna taam noqotay kalimadii Eebahaa oo ah innu ka buuxiyo jahannamo
Jinni iyo insi dhammaan. (120) Dhammaan
waxaannu kaaga qisoon wararkii rasuulada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana
taam kuugu yimid xaq iyo waedi iyo waanada Mu'miniinta. (121)
waxaad ku dhahdaa kuwaan rumeynin ahaada sidiinnaas (ku
camal fala) annana waannnu «ahaan» camal faliye. (122) sugana annana waaanu sugiye. (123)
Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samoolyinka iyo dhulka, xaggiisaana loo
celin amarka dhammaan ee caabud oo talo saaro, Eebana mahalmaansana waxaad
falaysaan.
Yusuf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xuruufta hore waxay ku
tusin mucjisada Quraanka, tanna waa aayaadkii Kitaabka ca (Quraanka). (2) Annagaana soo
dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan. (3)
Annagaa kaaga qisoon qissoyin tan u fiican waxyigaan Quraankan kuu waxyoonay
dartiis, waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax igayn. (4)
markuu (Nabi)
Yuusuf ku yidhi Aabbihiis aabow waxaan arkay Kaw iyo Toban xiddigood iyo
Qorraxda iyo Dayaxa waxaan Arkay iyagoo ii Sujuudsan. (5)
Wuxuuna yidhi (Aabbihiis Yacquub)
Wiilkayow hawga Qisoonin Riyadaada Walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar,
illeen Shaydaanku Dadka wuxuu u yahay col cade. (6)
Saasuuna kuu doortay Eebahaa kuuna baray fasiraadda Riyada iyo Xaddithyada,
kuuna taam yeeli Niemadiisa korkaaga iyo Yacquub Ehelkiisa siduu ugu taamyeelay
Labadaadii Waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq Eebahaana waa oge falsan. (7)
Yuusuf iyo Walaalihiis Calaamadbaa ugu sugan kuwa warsan (Waano). (8) markay dheheen
Yuusuf iyo Walaalkiis yaa Aabbe naga jecelyahay inagoo koox ah, Aabbeheen wuxuu
ku suganyahay Baadi cad (Jecaylkaas). (9) Dila Yuusuf ama
ku tuura Dhulka ha idiin kaliyoobo Wajiga Aabbihiine aadna ahaateen gadaashiis
qoom Suubane. (10) mid ka midaa yidhi ha dilina Yuusuf
ee ku tuura Ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan. (11) waxay dheheen Aabow maxaad noogu aamini la'dahay yuusuf
anagoo u Naasixa. (12) nala dir barri
ha cuno hana Ciyaaree anaguna isaga waannu ilaaline. (13)
wuxuu yidhi Yacquub waxaa i walbahaarin inaad la tegtaan waxaana ka cabsan in
Yeeyi Cunto idinkoo halmaansan. (14) waxay dheheen
hadday Yey Cunto annagoo kooxa waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray. (15) Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel
salkii, Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn. (16) Waxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi. (17) Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno
Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse
nama rumaynaysid aanba Run sheegnee. (18) Waxayna la
yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican
Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan. (19)
Waxaa yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa
Wiil, wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali. (20) waxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna
ahaayeen kuwaan rabin. (21) wuxuu ku yidhi
kii gatay oo Masar ah Haweenaydiisii (wanaaji) ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay innu na anfaco ama ka
yeelanno ilmo, saasaana u Makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad
«Riyada» xadiithyada, Eebaana u adag arrinkiisa, Laakiin badida dadku ma oga. (22) markuu gaadhay Xoogiisa yaan siinnay Xigmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal
marinaa samafalayaasha. (23) Waxaa dalbatay
naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi
kaalay, wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay
horgaygee mana Liibaanaan daalimiintu. (24) Way ku hamiday
«doontay» isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana uga
iili Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay
(Camalkana u kali yeela Eebe). (25) Waxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmen
ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la
doontay Ehelkaaga (haweenaydaada) daran la gaashdiiyo mooyee. (26)
wuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalabtay Naftayda Wuxuuna ku marag furay Marag
ehelkeeda ah haduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna
waa Beenalayaasha. (27) Hadduu
Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga Danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu Ka mid yahay
runlayaasha. (28) Markuu arkay ninkeedii Qamiiskii
Yuusuf oo Gadaal ka go'an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa
wayn tahay. (29) Yuusufow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay
adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbi- gaaga waxaad kamid tahay Kuwa gafaye. (30) waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni
Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi
cad. (31) markay maqashay dhagartooda (Xantoodii) way u farriin
dirtay waxayna u darabtay fadhi (martiqaad) waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf ku
soo bax markay arkeenna way waynesteen waxayna iska gooyeen «Sareen» Gaemaha (Faraha) waxayna dheheen
xaashaa Ilaah kani bashar (Dad) ma aha kani waxaan Malag sharaf leh ahayn ma aha. (32) waxay tidhi kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay
Naftiisa wuuna is dhawray hadduusanse falin waxaan fari walee waa la xabisa uu
noqon kuwa dullooba. (33) wuxuuna yidhi (Nabi Yuusuf) Eebow Xabbis baan
ka jeelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan
Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta. (34) waxaan ajiibay
Eebihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebe waa Maqle og. (35) markaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad (Calamooyin) inay xidhaan tan
iyo Muddo. (36) waxaana la galay Xabiiska Laba
dhalinyara ah midkoodbaana yidhi waxaan arkay (Riyo) anoo Miiri kahmro, kii kalana wuxuu yidhi anna waxaan
arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa Khubus (kibis) kana cunayso shimirtu xaggiisa nooga warran fasiraadda
waxaan kugu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaashee. (37)
wuxuu yidhi (Yuusuf)
wixii cunna ah oo laydinku Arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa ka hor
imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebahay i baray, anuguna waxaan ka tagay (Nacay) milladda Qoomkaan
rumaynayn Eebe oo aakhirana ka gaaloobay. (38) waxaana raacay
milladda (Diinta)
Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno
Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba,
laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan. (39) Saaxiibadayda
Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda
badan. (40) ma caabudaysaan Eebe ka sokow
waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo
dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan
caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga. (41) Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin
sayidkiisa khamro, kan
kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad
warsateen. (42) wuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda
iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis,
wuxuuna (Yuusuf) ku
Nagaaday Xabbiska Dhawr sano. (43) Xaakinkii wuxuu
yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo
Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama
Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada. (44) Waxay dhaheen
waa qaraw annaguna ma naqaanno Fasirka qarawyada «dhadhabka». (45) wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkooda markuu xasuustay
muddo ka dib Anaa idiinka Warrami fasirkiisa ee i dira. (46)
Wuxuu yidhi Yuusufow Saaxiibow nooga warran Toddoba sac oo Shilshilis
oycunayaan todobo Wayd ihi iyo todobo Sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo
kale inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan. (47) Waxuuna yidhi
waxaad tacbanaysaan Todoba Sano oo israaesan ee waxaad goosataan ku daaya
Sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee. (48) markaas waxaa
imaan arrintaas ka dib Todobo daran (abaara) oo cuni waxaad hor marsateen wax yar ood kaydsateen
mooyee. (49) markaas ka dib waxaa imaan Sano loo
gargaaro Dadka oo dhexdeeda ay wax miiran (Barwaaqo). (50) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi ku noqo
Sayidkaaga oo warso muxuu ahaa Xaalkii haweenkii iska Saray farahooda Eebehay
waa ogyahay Dhagartooda. (51) Wuxuu yidhi
Xaakimkii xaalkiinu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa waxayna Dhaheen
Eebaa xumaan ka nasahane kuma ogin xumaan, Waxayna tidhi Haweenaydii Wasiirka
hadduu cadaaday Xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna runbuu sheegi. (52) Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan Khayaamin isagoo
maqan iyo inuusan Eebe toosinin dhagarta Khaa'imiinta.