Juz'
13
(53) mana
bari yeelayo
naftayda naftu waa farid Badanta Xumaanta Naxariis Eebahay mooyee Eebahayna waa
dambi dhaafe naxariista. (54) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee (talinta) markuu La hadlayna wuxuu yidhi adigu maanta agtannada
waxaad ku tahay Sharafle aamina. (55) wuxuuna yidhi
Yuusuf iga yeel Masuulka Khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe. (56) saasaan u makaninay Yuusuf dhulka (Masar) kagana tasarufi oo degi meejuu doono, waxaan gaadhsiinnaa
Naxariistanada ciddaan doonno mana dhuminaynno Ajirka samo falayaasha. (57) Ajirka aakhiraana u khayrroon kuwa rumeeyey (Xaqa) oo ah kuwa
dhawrsada. (58) waxaana yimid Yuusuf Walaalihiis
wayna u soo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn. (59)
markuu darbay rarkoodii u (oofiyey miisiddii) wuxuu ku yidhi ii keena Walaalkiinna Aabbe miyeydaan
arkayn inaan oofiyo Kaylka «miiska» ahayna mid dejin fiican. (60) haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama
helaysaan hana ii soo dhawaanina. (61) waxay dheheen
waannu ka dalbi Aabbihiis waana falaynaa (sidaas). (62) wuxuuna ku
yidhi dhallinyaradiisii yeela alaabtooda (Badeecadooda) rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan
Ehelkoodii inay soo noqdaan. (63) Kolkay u noqden
Aabahood waxay dhaheen Aabaw waa naloo diiday Beegidda (hadda
kadib haduuna walaalkood raacin) ee nala dir
Walaalkanno aan miisannee Annaguna waanu Ilaalin isagee. (64)
Wuxuuna yidhi Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis
horay, Eebaa u khayrroon Dhawre waana Naxariis badane. (65)
Markay fureen Alaabtoodii waxay ka heleen Badeecadoodii oo loo soo celiyay,
Waxayna Dhaheen aabow maxaan rabnaa tani waa badeecadeenii oo laynoo soo
celiyay Waxaanu u Shamadsanaynaa Ehelkeenna Waxaan ilaalinaynaa Walaalkanno
waxaana korosanaynaa miisid riti Taasina waa beegid sahlan. (66) Wuxuuna yidhi (Yacquub) idinla diri maayo intaad Ballan Eebe iga siisaan inaad
iikeenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee, markay siiyeen Ballankiina wuxuu
yidhi ilaahay waxaynu sheegi waa u WakiilShaahida. (67)
Wuxuu yidhi Wiilashaydow ha ka galina (Magaalada) irrid kaliya ee ka gala irido kala Tagsan, Waxna idiinkama
tarayo xagga Eebe, Amarka cidaan Eebe ahayn maleh, isagaan talo saartay isaga
uun ha talo saarteen kuwa wax talo saaran. (68) Markay ka
galeen meeju faray Aabahood ma ahayn wax Eebe xagiisa wax uga tari ee waxay
ahayd Dan Nafta (Nabi)
Yacquub ku sugnayd oo uu Gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon Barray
dadka badankiise ma oga. (69) Markay u galeen
Yuusuf wuxuu Dhaweeyay Walaalkiis Wuxuuna ku yidhi Anigu walaalkaabaan ahay ee
haka Murugoon Waxay faleen. (70) Markuu darbay
Safarkoodii wuxuu yeelay Galaaskii walaalkii Rarkiisa, Markas waxaa Dhawaaqay
mid Dhawaaqi Safaryahaw Tuugaad Tihiin. (71) Waxayna dhaheen
intay soo Qaabileen maxaad waydeen. (72) Waxayna dhaheen
Saacii Xaakimka ciddi keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah. (73) waxayna dheheen Eebaan ku dhaaranaye waad ogtihiin
inaanaan u imaanin inaan fasaadinno Dhulka Tuugana aanaan ahayn. (74) waxayna dheheen (Qoomkii Yuusuf) waa maxay Abaalkiisu haddaad Been sheegaysaan. (75) waxay dheheen Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa
saasaana ku abaal marinnaa Daalimiinta. (76) wuxuuna ka
billaabay (Fatashihii Yuusuf) Alaabtoodii
Walaalkii Alaabtiisa ka hor markaasuu ka soo bixiyey Weelkii Walaalkiis,
saasaana u baray kaydkaas yusuuf mana ahayn mid ku waadan kara walaalkiis
diinta Boqorka in Eebe doono mooyee, Waxaan kor yeelaa darajada ciddaan doono,
Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe) (77) waxayna dheheen
(Yuusuf Walaalihiis) hadduu xaday waxaa
xaday mar hore Walaalkiis, markaasuu Yuusuf u Qarsaday Naftiisa oosan u muujin,
wuxuuna yidhi idinkaa ka shar badan Eebana waa ogyahay waxaad sheegeeysaan. (78) waxayn dheheen wasiirow wuxuu leeyahay (Wiilku) Aabbo wayn oo oday
ah ee qaado midkanno badalkiisa waxaan kugu aragnaa samo falee. (79) wuxuuna yidhi magan Eebe inaan waadanno midkaan ka
hellay alaabtannadii agtiisa mooyee, markaas daaliminiinbaan noqonaynaa. (80) markay ka quuesteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi wuxuuna
yidhi kii u waynaa waad ogtihiin in aabbihiin ballan adag idinka waaday iyo
inaad horay ugu xadgudubteen yuusuf anugu dhulkan kama
tagayo inta Aabbahay iga idmi ama Eebe i xukumi isagaa Xukun fiicane. (81) wuxuun ku yidhi ku noqda Aabbihiin waxaadna dhahdaan
Aabbow Wiilkaagii wuu xaday, mana furaynno waxaan ognaannay mooyee, mana nihin
kuwo waxa maqan illaliya (og). (82) waydiina
magaaladaan ahayn iyo safarkaan la soo noqonnay annaguna runbaannu sheegi. (83) wuxuuna yidhi saas ma aha ee waxay idiin qurxisay
naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa
samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebe inuu ii keeno dhammaan illeen isagaa oge
falsan ehe. (84) wuuna iskaga jeedsaday xaggooda
wuxuuna yidhi walbahaarkay Yuusufow waxayna la caddadeen indhihiisu Walbahaar
wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan. (85) waxayna dheheen
dhaar allee ma daynaysid sheegidda Yuusuf intaad ka tabar gabtid ama ka
halaagsantid. (86) wuxuuna yidhi waxaan uun u sheegan
xusnigayga iyo walbaharkayga Eebe, waxaana ka ogyahay xagga Eebe waxydaan
ogayn. (87) (Wuxuu
yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf iyo
Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe
qoom gaala ah mooyee. (88) markay u soo
galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo
Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda
nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee. (89) wuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf
iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina. (90) waxayna dheheen
oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa
Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca
Ajirka samofalayaashee. (91) waxay dheheen
dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn. (92)
wuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo
isagaa Naxariis badane. (93) la taga
qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena
Ehelkiinna dhammaan. (94) markuu safarkii
soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii
«Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn. (95) waxayna dheheen
adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii
Yuusuf). (96) markuu yimid
kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi
miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn. (97) waxayna dheheen Aabbow nooga dhaafid warso dambigannaga
waan gafsanayne. (98) wuxuuna yidhi waan idiinka
dambi dhaaf warsandoonaa Eebahay isagaa dambi dhaafe Naxariista ehe. (99) Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay Labadiisii
Waalid, Wuxuuna yidhi gala Masar Eebe hadduu Doono idinkoo aamina. (100) Wuxuuna u koryeelay labada waalid Kursigii, Waxayna
ula hoobteen Sujuud, «Salaan» wuxuuna yidhi Aabbow waatan Fasirkii Riyadaydii
horay, Wuxuu ka yeelay Eebahay Xaq (sugan) wuuna ii Wanaag falay Markuu iga soo Bixiyay Xabbiska
idinkana keenay Baadiyaha Kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo Walaalahay
Dhexdanada Eebahayna waa u turaha wuxuu Doono waana Oge falsan. (101) Eebow waxaad i siisay Xukun Waxaadna i bartay
Fasiraadda riyada, Eebaha abuuray Samooyinka iyo Dhulkow adaa wali (Gargaare) ii ah aduun iyo
Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina Haleeshii kuwa suuban. (102) Kaasi waa wararka wax Maqan Annagaana Kuu Waxyoon,
Mana aadan ahayn Agtooda Markay kulmayeen Amarkoodii iyagoo Shirqooli, (103) Dadka badankiisna ma Rumaynayaan aad kuba Dadaashide. (104) Wax ujuura ahna kama
Warsanaysid (Xaqa) waa
uun waanada Caalamka. (105) Badanaa
Calaamad samooyinka iyo Dhulka oo ay Marayaan iyagoo ka Jeedsan. (106) Mana rumaynayaan Badankoodu Eebe iyagoo la Wadaajin
mooyee. (107) Ma waxay ka Aamin noqdeen inay u
timaado MasiiboCadaabka Eebe ama ugu Timaado Saacaddu Kado iyagoo ogayn. (108) Dheh tan waa waddadayda (xaqa
ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Eebe anoo Ku sugan Xujo cad aniga iyo inta i raacda,
Waxaana Nasahay Eebe, kamidna ma ihi Mushrikiinta. (109)
Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan Rag loo Waxyoodo ahayn o Ehelka
Magaalooyinka miyayna soconin Dhulka oo ay Fiiriyaan siday noqotay Cidhibta
Kuwii ka horeeyay, Daarta Aakhiro yaana u khayrroon kuwii Dhawrsadayee
Miyaydaan kasayn. (110) markay Quusteen
Rasuuladii una Maleeyeen in la beeniyay waxaa U yimaadda gargaarkanaga waxaana
korinaynaa ciddaan doono lagamana celiyo Ciqaabtannada Qoomka Danbiilayaasha
ah. (111) Waxaa ugu sugan Qisadooda waano
Kuwa Caqliga leh, mana aha Sheeko la Been abuurtay Waase urumayn wixii ka
horeeyay (oo Kutubtii Xaqa ahayda) iyo Caddaynta Wax kasta iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddi
Rumayn Xaqa.
Ar-Ra'd
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xarfaha hore oo kale waan soo
Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka
Badankiise ma Rumaynin. (2) Eebe waa kan
koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga,
Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban,
Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin
yaqiinsataan. (3) Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro,
iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa
Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri. (4) Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku
dhaw) iyo Bustaan Cinaba iyo Beer iyo Timir oo
Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo Biyo kaliya Waxaana ku
kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar
qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi. (5) Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan
noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo
Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari. (6) Waxayna kaa
Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u
danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane. (7) waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin
waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid
kastana waxay leedahay Hanuuniye. (8) Eebaa og waxay
ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay
kordhin (Dhicis iyo Shin) wax
kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay. (9) wuxuuna ogyahay
wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax
kasta). (10) waana isku mid
kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii
Muujiya Maalintii. (11) wuxuuna
leeyahay (Ruux kasta) kuwo
ku isbedela (Malaa'ig) oo
hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax
dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la
doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare. (12) Eebe waa kan
idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa
daruurta culus. (13) wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku
Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe, wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa
cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay. (14) Eebe waxaa u Sugnaaday Baryo (iyo
Cibaado) Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma
ajiibaan (kuwa baryi) sida
mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan,
Baryada Gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha. (15)
waxaa Ilaahay u Sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka
Ogolaansho iyo Qasab iyo Hooskooda aroor iyo Galbihiiba. (16)
waxaad dhahdaa yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe,
waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma
egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u
yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday
Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan. (17) wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray
waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku
huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe
ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa
dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha. (18) kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la
mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa
Jahannamo iyadaana u xun gogol. (19) cid og in waxa
laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la',
waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh. (20) ee ah kuwa
Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag. (21)
ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood
kana cabsada xisaab xun. (22) ee ah kuwa u
samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku
arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas
cidhib fiican yaa u sugnaatay. (23) waxaana gali
jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo
caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta. (24)
iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag
badan cidhibta daarta (Janno). (25) kuwa buriya
Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo
fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun. (26) Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku
farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda
waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn. (27) waxay dhihi
kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa
xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo
xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u
noqota. (28) ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna
xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu. (29) ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u
sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan. (30)
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu
waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee
Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon. (31) haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn
dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa
Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh,
miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka
dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto
meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo
ballanka. (32) waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka
horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday
noqotay ciqaabtaydii (Way darrayd). (33) cid ku ilaalin
naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe
Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga
warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma aha ee waxaa
loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey Jidka, cid Eebe
dhumiyeyna ma laha wax hanuunin. (34) waxayna mudan
cadaab nolosha adduun, cadaabka aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka
Ilaalin. (35) tusaalaha (Tilmaanta) jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan
Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa
dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar. (36) kuwaan siinnay
Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo
diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebe una
shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon. (37)
saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu
cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid xagga
Eebe gargaare iyo dhawre. (38) waxaan dirray
hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama
imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay. (39) eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana
waxaa ah Looxul maxfuudka. (40) haddaan ku
tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa
saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun
korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno. (41) miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo
nusqaamin furid (ama Abaar)
Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay
xisaabtiisu. (42) waxaa wax dhagray kuwii ka
horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto,
waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican. (43)
waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu
filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.
Ibrahim
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xarfaha hore oo kale waa
la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga
bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee
la Mahadiyo. (2) Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo
Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (3) oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya
(Dadka) Jidka Eebe lana
dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (4)
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna
baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin
cidduu doono, waana adkaade falsan. (5) waxaan la dirray
(Nabi) Muuse
Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi»
Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (6) iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta
Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin
cadaab (Daran) Xun
oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (7) iyo markuu
Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna
cadaabkaygu waa daranyahay. (8) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad
Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (9) miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux,
Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin
waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray
annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran. (10) waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee
abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna
dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin
waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn,
waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno
noo keena xujo cad. (11) Rasuulladii
waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku
mannaysta (khayr)
cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe
mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (12)
maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku
samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid). (13) waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna
ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago
daalimiinta. (14) dajinna idinka dhulka kuwaas ka
dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata
gooddigayga. (15) wayna gargaar dalbeen waxaana
khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq
diid) (16) waxaana ka
horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka
Ehelu Naarka). (17) wuuna ku margan
mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab
adag. (18) kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la
midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl
dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (19) miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo
dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (20) arrintaasina Eebe kuma adka. (21)
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii
madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka
Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa
isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (22) wuxuuna dhahaa
shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah
anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn
oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala
naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu
waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
(23) waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican
falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe
dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (24)
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (25) oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u
yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (26)
Kalimada (Erayga)
xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa
oon sugnaan lahayn. (27) wuxuu ku sugaa
Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu
doono. (28) ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii
Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (29)
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (30) waxayna u
yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta
ahaanshihiinnu waa Naare. (31) Ku dheh addoomadayda
rumeeyey (Xaqa) ha
oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka
hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (32) Eebe waa kan Abuuray samooyinka
iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna
dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna
sakhiray Wabiyada. (33) idiinkuna
sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo
Maalinta. (34) idinkana siiyey wax kastood
warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi
badane gaalnimo badan. (35) zusuusta markuu
Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno
Sanamyada. (36) Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo
ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah. (37) Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa
Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna
arzaaq midho inay shugriyaan. (38) Eebow adugu
waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba
samada iyo dhulka (midna). (39) mahad Eebaa
iska leh ee ah kan
i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe). (40) Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda
Eebow Aqbal baryadayda. (41) Eebow ii dambi
dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu). (42) ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali
daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu. (43) oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn
aragoodu (taagmi indhuhu)
Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed». (44)
uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib
noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan
ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn. (45)
oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay
iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal. (46) iyagoo dhagar
samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la
suulaan (tagaan)
Buuruhu. (47) ee ha u malayn in Eebe baajin u
yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee. (48)
Maalin Buuna (oofin) lagu
bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah
ee awoodda sara leh. (49) Waxaadna
arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays
kulaxidhay) Biro (Naareed). (50) Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli
wajigooda naar. (51) inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta
Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu. (52)
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe
Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).