Juz'
14
Al-Hijr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Xarfaha hore waa la soo
sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. (2) Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). (3) ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo
way ogaan doonaane, (4) Magaalo la
halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno. (5)
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. (6) Waxay dhaheen kan
Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. (7)
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. (8)
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). (9) Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. (10) waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. (11) Rasuul kasta oo
u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. (12)
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha. (13)
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. (14) haddaan
uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora (15)
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray. (16) waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). (17) waxaana ka
dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. (18)
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. (19)
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka
soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. (20) waxaana idiinka
yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. (21)
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno
qaddar la ogyahay mooyee. (22) waxaana dirnaa
dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno
idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). (23) annagaa wax
looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u
hadha). (24) waxaana ognahay
kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. (25)
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. (26)
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. (27)
Jaankana (Jinniga)
waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). (28) Xusuuso markuu
ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. (29) Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu
dhaca Sujuud. (30) wayna Sujuudeen malaa'igtii
dhammaan oo Kulansan. (31) Ibliis oo
diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. (32)
Wuxuuna yidhi (Eebe)
Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. (33)
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. (34) Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu
fogeeyaye. (35) Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo
Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). (36) Wuxuuna yidhi
Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. (37)
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. (38)
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. (39) Wuxuuna yidhi
Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana
Dhumin dhammaan. (40) Addoomadaada cibaadada kuu
kali Yeelay mooyee (lana doortay). (41) Eebe wuxuu
yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal
marin). (42) Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo
Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. (43)
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. (44) Waxayna
leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). (45) kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). (46) waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. (47) waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah,
waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. (48)
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. (49) U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista
ahay, (50) iyo in Cadaabkaygu uu yahay
Cadaabka daran uun. (51) Ugana waran
dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi
Ibraahim. (52) Markay u soo galeen kuna Dhaheen
salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. (53) ooy Dhaheena ha
cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. (54)
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad
iigu Bishaaraynaysaan. (55) Waxayna dhaheen
waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. (56)
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. (57) Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo
dirayaw. (58) Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray
Qoom Danbiilayaal ah xagood. (59) Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo
Waanu korin Dhammaantood. (60) Haweenaydiisa
mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). (61) Markay u
yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray. (62)
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin. (63)
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). (64) Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. (65) Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona
Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray. (66)
Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. (67) Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). (68) Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu
ceebaynina. (69) kana dhawrsada Eebe hana i
dullaynina. (70) Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa
Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna). (71) wuxuuna yidhi
Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood
guursanaysaan). (72) Cimrigaagee
iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. (73) Waxaana qabatay
Qayladii qorrax soo baxa. (74) Waxaana ka
yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
(75) Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). (76) Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). (77) Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. (78) Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). (79) Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo
cad (oo la yaqaanno). (80) Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). (81) Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa
xageeda ka jeedsada. (82) Waxaana
ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. (83)
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. (84) Waxna uma tarin
waxay Kasbanayeen. (85) Samooyinka iyo
Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way
iman ee iska saamax saamixid quruxsan. (86) Eebahaabaa ah
abuuraha cilmiga lehe. (87) waxaan ku
siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. (88)
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon
una raarici (Jilei)
garabkaaga (macaamiladooda)
Mu'miniinta. (89) waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun
ahay u dige cad. (90) sidaan ugu soo dejinay
Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). (91) ee kayeelay
Quraanka Qaybo. (92) Eebahaa baan ku dhaartaye waan
warsanaynaa dhammaantood. (93) waxay falayeen.
(94) ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. (95) anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. (96) ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). (97) waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay
sheegi (oo xun). (98) ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. (99) Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).
An-Nahl
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxaa yimid amarkii Eebe
Qiyaamihii (iyo ciqaab) ee
ha dedejisanina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Eebe waxay la wadaajin. (2) wuxuu ku soo dejiyaa Malaa'igta waxyi oo amarkiisa ka
mida cidduu doono oo addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee
Eebe kale jirin ee ani uun iga dhawrsada. (3) wuxuu u abuuray
Eebe Samooyinka iyo Dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin. (4) wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood
badane cad. (5) xoolahana wuu idiin abuuray
dhexdoodana waxaa ah dugaal iyo nacfi xaggeedaadna ka cuntaan. (6) quruxbaana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan
iyo markaad foofinaysaan. (7) waxaadna ugu
rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Eebihiinna
waa u ture Naxariista. (8) Fardaha iyo
Baqlaha iyo Dameeraha wuxuu (idiin ku abuuray
Eebe) Inaad kortaan iyo Qurux, Wuxuuna
abuuri Waxaydaan Ogayn. (9) Xagga Eebaana
jid toosan yahay (Hanuun), Mid
leexsanna waa jiraa (xumaanta) Hadduu Doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan. (10) Eebe waa kan
idinka soo dejiyay Samada Biyo xagiisaa laga cabaa Xagiisaana Geeduhu ka
ahaadaan aad Daajisaan (xoolaha). (11) Wuxuuna idiinku
soo Bixiyaa Beero Saytuun, Timir, Cinab iyo Wax kastoo midha ah, arrintaasna
calaamadbaa ugu sugan Ciddii fikiri. (12) Wuxuuna idiin
sakhiray Habeenka, Maalinta, qirraxda, Dayaxa, Xiddigahana waxaa lagu sakhiray
Amarkiisa, Arrintaasna Calaamooyin yaa Ugu sugan Ciddii wax kasi. (13) Iyo wuxuu idiinku abuuray Dhulka oo kala Duwan yahay
Midabkeedu, Arriintaasna Calaamad Yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan (fikiri). (14) Eebe waa kan idiin sakhiray Badda inaad ka cuntaan
Hilib cusub kalana baxdaan Qurux (Macdan) ood xidhataan, Waxaadna aragtaan doonida (Markabka) oo Dillaacin (Dabbaalan) Dehxdeeda iyo
inaad Doontaan fadliga iyo inaad Doontaan fadliga Eebe iyo Inaad ku shugridaan.
(15) Wuxuuna ku riday (sugay) Dhulka buuro inayna Idinla iilan (wuxuuna
yeelay) wabiyo iyo Wadooyin inaad ku toostaan.
(16) Iyo calaamado iyo Xiddigo ay dadku ku toosaan. (17) Cidwax abuuri Ma la midbaa mid aan wax Abuurayn
miyaydaan wax xasuusanayn. (18) Haddaad tirisaan
Nicmada Eebe ma koobi Kartaan, Eebana waa danbi dhaafe Naxariista (19) Eebe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad
Muujinaysaan. (20) waxay Caabudayaan oo Eebe ka soo
hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa. (21)
waana Mayd aan Noolayn mana oga waqtiga la soo bixin (Dadka). (22) ILaahiinnu waa
Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana Quluubtoodu way diidi (Kalinimada Eebe), wayna iskibrin. (23) waxaa sugan in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay
Muujin Eebana ma jecla kuwa iskibriya. (24) marka lagu
dhoho muxuu soo dejiyey Eebihiin waxay dhahaan waa warkii kuwii hore. (25) inay xambaaraan culayskooda «dambigooda» oo dhan
Maalinta Qiyaame, iyo culayska «dambiga» kuway dhumiyeen cilmi la'aan waxaana
xun waxay xambaaranayaan. (26) waxaa wax dhagray
kuwii ka horreeyey markuu Eebe (amarkiisii) uga yimid xagga Asaaska (Tiirarka) waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid
cadaab meelayan ogayn. (27) ka dibna
maalinta Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi aaway shura- kadaydii aad ku doodayseen
dhexdeeda, kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey (Culimadii) dulli iyo xumaan maanta wuxuu saaranyahay Gaalada. (28) ee ah kuway oofsan Malaa'igtu iyagoo dulmiyey naftooda,
waxayna Muujiyaan hogaansi iyagoo dhihi maanaan ahayn kuwo xumaan fala, saas ma
aha ee Eebe waa ogyahay waxaad falayseen. (29) ee ka gala
irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan Hooyga kuwa
iskibriya. (30) Waxaa lagu Dhahaa kuwa dhawrsaday
muxuu soo Dejiyay Eebihiin Waxayna dhahaan Khayr, Kuwa Sama falay adduunyadana
waxay mudan wanaag Daarta aakhiraana u Khayrroon waxaana wanaag Badan daarta
mutaqinta (Kuwa dhawrsaday). (31) Waa jannada cadnin oy gali oy soconna dhexdeeda
Wabiyaashii waxayna ka heli waxay doonaan, Saasuuna Eebe ku abaal mariyaa kuwa dhawrsada.
(32) Ee ah kuway oofsato Malaa'igtu iyagoo Fiican (Kuna dhihi) Nabadgalyo
korkiina ha ahaato ee Ku gala jannada Waxaad camal fali Jirteen Dartiis. (33) Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa'igtu mooyee
ama u yimaado Amarka Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin
Eebe iyagaase dulmiyay Naftooda. (34) Waxaana ku
dhacay Xumaantii waxay faleen, Waxaana ku dagay (Ciqaahtii) Waxay ku jeesi Jireen. (35)
Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay
waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna
faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad
ahayn. (36) Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul
inay caabudaan Eebe kana dheeraadaan Dhaaquutka (Cibaadada
Eebe ka sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe
Hanuuniyay, Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo
Eega siday Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha. (37)
Hadaad ku Dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo ciduu Dhumiyay mana helaan
Gargaare, (38) waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag
inuusan soo bixinayn Eebe cid dhimatay saas ma aha ee waa yabooh Eebe isasaaray
(sugan) Dadka badidiise ma
oga. (39) inuu u caddeeyo waxay isku diidanyihiin
iyo inay ogaadaan kuwii Gaaloobay inay ahaayeen Beenaalayaal. (40) haddaan doono arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy
abaato. (41) kuwii u haajiray dar Eebe intii la
dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn
hadday wax ogyihiin. (42) waana kuwa
samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta. (43)
waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh
haddaydaan wax ogayn. (44) (waxaana la dirray) xujooyin iyo Kutub
waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyey,
inay fikiraan. (45) ma aamin bay ka noqdeen kuwii
dhagarta falay in Eebe la gooyo Dhulka, ama uga yimaaddo cadaab meelayna
filayn. (46) ama ku qabto Eebe gadgadoonkooda
mana aha kuwa Eebe daaliya. (47) ama ku qabto
Nusqaamin (iyo cabsi)
iyagoo ku sugan, Eebihiinna waa u Ture Naxariista. (48)
Miyeyna Arkayn wuxuu Eebe Abuuray oo u iilan Hooskiisu Midig iyo Bidix Sujuud
Eebe dartiis iyagoo u Khushuucsan. (49) Eebe waxaa u
Sujuuda waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo dhul socoda iyo Malaa'ig
iskamana wayneeyaan (Sujuuddiisa). (50) Waxayna ka
Cabsan Eebahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro. (51)
Wuxuuna Yidhi Eebe ha Yeelanina Ilaahyo Labo ah Eebe waa uun Ilaah kaliya ee
Aniga uun iga Cabsada. (52) Eebe waxaa u
sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxaana u sugnaaday Diin (Cibaado) Joogta ah, ee nia
Eebe cidaan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan. (53) Waxa Niema ah
ood haysataan waxay ka timid Eebe markuu idin Taabsiiyo Dhibna xaggiisaad u
Qaylyeysaan. (54) Markuu idinka Faydo Dhibkana Koox
idinka mida yaa Eebahood la wadaajisa (Cibaadada). (55) Inay ka
Gaaloobaan waxaan siinnay, Raaxaysta waad Ogaan doontaan «Cidhibta Xaalkiinne».
(56) Waxay u yeelaan waxayna ogayn Qayb waxaan ku Arzaaqnay
ka mida, Dhaar Eebee waa laydin warsan (Gaaloy) waxaad Been Abuuranaysaan. (57)
Waxayna u yeelaan Eebe Gabdho waa ka Nasahanyahay, iyaguna waxay yeelan waxay
rabaan. (58) Marka Loogu Bishaareeyo midkood
Dhaddig wuxuu Noqdaa Wajigiisu Madow waIbahaarina. (59)
Wuxuuna iska Qariyaa Dadka Xumida waxa loogu Bishaareeyey, miyuu ku haystaa
Dulli misc wuxu Dhumbiyaa Dhulka, waxaa xun waxay Xukumi. (60)
Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u sugnaaday Tusaale xun, Eebana waxaa u sugnaaday
Sifada sare, waana Adkaade falsan. (61) Hadduu Eebe u
qaban Dadka Dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu
dhigi Muddo Magacaaban, markay Ajashoodu timaadana kama dib maraan Saacad
kamana hormaraan. (62) Waxayna u
yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu wanaag u
sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi). (63) Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan
camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran. (64) Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u
Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii
Rumayn. (65) Eebana waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo, kuna Nooleeya
Dhulka Abaar ka dib, Arrintaasna Calaamad yaa ugu sugan Ciddii wax maqli. (66) Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka
waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah
oo u fudud kuwa Cabbi. (67) iyo Midhaha
Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid iyo Risqi Fiican, Arrintaasna
Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi. (68) Wuxuu u
Waxyooday (ku Ilhaameeyey)
Eebahaa Shinnida ka yeelo Buuraha Guryo iyo Geedaha iyo waxay Dhistaan. (69) Markaas Cun Midho kasta xaggooda qaadna Jidadka Eebahaa
oo laylyan, waxaana ka soo baxa Calooshooda Cabbid kala duwantahay Midabkoodu
dhexdiisana waxaa ah Daawo Dadka Arrintaasna Calaamaa ugu sugan ciddii Fikiri. (70) Eebaa idin abuuray markaas idin oofsan (Dili) waxaana idinka
mida cid loo eelin (la gaadhsiin) cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba cilmi «ogaansho»
dabadiis, Eebana wax walba waa ogyahay karaana. (71)
Eebe wuu ka fadilay Qaarkiin qaar Risqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku
celiya Risqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku mid ku noqdaan ee Ma Nicmada
Eebaad diidaysaan. (72) Eebe wuxuu
idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo
farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka
Gaaloobi. (73) waxayna Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan uga hananayn Risqi Samooyinka iyo Dhulka waxba, waxna karin. (74) ee hawyeelina Eebe wax la mida Eebe wuu ogyahay
idinkuse ma ogidine. (75) Eebe wuxuu ka
yeelay tusaale Addoon la leeyahay oon Waxba karin iyo Ruux aannu ku Arzaaqnay
rizqi fiican oo u bixin qarsoodi iyo muuqaalba, Ma isku midbaa, Mahad Eebaa
iska leh, Badankooduse wax ma oga. (76) Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka
yeelay laba Nin oo midkood Af la'yahay (Mahadle) waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan wanaag ka
imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku sugan. (77) Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka,
Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta
wuu karaa. (78) Eebe wuxuu idinka soo bixiyay
Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo
Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe. (79) Miyayna arkayn
Shinbiraha loo Sakhiray Hawada samaa, Waxaana Eebe ahayna haynin, taasina
Calaamooyin yaa ugu Sugan Cidii rumayn (Xaqa). (80) Eebe wuxuu
idinka yeelay Guryihiinna xasil (Degaan) wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud
maalinta geediga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay Suufkeeda iyo
dhogarta (Geela) iyo
dhogorta (Riyaha)
Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo. (81) Eebe wuxuu
idiinka yeelay wuxuu abuuray (Geedaha) hadh, wuxuuna idiinka yeelay Buuraha Dugaal, idiinkana
yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo Qamiis Bireed idinka dhawrta (Dhibka) Dagaalka, saasuuna
idiinku Taamyeeli Eebe Nicmadiisa inaad Islaam noqotaan (Xaqa
raacdaan). (82) hadday
jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad. (83)
way garan Nicmada Eebe wayna dafiri, badankooduna waa Gaalo. (84) (Xusuusi) maalintaan ka soo bixin Umad kasta marag, markaasna aan loo
Idmayn kuwii Gaaloobay cudar daarasho, Lagana doonayn cudur daar. (85) Markay arkan kuwii Dulmi falay Cadaabka Lagama
fududeeyo xaggooda lamana sugo. (86) Markay arkaan
kuwii Gaaloobay shurakadooda waxay dhahaan Eebow kuwaasu waa Shurakadannadii
aannu Caabudi jirray Eebe ka sokow, markaasay ku soo tuureen Hadal ah idinku
Been baad sheegaysaan. (87) Waxayna u
Dhiibaan Eebe Maalintaa Hogaansiga, waxaana ka shuma waxay Been Abuuran jireen.
(88) Kuwii gaaloobay ee ka awday dadka jidka Eebe waxaan ugu
siyaadinnaa Cadaab Korka cadaabka Faasuqnimadooda Darteed. (89) (Xusuusi) Maalintaan ka soo
bixinayno Umad kasta marag Naftooda ah oon ku Keenayno (Nabiyow) Adoo marag ku ah kuwan (Umadaada) Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo
hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah. (90)
Eebe wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta qaraabada Wuxuuna reebi
Xumaan iyo Munkar iyo Gardarro, Wuuna idin Waanin inaad wax Xasuusataan. (91) Oofiya Ballanka Eebe markaad Ballantantaan hana burinina
Dhaarta ka dib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebe korkiina Kafiil (ilaaliye), Eebana waa
ogyahay Waxaad falaysaan. (92) Hana Noqonina
Sidii tii Burisay (furfurtay) Soohiddii Xoog ka dib furfurid idinkoo ka yeelan
dhaartiina Dhagar dhexdiina ah, inay ahaatay ummad mid ka badan Ummad kale,
Eebe wuu idinku imtixaami (Armakaas) iyo inuu idiin Cadeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku
diidanaydeen. (93) hadduu doono Eebe wuxuu idinka
yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu
doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen. (94)
haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirxataa
gomadi intay sugnayd ka dib ood dhadhamisaan xumaan (Cadaab) ka jeedintiinna dadka jidka Eebe darteed, waxaana idiin
sugnaaday Cadaab wayn. (95) hana ku
gadanina ballanka Eebe qiimo yar (waxba) waxa Eebe agtiisa ah yaa idiin khayrroone haddaad wax
ogtihiin, (96) waxa agtiinna ah wuu dhamaan waxa
Eebe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal marinaynaa kuwa samra (adkaysta) Ajirkooda midka
ugu fiican ee ay falsayeen. (97) Ciddii camal
fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu'mina waxaan noolaynaynaa Nolol
wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay
falayeen. (98) markaad akhiriyi Quraanka ka magan
gal Eebe shaydaan la dheereeyey. (99) isagu kuma leh
xujo kuwa Rumeeyey xaqa Eebahoodna talo saarta (100)
wuxuuse xujo ku yeeshaa kuwa ka wali yeesha iyo kuwa la wadaajiya Eebe. (101) haddaan ku badallano Aayad meel Aayad kale Eebana
ogyahay wuxuu dejin waxay dhahaan waxaad uun tahay Beenabuurte, badankooduse
wax ma oga. (102) waxaad dhahdaa waxaa ka soo
dejiyey Ruuxii Daabirka ahaa (Jibriil) xagga Eebaha xaqa ah inuu ku sugo kuwii rumeeyey xaqa iyo
hanuun iyo Bishaaro isagoo u ah Muslimiinta. (103)
Waxaan dhab u ognahay inay dhihi Waxaa bara Nabiga Quraanka dad, Carrabkay ku
leexin waa Cajami Kanna waa Lisaan (af carabi) cad. (104) Kuwaan rumayn
Aayaadka Eebe ma Hanuuniyo Eebe Waxayna Mudan cadaab daran. (105) Waxaa uun abuurta Been kuwaan rumayn Aayaadka Eebe
kuwaasuna iyaga umbaa Beenaalayaala. (106) Oo ah kuwa
Eebe ka gaaloobay rumayn ka dib (ee mudan halaag) Ruux lagu Qasbay qalbigiisuna ku Xasillanyahay iimaanka
mooyee, ruuxiise laabtiissu u Waasac noqoto (rumayso) Gaalnimo Waxaa korkooda ah Cadho Eebe, Waxayna Mudan
Cadaab wayn. (107) Arrintaasuna waa inay ka doorteen
Nolosha dhaw (ee adduun)
Aakhiro iyo Inaan Eebe hanuuninayn kuwa gaalada ah. (108)
Kuwaas Eebaa daboolay quluubtooda, Maqalkooda iyo Aragooda waana kuwa uun
Halmaansan (xaqa). (109) Waxaa sugan in kuwaasu aakharo ay Iyagu uun Khasaareen
(110) Eebahaase kuwa Hijrooday intii la fidmeeyey (la dhibay) ka dib markaas
jahaaday oo samray (adkaystay) Eebahaana intaas ka dib waa u dambi dhaafe Naxariista. (111) waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo
Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn. (112)
Eebe wuxuu tusaale ka yeelay Magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaaddo
risqigeedu (Cunnada) oo
barwaaqo ah meel kasta oo ka Gaalowday Nicmooyinkii Eebe oo Eebe dhadhansiiyey
Gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed. (113)
waxaa dhab ahaan ugu yimid Rasuul ka mida wayna beeniyeen, waxaana qabtay
Cadaab iyagoo Daalimiina. (114) ee cuna waxa
Eebe idinku Arsuqay ee xalaasha fiicana kuna shukriya Nicmada Eebe haddaad
isaga Caabudaysaan. (115) wuxuu uun
idinka xarrimay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu gawraco
waxaan Magaca Eebe ahayn, ciddii dhibaatoota (Gaajo) iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebe waa dambi dhaafe
Naxariista. (116) ha dhihina wuxuu carrabkiina ku
tilmaani been kani waa xalaal kanna waa xaaraan, inaad ku been abuurataan Eebe,
kuwa ku Been abuurta Eebe ma Liibaanaan. (117) waa Nolol yar (Adduunku) waxayna mudan
Cadaab daran. (118) kuwii Yuhuudoobay waxaan ka
xarrimay waxaan kaaga qisoonay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda
Dulmiyey. (119) markaas Eebahaa kuwa xumaan ku
fala Jaahilnimo markaas toobadkeena intaas ka dib oo suubiya Camalka eebahaa ka
dib wuu u dhaafi una Naxariisan. (120) (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa Umad «Khayr Fare» Eebe adeece Xaqa u iishe mana ka mid ahayn Mushrikiinta.
(121) Kuna shukriya Nicmada Eebe wuuna doortay wuxuuna ku
hanuuniyey Jidka Toosan. (122) waxaana siinay
Adduunka wanaag, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa Suuban. (123)
markaas waxaan kuu waxyoonay Nabiyow raac Diinta (Nabi) Ibraahim ee Toosan kama
mid ahayn Mushriikiinta. (124) Sabtida waxaa
uun looyeelay kuwii isku khilaafay, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda
Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafayeen. (125) ugu yeedh
Jidka Eebahaa si xigmada iyo Wacdi fiicana kulana dood sida u fiican, Eebahaana
wuu ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa wuuna ogyahay kuwa Hanuunsan. (126) haddaad wax ciqaabaysaan u Ciqaaba inta laydin
ciqaabay, haddaad samirtaana isagaa u khayr roon kuwa samra. (127) Samir, mana aha samirkaagu dar Eebe mooyee, hana ka
murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay Dhagri. (128)
Eebana wuxuu la jira kuwa dhawrsada wuxuuna la jira kuwa samo fala.