Juz'
16
(75) wuxuu
yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir. (76) wuxuu yidhi haddaan ku warsado
wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe. (77) way tageen intay ka yimaadaan
magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay martigaliyaan waxayna
heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey wuxuuna yidhi haddaad doonto
waxaad ka yeelan lahayd ujuuro. (78) wuxuu yidhi kan
waa kala tagii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin
inaad ku samirto. (79) markabka waxaa
lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan Ceebeeyo waxaana ahaa
hortooda xaakim ka qaata doon kasta (oo fayow) dhaca. (80) Wiilkana waxay
ahaayeen labadiisii waalid mu'miniin waxaana ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo
xadgudub iyo (gaalimo). (81) waxaana doonnay inuu ugu badalo Eebahood mid ka
khayroon daahirnimo iyo u dhawi naxariis. (82) darbigana waxaa
leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah kansi ay leeyihiin
wuxuuna ahaa aabahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebahaa inay gaadhaan
xooggooda lana baxaan kansigooda naxariista Eebahaa dartiis, uma falin
rayigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa*. (83)
waxay ku warsan Dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin
xaggiisa war (waxyi). (84) a nagaa makaninay (siinnay) xukun dhulka waxaana u sinnay wax kasta sabab (cilmi). (85) wuxuuna raacay waddo. (86)
markuu gaadhay qorrax u dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah (muuqaalka) wuxuuna ka helay
agteeda qoom, waxaana nidhi Dul qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato
wanaag. (87) wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala
waannu cadaabi (ciqaabi)
markaasaa loo celin Eebihiis wuuna cadaabi cadaab daran. (88)
ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi
amarkannaga fudayd. (89) markaasuu
raacay waddo. (90) markuu gaadhay qorrax ka soo baxna
wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aanaan yeelin sokeydeeda asturaad. (91) waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah
ogaansho. (92) markaasuu raacay waddo, (93) markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay
hortooda qoom aan garanayn hadal (af gaar ah k u
hadla). (94) waxayna dheheen
dul qarnaynow yaajuuj iyo maajuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro
inaad yeesho dehxdanada xidheen jidaar. (95) wuxuu yidhi
wuxuu imakaniyey (isiiyey)
Eebahay yaa ka kjayrroon ee iigu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene. (96) i siiya goosimo bir ah, markuu ekeeyey labada dhinac
dhexdooda wuxuu yidhi afuufa markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi i siiya aan ku
shubee maar la dhalaaliyey. (97) mana karayaan
inay ka soo kor baxaan (ka soo dhacaan) mana karayaan inay duleeliyaan. (98)
wuxuuna yidhi kan
waa naxariis Eebahay, Markuu yimaaddo yabooha Eebahayna wuxuu ka yeela burbur,
yabooha Eebahayna waa zaq (sugan). (99) waxaana ka
yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka (kale) dhexgali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa
kulmin. (100) waxaana u bandhigaynaa jahannamo
maalintaa gaalada bandhig. (101) waana kuway
indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara (maqalka) xaqa. (102) ma waxay u maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen
addoomadayda iga sokow awliyo (oy caabudaan) waana u darabnay jahannamo gaalada dagid. (103) waxaad dhahdaa ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan
camallo. (104) waa kuwuu dhumay camalkoodu
nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka. (105)
kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebahood iyo la kulankiisa oo buray
camalkoodu umana joojinno maalinta qiyaame miisan «qiimana ma leh». (106) kaasina waa abaalkoodii jahannamo gaalnimadooda
darteed, waxayna ka yeesheen aayaad kayga iyo rasuulladayda jeesjees. (107) kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso
degid, (martiqaad). (108) wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka
wareegaan (guuraan). (109) waxaad dhahdaa hadday u noqoto badda khad kalimooyinka
Eebahay waxaa dhammaan lahaa badda ka hor dhammaanshaha kalimaadka Eebahay
aaban keenno isagoo kale (oo siyaadin ah). (110) waxaad dhadha
waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa laywaxyooday in uun yahay ilaahiin
ilaah kaliya, ruuxiise dooni la kulanka Eebihiis ha falo camal fiican, yuuna la
wadaajinna cibaadada Eebihiis cidna.
Maryam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waa la soo sheegay kuwo
lamid ah. (2) (kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye. (3) markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah. (4) yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu
la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara. (5) anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna
waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad). (6) i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii
yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo. (7)
zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u
yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah). (8) wuxuu yidhi
Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka
gaadhay waynida gabow. (9) wuxuu yidhi waa
saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon
ahayn waxba. (10) wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa
inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo
fayow). (11) markaasu ugaga
soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor
iyo galabba. (12) (waxaa
loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay
xigmo isagoo yar. (13) iyo naxariis
agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade. (14)
iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah. (15)
nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo
maalinta la soo bixin isagoo nool. (16) (ku xusuuso) kitaabka maryama
markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari
ah, (bariga qudsi). (17) oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda
ruuxannagii (jibriil), oo
isugu shabahay dad eg. (18) una tidhi anigu
waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade. (19) kuna
yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah., (20) waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban
dad, ahaynna mid xun (la tuhmo). (21) wuxuuna yidhi
waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u
fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah
waana arrin la xukumay (dhammeeyey). (22) way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay
meel dheer (durugsan). (23) waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi
shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago. (24) wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu
yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar). (25) una gilgil
xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. (26) ee cun oo cab
qabowsana il (farax)
haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u
soomi oonan la hadlin maanta cidna. (27) waxayna ula
timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la
timid wax wayn. (28) haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa
ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo). (29) wayna u
ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan
Sariirilmood isagoo yar. (30) wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay
addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (31)
wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay
salaadda iyo zakada intaan noolahay. (32) wuxuuna iga
yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (33)
nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo
maalinta laysoo bixin anoo nool. (34) kaasi waa Ciise
ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin. (35)
kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun
«amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan. (36) Ilaahay waa
Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane. (37)
wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii
gaaloobay kulan maalin wayn. (38) maqli ogaa oo
arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku
suganyihiin baadi cad. (39) uga dig iyaga
maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn.
(40) annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana
laydiin soo celin. (41) ku sheeg
kitaabka (nabi)
Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah. (42) markuu ku yidhi
aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn
waxba. (43) aabow aniga waxaa ii yimid cilmi
waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa). (44) aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay
Eebaha Rasmaan ah caasi. (45) aabbow anigu
waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto
shaydaan qaraabo. (46) wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici
adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag
waligeed. (47) wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi
dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. (48)
waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay,
waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku
xumaada (khasaara). (49) markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka
soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.
(50) waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa. (51) ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah. (52)
waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
(53) waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo
nabi ah. (54) kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu
ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah. (55)
wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe
agtiisa lagaga raalli yahay. (56) kuna sheeg
kitaabka (nabi)
Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah. (57) waxaana u
koryeellay meel sare. (58) kuwaas waa
kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan
xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo
kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha
Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi. (59)
waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu
doonto (oo xun)
waxayna la kulim sharr. (60) cidda toobad
keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada
lagamana dulmiyo waxba. (61) jannooyinka
cadnin (yey gali) ee
ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan
yaboohiisu kii yimaadda. (62) kuma maqlaan
dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan
rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba. (63) taasi waa
jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada. (64) kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday
waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana
aha Eebahaa mid halmaansan. (65) waa Eebaha
samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma
u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca). (66) wuxuu dhihi
dadkii (gaalka) ma
markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool. (67) miyuuna xusuusanayn
dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn. (68)
Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa
gaararka jahannamo iyagoo fadhiya. (69) markaas
waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada). (70) annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta. (71) cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta,
arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman. (72)
Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda
iyagoo Jilbo u Fadhiya. (73) marka lagu
akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa
rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi). (74) badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo
(iyo dhar) iyo aragba. (75) waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah
fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday
xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo). (76) wuu u
siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon
meel laysu celiyo. (77) ka warran midka
ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur. (78) ma wuxuu
daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan. (79) saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u
fududaynaa (kordhin)
cadaabka fidin. (80) waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi
wuxuuna noo imaan kali. (81) waxay yeesheen
Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar). (82) saas ma aha ee
waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col). (83) miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy
boorrin (baadiyeyn)
baadi. (84) ee ha ku degdegin korkooda, waannu
uun u tirin tirec. (85) xusuuso
maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah. (86) oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo
aroora. (87) mana hantaan shafeeco cid ka
yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee. (88)
waxay dheheen (gaaladu)
wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (89) waxaad la
timaadeen wax wayn. (90) oy u dhawdahay
samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur. (91) inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (92) kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo. (93) wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe
isagoo Addoona. (94) wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.
(95) Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali
ah. (96) kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican
falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl. (97)
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka
kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo
xun). (98) Badanaa intaan
halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.
Taa-Haa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana (2) maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto. (3) waase waanada Ciddii cabsan. (4)
waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare. (5) Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta). (6) waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan
iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka. (7)
haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
(8) Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday
Magacyo Fiican. (9) ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (10) markuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa
Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka
korkiisa Cid wax tusisa. (11) markuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu
Dhawaaqay Muusow. (12) anigu waxan
ahay Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee
Dhuwa. (13) anaana ku doortay ee maqal waxa
laguu waxyoon. (14) Anigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee
ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga. (15) Saacadda (Qiyaame) way imaan waxaana
u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay. (16) ee Yuusan kaa lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda,
raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto. (17) waa maxay Taas
midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin). (18) wuxuu yidhi
iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana
kalana waa iigu sugnaadeen. (19) wuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow. (20) wuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi. (21) wuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce. (22) U Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad
Xumaan la'aan, waana Calaamad kale. (23) Inaan ku
tusinno Aayaadkanaga wey. (24) ee Aad xagga
Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray). (25) wuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta. (26)
iina Sahal (fududee)
Amarkayga. (27) Furna Guntinta Carrabkayga. (28) ha Kaseen Hadalkeygee. (29)
Iina yeel Wasiir Ehelkeyga ah. (30) Haaruun
Walaalkay. (31) Kuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga). (32) Lana wadaaji Amarkayga. (33)
Inaan kugu Tasbiixsanno wax badan. (34) oon ku Xusno
wax badan. (35) Adugu waxaad tahay mid na Arkee. (36) Wuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow. (37)
Waana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale. (38) markaan u
waxyoonay Hooyadaa (ku ilhaamay) wixii lagu ilhaameeye. (39)
ku Tuur Muuse Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido
Xeebta, waxaa qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu
barbaariyo Ilaalintayda. (40) (waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay
Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay
Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa
korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin
Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow. (41) waxaana kuu
doortay Naftayda. (42) ee La taga
Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga. (43)
Aad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye. (44) una dhaha Hadal
Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado. (45)
waxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo. (46) wuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa. (47) ee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil
hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha
ahaato Tuuxii raaca Hanuunka. (48) Annaga waxaa
Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada. (49) Wuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin
Muusow. (50) Wuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan
Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey. (51) Wuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay
Xaalkii Quruumihii hore. (52) Wuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa
Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn. (53)
Waa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo
idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala
Tagsan. (54) ee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna,
Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. (55)
Xaggeedaan (Dhulka)
idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar
Kale. (56) Waxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga
Dhamaan, wuuna Beeniyey oo Diiday. (57) Wuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola
timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow. (58)
Waxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan
Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan). (59) Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa
Maalinta Quruxda (Kulankooda)
waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin. (60) Wuuna jeedsaday
Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid. (61) Wuxuu
ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos idinku
Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta. (62)
Waxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen. (63)
Waxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni inay Idinkaga Bixiyaan
Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican. (64) ee Kulmiya
Dhagar (tiinna)
Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii Sarreysee. (65) waxay dheheen Muusow ama Tuur Usha ama aan anagu
ahaanno kuwa hor tuura. (66) wuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana
soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
(67) wuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse. (68) waxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne. (69) Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay
sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu
yimaaddo. (70) waxaa la riday Saaxiriintii iyagoo
Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse. (71) wuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin
baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana
idinku (daldali)
wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan.
(72) waxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah
iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha
adduunyo. (73) annagu waxaan rumeeynay Eebahanno
inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi. (74)
ruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana
dhinto dhexdeeda kumana noolaado. (75) ruuxiise u
yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday
Jannooyinka sare. (76) Jannooyinka nagaadiga
(yey gali) ooy socoto
dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta Ciddii
nadiif noqota. (77) waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri
Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana
cabsan (Badda). (78) waxaana raacay Fircoon (oo
wata) Colkiisii waxaana ka daboolay hirka
Xaggiisa wax daboolay. (79) wuxuuna
dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin. (80) Banii
Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtanay (ballari) dhinieii buurta ee
midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir. (81) ka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina
dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u
Hoobtay (halaagmay). (82) anigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo
rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna. (83) maxaa kaa soo
dedejiyey Qoomkaagii Muusow. (84) wuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan
raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli noqoto.
(85) wuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana
dhumiyey Saamiri. (86) markaasuu u
noqday (Nabi Muuse)
qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna
idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna
ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen
ballankaygii. (87) waxay dheheen maanaan u baajin
ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku
isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri. (88)
wuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa
Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay. (89)
miyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna). (90) wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun
laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga. (91) waxay dhaheen kama
tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse. (92) wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen. (93) inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii. (94) wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka
cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin
hadalkayga. (95) wuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow. (96)
wuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad
rasuul (malaga)
waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu. (97)
wuxuu yidhi (Muuse) tag,
waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu
sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas
waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin. (98) Eebihiin waa
uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta
ogaansho. (99) saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray,
waxaana kaa siinay agtanada quraan. (100) ciddii ka
jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi). (101) iyagoo ku
waari (ciqaabta)
dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar. (102)
waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas
iyagoo indho cawlan. (103) wayna is
warsan (xansan)
dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood) (104) anagaa og
waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee. (105) waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin
Eebahay burburin. (106) wuxuuna ka
yeeli meel siman oo ebar ah. (107) ku arki maysid
qallooc iyo taag midna. (108) maalintaas
waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha
Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee. (109) maalintaas ma
anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa
mooyee. (110) Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada
ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho. (111)
waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray
ruuxii xambaara dulmi. (112) ruuxii fala
wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo
nusqaamin midna. (113) saasaanu kugu soo dejinnay
Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado
xusuus (waano). (114) waxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku
degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii
kordhi Cilmi. (115) dhab ahaan yaan ula Ballantannay
Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan
helin niyo Adag. (116) xusuuso markaan ku nidhi
Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday. (117) waxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka
bixinin janada ood dhibbooto. (118) waxaa kuu
sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin. (119)
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin. (120) waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma
ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn. (121)
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku
dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday. (122) waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo
hanuuniyey. (123) wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u
yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma
dhumo (adduunka) mana
xumaado (aakhiro). (124) ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo
kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'. (125)
wuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii). (126) wuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu
timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan). (127) saasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn
aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan. (128) miyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood
quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
(129) haddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo
maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega. (130) ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda
Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha
habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto. (131) hawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid
ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase
khayrroon oo hadhid badan. (132) far ehelkaaga
salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh
dhawrsashada. (133) waxay dheheen gaaladii muu noola
yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku
sugnaa Kutubihii hore. (134) haddaan ku
halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri
wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga. (135) waxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda
jidka toosan iyo cidda hanuunsane.