Juz'
17
Al-Anbiyaa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xisaabtoodii iyagoo
Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan. (2) Quraankastee oo
uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari. (3) Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen
Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u
imanaysaan sixir idinkoo Arka. (4) Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og
Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah. (5)
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas
ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa
gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore. (6)
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn. (7) Maanaan Dirin
Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh
Haddaydaan wax Ogayn. (8) Kamaanaan Dhigin
(Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno
mana ahayn kuwo Waara. (9) Markaasna waxaan
u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay
Xadgudbayaasha. (10) Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab
Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn. (11)
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale. (12)
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari. (13)
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u
Dhawdahay in wax laydin warsadee. (14) Waxay Dhaheen
Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin. (15) Saasna kuma
tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya. (16) Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u
Dhaxeeya Anagoo Ciyaari. (17) Haddaan Doono
Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno. (18) Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa,
waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan. (19)
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe
Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan. (20)
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan. (21)
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya. (22) Hadday yihiin dhexdooda (Samada
iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa
ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami. (23)
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan. (24)
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna,
kana waa (quraanka) sheegi
waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna
ka Jeedsan. (25) Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u
waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda. (26)
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo. (27) kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku
Camalfalaan. (28) wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo
Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay
la Baqaan. (29) ruuxii dhaha oo ka mid ah
Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo,
saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (30) miyeyna arkayn
kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala
Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn. (31) waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo
Waddooyin ah, inay ku Toosaan. (32) waxaana ka
yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan. (33) Eebe waa kan
Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu
Dhexdabbaalan. (34) maanan yeelin Dadka ka horreeyey
kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu). (35) Naf kastaa
waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed,
xagganagaana laydiin soo Celin. (36) markay ku
arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna
iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana. (37) waxaa
laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina. (38) waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan. (39)
hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo
Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen). (40) waxayse ugu
imaan (naartu) si
kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo. (41) waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana
ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen. (42) waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba
Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood. (43)
ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay
caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan
galiyo. (44) Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay
kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku
imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag. (45) Waxaad Dhahdaa
waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi.
(46) Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay
Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,. (47) Waxaannu u
Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba,
haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye. (48) Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada. (49)
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan. (50) Kan
(Quraankuna) waa Quraan la
Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga. (51)
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn. (52) Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay
Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan). (53) waxay Dheheen
waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi. (54) Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku
Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad. (55)
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa
Ciyaari. (56) Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha
Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka
Marag Kici. (57) Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri
Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi. (58)
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu). (59) waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi
waa Daalime. (60) Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay
Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim. (61) Waxay Dheheen
keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan. (62)
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow. (63) Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya
Iladday Hadli. (64) Markaasay u Noqdeen Naftooda
waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina. (65)
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn. (66) Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan
Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn. (67) Ufbaa laydin
Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn. (68) Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad
wax Falaysaan. (69) Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo
Nabadgalyi Ibraahim. (70) Waxay la
Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray. (71)
Waannu u Korinay (Nabi)
Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam). (72) Waxaan Siinay
Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban. (73) Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana
u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna
ahaayeen kuwo Na caabuda. (74) (Nabi) Luudhna waxaan
Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo
waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina. (75) Waxaana Galinay
Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban. (76) (Nabi) Nuuxna waa
Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo
Ehelkiisaba Murugadii Waynayd. (77) Waana uga
Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana
Maanshaynay Dhammaantood. (78) Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay
Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka). (79) Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay
Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo
Shimbiraha, waana Fallaa «karraa». (80) Waxaana Barray
Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo
Mahadin. (81) Suleymaanna waxaan u Sakhirray
Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan
Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og. (82)
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna. (83) (Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo
Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna
waxaad Tahay Naxariis Badane. (84) Waana Ajiibnay
Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid
ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka. (85)
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.
(86) Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid
ahaayeen kuwa Suuban. (87) Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay
isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay
Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka
Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah. (88) Waana Ajiibnay
kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta. (89)
Zakariyana (Xusuuso)
markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u
Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee». (90) Waana Ajiibnay
waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen
kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen
kuwa Noo Khusuuca. (91) Tiina (Xusuuso) Dhawrtay
Xubinteedaa waa (maryama) oon
ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda
Caalamka. (92) Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya
Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda. (93) waxayse isku
Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin. (94) Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo
Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa. (95) Waxaa ka
Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor». (96) Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey
ka soo Deg degi. (97) Waxaa Dhawaaday Yaboohii
Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee
waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan
Waxaanse ahayn Daalimiin. (98) Idinka iyo
waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo
idinkuna waad ku Arooraysaan. (99) Hadday Yihiin
kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari. (100)
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan. (101) kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda
waa laga Fogayn. (102) mana Maqlaan Shanqadteeda
iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari. (103)
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa
Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay. (104) waana
Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku
Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah,
annagaana Falna saas. (105) Dhab ahaan
waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban. (106) kan
Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe). (107) kumana aanaan
Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee. (108) Waxaad Dhahdaa
waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku
Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan). (109) Haddayse
Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin
Yaboohay. (110) Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala
Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan. (111)
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo. (112) Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto
waxaad sheegaysaan.
Al-Hajj
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dadaw ka Dhawrsada
Eebihiin Maxaayeelay Gilgilashada Saacadda (Qiyaame) waa wax wayn (Daran). (2) Waana Maalintaad
Arkaysaan Iyadooy Halmaami Mid wax Nuujisa Dhammaanteed waxay Nuujinaysay, ooy
Dejin (Tuuri) mid
Kastoo Uur leh Uurkeeda, waxaadna Arkaysaa Dadkoo Waalan, mana aha kuwo (dhab) u Waalan ee
Cadaabka Eebaa Daran. (3) Dadka waxaa ka
mid ah Ruux ku Murmi Eebe Cilmi la'aan oo raaci Shaydaan kastoo Madax Adag. (4) Waxa loo Qoray (Shaydaan) Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna Toosiyo Cadaabka (5)
Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro,
Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin
si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono Tan iyo Muddo
Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas inaad Gaadhaan
Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin
intay wax Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo
Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc
kastoo Quruxsan. (6) Tassna waxaa ugu Wacan in
Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo. (7) Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu
soo Bixin waxa Qubuuraha ku Sugan. (8) Dadka waxaa ka
mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo Kitaab wax Nuurin
la'aantiis. (9) oo Dadbi Luqunta (Iskibrin) inuu ka Dhumiyo
Jidka Eebe, wuxuu Mudan Adduunyada Dulli waxaana Dhadhansiin Maalinta Qiyaame
Cadaab wax Guba. (10) Taasna waa waxay Ilor
marsatay Gacmahaagu, Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. (11)
Waxaa ka mid ah Dadka mid u Caabudi (Eebe) Dhinac (Shaki) Hadduu soo Gaadho Khayra Xasili, Hadduu soo Gaadho
Imtixaan (Dhibna) u
Gabdooma Wajigiisa (Gaalooba) wuxuu Khasaariyey Adduun iyo Aakhiraba Kaasina waa
Khasaaraha Cad uun. (12) Wuxuu Caabudi (Baryina) Eebe ka Sokow
waxaan Dhibayn Anfacaynna Kaasina waa uun Baadida Fog. (13)
Wuxuu Caabudi wax Dhibkiisu ka Dhawyahay Naefigiisu, isagaa u Xun Sokeeye una
Xun la noolaadi. (14) Ilaahay wuxuu Galiyaa kuwa
Rumeeyey (Xaqa) oo
Falay Camal Fiican Jannooyin ay Socoto Dhexdeeda Wabiyaal, Eebana wuxuu Falaa
wuxuu Doono. (15) Ciddii u Malayn Inuusan u
Gargaarayn Eebe Nabigiisa Adduun iyo Aakhiraba ha u Fidiyo Xadhig Xagga Samada
hana isku Gooyo (Marjiyo) hana
dayo inay Dhagartiisu Tegiiso waxa Cadho Galin. (16)
Saasaana kuugu soo Dejinay Aayaad Cad Eebana wuxuu Hanuuniyaa Cidduu Doono. (17) Kuwa Rumeeyey (Xaqa) iyo Kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'inta (Xiddigaha
Caabuda) iyo Nasaarada iyo Majuusiga iyo
Mushrikiinta Eebaa kala bixin Dhexdooda Maalinta Qiyaame, Eebana wax kasta wuu
Arkaa. (18) Miyaadan Arkayn inay Eebe u Sujuudi
waxa Samooyinka iyo Dhulka iyo Qorraxda iyo Dayaxa iyo Xidigaha iyo Buuraha iyo
Geedaha iyo Xayawaanka iyo Waxbadan oo Dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday
Korkooda Cadaab, Ruuxuu Ihaaneeyo Eebana ma laha wax Sharrifi, Eebana wuxuu
Falaa wuxuu Doono. (19) Labadani waa
Doodayaal, waxayna ku Doodeen Eebahood, kuwa Gaaloobay waxaa loo Goyn Maryo
Naar ah waxaana Lagu Shubi Korkooda Biyo Kulul. (20)
Waxaana lagu Gubaa (Lagu Dhalaaliyaa) waxa Caloosha ku Jira iyo Jidhka (Haraga). (21) waxay Mudan
Budhadh Bir ah. (22) Markastooy Doonaan inay ka Baxaan
Xaggeeda Walbahaar Dartiis waa lagu Celiyaa Dhexdeeda (waxaana
la Dhahaa) Dhadhamiya Cadaabka Gubidda. (23) Eebana wuxuu Galiya kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Fala Camal Fiican Jannooyin ay Dureeri Dhexdeeda
Wabiyaal, waxaana, Loogu Xidhaa Dhexdeeda Jinjimo Dahab ah iyo Jawhar,
Dharkooduna Dhexdeeda waa Xariir. (24) Waxaana lagu
Hanuuniyey Wanaagga Hadalka waxaana lagu Hanuuniyey Jidka la Mahdiyo/ (25) kuwa Gaaloobay oo ka Celiya Jidka Eebe iyo Masaajidka
Xurmaysan ee looga Yeelay Dadka Sinnaan mid ku Nagi iyo mid Meel ka yimidba
cidii la Doonta Dhexdiisa Leexin Dulmi ah (Xumaan) waxaanni Dhadhansiin Cadaab Daran. (26) (Xusuuso) markaan u Muujinay
Nabi Ibraahim Meeja Baytja (Kacbada) Annagoo ku Dhihi Ha la Wadaajin Eebe (Cibaadada) waxba, u Daahirina Gurigayga kuwa Dhawaafi iyo kuwa Taagan
iyo kuwa ku Rukuucsan ee Sujuudsan. (27) Ogaysiina Dadka
Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman
Jaha kasta oo Dheer. (28) inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda
Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah Xayawaanka
nicmoolayda, ca Cuna Xaggeeda Quudiyana kan
Dhibaataysan ee Faqiirka ah. (29) markaas ha
Dhammeeyeen hasaastooda, hana Oofiyeen nadorkooda, hana Dhawaafeen Baydka
Horeeyey. (30) Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu
Reebay Eebe Saasaa u Khayrroon Eebihiis Agtiisa, waxaana laydiin banneeyey
Nicmoolayda waxa Laydinku akhriyo Mooyee, ee ka Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada
kana Dheeraada Hadalka Beenta ah. (31) Idinkoo u
Toosan Eebe oon Mushrikiin ahayn, Ruuxii u Shariig yeela Eebe wuxuu la mid
yahay mid ka Soo Dhacay Samada oy Dafi Shimbirtu ama ay ku Tuuri Dabaysho Meel
Dheer oo halaag ah. (32) waa Saas Ruuxii
wayneeya Amarada Eebe (Sharcigiisa) taasi waa dhawrsashada Quluubta. (33)
waxaa idiinku Sugnaaday (hadiyada) Nacfi Tan iyo Muddo Markaas. waxay ku Dhammaan Baydka
Horeeyey. (34) Ummad kasta waxaan u yeellay
Cibaado (Ciid) inay
ku Xusaan Eebe wuxuu ku Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa
Ilaah kaliya ee u Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee
Cabsada) ee ah. (35)
Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee
Ooga Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (36)
Loogga (Hadyada)
waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan
Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U
dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba,
Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan. (37)
Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna,
Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey
una Bishaaree kuwa Wanaagga Fala. (38) Eebana wuu
Daafacaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) Eebana ma Jecla mid kastoo Khayaamo Badan oo Gaalimo
Badan. (39) waxaa loo Idmay kuwa lala
Dagaallami (inay Dagaalamaan) maxaayeelay
waa la Dulmiyey Eebena Gargaarkooda wuu Karaa. (40)
waana kuwa laga Bixiyey Guryahoodii xaq Darro iyo Inay Dheheen Eebahanno waa
Ilaahay, haddayna Jirin ku Daficidda Eebe Dadka Qaarkood Qaar waxaa la Dumin
lahaa Macaabidda Yuhuud, iyo Biyac Kaniisadaha, iyo Kaniisadda Dad kale, iyo
Masaajidda lagu Xuso Dhexdeeda magaca Eebe wax badan, wuuna u Gargaari Eebe
Cidii u Gargaarta (Diintiisa) Eebana waa Xoog Badane Adkaada. (41)
waana kuwa Haddaan Makanino Dhulka Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Fara Wanaagga
oo ka Reeba Xumaanta, Eebaana iskale Cidhibta Arrimaha. (42)
Hadday ku Beeniyaan waxaa Beeniyey Ilortood Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Caad iyo Thamuud. (43)
iyo Qoomkii (Nabi)
Ibraahim iyo Qoomkii (Nabi) Luudh. (44) iyo Ehelkii
Madyan, waana la Beeniyey (Nabi) Muuse, waana Sugay Gaalada markaasaan Qabtay ee see noqday
Ciqaabkii. (45) maxay Badantahay Magaalo aan
Halaagnay iyadoo Gardaran iyaduna u Dhacday Darbiyadeedii iyo Ceel la Halleeyey
iyo Daar wayn (markii la Halaagay Dadkii). (46) Miyeyna ku
Soconin Dhulka oy u Ahaato Quluub ay wax ku Kasaan ama Dhago oy wax ku Maqlaan,
Indha Beelka Dhabta ahna waa Indho Beelka Quluubta ku Sugan Laabta. (47) waxay Dedejisan Cadaab mana Baajinaayo Eebe Yaboohiisa,
Maalin Eebe Agtiisana waxay la mid tahay kun Sano oo waxaad Tirinaysaan. (48) Badanaa Magaalo aan u Sugnay iyadoo Daalimad ah,
Markaas aan Qabtay Xaggayga Umbaana loo Ahaan. (49)
waxaad Dhahdaa Dadow waxaan uun Anigu idiin ahay Dige Cad. (50)
kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay
Camal Fiican waxay mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno). (51) kuwa u Socda (Xumaanta) Aayaadkanaga iyo (isku dayi) inay na daaliyaan
kuwaasu waa Ehelka Jaxiimo. (52) Rasuulkastoon
Dirray ama Nabi Hortaa, markuu wax Akhrin waxbuu ku Tuuraa Shaydaanku
Akhriskiisa, markaasuu Baabi'yaa Eebe wuxuu Tuuri Shaydaanku wuxuuna Sugaa
Aayaadkiisa, Eebana waa Ogaade Falsan. (53) si uu uga yeelo
waxa Shaydaanku Tuuri Fidmo kuwa Quluubtoodu Bugto ee ka Ingagan Quluubta
Daalimiintuna waxay ku Suganyihiin Khilaaf (Baadi) Fog. (54) inay Ogaadaan
kuwa Cilmiga la siiyey «Mu'miniintu» innu yahay Xaq Eebe ka yimid (Quraanka) oy Rumeeyaan, oy u
Khushuucdo Dartiis Quluubtoodu Eebana wuu ku hanuunin kuwa Rumeeyey (xaqa) Jid Toosan. (55) kana tagaan kuwa gaaloobay Shaki intay ugu Timaaddo
Saacaddu Kado ama u yimaaddo cadaab Maalin daran. (56)
Xukunka Maalintaas Eebaa iska leh, wuuna kala Xukmin Dhexdooda, kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal
Fiican waxay Gali Janada Naciimo. (57) kuwa Gaaloobay
oo beeniyey Aayaadkanagana kuwaas waxaa u Sugnaaday Cadaab wax Dulleeya. (58) kuwa ku Hijrooday Jidka Eebe Haddana la Dilo ama dhinta
wuxuu ku Arzaaqi kuwaas Eebe Rizqi Wanaagsan, Eebana waa ku Khayrroon yahay
Rizqigiisu. (59) wuxuuna Galin Meel ay ka Raalli
Noqon (Janno)
Eebana waa Oge Dhulbadan. (60) waa saas,
Ruuxii Ciqaaba inta la Ciqaabay oo kale Markaas la gardaraysto wuu u Gargaari
Eebe, Eebana waa Cafiye Dhaafa. (61) waxaana ugu
wacan in Eebe Galiyo Habeenka Maalinta Galiyana Maalinta Habeenka, Eebana waa
Maqle Arka. (62) waxana ugu Wacan Taas in Eebe Xaq (Sugan) yahay, waxay
Caabudi oo ka soo Hadhayna Baadil yahay, Eebana yahay Sarreeye Weyn. (63) Miyeydaan Ogayn in Eebe ka soo Dejiyo Samada Biyo oo
ahaado Dhulku Cagaar, Eebana waa Oge Xeel Dheer. (64)
Waxaa u Sugnaaday Eebe waxa Samaawaadka ku Sugan iyo waxa Dhulku ku Suga,
Eebana waa Hodan Mahadsan. (65) Miyeydaan ogayn
in Eebe idiin Sakhiray waxa ku sugan Dhulka iyo Markabka Socda Badda Dhexdeeda
Amarka Eebe, wuxuuna ka Hayaa Samada inay ku dhacdo Dhulka Idinka Eebe mooyee,
Eebana Dadka waa u Naxariis badane. (66) Eebana waa kan idin Nooleeya,
Haddana idin Dila haddana idin Nooleeya Dadkuna waa Diidmo badane (Nicmada Eebe). (67) Umaad kasta waxaan u yeellay Hab Cibaado oy ku
Cibaadaysan ee yeyna kugula Doodin Amarka (Xaqa) uguna yeedh Xagga Eebahaa Adigu waxaad ku Sugantahay
Hanuun Toosane. (68) Hadday kula Doodaan waxaad dhahdaa
Eebaa Og waxaad Falaysaan. (69) Eebana wuu kala
Xugmin Dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafsanaayeen. (70) Miyaadan Ogayn in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samada iyo
Dhulka, Arrintaasna waxay ku Sugantahay Kitaab, Arrintaasuna Eebe waa u
Fududahay. (71) Waxay Caabudi Eebe ka sokow
Wuxuusan u soo Dejini Xujo oyna u Lahayn cilmi, umana Sugna Daalimiinta
Gargaare. (72) Marka lagu Akhriyo korkooda
Aayaadkanaga oo Cad cad waxaad ka Garataa Wajiyada kuwa Gaaloobay Diido,
waxayna u Dhawyihiin inay ku Boodaan (Dhibaan) kuwa ku Akhrin Aayaadkanaga, waxaad Dhahdaa Maydiinka
Warramaa wax ka Shar badan Taas, waa Naar u Darbay Eebe kuwa Gaaloobay,
Iyadaana u Xun Meel Loo Ahaado. (73) Dadow waxaa
layeelay Tusaale ee Dhagaysta, kuwaad Baryeysaan (Caabudaysaan) Eebe ka Sokow ma Abuuraan Daqsi haba u Kulmeene, Hadduu ka
Qaato Daqsi waxna kama Ceshadaan waxaa Tabar yar kan
wax Dooni iyo kan
la Dooni. (74) Mayna Waynayn Eebe Mudnida
Weynidiisa, Eebana waa Xoog Badane Adkaada. (75)
Eebe wuxuu ka Doortaa Malaa'igta Rasuullo Dadkana (Rasuullo) Eebana waa Maqle Arka. (76)
Wuxuuna Ogyahay waxa Hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah Zagga Eebaana loo
Celin Umuuraha. (77) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Rukuuca oo Sujuuda oo Caabuda Eebihiin Falana
Khayrja waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (78)
kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta
Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay Muslimiin horay iyo Quraankan si
Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga
Salaadda oo Bixiya Xakada oo Qabsada Eebe isagaa Gargaarihiina ah isagaana u
Fii can Sayid isagaana u Fiican Gargaare.