Juz'
19
Al-Furqaan
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo
Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige. (2)
Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una
Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan.
(3) Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn
waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn
Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna). (4) Waxay Dheheen
Gaaladii kani (quraanku) ma
aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la
Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran). (5) Waxay Dheheen
waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba. (6) Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku
Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista. (7) Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u
Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga. (8) Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna
Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn. (9)
Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa). (10) Waxaa Khayr
Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo
Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno). (11) Waxayse
Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira.
(12) Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo
Guux. (13) Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel
Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare). (14) (Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag
Badan. (15) Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon
mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u
Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada)
Abaal Marin iyo Noqosho. (16) Waxayna ka
Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh
Isaaray Eebaha oo Sugan. (17) Xusuusta
Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku
Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka. (18) Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan
Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan
Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay. (19) Way Idinku
Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax
Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn. (20)
Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana
uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke. (21)
Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig,
ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn. (22) Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna
Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla
kulan majiro). (23) Waannu u soo
Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey. (24) Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo
Wanaag badan Qayluushi (Hurdo). (25) Xusuuso
Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa'igta soo Dejin. (26) Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha
Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran. (27) Xusuusana
Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo). (28) Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay.
(29) Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib,
Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage). (30) Wuxuu Yidhi
Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan). (31) Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah,
Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare. (32) Waxay Dheheen
kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay,
inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican). (33) Wixii Tusaale
ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican. (34) Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan
Jid. (35) Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii
Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir. (36)
Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi'inay (Halaagnay) baabi'in, (Halaagnay). (37) (Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan Maan-Sheynay
Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta Cadaab Daran. (38) Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo
Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan. (39) Dhammaan waxaan
u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag. (40)
Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob Xun (Dhagax
Cadaab) Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen
kuwaan Rajaynayn (ka yaabayn) soo
kulmin. (41) Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa
yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan
Eebe Soo Bixiyey Isagoo Rasuul ah. (42) Wuxuu U
dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan
Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan. (43) Ka Warran Ruux
ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon. (44) Mise waxaad u
Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn,
Iyagaabase ka Sii Dhunsan. (45) Miyeydaan Ogayn
sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu
Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo). (46) Markaasaan u
Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar. (47) Eebe waa kan Idinka Yeelay
Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq). (48) Eebe (Sareeye) waa kan
u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax
Daahiriya. (49) Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay
oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan. (50)
Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka
Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn. (51) Haddaan Doonno
waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi). (52) ee ha Adeecin
Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn. (53) Eebe
wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh
Daran (Afku Diido)
yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan. (54)
Eebana waa kan
ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono). (55) Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn
Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis. (56) Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee). (57) Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa
Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho
Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo). (58) Talo Saaro
Eebaha Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga
Addomadiisa Ogaanshihiisa. (59) Waana Eebaha ku
Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday
Carshiga (Si u Cununta), ee
Warso Cid wax Og. (60) Marka la Dhaho
u Sujuuda (Eebaha)
Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na
Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar. (61) Waxaa Khayr Badnaaday
Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi. (62) Eebana waa
Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto
ama Doono inuu Mahdiyo. (63) Addoomada
Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna
Yidhaahda Nabadgalyo. (64) ee ah Kuwa ku
Barya (Habeenkii)
Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe. (65) ee Ah kuwa
Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee. (66) Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi. (67) Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin
Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada. (68)
Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe
Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la
Kulmi Dambi. (69) Waxaana loo Laab laabi Cadaabka
Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan. (70) Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican
Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi
Dhaafe Naxariista. (71) Ruuxii Toobad
keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho. (72) (Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn
Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka
Jeedsada). (73) Waana kuwa marka
lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La'aan. (74) waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga
tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu
ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam. (75)
Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan
iyo soo Dhawayn. (76) Wayna ku waari Dhexdeeda
waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba. (77)
Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid
idin Laasima Beeninta «Ciqaabta».
Ash-Shu'araa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku Tusin Mucjisada
Quraanka sida soo Hor martay. (2) Taasi waa
Aayadihii Kitaabka Cad. (3) Waxaadna u
Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (4) Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada
Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. (5)
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo
ka Jeedsada. (6) Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan
Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (7) Miyeyna Arkayn
Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (8)
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (9) Eebahaana Waa
Adkaade Naxariista. (10) (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay
Eebahaa (Nabi)
Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (11) Qoomka Fircoon,
Maydhawrsadaan. (12) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (13) Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu
ee Dir la Jirkayga Haaruun. (14) Waxayna igu
Leeyihiin Dambi (Godob)
waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (15) Wuxuu Yidhi
Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. (16) ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay
Rasuulka Eebaha Caalamka. (17) Ee Dir «u
Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (18) Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu
Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga
Sanooyin. (19) Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo
Diidan (Sama Falkii). (20) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. (21)
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo,
Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). (22) Taasise ma
Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. (23) Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (24) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad
wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (25) Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa
ahaa War ma Maqlaysaan. (26) Wuxuu Yidhi
Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (27)
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. (28) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad
wax kasaysaan. (29) Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato
Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. (30)
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. (31)
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (32)
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (33) Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad
Dadka Dayi. (34) Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (35) Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee
Maxaad Faraysaan. (36) Waxay Dheheen
Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (37) Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (38) Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la
Yaqaan. (39) Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma
Kulmaysaan. (40) Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday
Adkaadaan. (41) Markay Yimaaddeen Saaxiriintii
waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (42) Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (43) Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (44)
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon
yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (45) Markaasuu
Tuuray (Nabi)
Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. (46) waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. (47) Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. (48) Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (49) Wuxuu yidhi
Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee
idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo
Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (50)
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (51) waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii
ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (52) Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa
Laydin Raaciye. (53) Markaasuu u Diray Fircoon
magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (54) Isagoo dhihi
Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (55) Wayna Na cadho
Galiyeen. (56) Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer
Digtoon. (57) Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (58) Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (59)
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (60) Markaasay
Raacen (ka daba Duulcen)
Qorrax soo Bixii. (61) Markay isu
Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna
Haleelay. (62) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (63) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii
wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (64)
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (65) Waxaana Korinay
(Nabi) Muuse iyo Intii la
Jirtay Dhammaan. (66) Ka dibna waxaan Maanshaynay
Kuwii kale. (67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad
Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. (68) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista, (69) Ku Akhri
Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (70) Markuu ku Yidhi
Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (71)
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (72) Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (73)
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (74) Waxay Dheheen
waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (75)
Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. (76)
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (77) Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha
Caalamka Mooyee. (78) Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (79) Kan I Quudin ee I Waraabin. (80)
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (81) Waana kan I dili Ina Noolayn. (82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta
Abaal marinta. (83) Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa
Suuban. (84) Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (85) Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (86) Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
(87) Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (88) Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (89) Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (90) Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (91) Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (92) Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (93) Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama
Gargaarsanayaan. (94) Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo
kuwa Baadiyoobay. (95) Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (96) Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (97) Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (98) Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (99) Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (100) Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (101)
Iyo Saaxiib Dhaw. (102) Ee hadaan
Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (103) Taas waxaa ku
Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (104) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (105) Waxay
Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (106) Markuu ku
Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (107)
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (108) Ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (109) Idinkana
Warsanmaayo (Xaqa)
Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (110)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (111) Waxay Dheheen
ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun
Xun). (112) Wuxuu Yidhi
Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (113) Xisaabtooda
Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (114) Anuguna ma
Eryayo Mu'miniinta. (115) Waxaan u Dige
Cad ahayna ma ihi. (116) Waxay Dheheen
Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (117)
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (118)
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (119) Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii
Buuxday. (120) Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii
Hadhay (Gaaladii). (121) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu
kuwo Rumayn. (122) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (123) Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (124)
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (125)
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (126) Ee ka
Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (127) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (128) Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (129) Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (130)
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (131)
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (132) Kana Dhawrsada
Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (133) Wuxuu idin
Siiyey Xoolo iyo Caruur. (134) Iyo Beero iyo
Ilo. (135) Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin
Wayn. (136) Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid
ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (137) Kanna ma aha
waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (138)
Nalamana Cadaabayo. (139) Wayna
Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha
Badankoodu kuwo Rumayn. (140) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (141) Waxay Beenisay
Thamuud suulladii. (142) Markuu ku
Yidhi Walaalkood (Nabi)
Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (143) Waxaan idiin
ahay Rasuul Aamin ah. (144) ee ka
Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (145) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (146) Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (147) Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (148) Iyo Beero iyo
Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (149) Ood ka
Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (150)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (151) Hana Adeecina
«Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (152) ah kuwa
Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. (153) Waxay Dheheen
waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (154) Mana Tihid
waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (155) Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna
Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. (156) Ee ha ku
Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. (157)
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (158)
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo
Rumayn (Xaqa). (159) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (160)
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (161) Markuu ku
Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (162)
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (163) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (164) Idinkama
Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (165) Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (166) Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo
Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (167)
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (168) Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. (169) Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (170) Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (171) Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (172) Markaasaan
Halaagnay Intii kale. (173) Waxaa ku soo
Daynay (Roob Dhagax Naara)
waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (174) Taasna waxaa
ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (175)
Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (176) Waxay
Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (177) Markuu ku
Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (178) Waxaan idiin
ahay Rasuul Aaminee. (179) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (180) Idinkama
Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (181) Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (182) Una Miisama Cadaalad Toosan. (183)
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (184) Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii
Horreeyey. (185) Waxay Dheheen waxaad uun Tahay
kuwa la Sixray. (186) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah
ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (187)
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (188) Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (189) Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii
Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (190) Arrintaasna
waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (191)
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (192) Quraankuna waa
soo Dejin Ebaha Caalamka. (193) Waxaa kula soo
degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (194) Qalbigaaga
inaad ahaato kuwa ku Diga. (195) Af Carabi ahoo
Cad. (196) Quraankuna wuxuu ku Sugnaa
Kutubtii hore. (197) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu
Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ (198) Haddan ku soo
Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (199) oo uu ku
Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (200) Saasaan u
Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (201) Mana
Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (202)
Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (203)
Oy Dhahaan ma nala Sugi. (204) Ma
Cadaabkanagay Dadajisan. (205) Ka Warraan
Haddaan u Raaxayno Sanooyin. (206) Markaas uu u
Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. (207) Muxuu uga Tari
Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. (208) Magaalo aan
Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. (209) Waano Darteed,
mana nihin Daalimiin. (210) Kumana soo
Degto Quraanka Shayaadiintu. (211) Kumana
Habboona mana Karaan. (212) Shayaadiintu
Maqalka waa ka Fogyihiin. (213) Ee ha Caabudin
(Baryin) Eebe Miciisa Ilaah
kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (214) Una Dig
Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (215) Una Raarici
Garabkaaga (U Naxariiso)
Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (216) Hadday ku
Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari
baan ka ahay waxaad Falaysaan. (217) Talo Saaro
Eebaha Adkaada ee Naxariista. (218) Ee ku Arka
Markaad Kici. (219) Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (220) Eebana waa Maqle Og. (221)
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (222)
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (223)
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (224)
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (225) Miyaadan Arkin
in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (226)
Oyna Sheegi waxayna Falayn. (227) Kuwa Xaqa
Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi
ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).