Juz' 2
(142) waxay dhihi kuwii xumaa ee
Dadka (Gaalada) ka
mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay Qaabilijireen (Baytul Maqdis) waxaad dhahdaa
Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin Ciduu
doono Jidka toosan. (143) saasaan idinka
dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo
markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato
ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe
hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka. (144) dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee
Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga
xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa,
kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma
halmaansana waxay Camal fali. (145) hadaad ula
timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma
raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan
raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi
kuu yimid (waxyiga Eebe),
waxaad ka mid noqon daalimiinta. (146) kuwaan siinay
Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin
xaqa iyagoo og. (147) xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa
ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya. (148) cidwalba waxay
leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin
keeni (oo idin kulmin)
dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono), (149) meelkastood u
baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka
ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan. (150) meelkastood u
baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u
jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa
Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku
sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga
cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan. (151)
«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo
idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga,
idinna bara waxaydaan aqoonin. (152) ee I xusa aan
idin Xusee (ajir idin siiyee)
iguna mahadiya hana iga Gaaloobina. (153) kuwa (Xaga) rumeeyow
kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree. (154) hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas
ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan. (155) , waxaan idin
ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo
midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra. (156) kuwaas markuu
dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa. (157) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo
Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan. (158) Safo iyo Marwo
waxay ka midyihiin Calaamooyinka )Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra
hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku
mahdin wuuna ogyahay. (159) Kuwa qariya
waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka
kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta
iyo Mu'miniinta). (160) Marka laga
reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad
aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan. (161)
Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe
iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan. (162) Waxayna
kuwaari dhexdeeda (naarta iyo
nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka
Loomana sugo. (163) Eebihiin waa Eebe kaliya isaga
mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste. (164) Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta
Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe
ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib,
kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo
sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi. (165) Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax
lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka
daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan
lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay. (166) markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay,
oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii. (167)
waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn
xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda (168) Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican
ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye, (169) wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku
sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn. (170) marka lahu
dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu
eaaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn
Hanuunsanayna (miyey raaci), (171) waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax
maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna
ma arkaan, waxna ma kasaan. (172) kuwa Xaqa
rumeeyow wax ka Cuna wanaagaan idinku aezuqnay, kuna mahdiya Eebe hadaad tihiin
kuwo isaga Caabudi. (173) wuxuu uun
idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa
waxaan ahayn lahu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebana
waa dambi dhaafbadane Naxariisbadan. (174) kuwa qariya
waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaabka ah (Quraanka) kuna gata lacay yar kuwaasi kuma cunayaan (ma galinayaan) Calooshooda waxaan
Naar ahayn, lamana hadlo Eebe Maalinta Qiyaame mana daahiriyo waxayna Mudan
Cadaab daran. (175) kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida
Hanuun, Cadaabna dambidhaafid maxaa uga adkaysi badan Naarta. (176) arrintaas waxa ugu wacan in Eebe u soo dejiyey
kitaabka xaqa ah kuwii iskudiiday kitaabkana waxay ku suganyihiin khilaaf Fog. (177) Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka
soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame
Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada,
Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda,
bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga
saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay
Iimaankooda waana kuwa dhawrsada. (178) kuwa xaqa
rumeeyow wxaa laydinku waaJibiyey Qisaasta Dadka la dilo, xurta xurbaa loo
qisaasan, Adoonkana addoon, Haweeneydana Haweeney, ruxiise looga cafiyey
Walaalkis (xaggiisa) wax
waxaa saarun inuu si fiican u raaco isna Si fiican Loogugudo, taasina waa
fudayd xagga Eebe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan
Cadaab daran. (179) waxaa idinku sugan Qisaasta nolol
Dadka wax garadka ahow waxaadna mudantihiin inaad dhawrsataan. (180) waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad
ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq
vayna ku tahay kuwa dhawrsada. (181) ruuxiise
badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dambigu wuxuu saaranyahay uun kuwa wax
badala, Eebana waa maqle og. (182) ruuxii uga
cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi
masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan. (183)
kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii
idinka horreeyey si aad u dhawrsataan. (184) waa Maalmo
tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp
kale (soonkood) kuwa
uu dhibina waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan
haddaad tihiin kuwo wax og. (185) waa bisha Soon
ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn
hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo
kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad
dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u
dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe. (186)
hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa
(aqbalaa) baryada markay i
baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. (187) waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is
aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad
baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad
Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u
tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka
muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka
hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw
dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan, (188) hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad
ugu cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og. (189)
waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga
timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana
immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad
Liibaantaane. (190) kula dagaalama Jidka Eebe kuwa
idinla dagaalama, hana xadgubina Eebe ma jeelee kuwa xadgudbee. (191) ku dila meejaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin
ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan
agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la
dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe. (192) haddayse
reebtoomaan Eebe waa dhaafidbadanae naxariis badan. (193)
la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Eebe, hadday
reebtoomaan lalama Collaytamo cidaan xadgudbayn. (194)
Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda)
waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee
ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay
wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (195) ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebe, hana ku tuurina Gaemihiina halaag (waxbixin la'aan) wanaagna fala,
Eebe wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga fala. (196) dhamaystirana
Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo
hadya ah (inaad gawraedaan) hana
ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko
ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan
ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku
Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa
toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe
ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu. (197)
Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu
iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe,
ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada
kuwa caqliga lahow. (198) korkiina wax
dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe
mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen
xaqa hortiis kuwa dhunsan. (199) markaas ka
gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi
dhaafe naxariistee. (200) markaad
gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa,
Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn
Aakhiro qayb. (201) waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi
Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka
Naarta. (202) kuwaasi waxay mudan qayb waxay
kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu. (203) xusa Eebe
maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood
dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana
in xagiisa laydiin soo kulmin. (204) Dadka waxaa ka
mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa
qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan. (205) markuu
jeedsadana, soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba,
Eebana ma jeela fasaadka. (206) marka loo
dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan
jahannamo iyadaana u xun gogol. (207) dadkana waxaa
ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u
naxariistaha addoomada. (208) kuwa xqqa
rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col
Cade. (209) haddaad simbiriiraxataan intuu
idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan. (210)
miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu
lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha. (211)
waydii Banii Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad, ciddii badasha Nicmada Eebe
intay u timid, Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay. (212)
waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees
jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta
Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan. (213)
dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una
diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa
waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee
intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey
Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku
hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan. (214) ma waxaad u
maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii
tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi iyo Cudur, waana la gilgilay intuu
ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, waa goorma gargaarka Eebe,
gargaarka Eebana waa dhawyahay. (215) waxay ku
warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan
Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Soodaha Waxaad fashaana oo
kahr ah Eebe waa ogyahay. (216) waxaa laydinku
waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo
khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar idiin ah,
Eeba wax og idinkuse ma ogdin. (217) waxay ku warsan
Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la
mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa
waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan
iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka
wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla
dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba
Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo
aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda. (218) kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday
Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe
naxariista. (219) waxay ku waydiin Khamrada iyo
Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah
dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad
dhahdaa (bixiya)
saa'idka, saasuuna Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad
fikirtaan. (220) adduun iyo aakhiraba (inaad ka fikirtaan) waxayna ku waydiin
agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa
Walaalihin, Eebana waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono
Eebana wuu idin dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan. (221)
ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan
xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay
cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u
guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka
khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku
yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa,
wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan. (222)
waxay ku waydiin Caadada (Ilaweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka
daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna
wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya. (223) Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga
beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana
ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta. (224) ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo
falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og.
(225) iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse
idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan. (226) kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan
iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka
noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (227) hadday
goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah. (228) Haweenka la
furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa
Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe.
Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas
dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna
waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu
sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan. (229)
furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn
fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan
inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda
Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe
ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta. (230) hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin
kale, hadduu (kaasi)
furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda
Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og. (231) haddaad
furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican,
hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu
dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada
Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon
Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay. (232) haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u
diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican,
arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe iyo
Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa
ogyahay idinkuna ma ogidin. (233) waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin
Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda,
kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo
dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa
dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo
raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka
nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad
bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan
Eebe arko. (234) kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah
oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah
idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa
ogyahay. (235) dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku
qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu
yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka
intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii
na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay. (236) dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan
idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna
qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada. (237) haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay
mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka
gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama
waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse
dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa. (238) xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta
badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci). (239) haddaad
cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa
Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada). (240) kuwa la
oofsado (dhinto)
idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo
Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah,
Eebana waa adkaade falsan. (241) kuwa la furo
waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada. (242) saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad
kastaan darteed. (243) ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay)
kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku
yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa,
Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan. (244) ku dirira
Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay. (245)
waa kuma kan
amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku
cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka. (246)
ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen
Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad
mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna
dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey
guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen,
in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta. (247)
wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen
sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo
Waasac ah (Badan)
wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe
wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu
siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og. (248)
Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto
xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo
ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan
haddaad tihiin Mu'miniin. (249) markuu la
baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka
cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata
gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu
tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta
Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe
badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la
jiraa kuwa Samra. (250) markay u soo
muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub
korkannaga Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah. (251) markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud
Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo
iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan
jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u
saaxiib «u deeqe» caalamka. (252) taasi waa
aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa
la soo diray «Rasuulada»;