Juz'
22
(31) Tiise adeecda Eebe iyo
Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana u darbaynaa
Rizqi wanaagsan. (32) Haweenka Nabigow ma tihidiin
sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu damco
midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla. (33)
kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko
isfaydi) sidii jaahiliyadii horraysay,
Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe wuxuu uun
dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo. (34) xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe ah
iyo Sunada (Nabiga),
Eebana waa wax walba oge Xeeldheer. (35) Raga
Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu'miniinta ah iyo Haweenka
Mu'minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo
Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe
iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma
iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan
Eebe xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir
weyn. (36) kuma haboona (umana
banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah
Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda,
ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad. (37) (xuxuuso) markaad ku lahayd kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u
nicmaysay (Zayd BinuXaarithah)
hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku Qarinaysay wax Eebe
Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana
xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna
(isfureenna) aan kuu guurinay
si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa
kii la Fuliyo. (38) Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa
Eebe u Banneeyey, waana Jidkii Eebe ee Dadkii tagay ee hore amarka Eebana waa
qadar Xukuman. (39) (waxaa
amaan mudan) kuwa gaadhsiiya (Dadka) Fariimaha Eebe kana cabsada Eebe, oon kana cabsan Axad ka
soo hadhay, Eebaana ku filan, Xisaabiye (Kaalmayn). (40) ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha
Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada,
Eebana wax walba waa ogyahay. (41) kuwa xaqa
rumeeyow xusa Eebe wax badan. (42) weyneeyana
Aroortii iyo Galabtii. (43) Eebana waa kan idiin naxariista Malaa'igtiisuna idiin ducayso, si uu
idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan
u Naxariista Mu'miniinta. (44) Bariidoodu
Maalintay Eebe la kulmi waa Salaan wuxuuna u darbay ajir weyn. (45) Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn
oo digi. (46) oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa,
oo siraad ifi ah. (47) ee u bishaaree
Mu'miniinta inay xaga Eebe ku leeyihiin fadli (dheeraad) weyn. (48) hana, adeecin
Gaalada iyo Munaafiqiinta, dhibkooda iska gudub (hana
u aabayeelin) Eebana talo Saaro isagaa ku filan
wakiile. (49) Kuwa (xaqa) rumeeyow hadaad guursataan Haween Mu'minaad ah markaas aad
furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee
gacan mariya una siidaaya si quruxsan. (50) Nabiyow waxaan
kuu banaynay Haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay (Xagga gaalada) oo Eebe kugu soo
celiyey, iyo Gabdhaha Adeerkaa, Gabdhaha Eedadaa, Gabdhaha Abtiyadaa, Gabdhaha
Habaryarahaa oo kula soo hijrooday, iyo Haweenay Mu'minaad ah hadday Nafteeda
Nabi u hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kuga tahay
Mu'miniinta ka sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay Mu'miniinta xagga
Haweenkooda, iyo waxa gacantoodu hanato, sii aan korkaaga dhib u ahaan, Eebana
waa dambi dhaafe Naxariista. (51) Waad dib dhigi
taad doonto, waadna soo dhaweyn taad doonto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay
dhibna korkaaga ma aha. saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan
murugoon oy raali ku noqdaan waxaad siisay dhamaantood, Eebana waa ogyahay waxa
Quluubtiina kuy sugan, Eebana waa oge Dulqaad leh. (52)
kuuma banaana Nabiyow Haweenka (kale) mar dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood
ula yaabto Quruxdooda waxaad hanato mooyee (oo Gaalo laga helo) Eebana wax walba waa ilaaliye. (53)
kuwa (xaqa)
rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka
laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi
waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad wax
warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo
Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad
Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe
agtiisa. (54) Haddaad muujisaan wax ama qarisaan
Eebe waa wax kaste oge. (55) Korkooda (Haweenka) dhib kama Saarra Aabayaalkood, Wiilashooda, Walaalahood,
Wiilasha Walaalahood, Wiilasha Walaashood, Haweenkooda (Mu'miniinta
ah) iyo waxay hanatay Gacmahoodu, kana dhawrasada Eebe, Eebe
wax kaste wuxuu u yahay Marage. (56) Eebe iyo
Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan. (57) kuwa dhiba Eebe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebe
Adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u darbay cadaab wax dulleeya. (58) Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan
kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad. (59)
Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada Shukadiinna,
taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana waa dambi
dhaafe Naxariista ah. (60) haddayna ka
joogin Munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa Gilgili (Beenta ku faafin) madiino waanu kugu
diri kulamana Darsayaan wax yar mooyee. (61) Waana la
lacnaday meelkastooy joogaanba hana la qabto oo la diloDilmo. (62) waana sunadii Eebe dadkii horee tagay wax badalina uma
heshid Sunada Eebe. (63) Dadku waxay
warsan Nabiyow Saacadda (Qiyaame) waxaad dhahdaa Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebe agtiis,
miyaadse ogtahay inay suuroowdo inay Saacaddu dhawdahay. (64)
Eebe wuxuu Lacnaday Gaalada wuxuuna u darbay (Naarta) Saciiro. (65) Iyagoo ku waari
dhexdeeda waligood oon helaynna Sokeeye iyo gargaare midna, (66) Maalinta lagu gagadin Wajigooda Naarta waxay dhihi waan
halaagsanaye haddaan Adeecno Eebe oon Adeecno Rasuulkii. (67)
Waxayna dhihi Eebow waxaan Adeecnay Madaxdannadii iyo kuwii noowaaweynaa
waxayna naga dhumiyeen Jidkii. (68) Ee Eebow Sii
kuwaas Laban laab Cadaab Lacanadwayna Lacnad. (69)
Kuwa (xaqa)
rumeeyow hanoqonina sidii kuwii dhibay (Nabi) Muuse oo Eebe ka bariyeelay waxay (ku) sheegan, Eebe agtiisana wuxuu ku leeyahay Waji (Sharaf). (70) kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla. (71) Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo
Dambigiinee, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan
Liibaan weyn. (72) Annagaa u bandhignay Amaanadda (Cibaadada) Samooyinka, Dhulka
iyo Buuraha wayna diideen inay Xambaaraan wayna ka Cabsadeen xaggeeda, waxaase
xambaaray Dadka wuxuuna noqday Dulmi badane Jahli badan. (73)
Si Eebe u cadaabo Munaafiqiinta Rag iyo Haweenba iyo Mushrikiinta (Gaalada) Rag iyo Haweenba,
uu kana toobad aqbalo Mu'miniita Rag iyo Haweenba, Eebana waa dambidhaafe
Naxariista.
Saba
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) mahad Eebaa iska leh ay
awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta
aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba
oge). (2) wuxuuna ogyahay
waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u
kori, waana naxariiste dambidhaafa ah. (3) kuwii gaaloobay
waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way
idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona
samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna,
wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. (4) Si Eebe u abaal
mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo
risqi wanaagsan. (5) Kuwa u socda iney
aayaadkanaga (kaleexdaan)
iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. (6) Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo
dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. (7) Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin
ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. (8) Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma
aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. (9) Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda
ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo
rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo
towbadkeen badan. (10) Dhab ahaanbaan
u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya
tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya
tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta. (11) Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda
wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. (12)
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil,
carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe,
ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka
saciiro. (13) Waxay u sameyn suleymaan wuxuu
doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo
sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda
shugriga badan. (14) Markaan geerida ku xukunay Nabi
suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa,
markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku
nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). (15) Guryihii reer
sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga bidixba,
waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan
iyo Eebe dambi dhaafbadane. (16) Wayse
jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood
beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. (17)
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan
abaal marinaa kuwa gaalnimada badan. (18) Waxaana yeeley
dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku
nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. (19) Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna
dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney,
sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. (20) Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis
Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. (21) Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma
aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax
walba waa ilaaliye. (22) Waxaad dhahdaa
u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna,
wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha
khaliqiga. (23) Kumana anfacdo shafeeco Eebe
agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi
muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha
sarreeya. ee weyn. (24) Waxaad dhahdaa
yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka
mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. (25) Waxaad dhahdaa
laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad
camalfaleysaan. (26) Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin
Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. (27) waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo
shurako ah (wax la wadaago) saas
ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. (28) Kuu maanaan
dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi
gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. (29) Waxayna dhihi
waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. (30)
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana
hor dhacaynin. (31) Waxay dheheenna kuwii galoobay
rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd
daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii
raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan
laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd
arin weyn oo lala yaabo). (32) Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas
ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. (33) Kuwii tabarta
yaraa (raaciyaddii)
waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii
Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo,
Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay
luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen
mooyee. (34) Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay
dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka
gaalownay. (35) Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo
Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. (36) Waxaad dhahdaa
Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono,
laakiin dadka badankiisu ma oga. (37) Ma aha
xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii
rumeeya (xaqa) oo
camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda
dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. (38)
Kuwa u socda ka (reebidda)
aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. (39) Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu
doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad
bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax
arsaaqa. (40) Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin
dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin
caabudi jireen. (41) Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog
Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni
badidoodna isagay rumaysnaayeen. (42) Maantase
«Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku
dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. (43) Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay
dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin
caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan
(quraanku) ma aha waxaan
beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani
waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. (44) Ma aanaan
siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). (45) Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii
Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay
kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). (46) Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin
inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan
saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran
hortiisna uu yahay, (47) Waxaad dhahdaa
Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii
laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax
walbana Eebe wuu daalacan. (48) Waxaad dhahdaa
Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku
baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. (49) Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay,
(50) Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay
naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa
maqli dhawe. (51) Hadaad arki lahayd Nabiyow markay
argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn). (52) Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan
inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). (53) Dhab ahaanna
waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. (54) Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii
lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki
daran ku sugan.
Faatir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Mahad Eebaha billaabay
«abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo
garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe
abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa. (2)
Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu
celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan. (3) Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale
ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee
ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa. (4)
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay,
Eeba xagiisaana loo celin umuuraha. (5) Dadaw yabooha
Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku
dhagris badane (shaydaan). (6) Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna
idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan. (7) Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa
rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn. (8) Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu
fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu
Hanuuniyaa ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay
samayne. (9) Eebe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro
markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka
dib, saas weeye soo bixintiina. (10) Ruuxii dooni
sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed, xagiisayna u koraan kalimooyinka
fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab
daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi. (11) Eebe waa kan idinka abuuray
Carro, hadana dhibic, markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado
mana dajiso ogaansho Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba
waxay ku sugan yihiin kitaabka Eebe, waana u fudud yahay. (12)
Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran
mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad
xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe
iyo inaad ku mahadisaan. (13) Habeenka yuu
Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo
dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa
falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo
hadhay ma hantaan xuub laf timireed. (14) Hadaad u
yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiima taraan,
Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og, sidaana wax kuugu warrama ma
jiro. (15) Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa
hodan amaanan. (16) Hadduu doono wuu idin dhamayn
wuxuuna keeni kuwo cusub. (17) Arrintaasna wax
Eebe ku culus ma aha. (18) Nafna naf kale
dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro
waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan,
oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga
Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed). (19) Ma Eka indhoole
iyo wax arke. (20) Mana eka mugdiyo iyo iftiin. (21) Mana eka hoos iyo kulayl. (22)
Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono,
mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan (gaaladuna) waa wax dhintay oo kale). (23) Waxaan u dige ahayn ma tihid. (24)
Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma
jirto. (25) Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa
wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo
kutub (waano) oo
xukun leh. (26) Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay,
sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas)/ (27) Miyaadan arkayn
in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala
duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo
gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah. (28) Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah
midabo kala duwan saas oo kale. (29) Kuwa akhriya
kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka
bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo
caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. (30) Si Eebe ugu
oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad
badane. (31) Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah
unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay,
arkaana. (32) Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka
kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay
naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe,
arrintaasna waa fadli weyn. (33) Jannada cadnin
yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax
loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar
kooduna dhexdeeda waa xariir. (34) Waxayna dhihi
waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi
dhaaf badane mahad badane. (35) Eebihii
nadagjiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis (janno) nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal. (36) Kuwii gaaloobay waxay mudan naarta Jahannamo, laguma
xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo Cadaabkeeda, saasaana ku abaal
marinaa mid kastoo gaalimo badan. (37) Waxay ku qaylyi
dhexdeeda Eeboownaga bixi aan camal fiican ookaan sameynjirray ka duwan fallee,
miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan
idiin imaanin dige (Nabiga) ee dhadhamiya gaaloy (ciqaabta) uma sugnaanin daalimiin gargaaree. (38)
Eebe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa
laabta (Qalbiga) ku
sugan. (39) Eebe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska badala,
ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagaydhibh, Gaaladana uma kordhiso
gaalimadoodu Eebahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimaadu
khasaaro mooyee. (40) Ka warrama shariigyada aad
baryeysaan ood (caabudaysaan) Eebe
ka sokor, i tusiya waxay abuureendhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin
samooyinka, mise waxaan siinay Kitaab oo ay xujeesan, saas ma aha ee gaalada
qaarkood qaar uma yabooho waaxaan Dhagar ahayn. (41)
Eebaa ka haya Samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan (oo
tagaan), haday gilgishaana waxaan Eebe ahayn
oo qaban ma jiro, Eebena waa dulbadane dhaafid badan. (42)
Waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag hadduu uyimaado udige inay noqdaan kuwa ka
hanuunsan (ka toosan)
umadaha kale, markuu uyimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn. (43) isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna
xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii
kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada
Eebe wax wareejiya. Miyeyna ku soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay
cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayseen kuwo ka
xoogbadan, Ebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge
wax walba kara. (44) Miyeyna ka soconin dhulka ooyna
dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay
ahaayeen kuwo ka xoogbadan, Eebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge
wax walba kara. (45) Haddu Eebe u qaban dadka waxay
kasbadeen (oo xumaan ah)
kagama tageen dhulka korkiisa waxsocda, laakin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo
muddo magabaaban, marka ajashoodu (Geeridoodu) timaadana Eebe addoomadiisa wuu arkaa.
Yaseen
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye. (3) Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada). (4) Jid toosanna waad ku sugan tahay. (5)
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista, (6)
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan. (7) Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan
xaqa. (8) Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna
qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed). (9) Waxaana yeelay
hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan. (10) waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan. (11) Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn,
uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan. (12)
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo
raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda. (13) Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay
uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray). (14) Markaan u diray
xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen
idinkaa naloo kiin soo diray. (15) Waxayna dhaheen
(gaaladii) idinku ma tihidiin
waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn,
Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn
masheegaysaan. (16) waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray. (17)
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn. (18)
Waxay dhaheen (gaaladii) waan
idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana
xagganaga idinka taahan cadaab daran. (19) Waxay dhaheen
Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon
xadgudbay, (20) Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda
fog nin dagdagi (ordi)
wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada. (21)
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan. (22)
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin. (23) Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu
Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i
korinayn. (24) Markaas waxaan ku sugnaan baadi
muuqata (cad). (25) Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla. (26) Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi
shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado. (27) Waxa Eebe iigu
dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.