Juz'
23
(28) Kuma aanaan dajinin
qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin. (29) Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas
ay bakhtiyeen (halaagsameen). (30) Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay
ahaadaan kuwo ku jees jeesa. (31) Miyayna arkeyn
intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn. (32) Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada. (33) Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. (34) Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah,
waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah). (35) Si ay u cunaan
midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. (36) Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo
ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. (37) Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka
soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. (38)
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha
adkaada ee waxwalba og. (39) Dayaxana waxaan
uqadaray (uyeelay)
meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale. (40) Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana
uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan. (41) Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray
aabaylkood Doontii buuxday. (42) Waxaana uga
abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan. (43) Hadaan doonana
waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo. (44)
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee. (45)
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah
waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan). (46) Aayad kasta oo
u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan. (47) Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka
mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid
hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin. (48) Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu
dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan. (49)
Ma sugaayaan (gaaladu) hal
qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi. (50) Mana karaan
dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan. (51) Suurkaa la
afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi. (52) Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga
soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna
ku run sheegeen. (53) Waxaan qayki kaliyo ahayn ma
aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin. (54)
Maantana (qiyaamada)
lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal
falayseen mooyeen. (55) Asaxaabta
Jannada (ehelkeeda)
Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax. (56)
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro
(sare). (57) Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay
dalbaan. (58) salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka
timidna way heli. (59) Soocma maanta
danbiilayaalyahow (gaalada). (60) Miyaanan
idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu
idiin yahay. (61) Ood ani i caabudaan, taasina waa
wadada toosan. (62) Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad
badan, miyaydaan wax kasaynin. (63) Tanina waa
jahannamadii laydiinku yaboohay. (64) Ee gala Maanta
gaalimadinii darteed. (65) Maanta waxan
daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi
lugahooda waxay kasban jireen. (66) Haddaan doono
waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki. (67) Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid
iyo soo noqosho midna. (68) Ruuxaan cimri
siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn. (69)
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad. (70)
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada. (71)
Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan. (72) OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan. (73) Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna
mahdinaynin Eebe. (74) Waxay ka
yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan. (75)
Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan. (76) Ee yeyna ku
walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee. (77) Miyuusan arag dadku (oo
ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu
noqday dood badane cad. (78) Wuxuuna noo
yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo
baaliyoobay. (79) Waxaad dhahdaa waxaa noolayn
Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay. (80) Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas
aad bursataan. (81) Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka
miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho
badan. (82) Amarka Eebena markuu wax inuu
abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado. (83)
Waxaa nasahan (xumaan ka fog)
Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.
As-Saaffaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxaan
ku dhaartay) malaa'igta safan. (2)
Iyo tan kaxaysa daruuraha. (3) Iyo tan akhrida
Quraanka. (4) Ee ilaahiin waa mid (qudha). (5) Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo
Eebaha qorrax ka soo bixidda. (6) Annagaa ku
qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (7) Iyo ka dhowrid
shaydaan kastoo madax adag. (8) Mana dhagaystaan
jameecada sare, (Malaa'igta)
waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (9) Iyagoo la cryi
oo cadaab joogta ah usugnaaday. (10) Marka laga
reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (11)
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka
abuurray dhoobo dhagta. (12) Waxaadse la
yaabtay (beenintooda)
iyaguna way jees jeesi. (13) Marka la
waaniyana ma waantooban. (14) Hadday calaamo
arkaana way ku jees jeesaan. (15) Waxayna dhahaan
kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (16) Waxayna dhahaan
ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (17) Ama aabayaalkannagii hore (iyagana
malasoocelin). (18) Waxaad dhahdaa
haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (19)
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (20) Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee
Saad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xarafka hore wuxuu kutusin
mucjisada (Quraanka),
Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin). (2) Kuwii gaaloobay
waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido). (3) Imisaan
halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
(4) Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah
waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah. (5) Ma
wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo. (6) Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina,
arrintani waa wax laynala dooni. (7) Manaan kumaqlin
tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay. (8) Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan
yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga. (9) Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee
bixinta badan (khayrka)
yahay. (10) Mise waxaa u sugnaaday xukunka
Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada). (11) Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan). (12) Waxaa beeniyey
xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa. (13)
Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa
beeniyey). (14) Midaan
Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday. (15) Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo
sugid midna. (16) Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo
dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada). (17) Ku samir (u adkayso) waxay sheegi
xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane. (18) Annagaa u sakhirray (u
fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab
iyo Subaxba. (19) Shimbirahana waa loo kulmiyey,
dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe. (20) Waana adkaynay
xukunkiisa (Daa'uud)
waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo
garsoorid). (21) Ma ku soo
gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen. (22) una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku
dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si
ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa). (23) (Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan
Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo
hadalkiina wuu igaga adkaaday. (24) Wuxuuna yidhi
«Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu
ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa
wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee
camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey
inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna
noday. (25) Markaasaan u dambi dhaafnay,
agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo
sare). (26) (Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa
kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa
dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran
halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed. (27) Maanaan u
abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna
wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar. (28) Miyaan ka
yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka,
mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada). (29) (Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan
dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh, (30)
Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan. (31)
Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican. (32) Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe
xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo. (33) ii soo celiya
wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu
gawraco sadaqo darteed). (34) Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad
markaasuu toobad keeney. (35) Wuxuuna yidhi
Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin
badane ahe. (36) Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo
ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono. (37)
Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid
wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba. (38) Iyo kuwo kale
oo ku xidhxidhan silsilado., (39) (Waxaan ku nidhi) tan waa siismada
ee bixi ama hayso xisaab la'aan. (40) Wuxuuna ku
leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican. (41)
Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo
Cadaab. (42) Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada
(dhulka) waxaana ku nidhi
kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo. (43)
Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka
ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch. (44) Kuna qabo
gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay
inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan. (45)
Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog
badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa). (46) Anagaa u
dooranay xusidda aakhiro. (47) Waxayna ka
yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan. (48) 48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli
dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan. (49) Waxaas la soo
sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican. (50) Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan. (51) Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid. (52) Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay
Ragooda (dhowrsoon) oo
Isla eg. (53) Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta
Xisaabta (qiyaamada). (54) Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado. (55) Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho
xun. (56) Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun
Gogol. (57) Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya,
isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka. (58)
Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah. (59) Malaa'igtuna
waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo
dhawaanina, waxayna galaan Naarta. (60) Waxay ku
dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag
halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan
isagaana uxun meel lagu nagaado. (61) Waxayna dheheen
kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab
Naarta. (62) Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la
arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun, (63)
Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii. (64) Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka. (65) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan
Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa. (66)
Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade
dambidhaaf badan. (67) Waxaad dhahdaa
Nabiyow Quraanku waa war weyn. (68) Ood idinku ka
jeedsaneysaan. (69) mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin). (70) waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda. (71) Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka
abuuri dadka (Aadam)
Dhoobo. (72) Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo
Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). (73) Wayna sujuudey
malaa'igtii dhamaantood oo idil. (74) Ibliss mooyee
oo is kibriyey kana mid noqday gaalada. (75) Eebe wuxuu
yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma
iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya. (76) Wuxuuna
yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey
dhoobo. (77) Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax
samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye. (78)
Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta. (79) Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka. (80) Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi. (81) Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah. (82) Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan
baadiyeyn dhamaantood. (83) marka laga
reebo addomadaada suuban. (84) Eebe wuxuu
yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa. (85)
Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka
midah dadka dhamaan. (86) Waxaad dhahdaa
Nabiyow idin
Az-Zumar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Soo dajinta Kitaabka (Quraanka) wuxuu ka ahaaday
xagga Eebaha adkaada ee falka san. (2) Annagaana kuugu
soo dajinay Nabiyow Kitaabka si xaq ah, ee caabud Eebe adoo kali yeeli Diinta. (3) Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka yeesha
Eebe ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan mooyee
dhawaansho, Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebana ma
hanuuniyo Been badane gaalnimobadan. (4) Hadduu doono
Eebe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa
naxahanyahey, waana Eebaha kalida ah ee awoodda badan. (5)
Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka ku daboolaa
Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka, wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo
Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebana waa adkaade dambi
dhaafbadan. (6) Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi aadam) markaasuu Eebe ka
yeeley (ka abuurey)
xagga aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Eebe idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka
mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid
saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Eebaha idin barbaariya, isagaana iska
leh xukunka, Eebe mooyee ilaah kale majiro, ee xaggee laydiinka iili (Xaqa). (7) Haddaad gaalowdaan dadow Eebe waa idinka kaaftoomey,
ugamana raalli aha addoomadiisa gaalnimo, hadaad ku mahdisaanna wuu idin ka
raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin
Eebihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey
wax laabta (qalbiga) ku
sugan. (8) Markuu dadka taabto dhib wuxuu
baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey
horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Eebe, waxaad
dhahdaa ku raaxaysogaalnimadaada wax yar waxaad ka mid tahay chelu naarke. (9) Ruux tukan oo Eebe adeece saacadaha habeenka isagoo
sujuudsan oo taagan kana digtoon aakhiro quudarreynayana naxariista Eebihiis (Ma la midbaa cidaan saas faleynin).
waxaad dhahdaa Nabiyow ma egyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan wax aqoonin,
waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh. (10) Waxaad dhahdaa
Nabiyow addoomadeyda xaqa rumeeyow ka dhowrsada Eebihiin, ciddii wanaag fashana
addooomadeyda waxaa usugnaadey wanaag, dhulka Eebena waa waasac (ee ku caabuda) waxaa uun loo
oofiyaa (dhameyaa) kuwa
samra ajrigooda xisaab la'aan. (11) Waxaad dhahdaa
Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Eebe anoo u kali yeeli diinta. (12) Waxaana ley faray inaan noqdo