Juz'  26

 

Al-Ahqaf

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa. (2) Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa. (3) Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka jeedsadeen. (4) Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan. (5) Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn). (6) Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri. (7) Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad. (8) Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah. (9) Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u dige cad (oo muuqda). (10) Waxaad Dhahdaa bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale (xaqnimada iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is kibriseen, Eebana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah, (11) Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah) waa beenihii hore. (12) Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay. (13) kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma arkaan. (14) Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed. (15) Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay Aniga iyo waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta. (16) Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay yabooh run ah. (17) Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore. (18) Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo Jinni iyo Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray. (19) Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon la dulmiyaynin. (20) (Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu dhihi waxaad wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah, iskibrintiinnii aad xaq darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed. (21) Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin wayn/ (22) Waxay ku dheheen ma waxaad noola timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad run sheegeyso, (23) Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh (goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa jaahiliin ah. (24) Markay Gaaladii Reer caad arkeen caddibaaddii (Sida daruur) oo Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku jirto. (25) Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah. (26) Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku jees jeesayeen. (27) Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo. (28) Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii iyo war abuurashadoodii. (29) Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi. (30) Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan. (31) Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane; (32) Ruuxaan ajiibin (raacin) uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan. (33) Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma aha ee Eebe wax walba oo uu doono wuu karaa. (34) Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn kan (caddibaadda ah) markaasay dhahaan Eebaan ku dhaawannaye waa xaq, Eebe wuxuu ku dhahaa dhadhamiya caddibaadda Gaalnimadiinna darteed. (35) Usamir siday u samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee rasuullada ahaa, hana ku dagdagin in la caddibo waxay la midnoqon markay arkaan waxa loogu goodiyay ineeyan ku nagaanin Adduunka Saacad maalin ah waxaan ahayn, Quraankuna waa gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah umbaana la halaagaa.

 

Muhammad

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) kuwii Gaaloobay oo jidka Eebana ka leexiyay Dadka Eebe waa buriyay camalkooda. (2) kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Quraanka lagu soo dajiyay (Nabiga) Muxammad ah ee xaqa ah Eebe wuu astuuri xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin. (3) saasna waxaa ugu wacan in kuwa Gaaloobayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa Eebe, saasuuna Eebe u yeelaa tusaale. (4) Haddaad kula kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo. (5) Eebana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda. (6) Wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay. (7) Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, Gommadihinnana wuu sugi (Geesinnimo). (8) Kuwa Gaaloobayse Halaag iyo (hoos u dhac) yaa u sugnaaday, Camalkoodiina Eebe wuu halleeyay. (9) Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Eebe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay Camalkoodii. (10) Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay Cidhibtii kuwii Gaaloobay ee Ree Maka ka horreeyay, Eebaa halaagay, Gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag. (11) Saas waxaa ugu wacan in Eebe yahay gargaaraha Mu'miniinta, Gaaladuna ayna gargaare lahayn. (12) Eebe wuxuu galin Mu'miniinta Camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, kuwa Gaaloobayna way raaxaysan (Addnunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa Gurigay ku hoyan. (13) Imisay jirtay Magaalo ka xoog badan Magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin. (14) Ruux xaqa cad ee Eebe ku sugan ma la midbaa Ruux loo qurxiyay Camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca. (15) Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu'miniinta waa in Wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo Wabiyaal Caano ah ooo iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo Wabiyaal Malab ah oo la sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta ooMidho ah, iyo dambidhaafka Eebe. Ma la midbaa Ruux Narta ku waari lagana waraabin Biyo kulayl daran oo Xiidmahooda gooya/ (16) Waxaa ka mid ah Gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), Markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa Cilmiga leh (Asxaabta) Muxuu lahaa dhawaan, kuwaasi waa kuwa Eebe daabacay Quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay. (17) Kuwa hanuunay (Eebe) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Eebe) kayaabiddiisa. (18) Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo, waxaase yimidba Calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday Qiyaamadu timaaddo. (19) Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan Eebe mooyeen Ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba. (20) Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan Maa la soo dejiyo Suurad, markiise la soodajiyo Suurad sugan Dagaalkana (Jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku soo fiirin (Nabiyow) sida Ruux sakaraad hayo oo kale, halaag baynamutaan kuwaasi. (21) Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) haday Eebe u runsheegaan yaa u khayr badan. (22) Amaad mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, Qaraabadiinnana goysaan. (23) Kuwaasi waa kuwa Eebe lacnaday, dhagaha iyo Indhahana tiray. (24) Miyayna Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan. (25) Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) inta xaqu iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyay, yididiilo (been ahna) uguna yaboohay. (26) Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen kuwa xaqa nacay waxaan idinku (waafaqaynaa) adeecaynaa amarka qaarkiis (colnimada Nabiga), Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (27) Ee say noqon markay nafta ka qaadayso Malaa'igtu iyadoo ka garaaci Wajiga iyo gadaashaba. (28) Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka cadhoodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii. (29) Kuwii Qalbiga ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebe soo muujinayn xumaanta (iyo xasadka) Qalbiga kaga jira. (30) Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku aqoonsan Calaamad, waxaad kaloo ku oqoonsan hadalka leexsan, Eebana waa ohyahay camalkooda. (31) waannu idin imtixaanaynaa intaan ka muujinno kuwiinna Jahaadi iyo kuwa samra, waana imtixaanaynaa Xaalkiinna. (32) Kuwa gaaloobay ee Jidka Eebe ka leexiya dadka Rasuulkana khilaafa (lana collooba) inta xaqu u caddaaday ka dib waxba Eebe kama dhimayaan Camalkoodana wuu burrin. (33) Kuwa xaqa rumeeyow Eebe adeeca, Rasuukiisana adeeca, Camalkiinnana hayska burrinina. (34) Kuwa gaaloobay oo Jidka Eebe ka leexiyay dadka kadibna dhinta iyagoo gaala ah Eebe uma Dambi dhaafo. (35) Ha tabar darraanina mu'miniintaay ood markaa heshiis u yeedhaan, idinkaaba ka sarreeyee Eebana idinla jiraaye, Camalkiinnana ma nusqaaminaayee. (36) Nolosha Adduunyo waa uun ciyaar iyo dheeldheel, haddaadse xaqa rumeysaan ood dhawrsataan wuxuu idin siin (Eebe) abaalkiinna, xoolihiinnana idin waydiisan maayo. (37) Hadduu idin waydiiyo (Eebe) xoolihiinna (dhammaan) idinkuna celceliyo waad bakhayloobaysaan, waxaana soo bixi colnimadiinna. (38) Kuwaas xaqa rumeeyow waxaa laydiinku yeedhi inaad jidka Eebe wax ku bixisaan, waxaase idinka mid ah kuwo ku bakhayli, Ruuxiise bakhayla wuxuu uun kala bakhaylay Naftiisa Eebana waa hodon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro, haddaad xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebe idinku baddali kuwa kale oon idin lamid noqonayn.

 

Al-Fath

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow. (2) Si Eebe kuugu dhaafo waxaad hormarsatay iyo wixii dib maray oo gaf ah, Nicmadiisana kuugu taam yeelo, Jidka toosanna kuugu hanuuniyo, (3) Kuuna gargaaro Eebe Gargaar wayn. (4) Eebe waa kan ku dajiyay xasilloonida Quluubta mu'miniinta si ay Iimaan ugu siyaadsadaan Iimaankoodii, Eebaana iska leh Samaawaadka iyo dhulka Junuudda ku sugan, Eebana waa wax walba oge falsan. (5) si uu u galiyo mu'miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay dureereyso dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari, Dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Eebe agtiisa waxay ku tahay Liibaan wayn. (6) iyo inuu caddibo munaafiqiinta Rag iyo Haweeenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag iyo haweenba, Eebana u maleeyey mala xun, xumaantu korkooda ha ku wareegto, Eebana Ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo Naarta Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (7) Eebaa iska leh Junuudda ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan. (8) Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo marag ah, Bishaareeye Digena ah. (9) Si aad dadow Eebe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Eebana ugu tasbiixsataan Aroor iyo Galabba. (10) Kuwa Nabiyow kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebe, ballanna ka qaadeen, Ruuxiise burriya Naftiisa umbuu ku buriyay, Ruuxii oofiyana wuxuu Eebe kula ballamay wuxuu siin Ajri wayn. (11) Waxay kugu dhihi kuwii kaddib maray (Jahaadka) ee Ree-Baadiyaha (carbeed ahaa), waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee Eebe noo dambi dhaaf waydii, Carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin, waxaad ku dhahdaa yaa Eebe wasx idiinka hanankara hadduu dhib idinla doono, ama gargaar idinla doono Saas ma aha, ee Eebe waa ogyahay waxaad camal falaysaan. (12) Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo Mu'miniinta u soo noqonnaynin ehelkooda waligood, saasaana loogu qurxiyay qalbigiinna, waxaadna ahaateen kuwo halaagsamay. (13) Ruuxaan Eebe rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan Gaalo u darabnay Naarta Saciiro. (14) Eebaa iska leh xukunka waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan, wuxuuna u dambi dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana dambi dhaafe naxariiste ah. (15) Waxay idinku odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aadaan si aad u soo qaadataan nadaaya aan idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebe, waxaad dhahdaa naraaci maysaan Eebaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na xasdaysaan, waase kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen. (16) Waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee Ree baadiyaha ah waxaa laydinku yeedhi kuwa xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse addeecdaan wuxuu Eebe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran. (17) Ruux Indha la' korkiisa dhib (Jahaad) ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka, Ruuxiise Eebe addeeca iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhexdureeri Wabiyaal, Ruuxiise jeedsada wuu caddibi caddibaad daran. (18) Eebe wuu ka raalli noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow Geedka hoostiisa, Eebana waa ogaaday waxa Quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw. (19) Iyo Qaniimooyin badan oy qaadandoonaan, Eebana waa adkaade falsan. (20) Eebena wuxuu idiin yaboohay Qaniimooyin badan ood Qaadanaysaan, Tanna wuu idiin hormariyay, (qaa Qaniimadii khaybar), wuuna idinka reebay Gacmaha dadka (gaalada) si ay ugu noqoto mu'miniinta calaamo (Runta Nabiga) idiinkuna hanuuniyo jidka toosan. (21) Waxaa kale oo uu idiin dadajiyay Qaniimo kale oydaan awooddeen, Eebana wax walba waa karaa. (22) Hadday idinla diriraan kuwa gaaloobay way carari (oy jabi) sokeeye iyo gargaarna heli maayaan. (23) Saasna waa waddadii Eebe ee u horreysay ummadihii tagay, wax baddali karana ma jiro. (24) Eebe waa kan idin kala reebay «idinna kala ilaaliyay» gaaladii markaad maka gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib, Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan. (25) Gaaladii makaad waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darbantahay inaygaadho halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo Haween mu'miniin ah (oo la nool) idinna aydaan ogayn marka aad baabi'neeysaan ayna mashaqo idin haleesho (Eebe waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu'miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebe caddibi lahaa gaalada caddibaad daran. (26) Xusuusta marka Eebe yeelay kuwii gaaloobay Quluubtooda islawayni iyo cadho, sidii isla waynidii iyocadhadii jaahiliinta oo Eebe ku dajiyay xasilloonidiisii Rasuulkiisa korkiisa iyo mu'miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada (Ashahaadada iyo ballan ku sugnaanshaha), iyagaana ugu mudan kalimadaas chelna u ah, Eebana wax walba waa ogyahay. (27) Eebe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah, abaydna in mu'miniintu gali MAsjidka xurmaysan hadduu Eebe doono, iyagoo aamin ah oo Timaha xiiri ama gaabin (Xajka iyo Cumrada ka dib) iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna Eebe ogyahay waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Maka ka soke Fatxi (Xudaybiya). (28) Eebe waa kan la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo Diimaha oo dhan, Eebaana marag ku filan. (29) Muxammad waa Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiilna waxay lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u yaboohay kuwa xaqa rumeeyay

 

Al-Hujuraat

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Kuwa xaqarumeeyow ha ku dagdagina Eebe iyo Rasuulkiisa hortiisa (waxayan fasixin), Eebana ka dhawrsada ileen wax walba wuu maqli wuuna ogyahaye. (2) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka koryeelina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qaylyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon agayn. (3) kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa kuwo Eebe imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudanyihiin dambi dhaaf iyo ajri wayn. (4) kuwa kaaga dhawaaqi qolalka gadaashooda badankoodu wax ma kasayaan. (5) Hadday samraan intaad uga soo bixi yaa u khayr badnaan lahayda, Eebana waa dambi dhaafe naxariista, (6) Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la'aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen. (7) Ogaadana in Rasuulkii Eebe idin dhexjoogo, hadduu idinku addeeco waxyaala hadanna aad dhibboonaysaan, wuxuuse Eebe idinla jeclaaday limaan, una qurxiyay quluubtiinna, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo, kuwaasina waa kuwa hanuunsan. (8) Waa fadliga (siinta) Eebe iyo naxriistiisa, Eebana wax walba waa ogyahay, waana falsame. (9) Hadday Laba qolo oo mu'miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtay intay amarka Eebe uga noqoto (xaqa aqoonsato), Hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe wuxuu jecelahay kuwa garsooree. (10) Mu'miniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee. (11) Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin Ragna Rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, Haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina Naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, Ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin. (12) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad necebtihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee. (13) Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay, (14) Waxay dheheen ree baadiyihii carbeed waan rumaynay (xaqa), waxaad ku dhahdaa maydaan rumaynin, laakiin dhaha waan hoggansannay, Iimaankuna wali Quluubtiinna ma galin, haddaadse adeecdaan Eebe iyo Rasuulkiisa kama nusqaamiyo camalkiinna waxba, Eebana waa dambi dhaafe naxariista. (15) Kuwa mu'miniinta ah waa kuwa uun rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa oon shakiyin, kuna Jahada Xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah. (16) Waxaad dhahdaa ma Eebbaad usheegaysaan diintiinna isagoo og waxa Samaawaadka iyo Dhulkaba ku sugan, Eebana wax walba waa ogyahay. (17) Waxau kugu mannaysan inay Islaameen, waxaad dhahdaa haygu mannaysanina Islaamkiinna Eebaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay Iimaanka haddaad run sheegeysaan. (18) Eebe waa ogyahay waxa Samaawaadka ku maqan iyo dhulkaba, Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan.

 

Qaaf

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin). (2) Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh. (3) Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog. (4) Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan. (5) Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. (6) Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn. (7) Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan. (8) Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. (9) Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta, (10) Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. (11) Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. (12) Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. (13) Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). (14) Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). (15) Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). (16) Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. (17) Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida. (18) Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). (19) Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. (20) Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). (21) Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi. (22) Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay. (23) Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray). (24) Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis. (25) Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. (26) Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. (27) Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa. (28) Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. (29) Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. (30) Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin. (31) Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn. (32) Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). (33) Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan. (34) Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. (35) Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado. (36) Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto. (37) Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. (38) Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin. (39) Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor. (40) Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. (41) Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw. (42) Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda. (43) Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan. (44) Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. (45) Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.

 

Adh-Dhaariyat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa). (2) Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka). (3) iyo doonnida sida fudud u socota. (4) Iyo Malaa'igta amarka qaybisa. (5) Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run. (6) Abaalmarintuna waa sugantahay. (7) Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh. (8) Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan. (9) Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay. (10) Waxaana la nacladay Beenalayaasha. (11) Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. (12) waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada). (13) Waana maalinta naarta lagu gubi. (14) Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. (15) Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. (16) Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala. (17) Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda. (18) Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen. (19) Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. (20) Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. (21) Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho). (22) Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. (23) Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale. (24) Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. (25) Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin. (26) Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay). (27) Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. (28) Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, (29) Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali). (30) waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi