Juz'
27
(31) (Nabi
Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay
kuwayohow la soo diray. (32) Waxayna dheheen
waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. (33)
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). (34) Oo Eebe agtiisa
loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. (35) Markaasaan ka
bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. (36)
kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. (37)
Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. (38) (Nabi) Muusana calaamo
lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. (39) Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku
yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. (40) Markaasaan
qabannay (ciqaabnay)
isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. (41) Ree Caadna (calaamo lagu waana
qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray
dabayl wax halaagta. (42) Wax kasta oy
martana ka dhigi wax tirtiran. (43) Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan)
markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. (44) Waxayna iska
kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. (45) Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. (46) (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo
faasiqiin ah, (47) Samada annagaa u dhisnay si xoog
ah, waana waasicinnay. (48) Dhulkana waan
gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). (49) Waxwalbana
waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. (50)
Ee Eebe u carara (toobad keena),
waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). (51) Hana yeelina
Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. (52)
Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado
waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. (53)
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. (54)
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). (55) Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. (56) Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. (57) Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. (58) Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. (59) 59 Kuwii dulmiilowga
ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka
horreeyey) ee ha dadajisanin. (60) Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.
At-Tur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) (Eebe
wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (2) Iyo Kitaabka la dhigay, (3) Oo
ku qoran warqado la fidiyay. (4) Iyo Gurigii
cammirraa (Beytulmacmuur). (5) IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). (6) Iyo Baddii la
kululeeyay. (7) Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (8) wax celinna ma jiro. (9)
Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (10)
Buuruhuna socon. (11) Halaagna waxaa iska leh
maalintaas kuwa xaqa beeniyay. (12) Ee ah kuwa
tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (13) Maalinta Naarta
xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (14) Waatan Naartii
aad beenin jirteen. (15) Ma sixirbaa,
mase waxbaydaan arkayn. (16) Gala, ama samra
ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal
falayseen. (17) Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali
Jannooyin iyo Nicmo. (18) Iyaga oo ku
raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. (19) (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. (20) Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween
Janno (Xuuralcayn). (21) Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday
waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo
naxariista), camalkoodana waxba kama
nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». (22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay
jecelyihiin. (23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda
(iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal
xun iyo dambi midna lahayn. (24) Waxaana u
adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (25) Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale
qaabila iyagoo wax is waydiin. (26) Waxayna isu
dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (27) Eebaase nagu mannaystay (dambi
dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda
Samuumka (Jahannama). (28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa
Baarrii naxariista. (29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed
ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (30) Mise waxay dhihi
waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (31) Waxaad dhahdaa
suga anna waan idin la sugiye. (32) Mise caqligooda
(xun) yaa saas faray, ma
aha ee waa Qoom xadgudbay. (33) Mise waxaydhihi
isagaa abuurtay (Quraanka)
waxba ma ayan rumeynin. (34) Ha la yimaadeen
hadal la mid ah hadday Run sheegi. (35) Mise waxaa la
abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (36) Mise iyagaa
Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin
dadka. (38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax
ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (39) Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku
cuslaatay. (41) Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay
qoraan. (42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa
gaaloobay iyagaa dhakran. (43) Mise Ilaah Eebe
ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». (44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa
waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (45) Ee iskaga tag
Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u
gargaarana uusan jirin. (47) Kuwa xad gudbay
waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (48)
Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi
Eebahaa markaad kici. (49) Habeenka
qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.
An-Najm
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu
hoobto. (2) Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama
leexan. (3) Kumana hadlo hawadiisa. (4) quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. (5) Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka
soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku
Jibriil). (6) Ee caafimaad iyo
quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. (7) Wuxuu joogay
jihadii sare (Jibriil). (8) Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). (9) Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. (10) Wuxuuna Eebe
waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. (11) Qalbiguna Ma
beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). (12) Ee ma idinkaa
ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. (13) Dhabnimuu
Nabigu u arkay Jibrill mar kale. (14)
Sidratul-Muntaha agteeda. (15) Agteedana waxaa
ah Jannatul-ma'waa. (16) (Wuxuu arkay) waqtiguu
daboolayay Sidrada wax daboola. (17) Arragguna kama
iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. (18) Dhabnimo yuuna
u arkay (Nabigu)
Aayado Eebe oo waawayn. (19) Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. (20) Iya Manaatadii saddexaad ee kale. (21)
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. (22)
Taasi waa qayb dulan ah. (23) Sanammaduna
magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax
xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa
naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. (24)
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. (25)
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. (26) Badanaa Malag
Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu
la doono oo ka raalli noqdo. (27) Kuwa aan
rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. (28) Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun,
malana xaqa wax kama taro. (29) Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. (30) Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana
waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. (31) Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si
uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii
wanaagga falay wanaag. (32) Waana kuwa ka
fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac
dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku
asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda
dhawrsashada badane. (33) Ka warrama
midka xaqa ka jeedsaday. (34) Oo wax ar bixiyay
inta kalana reebtay. (35) Ma agtiisaa
cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. (36) Miyaan looga
warramin (dadka)
wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). (37) Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). (38) Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. (39) Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. (40) Camalkiisana la arki doono. (41)
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. (42) Eebaa
xaggiisana loo ahaan. (43) Eebe waakan wax
ka qosliya kana oohiya. (44) Isagaana wax
dila waxna nooleeya. (45) Isagaana
abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. (46)
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. (47) Isagaana
ahaysiin soo celinta kale. (48) Eebe isagaa wax
Hodmiya isagaana wax faqiiriya. (49) Waana Eebaha
xiddigga Shicra. (50) Eebe isagaa halaagay Caadkii
hore. (51) Iyo Thamuudba waxna kama reebin. (52) (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu
(uhalaagay), waxayna ahaayeen
kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. (53) Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). (54) Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). (55) Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. (56) Kan
(Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah
digayaashii hore. (57) Wayna dhawaatay
Saacaddii Qiyaame. (58) Wax Eebe ka soo
hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). (59) Ma quraankanaad
la yaabantihiin. (60) Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). (61) Idinkoo waliba hilmaansan (islana
wayn). (62) Ee dadow Eebe u
sujuuda caabudana.
Al-Qamar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu
dillaacay. (2) Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka
jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. (3)
Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa)
waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. (4) Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. (5) Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. (6) Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. (7) Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi
Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. (8) Iyagoo u dagdagi
dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. (9) Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna
dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». (10) Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. (11) Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka
keenay. (12) Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo,
wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. (13)
Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. (14)
Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. (15) Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo
wax xusuusan). (16) Seese yahay
Caddib Eebe iyo digiddiisu. (17) Waan
fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (18) Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. (19) Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin
baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. (20) Oo dadka
siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. (21) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (22) Waxaan
ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (23) Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. (24) Waxayna dheheen
ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay
baadi iyo dhibaato. (25) Ma isagoo na
dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. (26) Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. (27) Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug
kuna samir. (28) Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin
gaara leedahay. (29) Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood
hashiina wuu dilay. (30) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (31) Dhawaaq
kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. (32) Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma
jirtaa cid ku wacdoomi. (33) Way beeniyeen
Qoomkii (NabiLuudh) u
digiddii. (34) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl
Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. (35) Nicmad
xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). (36) Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen
digiddaas. (37) Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha
tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (38) Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. (39) Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo
digiddiisa. (40) Waan fududaynay Quraanka xusuus
darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (41) Fircoon iyo
ehelkiisii waxaa uyimid digid. (42) Wayna beeniyeen
Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. (43) Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi
la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. (44) Mase waxay
dhihi koox guulaysan yaanahay. (45) Waa la jabin
kooxda, Dabadayna jeedin. (46) Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah,
Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. (47) Kuwa
dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. (48) (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta
WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. (49)
Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. (50) Amarkannaguna
ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. (51) Dhab ahaan baan
u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. (52) Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. (53) Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. (54) Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (55) Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh
agtiisa ah (yaa u sugnaatay).
Ar-Rahmaan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Eebaha) Raxmaan ah. (2) Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (3) Dadkana wuu abuuray. (4)
Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (5) Qorraxda iyo
dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (6) Xiddigga iyo
Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (7) Samadana Eebaa koryeelay,
Garsoorna wuu dajiyay. (8) Si aydaan uga
gudbin Caddaaladda. (9) Miisaanka ku
hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (10) Dhulkana Eebe
wuxuu u dajiyay khalqiga. (11) Dhexdiisa waxaa
ah Faakihad (khudaar) iyo
Timir Fiido leh. (12) Xubuubna (midho) ball leh iyo
udgoona wuu abuuray. (13) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (14) Dadka Eebaa ka
abuuray dhoobo Jilay oo kale ah. (15) Jaankana wuxuu
ka abuuray ololka Naarta. (16) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (17) Ilaaheen waa
Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (18)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (19) Eebe waan kan Labada Badood
dariseeyey iyagoo kulmi. (20) Dhexdoodana
yeelay soohdin (kala reebta)
iskumana xadgudbaan. (21) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (22) Waxaa lagala
baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (23) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (24) Eebe waxaa u
sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (25)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (26) Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu
tagi. (27) Waxaase hadhi Eebaha wayn ee
sharafta leh. (28) Nimcooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (29) Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo
Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (30)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (31) Waana idin
xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (32) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (33) Jinni iyo
Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka
baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (34) Nimcooyinka Eebe
teebaad beeninaysaan. (35) Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri
Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (36)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (37) Markay Samadu
dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (38) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (39) Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba
ma jiro. (40) Nicmooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan
astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana
lagu tuuri). (42) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan, (43) Tani waa
Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (44) Waxay ku
meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (45)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (46) Ruuxii ka yaaba
Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (47)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (48) Jannooyinkaas
oo midabyo leh (iyo Laamo). (49) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (50) Waxaa laga helaa ilo socda. (51)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (52) Waxaa laga
helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (53) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (54) Waxay ku
dangiigsan (ehlu Jannuhu)
Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (55)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (56) Jannooyinka iyo
Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay
Insi iyo Jinni midna. (57) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (58) Waxaad moodaa Haweenkaas
Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (59) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (60) Wanaag
abaalkiisu soo wanaag ma aha. (61) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (62) Waxay heli
Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (63) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (64) Waana Laba
Jannoo madow (cagaaran). (65) Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (66) Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (67) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (68) Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (69)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (70) Dhexdooda waxaa
ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (71) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (72) Waa Haween
Indhacad oo Gurigooda jooga. (73) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (74) Waa Haween
uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (75)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (76) Waxayna
ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (77) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (78) Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee
shrafta leh.
Al-Waaqia
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Markay Qiyaamadu dhacdo. (2) Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay
arkaan). (3) Waana (mid) hoos u dhiga kor u
dhiga ah. (4) Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (5) Buurahana la riqdo. (6) Oy noqoto boodh
Firdhisan. (7) Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). (8) Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. (9)
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. (10)
Iyo kuwii aad u hormaray. (11) Waa kuwa Eebe
dhaweeyay. (12) Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (13) Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (14)
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. (15) Sariiro Dahab
laga sameeyay yayna ku sugnaan. (16) Oy kuna
dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (17) Waxaa la dhex
wareegi wiilal waari. (18) Koobab iyo
kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda. (19)
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (20) Faakihaday
«khudaartay» doonaanna way heli. (21) Iyo Hilib
Shimbir oo kay rabaan ah. (22) Iyo Haween
Janno oo Indha cadcad. (23) Ood mooddo
Jawhar la ilaaliyay. (24) Waana
abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (25) Kumana maqlaan
Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (26) Waxayse ku
Maqli Salaan (dhexdooda ah). (27) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. (28) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. (29) Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa. (30)
Iyo Hoos joogta ah. (31) Iyo Biyo socda (goor walba). (32) Iyo Faakiha badan. (33) Oon la
goynaynin lana reebaynin. (34) Iyo Gogol la
koryeelay. (35) Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). (36) Kana dhigi kuwa aan la taaban. (37)
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (38) Liwa Midigta
yaa muta (arrintaas). (39) Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (40)
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (41) Kuwa Bidixda
mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (42) Waxay ku
sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (43) Iyo hoos madow
oo wax guba. (44) Aan qaboobayn aragna fiicnayn. (45) Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (46) Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. (47)
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo
bixin. (48) Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (49) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (50) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (51) Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. (52) Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. (53)
Aad kana buuxinaysaan Caloosha. (54) Waxaadna ku
cabbaysaan Biyo kulayl badan. (55) Waxaadna u
cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (56) Kaasina waa
waxa lagu soori (Gaalada)
Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (57) (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin
abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (58) Ka warrama
Dhibicda aad tuuraysan «Manida». (59) Ma idinkaa
abuura mase Annagaa abuurra, (60) Annaaa idinku
eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (61)
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan
aqoon. (62) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii
hore, maad wax xusuusataan. (63) Ka warrama
waxaad beereysaan. (64) Ma idinkaa soo
dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (65) Haddaan doonno
waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (66) (Idinkoo dhihi) Waa nala
khasaariyay. (67) Mase waa nala hoojiyay. (68) Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (69)
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (70) Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku
mahadisaan (Eebe). (71) Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. (72) Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa
ahaysiinnay. (73) Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo
nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). (74) Ee waynee oo u
Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (75) (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay
halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (76) Waana dhaar
wayn haddaad ogtihiine. (77) Quraanku waa
shay sharaf leh. (78) Wuxuuna ku suganyahay Kitaab
la dhawray. (79) Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. (80) Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (81) Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (82)
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa). (83) Maxaydaan
markay Naftu dhuunta gaadho. (84) Idinkuna aad
fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (85) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan
arkaynin. (86) Haddaad tihiin kuwa aan la soo
bixinaynin. (87) Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run
sheegaysaan. (88) Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe
dhaweeyay. (89) Wuxuu heli naxariis iyo farax
iyoJannada Naciima. (90) Hadduu yahay
kuwa Midigta marina. (91) Nabadgalyaa u
sugnaatay (iyo wanaag). (92) Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (93) Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (94) Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (95)
Waxaad (la soo sheegay) waa
run dhab ah. (96) Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
Al-Hadid
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan
Samawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan. (2)
Waxaa Eebe u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo Dhulka, isagaa waxa nooleeya
waxna dila, waxwalbana wuu karaa. (3) Eebe waa kan horreeyay, waana kan
dambayn, waana kan muuqda (khalqigiisa) awgiis waana kan
(Indhaha) ka qarsoon
waxwalbana og. (4) Eebe waa kan ku abuuray Samaawaadka
iyo Dhulka Lix Maalmood qaddarkood, markaasna Carshiga ku ekaaday (si u cunnanta) wuxuuna ogyahay
waxa Dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa Samada ka soo dagi iyo waxa u kori,
Eebana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna
Eebe waa arkaa. (5) Eebaa iska leh xukunka Samada iyo
dhulka, xaggiisaana loo celin ummuuraha. (6) Eebe waa kan habeenka iyo dhaarta
is dhex galiya (kala badiya) waxa
laabta ku jirana waa ogyahay. (7) Rumeeya Eebe iyo
Rasuulkiisa, bixiyana waxa ka mid ah wuxuu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa) kuwa rumeeyay Eebe
oo idinka mid ah waxna bixiyay waxay Mudan ajir wayn. (8)
Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Eebe, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi
inaad rumaysaan Eebihiin, isagoo Eeba ballan idinka qaaday haddaad mu'miniin
tihiin. (9) Eebe waa ka soo dajiyay Aayaad
cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, Nuurna idiinku bixiyo, Eebana waa idiin
naxariis badanyahay. (10) Maxaad
leedihiin ood wax ugu bixinwaydeen Jidka Eebe isagoo Samaawaadka iyo Dhulka
dhaxalkooda iska leeyahay, masinna Ruux wax bixiyay Maka furashadeedii ka hor
oo Jahaaday, kuwaasaa ka Ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib,
dhammaantoodna Eebe wuxuu u yaboohay wanaag, Eebana waa ogyahay waxaad camal
falaysaan. (11) Waa kuma kan Eebe amaah wanaagsan amaahin (wax bixin) oo markaas uu u
laablaabo, Ajri wanaagsanna hela. (12) (Xusuusta) Maalinta aad arki
Mu'miniinta Rag iyo Haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo Midigtooda,
waxaana lagu dhihi bishaaraysta Maanta, waa Jannooyin Ay dureeri dhexdooda
Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn. (13) waa Maalinta Munaafiqiintu Rag iyo Haweenba ay ku dhihi
kuwa xaqa rumeeyay na suga aan ka Dhuxul qaadanno Nuurkiinnee, waxaana lagu
dhihi ku noqda gadaashiinna, waydiistana Nuur, markaasaa layeelaa dhexdooda Darbi
xaggiisa gudahana Naxariis tahay, xaggiisa dibaddana Caddibaad tahay. (14) Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla
jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la
sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe
ka yimaaddo (Geerida)
waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan). (15) Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna,
Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun. (16) Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u
khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii
Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu,
wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada). (17) Ogaada in Eebe
nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u
kastaan. (18) Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka
wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa
Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin
Ajri sharaf leh. (19) Kuwa rumeeyay Eebe iyo
Rasuulkiisa kuwaasu waa Runbadanayaal, Shuhadaduna Eebe agtiisa ajri iyo Nuur
bay ku mudan kuwase Gaaloobay beeniyayna Aayaadkanaga kuwaasi waa ehelka Naarta
Jaxiimo. (20) Ogaada in nolosha Adduunyadu yahay
ciyaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isufaan dhexdiinna ah iyo badsi Xoolo
iyo Carruur, sida Roobi isjeclayssiyey beertah, wuxuu soo bixiyo, markaasna
ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur, Aakhirana waxaa jira
caddibaad daran iyo dambidhaaf xagga Eebe ka iman iyo raalli ahaansho, nolosha
Adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi. (21) U orotama
Dambidhaafka Eebe iyo Janno balladhkeedu yahay balladhka Samada iyo dhulka oo
kale, loona darbay kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa, Arrintaasuna waa samafal
Eebana wuxuu siin Ruuxuu doono, Eebana Fadligiisu waa wayn yahay. (22) Wixii dhib ah oo Dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca
wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor, arrintaasuna waa u fududdahay
Eebe. (23) Si aydaan ugu murugoonin wixii
idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla Ruux kasta oo
isla wayn oo faanbadan. (24) Oo ah kuwa
bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, Ruuxii jeedsadana Eebe waa ka hodon
mahadsan. (25) Dhab ahaan baan ula dirray
Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku
ugu tooso Caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay
iyo nacfi dadka iyo in Eebe muujiyo Cidda u gargaari isaga (Diinta) iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebana waa Xoog badane
Adkaade ah. (26) Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana yeellay
faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa
hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin. (27)
Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu
maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay
isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda
raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq
ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid
ahna waa faasiqiin. (28) Kuwa xaqa
rumeeyow Eebaa ka dhawrsada, rumeeyana Rasuulkiisa haydin siiyo laab laab
naxariiseede, hana idiin yeelo Nuur aad ku socotaane, hana idiin dambidhaafee,
Eebana waa dambidhaafe naxariista ah. (29) Inay ogaadan
ehlukitaabku inayan karin inay hantaan Fadliga Eebe, fadliga Eebana awooddiisu
uu ku jiraa, wuxuuna siin Ruuxuu doono, Eebana waa kan Fadliga wayn leh.