Juz'
28
Al-Mujaadila
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula
doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Eebana wuu
maqlayey doodooda, maxaayeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka. (2)
Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood,
hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been
Ilaahayna hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane. (3)
Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon «haweenkii» waxaa ku
waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa
dadku camal fali waa ogyahay. (4) Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi
Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu
quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Eebe u rumeysaan iyo
Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab
kulul. (5)
Kuwa Eebe iyo Rasuulkiisa hilaafaya waxay mudan yihiin halaag sidii loo
halaagay kuwii ka horreeyey, Eebana wuxuu soo dajiyey Aayado cad cad Gaalana
waxaa u sugnaaday cadaab wax ihaaneeya. (6) Maalinbuuna ihaanayn Ilaahay uu soo bixin
dhammaantood, ugana warrami waxay camal faleen, Eebana waa koobay iyana waa
hilmaameen Ilaahayna wax kasta wuu daalacan (arkaa). (7) Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay
Cirka iyo Dhulka waxa ku jira, Seddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, Shantana
Ilaahay baa Lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaaahaybaa la jooga
meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga qarrami waxay camal faleen Maalinta Qiyaamo
Ilaahayna wax walba waa ogyahay. (8) Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo
haddana ku noqon waxa laga reebay, kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo
caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u yimaadaanna ku salaamaya waxaan Eebe ku
salaamin oo hoos u dhihi maa Eebe nagu cadaabo waxaan ku hadlayno waxaa ku
filan Jahaannamo oo ay galayaan waana Guri xun. (9) Kuwa rumeeyayow markaad
faqaysaan ha ku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada Rasuulka ee ku faqa
wanaag dhawrsani, Eebana ka yaaba isagaa la isu soo kulmine. (10)
Faqa xun Shaydaan buu kayimaaddaa suu u walbahaar geliyo kuwa xaqa rumeeyay,
waxbase kama dhibo idan Ilaahay Mooyee,
Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa xaqa rumeeyey. (11) Kuwa xaqa rumeeyayow haddii
la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isuwaasiciya Ilaahay wanaagga ha idiin
waasiciyee, marka la idin yiraahdo Jihaadka iyo Khayrka u degdegana; u degdega
Ilaahay wuu koryeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna daragooyin yuu
koryeelayaa Eebana waxa la camal fali waa ogyahay. (12) Kuwa xaqa rumeeyayow markaad
Nabiga qaabilaysaan hormariya Sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiina nadiifsan,
haddaydaan helaynin Eebe waa dambi dhaaf badane Naxariis badane. (13)
Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan Sadaqooyin markaad Nabiga la
kulmaysaan; haddaydaan saas falin Eebe waa idin ka toobada aqbalaye ee Salaadda
ooga Sakadana bixiya Ilaahaay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebana waa ogyahay
waxaad camal falaysaan. (14) Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa
Eebe u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma aha iyagana ka mid ma aha (waa
munaafiqiinta)
waxayna ku dhaaran been iyagoo og. (15) Eebe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran
maxaa yeelay wax xun bay falayeen. (16) Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen
dadkana xaqiibay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya. (17)
Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu
Naar ah wayna ku waari. (18) Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u
dhaaran Eebe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja
ah)
haystaan waase kuwo beenaalayaal ah. (19) Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo
hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna
waa kuwa khasaaray. (20) Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya
waxay ka mid noqon kuwa dullooba. (21) Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo
Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah. (22) Ma helaysid dad Ilaahay
rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa
khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda,
kuwaas (aan
jeelaanin)
waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa,
wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa
ka raalli noqday iyana way ka raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga
Ilaahayna waa kuwa Liibaanay.
Al-Hashr
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasaha (sharifa) waxa Cirka iyo
Dhulka ku dhexnool, waana xoo badane Falsan. (2)
Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka ahaa «Yuhuud» Guryahoodii
kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in
Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel ayan filayn,
qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda iyo
gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato. (3) Haddaan Eebe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi
lahaa Adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed. (4) Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen,
ruuxii Eebe khilaafana Ciqaabtiisu waa darantahay. (5)
Wixii aad gooysaan oo geed ah (qq Cadawga) ama aad daysaan iyadoo ku taagan Salkeeda waa idinka Eebe
iyo inuu dulleeyo Faasiqiinta. (6) Wixii Xoola ah
ee Ilaahay Nabiga uga soo celiyo Gaalada isagoon Fardo iyo awr lagu dagaallamin
waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebana Cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax
walbana Eebe waa karaa. (7) Wixii Xoola aha
ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa;
waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Musaafiriinta
«socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah dhexdooda wuxuu
Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka
reebmaan, Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa
darantahay. (8) Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa
Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo Xoolahoodii dar Eebe iyo
gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda. (9) Kuwii Madiino deganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel
yihiin dadka u soo hijroon (u soo qixi) wax necbaansho ahna Laabta uma geliyaan dadkaas waxay
siin, waxayna Naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo hahaysee, ruuxii laga dhawro
bakhaylnimada Naftiisa waa mid Liibaanay. (10) Kuwa imaan
Asxaabta Nabiga ka dib waxay Eebe weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo
Walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa
rumeeyey Eebena waa naxariis badane. (11) Ma ogtahay in
kuwii Munaafiqiinta ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee Yuhuudda ahaa haddii
laydin bixiyo waan idinla jiraynaa Cid aan idiin maqlaynana ma jiro waligeed,
haddii laydinla dagaallamana waan idiin gargaaraynaa, Ilaahayna waa ogyahay
inay Beenaalayaal yihiin. (12) Haddii la
bixiyo Yuhuudda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan hadday
isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana gargaarayo. (13) Mu'miniinta yey uga cabsi badan yihiin Yuhuuddu
Ilaahay, maxaa yeelay waa dad aan wax garad ahayn. (14)
Kuwa xaqa rumeeyeyna lama dagaallami karaan «dhufaysyo iyo Gidaaro dhexdood
mooyee» dhibka dhexdooda ahna waa daranyahay quluubtooduna waa kala tagsan
tahay, maxaa yeelay waa dad aan wax kasayn. (15)
Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii
camalkooda, Cadaab daranna u sugnaaday. (16) Waxay la
midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah
bari baan kaa
ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka yaabi. (17)
Markaasay Labadooduba Cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana
saasaa lagu abaal mariyaa. (18) Kuwa xaqa
rumeeyey waa inay Eebe ka dhawrsadaan, Nafwalbana waa inay eegtaa waxay u
hormarsatay barri (qiyaamaha) Eebena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye. (19) Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebe
hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday). (20) Ma eka Ahlu naarka iyo Ahlu Jannaha, Ahlu Jannuhu waa
kuwa liibaanay. (21) Haddii quraankan Eebe Buur ku
dejiyo (kula hadlo)
waxaad arki lahayd Buurtii oo khushuucsan oo dillaaci cabsi Eebe darteed,
saasaa Eebe mataallo ugu sheega dadka inay fikiraan darteed. (22) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, waxa maqan iyo waxa
joogaba waa ogyahay, waana kan
naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. (23) Ilaahay isaga
mooyee Eebe kale ma jiro, waa Xaakim Daahir ah, nabadgeliye, rumeeye, wax
walbana ilaaliye xoog iyo wenaan isagaa leh, waana ka nasahanyahay waxay
Cibaadada la wadaajinayaan. (24) Eebe waa kan wax abuura ee
ahaysiiya sawirana, Magacyo fiicanna wuu leeyahay waxaana Eebe u tasbiixsada (weyneeya) waxa Cirka iyo
dhulka ku sugan, waana adkaade falame.
Al-Mumtahana
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka
dhiganina colka Eebe iyo Colkiina (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay
xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo Muuminiinta inaad Eebe
rumeeyseen darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebe
idinkoo rabo, kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad
qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, Ruuxii saas yeelana Jidka xaqa ah wuu ka
dhumay. (2) hadday idin helaan (Gaaladu) waxay idiin noqon Col gacmaha iyo
Carabkana xumaanbay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan. (3) Qaraabada iyo Caruurtu waxba idiin ma taraan Maalinta
qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad Camal falaysaan. (4) Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo
kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay Gaaladii Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay
Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka
rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey Aabihiis,
isagoon waxba u hanankarin (intaan laga reebin
Arrintaas). Eebe yeynnu talo saaran, isagaan u
toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro). (5) Eebow hannagu
fidnaynin kuwa Gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay adkaade (Casiis) Falsan. (6) Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni
Ilaahay Maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Eebe waa ka kaaftoon yahay
waana ammaananyahay. (7) Wuxuu Eebe u
dhawyahay inuu yeelo jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada
Qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi
dhaaf badane naxariis badane ah. (8) Eebe kama
reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan Diinta
kula dagaallamin Guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel yahay
kuwa Caadiliinta ah (Garsoor). (9) Eebe wuxuu ka
reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta
kula dagaallamay ee Guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga
bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah. (10) Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween
Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay
iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan
inay xaqa (dhabnimo) u
rumeeyeen waa inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha
Meherkiina ha u celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad
Meher siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina,
weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u
bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa
ogyahay (waxa la Camal falo)
waana Falsame. (11) Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka
mid ah Gaalada (Gaaloobaan)
markaas ka dib la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku
masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada. (12) Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si
ay kuugula ballantamaan inay Eebe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna,
Caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna
ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Eebe waa dambi
dhaafe naxariiste ahe. (13) Kuwa xaqa
rumeeyow haka sokeeye dhiganina kuwa Eebe u carooday oo aakhirana ka quustay (waa Gaaloodhane) sida Gaaladu uga
quusatay kuwii dhintay.
As-Saff
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa Cirka iyo
Dhulka ku sugan, Eebana waa adkaade falsan. (2)
dadka xaqa rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin. (3) Waxaa Cadho weyn Eebe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax
aydaan falaynin. (4) Eebe wuxuu jecel yahay kuwa
ku dagaallama Jidkiisa (Jihaadka) iyagoo af ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda). (5) Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og
inaan Rasuul Eebe idiin ahay, markay xaqii ka iisheen yaa Eebana sii iilay
qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah. (6)
xusuusta marka (nabi)
Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa'iil waxaan ahay Rasuul Eebe idiin soo
diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul
gadaashayda imaan oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna
waxay dheheen kani waa sixir cad. (7) yaa ka dulmi
badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka, Eebe ma
hanuuniyo dadka daalimiinta ah. (8) Waxay doonayaan (Gaaladu) inay Nuurka (xaqa) Eebe ku
bakhtiiyaan Afkooda Eebena wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen Gaaladuye. (9) Eebe waa kan
diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Eebe) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba naceen Mushrikiintuye
(Gaaladu). (10) Kuwa xaqa rumeeyow ma idin tusiyaa ganacsi idinka
koriya Cadaab daran. (11) Waxaad rumaynaysaa
Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaalamaysaan Jidkiisa xaqa ah Xoolihiina
iyo Naftiina idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax
og. (12) Markaas Eebe dambigiinuu dhaafi
wuxuuna idin gelin Jannooyin ay dhex socdaan Webiyaal iyo Guryo wanaagsan oo ku
dhexyaalla Jannada Cadnin (nagaanshaha), taasina waa liibaan weyn. (13)
Arrin kale ood jeceshihiinna (wuu idiin siin) waa gargaarka Eebe iyo fatxi (guul) dhaw, kuwa xaqa rumeeyeyna u bishaaree. (14) dadka xaqa rumeeyow noqda gargaarayaasha Eebe sidii
kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama Saaxiibadiis ahaa (Xawaariyintii) ee uu ku yidhi yaa Eebe iila gargaara, markaas ay dheheen
annagaa ah gargaarayaashii Eebe, ka dib ay xaqa rumaysay koox Banii Israa'iil
ka mid ah, kooxna ay ka gaalawday; Eebena ayiday (xoojiyey) kuwii xaqa rumeeyey (kana adkaadeen
Cadawgoodii) oo iyagu ka muuqdeen (ka taliyeen) dhulkii.
Al-Jumu'a
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka
iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame
ah. (2) Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka
mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen
kuwo haadi cad ku sugan. (3) (Waxaa kale oo Eebe Nabigu u diray) kuwo
kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebena waa Adkaade falsame ah. (4) Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga
la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu
doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne. (5) Kuwii la faray
inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (qaa Yuhuudda) haddana an ku camal falin, waxay la mid yihiin
Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey Aayadaha
Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah. (6)
Waxaad dhahdaa (Nabiga) kuwa
Yuhuuda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin Awliyo Eebe dadka kale ka sokow,
geeri jeelaada haddaad run sheegaysaan. (7) Geerina ma
jeelaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Eebana waa ogyahay kuwa daalimiinta ah. (8) Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla
kulmi, markaasaa laydiin eelin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu
idinka warrami (idinka jaasin)
waxaad camal falayseen. (9) Kuwa xaqa
rumeeyow marka laysugu yeedho Salaadda Maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebe,
wax gadashadana ka taga, saasa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og. (10) Markase Salaadda la dhammeeyo Dhulka ku kala faafa,
dalbana (doona)
khayrka Eebe, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan. (11) Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa
waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta
wax arsaaqda.
Al-Munaafiqoon
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay
dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay
inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu
beenaalayaal yihiin (xaqa niyada). (2) Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen
gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u
xunyahay. (3) Saas waxaa ugu wacan inay (xaga muuqda) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen,
Quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay) wax xaq ahna ma kasayaan. (4)
Haddaad aragto Munaafiqiinta waad la yaabi Jidhkooda, muuqooda, hadday
hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse moodaa dogobyo la tiirtiiriyey,
qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa Col kuwaasi, Eebena ha lacnado ee xagee loo
duufsan. (5) Marka lagu dhaho Munaafiqiinta
kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiye Rasuulka Eebe waxay ruxaan Madaxa (diico darteed) waxaad aragtaa
iyagoo jeedsan oo iskibrin. (6) Waa isku mid
haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Eebe u dambi dhaafi mahayo, maxaa
yeelay Eebe ma hanuuniyo dad Faasiqiin ah. (7) Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa
Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka
iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana. (8)
Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi
ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh
Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga. (9) Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin Xoolihiinnu
iyo Caruurtiinnu xuska Eebe (daacaddiisa) Ciddii saas fashaana waa mid khasaartay. (10) Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida
horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa
suubanna aan ka mid noqdee. (11) Naf malageed
galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan.
At-Taghaabun
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasaha (weyneeya) waxa Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulka ku
sugan awood iyo mahadbana Eebaa iska leh, wax walbana isagaa kara. (2) Eebe waa kan
idin anbuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna Mu'miniin, Eebana waxaad
Camal falaysan waa arkaa. (3) Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulkaba wuxuu
Eebe u abuuray si xaq ah, wuuna idin sawiray Eebe, dadoow suuraddiinana wuu
wanaagjiyey, isagaana loo noqon (Ahkhiro). (4) Wuxuu ogyahay
waxa samaawaatka (Cirka) iyo
Dhulka ku sugan, wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan,
Eebana waa ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku jira. (5) Miyuuna idin soo
gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey, waxay dhadhamiyeen xumaantii
camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran. (6)
Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (Gaaladii) ma dadbaa na
hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebe, Eebana waa
midka hodanka ah lana mahadiyo. (7) Waxay sheegeen
kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa saas ma aha, Eebaa
wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen,
taasina waa u fududahay Eebe. (8) Ee rumeeya Eebe
iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebe soo dejiyey (Quraanka) Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay. (9) Maalinta qiyaamada ee Ilaahay idin soo kulmin waa maalin
kado, ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Eebe xumaantiisa (dambigiisa) wuu asturi,
wuxuuna galin Janooyin ay dhex dureeraan Wabiyaal way kuna waaraan waligood,
taasina waa liibaan weyn. (10) kuwa
gaaloobayse beeniyeyna Aayaadka Eebe waa kuwa Ahlu Naar ah waxayna ku waari
dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (11) Wixii Musiiba
ah (dhib ah) oo dhaca waa
idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo
xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa
ogyahay. (12) Eebe adeeca Rasuulkiisana adeeca,
haddaadse jeedsataan (xaqa diidaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaargiiyo. (13) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isaga uunna ha tala
saarteen Mu'miniintu. (14) Kuwa xaqa
rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse
iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah. (15) Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Eebe agtiisaase
ajir weyn (ku sugan yahay). (16) Eebe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada,
ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay. (17)
haddaad Eebe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Eebe waa idiin laab laabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebana
waa kan la
mahadiyo ee ee dusha san. (18) waxa maqan iyo
waxa joogaba Eebe wa ogyahay waana adkaade Falsan.
At-Talaaq
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nabiyow haddaad haweenka
furaysaan Cidada ku fura (daahir aan la taaban) Cidadana tiriya, Eebana ka dhawrsada, hana ka bixinina
Guryahooda (ay joogeen markay la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii
Eebe, ruuxii ka tallaba xuduuda Eebena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu
Eebe u dhawyahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl isku noqosho). (2) Markay Cidada
dhamaadkeeda (ku dhawaadaan) si
fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, dad caadiliina oo idin ka mid ahna
marag uga dhiga, maragana ha u guteen Eebe dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii
rumayn Eebe iyo Maalintii dambaysay «yiaamada» ruuxii Eebe ka dhawrsadana wuxuu
u furi faraj. (3) Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka
filanayn, ruuxii Eebe tala saartana waa ku filan yahay, Eebana amarkiisu waa
fuli, (waxna kama
fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti
sugan (oo go'an). (4) Haweenkiinna Caadada ka quustay haddaad shakidaan
Cidadoodu waa seddex bilood, kuwaan Caada lahayn waa sidaas oo kale, Haweenka
uurka leh cidadoodu waa inay umulaan (dhalaan), ruuxii Eeb ka dhawrsadana wuxuu u fududayn amarkiisa. (5) Kaasi waa amarkii Eebe uu idiin soo dejiyey, ruuxii Eebe
ka dhawrsadana xumaantiisuu asturaa ajirkiisana wuu weyneeyaa. (6) dejiya Haweenkaas (cidada ku jira) meelahaad dagan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si
aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya (masruufa) intay ka umuulaan (kadhalaan), hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara,
haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin. (7)
Haka nafaqeeyo (masruufo)
midka awood xoola leh awooddiisa, kan wax yarna haka nafaqeeyo waxa Eebe siiyey
(ee uu karo), Eebana kuma
mashaqeeyo naf wuxuusan siinin, Eebana wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudayd (faraj). (8) Maxay badan tahay Magaalo Caasiday amarka Eebe iyo
Rusushiisa, markaas Eebe xisaabay xisaab daran caddibaad adagna caddibay. (9) oo dhadhamisay Cidhibtii xaalkaa xumaantiisa,
cidhibteediina ku dambaysay khasaare. (10) Eebe wuxuu u
darbay kuwaas Caddibaad daran, ee Eebe ka dhawrsada kuwa Caqliga lahaw
rumeeyeyowna, Ilaahay wuxuu idiin soo dejiyey Quraane. (11)
Rasuulna wuu idiin soo diray kassoo idiin akhriya Aayaadka Eebe ee cad cad si
uu kuwa Mu'miniinta ah camal wanaagsanna falay uga bixiyo mugdiga Nuurkana ugu
bixiyo mugdiga Nuurkana ugu bixiyo, ruuxii Eebe rumeeya camal wanaagsanna fala
wuxuu gelin Jannooyin ay dureerayso dhexdeeda Wabiyaal wayna ku waari waligood,
Eebe waa wanaajiyey kuwaas risqigooda. (12) Eebe waa kan abuuray Todobo Samo
Dhulkana kala mid dhigay, amarka Eebena wuxuu ku soo degaa dhexdooda, si aad u
ogaataan in Eebe wax walba karo wax walbana koobay.
At-Tahrim
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nibiyow maxaad u xarrimi
wax Eebe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso Haweenkaaga, Eebe waa dambi
dhaafe naxariista ah. (2) Eebe waa idiin
caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Eebena waa gargaarihiinna, waana wax
walba oge falsan. (3) Ma xusuusan
Waqtigii Nabigu ku qarsaday Haweenkiisa Qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay
xaalkii, Eebana uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka
dhaafay, markuu u warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii
warramay Eebaha wax walba oge ah ee yaqaana. (4) Haddaad
Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe
wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari
Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin. (5)
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka
Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr
roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda,
Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh. (6) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna
naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro,
falana wixii la amru. (7) Kuwa Gaaloobow
ha cudur daaranina maanta (Qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen. (8) Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu
Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso
dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga,
nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel
Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee. (9)
Nabiyow la jihaad gaalada iyo Munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa
Jahannamo meel loo ahaadana iyadaa u xune. (10) Eebe wuxuu
tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxa
qabay Laba Addoon oo Eebe oo suusuuban, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana
ugama ayan tarin Eebe agtiis waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta
kuwa gelaya. (11) Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga
dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga
dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad
geli dadkaas daaliminta ah. (12) Maryama bintu
cimraanna xusuusta ee isdhawrtay, markaas malagu jeebka ka afuufay, rumaysayna
Sharciga Eebe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebe adeeca.