Juz' 9
(88) Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay
oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey
Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan
Necebnahayna. (89) Waxaan ku Been abuuranay Eebe
hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona
inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye,
waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim
Khayr Roon ahe. (90) Waxayna Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad
Khasaarteen. (91) Waxaase qabtay
Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo
lagdan). (92) Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku
Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
(93) Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin
Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari
Qoom Gaala ah. (94) Magaalo Kasta
oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay
Khushuueaan (oo Baryaan Eebe).
(95) Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato
iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn. (96)
Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada
iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis. (97) Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga
Habeenkii iyagoo Hurda. (98) Miyeyse ka
aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo
Ciyaari. (99) Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka
Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe. (100) Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan
doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna
wax Maqlin. (101) Taasi waa Magaalooyinkii waxaana
kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan
Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada. (102) Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay
badankood iyagoo Faasiqiina. (103) Markaasaan la
Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday
Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta. (104) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow
Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay. (105) Waxaana Dhab
ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin
ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga. (106) Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid
Aayad keen haddaad Run Sheegi. (107) Markaasuu
Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah. (108)
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi. (109) Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani
waa sixirroow aad u yaqaanna. (110) wuxuuna Dooni
inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan. (111)
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya. (112) oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna. (113) Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna
Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno. (114)
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo. (115) Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro. (116) Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen
Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn. (117) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay
Dhoobdhoobeen. (118) Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana
Buray waxay Falayeen. (119) Waxaana lagaga
Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan. (120) Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud. (121) Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka. (122) Eebaha Muuse iyo Haaruun. (123)
Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar
aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan
doontaan. (124) Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo Lugahiinna
isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin. (125) Waxayna
Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa. (126) Waxaad nagu
nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay noo Timid,
Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina. (127)
Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn Muuse iyo Qoomkiisa inay
Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo
lLaahyadaada). wuxuuna yidhi waxaannu Dili
Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo Dullayn. (128) Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa Kaalmaysta Eebe,
samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono oo addoomadiisa
ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada. (129)
Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga,
wuxuuna (Nabi Muuse) ku
Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo
si uu u Eego waxaad Fashaan. (130) Waxaan ku
qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan. (131) Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato
ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa
Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga. (132) Waxayna
dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma
rumaynayno. (133) Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax,
injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah, wayna. iskibriyeen waxayna
ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah. (134) Markuu ku
Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu kugula
Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri (u dayn) la jirkaaga Banii
Israa'iil. (135) Markaan ka faydnay Cadaabkii lan
iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii). (136) Waan ka
aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen
Aayaadkanaga, wayna Halmaameen. (137) Waxaana
Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay
Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis.
waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay
Dhisayeeen. (138) Waxaana Tallaabinay Banuu
Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay
dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi
idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina. (139) Kuwaas waa
lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali. (140) Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo
idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay. (141) Xusuusta
markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun,
oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan
Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn. (142)
waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban,
wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi
Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka
Mufsidiinta. (143) Markuu u Yimid Nabi Muuse
Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee,
wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato
markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur waxaana
dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu
Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn). (144) Wiixuu Yidhi
Eebe Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku
siiyey ahowoa kuwa Mahdiya. (145) Waxaan ugu
qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna
Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii Faasiqiinta.
(146) Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa isku Kibriya Dhulka
Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday arkaan Jidka Hanuunka
kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana waxay ka yccshaan Jid,
waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy ahaayeeo kuwo Halmaamay. (147) Kuwa Beeniyeen Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro
waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga abaal mariyaa waxay Camal falayeen
Mooyee. (148) Waxay ka Yeesheen qoomkii Nabi
Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna arkaynin inuusan
lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo Daalimiin ah. (149) Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay Dhumeen waxay Dhaheen Hadduusan noo
Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi Dhaafin waxaan Noqonaynaa kuwo Khasaara. (150) Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo
Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn
Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii
wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina
Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha
igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah. (151) Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo
Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa Naxariis badane ahe. (152) Kuwa Yeeshay Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo
Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal marinaa Been abuurtayaasha. (153) Kuwa Falay Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib
oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (154) Markay Cadhadu ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay
Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan. (155) Wuxuu ka Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin
Ballankanaga Dartiis, markay qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto
waad halaagi lahayd horay iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen
Sufaho naga mida, waa Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana
waad hanuunisaa adaa Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi
Dhaafe Khayr roon ahe. (156) Noona qor
adduunyadan Wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu
wuxuu ku dhici Ciddaan Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta,
waxaana u qori kuwa Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya. (157) ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah
kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana
reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa
Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo
Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay. (158) Waxaad Dhahdaa
Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska
leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa
wax nooleeya, waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah
ee Rumeeyey Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan. (159) Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd
Xaqa kiina Caddaalad falayaay. (160) Waxaana u kala
gaynay Laba iyo Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay
Waraab warsadeen Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo
burqatay laba iyo toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd,
waxaana ku hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku
Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda. (161)
Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo
Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince
unu siyaadinno samafalayaashee. (162) Waxayse ku badaleen
kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii
Dartiis. (163) Warso (Yuhuud) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta
Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu
Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed. (164) Ka Warran
markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama u Cadaabi
si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay Dhawrsadaan inay
u Dhawyihiin. (165) Markay Halmaameen wixii lagu
waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana ku qabanay kuwii
Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed. (166)
Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi Noqda Daanyeer
Dullaysan. (167) Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey
inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun,
Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista. (168) Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo
suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan. (169) Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii
qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u
Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka
inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta
Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn. (170) Kuwa Qabsada Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma
dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala). (171) (Ka warran) markaan ku
koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku Dhici, kuna
nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna waana qaata waxa ku sugan si
aad u dhawrsataan. (172) (Xusuuso) markuu Eebahaa ka
qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi
Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay,
inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan. (173) Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii
mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay
faleen Xumo falayaal. (174) Saasaanu
Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa. (175) Ku
Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna
uu Raacay (Isaga)
Noqdayna kuwa Baadida ah. (176) Haddan Doonno
waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo
Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la
mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin,
saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay
Waantoomaan. (177) Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii
Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya. (178) Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana
waa uun kuwa Khasaaray. (179) Waxaan u
Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub
ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna
Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii
Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan. (180)
Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa
leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen. (181) Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa,
Kuna socon. (182) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga
waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn. (183) Waana Sugi
Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay. (184) Miyeyna
Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn. (185) Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa
Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu,
Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn. (186) Cidduu Dhumiyo
Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan.
(187) Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay
Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay
Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan
Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka
Badankiisase ma oga (Xaalkaas). (188) Waxaad Dhahdaa
uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay
mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu
waxaan uun ahay u dige una Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa). (189) Eebe waa kan
idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado
markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna
waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya. (190) Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la
wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen. (191) Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la
Abuuro. (192) OOn Karaynna gargaar naftoodana
aan u gargaarayn. (193) Haddaad ugu
Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad ka
Aamustaanba. (194) Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa
Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan. (195)
Ma waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku
qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago
ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i
sugina. (196) Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey
Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban. (197) Waxaad Caabudaysaan
Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan. (198) Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna
aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn. (199)
Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta. (200) Hadduu
ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe. (201) Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way
Xusuustaan (Waantoomaan)
wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan). (202) Walaalaha
Shaydaankuse waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan. (203)
Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad
dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa
Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa). (204) Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag
raariciyana in laydiin Naxariisto. (205) U Xus Eebaha
Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana
Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe). (206) Kuwa Eebe
agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u
Sujuudaan
Al-Anfaal
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad
dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe
Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo
Rumeeyey tihiin. (2) Mu'miniinta dhabta ah waa uun
kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka
Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta, (3) Ee
ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (4) Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan
Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh. (5) Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta
ka mida way Nacayeen. (6) Waxayna kugula
Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi. (7) Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood
midkood (Colkii iyo Safarkii)
idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu
dooni inuu Xaqa ky sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada. (8) Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen
Dambiilayaashuye. (9) Xusuusta markaad
ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun
Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan. (10) Wuxuu Eebe u
Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa
ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San. (11) Xusuustana
markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada
Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku
Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna. (12)
Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey
(Xoojiya) waxaan ku Tuuri
Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca
Xubnaha faraha. (13) Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe
iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab
daranyahay. (14) ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana
waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta. (15) Kuwa Xaqa
Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u
jeedinina dabada (ha cararina). (16) Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u
Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna
waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado. (17)
Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase
Ganay (ku Hagaajiyey) inuu
u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og. (18) Arrintaasna waxaa ugu waean in Eebe uu Tabaryarayn
Dhagrate Gaalada. (19) Haddaad kala
Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku
noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana
wuxuu la Jiraa Mu'miniinta. (20) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca
Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli. (21)
Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn. (22)
Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga). (23) hadduu ku
Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi. (24) Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu
idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin
soo Kulmin. (25) Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn
kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu
Darantahay. (26) Xusuustana markaad ahaydeen kuwo
yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin
Dhaweeyey (Dumay)
idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan. (27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha
Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og. (28)
Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir
wayn yahay. (29) Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli
Faraj (iyo Nabadgalyo)
wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli
Wayne. (30) Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama
ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana
Abaal mariye Khayr roona ah. (31) Marka lagu
Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa
kanoo kale (Quraanka) kanu
waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha. (32) Xusuuso markay
Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo
keen Cadaab daran. (33) Eebase ma aha
kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan. (34) Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka
Masjidka Xurmada leh, mana aha Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn
ma aha, Badan koodse ma Oga. (35) Salaaddooda
Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn, ee
Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed. (36)
Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way
Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna
Xaga Jahannamaa Loo kulmin. (37) in Eebe kala
Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale Korkeeda uuna
Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa Khasaaray. (38) Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi
wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore. (39) la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga
helin una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu
Arkayaa. (40) Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe
yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare.