At-Takaathur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), (2) Intaad Xabaalaha
ka tagtaan (dhimataan). (3)
Saas ma aha ee waad ogaandoontaan. (4) Haddana saas ma
ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). (5) Haddaad dhab
ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen
xumaanta). (6) Dhab ahaan baad
u arkaysaan (Naarta)
Jaxiima, (7) Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas
si yaqiin ah. (8) Waxaana laydin warsan Maalintaas
Nicmadii.