Yusuf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xuruufta hore waxay ku
tusin mucjisada Quraanka, tanna waa aayaadkii Kitaabka ca (Quraanka). (2) Annagaana soo
dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan. (3) Annagaa
kaaga qisoon qissoyin tan u fiican waxyigaan Quraankan kuu waxyoonay dartiis,
waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax igayn. (4)
markuu (Nabi)
Yuusuf ku yidhi Aabbihiis aabow waxaan arkay Kaw iyo Toban xiddigood iyo
Qorraxda iyo Dayaxa waxaan Arkay iyagoo ii Sujuudsan. (5)
Wuxuuna yidhi (Aabbihiis Yacquub)
Wiilkayow hawga Qisoonin Riyadaada Walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar,
illeen Shaydaanku Dadka wuxuu u yahay col cade. (6)
Saasuuna kuu doortay Eebahaa kuuna baray fasiraadda Riyada iyo Xaddithyada,
kuuna taam yeeli Niemadiisa korkaaga iyo Yacquub Ehelkiisa siduu ugu taamyeelay
Labadaadii Waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq Eebahaana waa oge falsan. (7)
Yuusuf iyo Walaalihiis Calaamadbaa ugu sugan kuwa warsan (Waano). (8) markay dheheen
Yuusuf iyo Walaalkiis yaa Aabbe naga jecelyahay inagoo koox ah, Aabbeheen wuxuu
ku suganyahay Baadi cad (Jecaylkaas). (9) Dila Yuusuf ama
ku tuura Dhulka ha idiin kaliyoobo Wajiga Aabbihiine aadna ahaateen gadaashiis
qoom Suubane. (10) mid ka midaa yidhi ha dilina Yuusuf
ee ku tuura Ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan. (11) waxay dheheen Aabow maxaad noogu aamini la'dahay yuusuf
anagoo u Naasixa. (12) nala dir barri
ha cuno hana Ciyaaree anaguna isaga waannu ilaaline. (13) wuxuu
yidhi Yacquub waxaa i walbahaarin inaad la tegtaan waxaana ka cabsan in Yeeyi
Cunto idinkoo halmaansan. (14) waxay dheheen
hadday Yey Cunto annagoo kooxa waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray. (15) Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel salkii,
Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn. (16) Waxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi. (17) Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno
Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse nama
rumaynaysid aanba Run sheegnee. (18) Waxayna la
yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican
Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan. (19) Waxaa
yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa Wiil,
wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali. (20) waxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna
ahaayeen kuwaan rabin. (21) wuxuu ku yidhi
kii gatay oo Masar ah Haweenaydiisii (wanaaji) ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay innu na anfaco ama ka
yeelanno ilmo, saasaana u Makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad
«Riyada» xadiithyada, Eebaana u adag arrinkiisa, Laakiin badida dadku ma oga. (22) markuu gaadhay Xoogiisa yaan siinnay Xigmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal
marinaa samafalayaasha. (23) Waxaa dalbatay
naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi
kaalay, wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay
horgaygee mana Liibaanaan daalimiintu. (24) Way ku hamiday
«doontay» isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana uga
iili Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay
(Camalkana u kali yeela Eebe). (25) Waxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmen
ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la
doontay Ehelkaaga (haweenaydaada) daran la gaashdiiyo mooyee. (26)
wuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalabtay Naftayda Wuxuuna ku marag furay Marag
ehelkeeda ah haduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna
waa Beenalayaasha. (27) Hadduu
Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga Danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu Ka mid yahay
runlayaasha. (28) Markuu arkay ninkeedii Qamiiskii
Yuusuf oo Gadaal ka go'an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa
wayn tahay. (29) Yuusufow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay
adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbi- gaaga waxaad kamid tahay Kuwa gafaye. (30) waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni
Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi
cad. (31) markay maqashay dhagartooda (Xantoodii) way u farriin
dirtay waxayna u darabtay fadhi (martiqaad) waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf ku
soo bax markay arkeenna way waynesteen waxayna iska gooyeen «Sareen» Gaemaha (Faraha) waxayna dheheen
xaashaa Ilaah kani bashar (Dad) ma aha kani waxaan Malag sharaf leh ahayn ma aha. (32) waxay tidhi kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay
Naftiisa wuuna is dhawray hadduusanse falin waxaan fari walee waa la xabisa uu
noqon kuwa dullooba. (33) wuxuuna yidhi (Nabi Yuusuf) Eebow Xabbis baan
ka jeelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan
Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta. (34) waxaan ajiibay
Eebihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebe waa Maqle og. (35) markaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad (Calamooyin) inay xidhaan tan
iyo Muddo. (36) waxaana la galay Xabiiska Laba
dhalinyara ah midkoodbaana yidhi waxaan arkay (Riyo) anoo Miiri kahmro, kii kalana wuxuu yidhi anna waxaan
arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa Khubus (kibis) kana cunayso shimirtu xaggiisa nooga warran fasiraadda
waxaan kugu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaashee. (37)
wuxuu yidhi (Yuusuf)
wixii cunna ah oo laydinku Arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa ka hor
imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebahay i baray, anuguna waxaan ka tagay (Nacay) milladda Qoomkaan
rumaynayn Eebe oo aakhirana ka gaaloobay. (38) waxaana raacay
milladda (Diinta)
Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno
Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba,
laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan. (39) Saaxiibadayda
Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda
badan. (40) ma caabudaysaan Eebe ka sokow
waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo
dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan
caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga. (41) Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin
sayidkiisa khamro, kan
kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad
warsateen. (42) wuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda
iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis,
wuxuuna (Yuusuf) ku
Nagaaday Xabbiska Dhawr sano. (43) Xaakinkii wuxuu
yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo
Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama
Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada. (44) Waxay dhaheen
waa qaraw annaguna ma naqaanno Fasirka qarawyada «dhadhabka». (45) wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkooda markuu xasuustay
muddo ka dib Anaa idiinka Warrami fasirkiisa ee i dira. (46)
Wuxuu yidhi Yuusufow Saaxiibow nooga warran Toddoba sac oo Shilshilis
oycunayaan todobo Wayd ihi iyo todobo Sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo
kale inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan. (47) Waxuuna yidhi
waxaad tacbanaysaan Todoba Sano oo israaesan ee waxaad goosataan ku daaya
Sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee. (48) markaas waxaa
imaan arrintaas ka dib Todobo daran (abaara) oo cuni waxaad hor marsateen wax yar ood kaydsateen
mooyee. (49) markaas ka dib waxaa imaan Sano loo
gargaaro Dadka oo dhexdeeda ay wax miiran (Barwaaqo). (50) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi ku noqo
Sayidkaaga oo warso muxuu ahaa Xaalkii haweenkii iska Saray farahooda Eebehay
waa ogyahay Dhagartooda. (51) Wuxuu yidhi
Xaakimkii xaalkiinu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa waxayna Dhaheen
Eebaa xumaan ka nasahane kuma ogin xumaan, Waxayna tidhi Haweenaydii Wasiirka
hadduu cadaaday Xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna runbuu sheegi. (52) Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan Khayaamin isagoo
maqan iyo inuusan Eebe toosinin dhagarta Khaa'imiinta. (53)
mana bari
yeelayo naftayda naftu waa farid Badanta Xumaanta Naxariis Eebahay mooyee
Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista. (54) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee (talinta) markuu La hadlayna wuxuu yidhi adigu maanta agtannada
waxaad ku tahay Sharafle aamina. (55) wuxuuna yidhi
Yuusuf iga yeel Masuulka Khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe. (56) saasaan u makaninay Yuusuf dhulka (Masar) kagana tasarufi oo degi meejuu doono, waxaan gaadhsiinnaa
Naxariistanada ciddaan doonno mana dhuminaynno Ajirka samo falayaasha. (57) Ajirka aakhiraana u khayrroon kuwa rumeeyey (Xaqa) oo ah kuwa
dhawrsada. (58) waxaana yimid Yuusuf Walaalihiis
wayna u soo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn. (59)
markuu darbay rarkoodii u (oofiyey miisiddii) wuxuu ku yidhi ii keena Walaalkiinna Aabbe miyeydaan
arkayn inaan oofiyo Kaylka «miiska» ahayna mid dejin fiican. (60) haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama
helaysaan hana ii soo dhawaanina. (61) waxay dheheen
waannu ka dalbi Aabbihiis waana falaynaa (sidaas). (62) wuxuuna ku
yidhi dhallinyaradiisii yeela alaabtooda (Badeecadooda) rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan
Ehelkoodii inay soo noqdaan. (63) Kolkay u noqden
Aabahood waxay dhaheen Aabaw waa naloo diiday Beegidda (hadda
kadib haduuna walaalkood raacin) ee nala dir
Walaalkanno aan miisannee Annaguna waanu Ilaalin isagee. (64)
Wuxuuna yidhi Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis
horay, Eebaa u khayrroon Dhawre waana Naxariis badane. (65)
Markay fureen Alaabtoodii waxay ka heleen Badeecadoodii oo loo soo celiyay,
Waxayna Dhaheen aabow maxaan rabnaa tani waa badeecadeenii oo laynoo soo
celiyay Waxaanu u Shamadsanaynaa Ehelkeenna Waxaan ilaalinaynaa Walaalkanno
waxaana korosanaynaa miisid riti Taasina waa beegid sahlan. (66) Wuxuuna yidhi (Yacquub) idinla diri maayo intaad Ballan Eebe iga siisaan inaad
iikeenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee, markay siiyeen Ballankiina wuxuu
yidhi ilaahay waxaynu sheegi waa u WakiilShaahida. (67)
Wuxuu yidhi Wiilashaydow ha ka galina (Magaalada) irrid kaliya ee ka gala irido kala Tagsan, Waxna idiinkama
tarayo xagga Eebe, Amarka cidaan Eebe ahayn maleh, isagaan talo saartay isaga
uun ha talo saarteen kuwa wax talo saaran. (68) Markay ka
galeen meeju faray Aabahood ma ahayn wax Eebe xagiisa wax uga tari ee waxay
ahayd Dan Nafta (Nabi)
Yacquub ku sugnayd oo uu Gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon Barray
dadka badankiise ma oga. (69) Markay u galeen
Yuusuf wuxuu Dhaweeyay Walaalkiis Wuxuuna ku yidhi Anigu walaalkaabaan ahay ee
haka Murugoon Waxay faleen. (70) Markuu darbay
Safarkoodii wuxuu yeelay Galaaskii walaalkii Rarkiisa, Markas waxaa Dhawaaqay
mid Dhawaaqi Safaryahaw Tuugaad Tihiin. (71) Waxayna dhaheen
intay soo Qaabileen maxaad waydeen. (72) Waxayna dhaheen
Saacii Xaakimka ciddi keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah. (73) waxayna dheheen Eebaan ku dhaaranaye waad ogtihiin
inaanaan u imaanin inaan fasaadinno Dhulka Tuugana aanaan ahayn. (74) waxayna dheheen (Qoomkii Yuusuf) waa maxay Abaalkiisu haddaad Been sheegaysaan. (75) waxay dheheen Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa
saasaana ku abaal marinnaa Daalimiinta. (76) wuxuuna ka
billaabay (Fatashihii Yuusuf)
Alaabtoodii Walaalkii Alaabtiisa ka hor markaasuu ka soo bixiyey Weelkii
Walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas yusuuf mana ahayn mid ku waadan kara
walaalkiis diinta Boqorka in Eebe doono mooyee, Waxaan kor yeelaa darajada
ciddaan doono, Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe) (77) waxayna dheheen (Yuusuf Walaalihiis) hadduu xaday waxaa xaday mar hore Walaalkiis, markaasuu
Yuusuf u Qarsaday Naftiisa oosan u muujin, wuxuuna yidhi idinkaa ka shar badan
Eebana waa ogyahay waxaad sheegeeysaan. (78) waxayn dheheen
wasiirow wuxuu leeyahay (Wiilku) Aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno badalkiisa waxaan
kugu aragnaa samo falee. (79) wuxuuna yidhi
magan Eebe inaan waadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee,
markaas daaliminiinbaan noqonaynaa. (80) markay ka
quuesteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi wuxuuna yidhi kii u waynaa waad ogtihiin
in aabbihiin ballan adag idinka waaday iyo inaad horay ugu xadgudubteen yuusuf
anugu dhulkan kama tagayo inta Aabbahay iga
idmi ama Eebe i xukumi isagaa Xukun fiicane. (81)
wuxuun ku yidhi ku noqda Aabbihiin waxaadna dhahdaan Aabbow Wiilkaagii wuu
xaday, mana furaynno waxaan ognaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan
illaliya (og). (82) waydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan la soo
noqonnay annaguna runbaannu sheegi. (83) wuxuuna yidhi
saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebe inuu ii keeno
dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe. (84) wuuna iskaga
jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi walbahaarkay Yuusufow waxayna la caddadeen
indhihiisu Walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan. (85) waxayna dheheen dhaar allee ma daynaysid sheegidda
Yuusuf intaad ka tabar gabtid ama ka halaagsantid. (86)
wuxuuna yidhi waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebe, waxaana
ka ogyahay xagga Eebe waxydaan ogayn. (87) (Wuxuu yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo
soo daydaya (Warkii)
Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe
qoom gaala ah mooyee. (88) markay u soo
galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo
Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda
nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee. (89) wuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf
iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina. (90) waxayna dheheen
oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa
Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca
Ajirka samofalayaashee. (91) waxay dheheen
dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn. (92)
wuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo
isagaa Naxariis badane. (93) la taga
qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena
Ehelkiinna dhammaan. (94) markuu safarkii
soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii
«Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn. (95) waxayna dheheen
adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii
Yuusuf). (96) markuu yimid
kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi
miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn. (97) waxayna dheheen Aabbow nooga dhaafid warso dambigannaga
waan gafsanayne. (98) wuxuuna yidhi waan idiinka
dambi dhaaf warsandoonaa Eebahay isagaa dambi dhaafe Naxariista ehe. (99) Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay Labadiisii
Waalid, Wuxuuna yidhi gala Masar Eebe hadduu Doono idinkoo aamina. (100) Wuxuuna u koryeelay labada waalid Kursigii, Waxayna
ula hoobteen Sujuud, «Salaan» wuxuuna yidhi Aabbow waatan Fasirkii Riyadaydii
horay, Wuxuu ka yeelay Eebahay Xaq (sugan) wuuna ii Wanaag falay Markuu iga soo Bixiyay Xabbiska
idinkana keenay Baadiyaha Kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo Walaalahay
Dhexdanada Eebahayna waa u turaha wuxuu Doono waana Oge falsan. (101) Eebow waxaad i siisay Xukun Waxaadna i bartay
Fasiraadda riyada, Eebaha abuuray Samooyinka iyo Dhulkow adaa wali (Gargaare) ii ah aduun iyo
Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina Haleeshii kuwa suuban. (102) Kaasi waa wararka wax Maqan Annagaana Kuu Waxyoon,
Mana aadan ahayn Agtooda Markay kulmayeen Amarkoodii iyagoo Shirqooli, (103) Dadka badankiisna ma Rumaynayaan aad kuba Dadaashide. (104) Wax ujuura ahna kama
Warsanaysid (Xaqa) waa
uun waanada Caalamka. (105) Badanaa
Calaamad samooyinka iyo Dhulka oo ay Marayaan iyagoo ka Jeedsan. (106) Mana rumaynayaan Badankoodu Eebe iyagoo la Wadaajin
mooyee. (107) Ma waxay ka Aamin noqdeen inay u
timaado MasiiboCadaabka Eebe ama ugu Timaado Saacaddu Kado iyagoo ogayn. (108) Dheh tan waa waddadayda (xaqa
ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Eebe anoo Ku sugan Xujo cad aniga iyo inta i raacda,
Waxaana Nasahay Eebe, kamidna ma ihi Mushrikiinta. (109)
Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan Rag loo Waxyoodo ahayn o Ehelka
Magaalooyinka miyayna soconin Dhulka oo ay Fiiriyaan siday noqotay Cidhibta
Kuwii ka horeeyay, Daarta Aakhiro yaana u khayrroon kuwii Dhawrsadayee
Miyaydaan kasayn. (110) markay
Quusteen Rasuuladii una Maleeyeen in la beeniyay waxaa U yimaadda gargaarkanaga
waxaana korinaynaa ciddaan doono lagamana celiyo Ciqaabtannada Qoomka
Danbiilayaasha ah. (111) Waxaa ugu
sugan Qisadooda waano Kuwa Caqliga leh, mana aha Sheeko la Been abuurtay Waase
urumayn wixii ka horeeyay (oo Kutubtii Xaqa
ahayda) iyo Caddaynta Wax kasta iyo Hanuunka
iyo Naxariista Ciddi Rumayn Xaqa.