Ar-Ra'd
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Xarfaha hore oo kale waan
soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka
Badankiise ma Rumaynin. (2) Eebe waa kan
koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga,
Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban,
Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin yaqiinsataan.
(3) Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna
Dhexdiisa buuro, iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna
ku Dadaa Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii
fikiri. (4) Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku dhaw) iyo Bustaan Cinaba
iyo Beer iyo Timir oo Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo
Biyo kaliya Waxaana ku kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi. (5) Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan
noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo
Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari. (6) Waxayna kaa
Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u
danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane. (7) waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin
waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid
kastana waxay leedahay Hanuuniye. (8) Eebaa og waxay
ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay
kordhin (Dhicis iyo Shin) wax
kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay. (9) wuxuuna ogyahay wax
maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax
kasta). (10) waana isku mid
kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii
Muujiya Maalintii. (11) wuxuuna
leeyahay (Ruux kasta) kuwo
ku isbedela (Malaa'ig) oo
hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax
dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la
doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare. (12) Eebe waa kan
idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa
daruurta culus. (13) wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku
Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe, wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa
cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay. (14) Eebe waxaa u Sugnaaday Baryo (iyo
Cibaado) Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma
ajiibaan (kuwa baryi) sida
mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan,
Baryada Gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha. (15)
waxaa Ilaahay u Sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka
Ogolaansho iyo Qasab iyo Hooskooda aroor iyo Galbihiiba. (16)
waxaad dhahdaa yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe,
waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma
egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u
yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday
Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan. (17) wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray
waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku
huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe
ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa
dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha. (18) kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la
mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa
Jahannamo iyadaana u xun gogol. (19) cid og in waxa
laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la',
waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh. (20) ee ah kuwa
Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag. (21)
ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood
kana cabsada xisaab xun. (22) ee ah kuwa u
samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku
arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas
cidhib fiican yaa u sugnaatay. (23) waxaana gali
jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo
caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta. (24)
iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag
badan cidhibta daarta (Janno). (25) kuwa buriya Ballanka
Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo
fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun. (26) Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku
farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda
waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn. (27) waxay dhihi
kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa
xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo
xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u
noqota. (28) ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna
xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu. (29) ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u
sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan. (30)
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu
waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee
Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon. (31) haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn
dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa
Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh,
miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka
dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto
meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo
ballanka. (32) waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka
horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday noqotay
ciqaabtaydii (Way darrayd). (33) cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa
midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe Shurako dheh magacaaba, mise waxaad
Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal
muuqaala, saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana
laga leexiyey Jidka, cid Eebe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin. (34) waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka
aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka Ilaalin. (35) tusaalaha
(Tilmaanta) jannada loo darbay
kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo
hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar. (36) kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu
soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa
uun lay faray inaan caabudo Eebe una shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi
xaggiisaana u noqon. (37) saasaana kuugu
soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi ku soo
gaadhay ka dib, kama helaysid xagga Eebe
gargaare iyo dhawre. (38) waxaan dirray
hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama
imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay. (39) eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana
waxaa ah Looxul maxfuudka. (40) haddaan ku
tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa
saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun
korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno. (41) miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo
nusqaamin furid (ama Abaar)
Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay
xisaabtiisu. (42) waxaa wax dhagray kuwii ka
horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto,
waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican. (43)
waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu
filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.