Ibrahim
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xarfaha hore oo kale waa la
soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga
bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee
la Mahadiyo. (2) Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo
Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (3) oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya
(Dadka) Jidka Eebe lana
dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (4)
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna
baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin
cidduu doono, waana adkaade falsan. (5) waxaan la dirray
(Nabi) Muuse
Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi»
Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (6) iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta
Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin
dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa
ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (7) iyo markuu
Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna
cadaabkaygu waa daranyahay. (8) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad
Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (9) miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux,
Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin
waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo
diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo
daran. (10) waxay dheheen Rasuuladoodii ma
Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu
idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna
dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan
waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad. (11)
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn,
Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni
karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (12) maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey
Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen
kuwa talosaaran (Cid). (13) waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna
ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago
daalimiinta. (14) dajinna idinka dhulka kuwaas ka
dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata
gooddigayga. (15) wayna gargaar dalbeen waxaana
khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq
diid) (16) waxaana ka
horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka
Ehelu Naarka). (17) wuuna ku margan
mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab
adag. (18) kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la
midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl
dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (19) miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo
dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (20) arrintaasina Eebe kuma adka. (21)
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii
madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka
Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa
isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (22) wuxuuna dhahaa
shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah
anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn
oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala
naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu
waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
(23) waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican
falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe
dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (24)
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (25) oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u
yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (26)
Kalimada (Erayga)
xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa
oon sugnaan lahayn. (27) wuxuu ku sugaa
Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu
doono. (28) ma ogtahay kuwa ku badelay
Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (29)
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (30) waxayna u yeeleen
Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta
ahaanshihiinnu waa Naare. (31) Ku dheh
addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay
qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (32) Eebe waa