Al-Israa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey
Addoonkiisa (Nabiga)
Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan
Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka. (2)
waxaana siinay Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa'iil inaydaan ka
yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil. (3) faricii kuwaan
la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan. (4) Waxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay
Banii Isra'iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan
iskibrin Wayn. (5) Markuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan
idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda
waana Yabooh la fali. (6) Markaasaan
idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana
yeellaa kuwa Tiro badan. (7) Haddaad Samo
Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun
Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay
Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan»
waxay u Adkaadaan Tirtirid. (8) Waxay u
dhawdahay in Eebihiin idiin Naxariisto, haddaad ku Noqotaanna waannu ku noqon,
waxaana uga yeelnay Jahannamo Gaalada Gogol. (9)
Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala
Wanaag inay Mudan Ajir wayn. (10) Kuwaan Rumeynin
Aakhirana waxaan y Darabnay Cadaab Daran. (11) Wuxuu u Yeedhaa
(Baryaa) Dadku Shar siduu
ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege. (12)
Waxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada
Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan
Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax
kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada). (13) Ruux kasta
waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab
uu la kulmi Isagoo fidsan. (14) Laguna Dhihi
akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe. (15) Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii
Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana
Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul. (16) Markaan doono
inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka
Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag). (17) Imisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa
Ogaade Arka. (18) Ruuxi dooni Adduunyo waan ugu soo
dedejinaa dhexdeeda waxaan Doonno Ciddaan doonno, markaasaan kayeellaa
Jahannamo mid gala isagoo Caayan oo Dullaysan. (19)
Ciddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu'mina kuwaas Camalkoodu
wuxuu Noqon mid la Mahdiyo. (20) Dhammaan
waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban. (21) Day sidaan uga Fadilnay qaarkood qaarka (Kale) (Addunka) Aakharaase wayn
darajooyin oo wayn Fadilid. (22) Ila Yeelin Eebe
Miciisa Ilaah kale ood noqotid mid Caayan oo la Khasaariyo. (23) Wuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo
inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni
midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican. (24) Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar. (25) Eebihiin wuu ogyahay waxa Natiinna ku Sugan, haddaad
Suubantihiin isagu kuwa Toobad keenka badan wuu u Dhaafaa «Dambiga». (26) Sii qaraabada xaqeeda iyo Miskiinka iyo socdaalka hana
ku xadgudbin bixin Xadgudub (iyo si xun). (27) illeen kuwa ku
xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay. (28) haddaad ka jeedsato xaggooda (wax
la'aan) adoo rajayn Naxariista Eebhaa ood
rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud (fiican). (29) ha ka yeelin
gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la
dagaalo oo tabar gaba. (30) Eebahaa wuu u
fidiya Risqiga cidduu doono wuuna u qaddaraa «cidhiidhyaa» (cidduu
doono) illeen Eebe Addoomadiisa waa oge
arkee. (31) ha Dilina Caruurtiinna ka Cabsi
Faqri (Saboolnimo)
anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba Dilkooduna waa Gaf wayn. (32) Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune.
(33) Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu
dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa
loo Gargaaraye. (34) Hana u dhawaanina Xoolaha agoonta
sida U fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, Oofiyana ballanka illeen Ballanka
waa lays warsane. (35) Oofiyana kaylka
«beegidda» markaad beehaysaan kuna miisama Miisaan toosan (caadila) Saasaa khayr roon oo Fiican cidhibe. (36)
hana dhihin (Raacraacin)
Waxaadan u Cilmi lahayn, Illeen Maqalka, Araga iyo Qalbigaba waa lays warsane. (37) Hana u soconin Dhulka kibir Illeen ma Jeexi Kartid
Dhulka kumana gaadhaysid Buuraha dherare. (38) Dhammaan
waxaasna Xumaantiisu Eebahaa Agtiisa waa lagu Neceb yahay. (39)
Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la jirkiisa
Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey. (40) ma wuxuu idiin doortay Eebihiin Wiilal oos ka yeeshay
Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn. (41)
dhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn. (42) waxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday
sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado
ama la mid noqosho). (43) Eebaa ka Nasahan Kana Sarreeya waxay sheegi sarrayn
wayn. (44) waxaa u tasbiixsada (Qaddariya) Eebe Samooyinka
todobada ah iyo Dhulka iyo waxa u dhexecya, waxaan Eebe u Tasbiixsanayn ama ku
mah- dinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebana waa dulsame dambi
dhaafa. (45) markaad Akhriyi Quraanka waxaan
yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan. (46) waxaana yeellay Quluubtooda dabool inay kasaan Quraanka
dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebhaana Quraanka kaligis waxay u
jeedsadaan Gadaal iyagoo carari. (47) anagaa og waxay
dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi Daalimiintu Waxaan
Nin sixran ahayn ma raacaysaan. (48) Day siday kuugu
yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka. (49) Waxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin
Abuur cusub. (50) waxaad dhahdaa noqda dhagax ama
bir. (51) ama khalqi (Abuur) ku wayn laabtiinna, waxayna dhihi yaa na soo eelin ku dheh
Eebihiin idin abuuray markii hore, waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh waa
goorma isagu, waxaad dhahdaa waxaa suurowda inay dhawdahay. (52) waana maalintuu idiin yeedhi Eebe ood maqlaysaan isagoo
mudan Mahad una malaynysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee. (53) waxaad ku dhahdaa Addoomadayda ha dheheen sida u
fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna Dadka col cadbuu u
yahay. (54) Eebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu
idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad
wakiil (Ilaaliye u Noqoto). (55) Eebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo
Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay
Nabi Daawuud Zabuur. (56) waxaad dhahdaa
u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka
faydaan dhib ama idinka wareejiyaan. (57) kuwaas ay
caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho
waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa
wax laga digtoonaado. (58) Qaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn
ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn (Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka). (59) Umana aanaan daynin soo diridda Aayado (Mucjiso) inay beeniyeen
kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud Hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi
faleen (ka gaaloobeen)
Aayadaha waxaan Cabsi galin ahayn uma soo dirro (Dejinno). (60) (Xusuuso) markaan kugo nidhi
Eebahaa wuxuu koobaa Dadka, kamana aanaan yeelin Riyadaan ku tusinay fidmada
Dadka mooyee (Imtixaan) iyo
Geedka lagu lacnaday Quraanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xadgudub
wayn ahayn. (61) (Xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadan oy Sujuudeen
Ibliis moyee, oo yidhi ma waxaan u sujuudi waxaad Abuurtay isagoo dhooba ah, (62) wuxuuna yidhi ka warran