Al-Kahf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Mahad Eebaa iska leh
Eebaha ku soo Dejiyey Addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) Kitaabka (Quraanka) oon yeelinna Dhexdiisa Qallooc. (2) Waana
Toosanyahay si uu ugaga Digo Ciqaab daran oo Eebe Xaggiisa ka ahaatay, uguna
Bishaareeyo Mu'miniinta fala Wanaagga inay Muteen Ajir Fiican. (3) Kuna Nagaanayaan (janada) Waligood. (4) Ugana Digo kuwa
Yidhi wuxuu yeeshey Eebe Ilmo. (5) Uma laha wax Cilmi
ah iyaga iyo Aabayaalkood midna, waxaana waynaatay Kalimad ka soo Baxday
Afafkooda, mana dhahayaan waxaan Been ahayn. (6)
Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda) haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis. (7) Waxaan ka yeellay waxa Dhulka Korkiisa ah Quruxdiisa, si
aan u Imtixaanno Midkooda Fiican-Camal. (8) Waxaana ka
yeelaynaa waxa korkeeda ah Bannaan aan wax ka soo Bixin. (9) Ma
waxaad u malaysay Nabiyow Godkii Asaxaabtiisii (Dadkiisii) iyo Kitaabkii (iyo Looxii) inay ugu yaab badantahay Aayaadkanaga. (10) Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen
Eebow naga sii Agtaada Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun. (11) Markaasaan ku Siidaynay Hurdo Godka dhexdiisa Sanooyin
Badan. (12) Markaasaan soo Bixinnay si aan u
Muujinno Labada Xizbi midkooda Kobid Badan intay Nagaadeen Muddo. (13) Anagaa kaaga Qisoon warkooda si Xaq ah, waxay ahaayeen
Dhallinyaro rumeeyey Eebehood, waxaana u siyaadinay hanuun. (14) waxaan xoojinay (oon adkayna) quluubtooda, oyna dhaheen Eebehanno waa Eebeha Samaawaadka
iyo Dhulka, baryinamayno (Caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalay markaas hadal Xun (oo baadil ah). (15) Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow
ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku
abuurtay Eebe dushiisa been. (16) markaad ka
fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma godka wuxuu
idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan
kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga. (17) waxaad arkaysaa
Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka
Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid
tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u
helimaysid Gargaare hanuuniya. (18) Waxaad u malayn
inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo Bidix, Eygoodiina
wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsanlahayd,
adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax. (19)
Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah
imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed,
waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga
Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi
hana isqariyo (oo istartiibiyo)
yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna. (20) iyagu hadday
idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana Liibaanaysaan markaas
waligiin. (21) Saasaan u daalacsiinay (u tusinay) Dadka si ay u
ogaadaan in yabooha Eebe Xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa
korkooda dhismo, Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey
amarkooda aan ka yeelano korkooda Masaajid. (22)
waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay
ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la'aan) waxay dhihi waxay
ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Eebahay baa og
tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo
fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna. (23)
ha ku dhihin shaygaasaan fali barii. (24) (adoon dhihin) hadduu doono Eebe,
xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu
hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah. (25)
waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal. (26) waxaad dhahdaa Eebaa og waxay nagaadeen waxaa u
sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebe,
umana sugnaanin Dadka isaga ka sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa
Cidna. (27) akhri (oo
raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka
Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya
ood magangashid. (28) ee ku samirsii naftaada la
jirka kuwa baryaya Eebahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa, yeyna ka
iilanin Indhahaagu xagooda adoo dooni quruxda nolosah dhaw (ee
aduun) hana adeeein ruuxaan halmaansiinnay
qalbigiisa Xusiddanada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo Xumaan). (29) waxaad dhahdaa xaqu Eebihiin buu ka ahaaday ee ciddii
doonta ha gaalowdo, anagu waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxadeedu) iyo darbigeedu,
hadday kaalmo warsadaanna waxaa, loogu kaalmeeya biyo daamuur oo kale ah oo
duba wajiyada iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi. (30) Kuwa rumeeyey (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa
Camalka. (31) Kuwaas waxay mudan janada Cadnin oo
dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, looguna Labisi Dhexdeeda Jijimo Dahab ah, una
xidhay Maryo Caggaaran oo Xariir Jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku Dangiigsan
dhexdeeda Sariiro korkood, waa abaal marin Fiican una Wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto. (32) Uga yeel tusaalc Labo Nin oon u yeellay Midkood Laba
Beerood oo Cinab ah, kuna koobnay Timir yeellayna Dhexdeeda Tallaal (beer). (33) Labada Beeroodba oy keentay Cunnadeedii, oyna waxba
Nusqaamina, oon kana Dhambalay dhexdeeda Wabiyo. (34)
Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi Saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin
anaa kaa Xoolo badan Kaana Tol badan. (35) Wuxuu galay
Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay Halaagsami
Waligeed. (36) Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay
celiyo Xagga Eebahayna waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada. (37) Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday
Eebaha kaa Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah. (38) hasa yeeshee ilaahay waa Eebahay lana wadaajiin maayo
Eebahay (cibaadada)
cidna. (39) maxaadan markaad gasho beertaada u
dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe mooyee, haddaad aragtay anoo kaa
yar adiga xoolo iyo Caruurba. (40) wuxuu u
dhawyahay Eebehay inuu i siiyo wax ka khayr badan Beertaada, kuna diro korkeeda
aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo. (41)
ama ahadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo
celin). (42) waa la koobay
midhihiisii (la halaagay) oo
ahaaday kii gaddin gaemihiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda,
isagoo leh shalleytee maanan la wadaajin Eebahay Cidna. (43)
uma ahaanin koox u gargaarta oo ka soo hadhay Eebe mana aha mid gargaarta. (44) halkaas (qiyaamada) yey awoodu u ahaan Eebaha xaqa ah, isagaana khayrroon
abaal marin khayrroonna cidhib. (45) uga yeel
Nabiyow tusaale nolosha Adduunyo Biyo oo kale oon ka soo dejinay samada oo isku
darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso
dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebe kii wax kasta kara. (46)
xoolaha iyo wiilashu (caruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa
ku khayrroon Eebahaa agtiisa abaalmarin una khayrroon yididiilo (camalka fiican). (47) xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo
muuqda, oon soo kulminay dadkii oonan ka tagin cidna. (48)
waxaana loo banbhigi dadkii Eebahaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu
timaadaan saan idiin abuuray markii horaba (yaa lagu dhihi) waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan
«kulama». (49) waxaana la dejin (keeni) Kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa
dambiilayaashii oo ka cabsan waxaa ku sugan oo dhihi halaaganee muxuu leeyahay
kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay
camal faleen oo jooga, manadulmiyo Eebahaa cidna. (50) (xusuuso) markaan ku nidhi
Malaa'igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu ka mid yahay
Jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Eebe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa
gargaare ani ka sokow iyagoo col idiin ah, waxaa u xun daalimiinta badelkooda (ibliis). (51) maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo
dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo. (52) (xusuuso) maalinta Eebe dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (Cibaadada) ood sheegteen (adduunka) markaasay u
yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaana yeellay dhexdooda Meel halaag. (53) waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan
inay ku dhici mana helayaan xageeda meelay uga iishaan. (54)
dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen
dadkii kuwo muran badan. (55) wax ka reebay
dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf warsadaan Eebahood
ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaaddo
cadaab caddaan. (56) mana dirro rasuullada iyagoon
bishaaraynneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku
buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.
(57) ruuxna