Maryam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) waa
la soo sheegay kuwo lamid ah. (2) (kanna) waa
sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye. (3) markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah. (4) yidhina Eebow anigu waan
tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid
ku khasaara. (5) anigu
waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad). (6) i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli
noqdo. (7) zakariyow
annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin
horay wax lamid ah (lamagac ah). (8) wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay
haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow. (9) wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii
Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba. (10) wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada
yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo
israacsan (adoo fayow). (11) markaasu ugaga soo baxay
qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo
galabba. (12) (waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado
kitaabka (tawreed) xoog
(dadaal) waxaan siinnay
xigmo isagoo yar. (13) iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa
dhawrsade. (14) iyo baarri
labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah. (15) nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo
maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool. (16) (ku xusuuso)
kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi). (17) oyna ka
yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg. (18)
una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade. (19)
kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir
ah., (20) waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil
anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo). (21) wuxuuna yidhi
waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u
fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah
waana arrin la xukumay (dhammeeyey). (22) way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay
meel dheer (durugsan). (23) waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna
tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga
tago. (24) wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha
murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar). (25) una gilgil
xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. (26) ee cun oo cab
qabowsana il (farax)
haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u
soomi oonan la hadlin maanta cidna. (27) waxayna ula
timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la
timid wax wayn. (28) haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa
ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo). (29) wayna u
ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan
Sariirilmood isagoo yar. (30) wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay
addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (31)
wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay
salaadda iyo zakada intaan noolahay. (32) wuxuuna iga
yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (33) nabadgalyana
ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta
laysoo bixin anoo nool. (34) kaasi waa Ciise
ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin. (35)
kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun
«amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan. (36) Ilaahay waa
Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane. (37)
wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii
gaaloobay kulan maalin wayn. (38) maqli ogaa oo arki
ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin
baadi cad. (39) uga dig iyaga maalin qoomamo, marka
la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn. (40)
annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin. (41) ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah. (42) markuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan
maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn waxba. (43) aabow aniga
waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid
toosane (xaqa). (44) aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay
Eebaha Rasmaan ah caasi. (45) aabbow anigu
waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto
shaydaan qaraabo. (46) wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici
adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag
waligeed. (47) wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi
dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. (48)
waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay,
waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku
xumaada (khasaara). (49) markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka
soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.
(50) waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa. (51) ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah. (52)
waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
(53) waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo
nabi ah. (54) kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu
ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah. (55)
wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe
agtiisa lagaga raalli yahay. (56) kuna sheeg
kitaabka (nabi)
Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah. (57) waxaana u
koryeellay meel sare. (58) kuwaas waa kuwuu
u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray
la jirka (nabi) nuux
iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon
doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo
sujuudi oo ooyi. (59) waxaase ka gadaal maray kuwo
xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo
xun) waxayna la kulim sharr. (60)
cidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali
jannada lagamana dulmiyo waxba. (61) jannooyinka
cadnin (yey gali) ee
ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan
yaboohiisu kii yimaadda. (62) kuma maqlaan
dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan
rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba. (63) taasi waa
jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada. (64) kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday
waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana
aha Eebahaa mid halmaansan. (65) waa Eebaha
samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma
u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca). (66) wuxuu dhihi
dadkii (gaalka) ma
markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool. (67) miyuuna
xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn. (68) Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo
shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya. (69) markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu
daran madax adayg (gaalimada). (70) annagaa og kuwa
mudnaan badan galidda naarta. (71) cid idinka mid
ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax
go'an oo xukuman. (72) Markaas
waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo
Jilbo u Fadhiya. (73) marka lagu akhriyo korkooda
aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada
kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi). (74) badanaa intaan
halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba. (75) waxaad dhahdaa
ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu
gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar
junuud (ciidamo). (76) wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha
ee suuban (camalka) yaa
khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo. (77) ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa
lay siin (aakhiro)
xoolo iyo carruur. (78) ma wuxuu
daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan. (79) saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u
fududaynaa (kordhin)
cadaabka fidin. (80) waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi
wuxuuna noo imaan kali. (81) waxay yeesheen
Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar). (82) saas ma aha ee
waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col). (83) miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy
boorrin (baadiyeyn)
baadi. (84) ee ha ku degdegin korkooda, waannu
uun u tirin tirec. (85) xusuuso
maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah. (86) oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo
aroora. (87) mana hantaan shafeeco cid ka
yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee. (88)
waxay dheheen (gaaladu)
wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (89) waxaad la
timaadeen wax wayn. (90) oy u dhawdahay
samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur. (91) inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (92) kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo. (93) wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe
isagoo Addoona. (94) wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.
(95) Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali
ah. (96) kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican
falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl. (97)
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka
kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo
xun). (98) Badanaa intaan
halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.