Al-Baqara
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Aad baa Macnaheeda looga hadlay,
waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin Muejisadda
Quraanka, Eebe unbaa waa la dhahaa. (2) Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro
Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada. (3) ee ah kuwa
rumeeya waxan la arkayn (ee xaq ah) oogana Salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya. (4) ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo
wixii la dajiyey horay, Aakhirana yaqiinin. (5)
kuwaasi hanuun Eebe yey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay. (6) kuwii Gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan
diginaa mana rumeeyaan (xaqa). (7) Lebaa daabacay
Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley Dabool waxaana u sugnaaday
Cadaab weyn. (8) Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi
waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahyn. (9)
waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey naftooda ahayn mase kasayaan. (10) Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyay Cuduro
waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed. (11) marka
lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay
Hagaajiyayaal. (12) iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa
yeeshee ma kasayaan. (13) marka lagu
dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn sida
sufahada (Caqli gaabka),
waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga. (14)
markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan
shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun
kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta). (15) Eebaa ja abaal
marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo Baadidooda, iyagoo ku
dhexwareeri. (16) kuwaase waxay ku gateen haadida
hanuunka, mana ribxin (faa'iidin) ganacsigoodu mana hanuunsana. (17)
waxay la mid yihiin mid huriyey Dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eche
la tagay Nuurkoodii ugagana tadax arkayn. (18) waa Dhaga
la'aan, Hadala'aan, aragla'aan, xaqana uma soo noqdaan. (19)
wuxuu la midyahay xaalkoodu sidii Roob Samada ka soo degay oo Mugdiyo onkod iyo
Hillaac leh, oy yeelayaan Farahooda Dhagahooda hanqadhka (Danabka) xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebana waa koobay
Gaalo. (20) wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo
aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way
istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana
wax walba waa karaa (oos doonoo). (21) Dadow caabuda
Echihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horrecyey, waxaadna mudataan
inaad dhowrsataan. (22) Eebaha Dhulka
idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna
soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo
og. (23) haddaad shakisantihiin waxaan ku
dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo
hadhay haddaad runlowtihiin. (24) haddaydaan
falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido Dadka iyo Dhagaxa, loona
darbay gaalada. (25) ugu bishaaree kuwa rumeeyey (xaqa) Camal fiicanna
falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii, markastoo laga
arxaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa
la siiyey isagoo isu eg (araga) waxayna dhexdeeda ku leeyihiin Haween (Janno) oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari. (26) Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay
ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi
muxuu Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin
in badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo. (27)
ee ah kuwa buriya ballanka Eebe intay adkeeyeen ka dib, oo gooya wuxuu faray
Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya Dhulka kuwaasu waa kuwa khasaaray. (28) seed uga gaaloobaysaan Eebe idinkoo ahaa waxaan
noolayn, markaas Eebe idin soo noolayn ka dibna xaggiisa laydiin eelin. (29) Eebe waa kan
idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas Samada ahaysiiyey kana
dhigay Todobo Samo, Eebe wax walbana waa ogyahay. (30)
xus markuu ku yidhi Eebahaa Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna
dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku
wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn. (31) Eebe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan,
markaasuu u bandhigay Eebe malaa'igtakuna yidhi'iiga warama magacyada kuwaas
hadaad runlowtihiin. (32) waxayna dheheen
nasahnidaada Eebow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax
oge falsan. (33) wuxuuna yidhi Eebe Aadamow uga
warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe miyaanan
idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka. iyo inaan ogahay
waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan. (34)
xus markaan ku nidhi Malaa'igay u sujuuda Aadam, markaasay sujnudeen Ibliis
mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka midnoqday galaada. (35) waxaana nidhi Aadamow dag adida iyo Haweenaydaadu
janada, kana cuna xageeda (cunno) shifo oo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhawaanina
geedan oo markaas aad kamid noqotaan daalimiinta. (36)
Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku
sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku
sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti. (37)
waxuuna kala kulmay Aadam xagga Eebe kalimooyin, wuuna ka toobad aqbalay Eebana
waa toobad aqbalbadane waana naxariiste. (38) waxaan ku nidhi
ka hoobta xaggeeda dhamaantiin, hadduu idiinka yi-maaddo xaggayga hanuun ruuxii
raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna. (39)
kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga, kuwaasu waa chclunaar dhexdeedana
way ku waari. (40) Bini Israa'iilow xusa nicmadayda
aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun
igacabsada. (41) rumeeyana waxaan dejiyey isagoo
rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay quraanka kii ugu
horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar (aduunka) aniga uun iga dhawrsada. (42)
hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og. (43) ooga salaada, hixiyana sakada, lana rukuuca (lukada). (44) ma waxaad faraysaan dadka wanaaga od halmaansantihin
naftiina idinkoo akhrin Kitaabka miyeydaan wax ka sayn. (45)
kaalmaysta samirka iyo salaadda wayna ku wayn tahay salaaddu (ku culustahay) kuwa khushuuca
mooyee. (46) kuwa citiqaadsan inay la kulmi
Echahood xagiisana loo celin. (47)
Bini'israa'iillow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka
fadilay caalamkii (markaas). (48) 48 kana dhawrsada maalin aan naf abaalmarinayn naf (kale) qiyaamada aan
lagana aqbalayn shafeeeo lagana qaadayn (ogalayn) furasho loona gargaarayn. (49)
xusa markaan idinka korinay fircoon iyo colkiisii ce idin dhadhansiin jiray
cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiina ayna dayn jireen gabdhihiina,
taasina waxaa ku sugan irntixaam wayn oo Eebihiin. (50)
xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinay oona maanshaynay fircoon
iyo colkiisii idinkoo cegaya. (51) xusa markaan u
yaboohnay (Nabi)
muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi (aad
caabudeen) gadaashiis idinkoo daalimiin ah. (52) markaas aan idin saamaxnay arrintaas ka dib si aad u
mahdisaan. (53) xusa markaan siinay (Nabi) muusc kitaab iyo
kala bixiyc (xaqa iyo baadilka) si
aad u hanuuntaan. (54) xusa markuu (Nabi) muuse ku yidhi
qoonkisa qoonkiisa qoonkayiw waxaad dulmideennaftiina yeelashadiini dibiga (caabudo) ee u toobadkeena
Eebihiina dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebihiin agtiis, markaasu
idinka toobad aqbalay maxaa yeelay Eche waa toobad aqbal badane naxariista. (55) xusa markaad dhahdeen muusow kuma rumaynayno intaan ka
aragno Eebe si cadaan ah, markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi. (56) markaasaan idin soo bixinay geeridiinii ka dib si aad u
mahadisaan. (57) waxaan idinku haddaynay Daruur,
waxaan idinku soo dajinay macaan iyo hilib (shimbireed) waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggan idiinku
arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa
dulmiya. (58) Xusa markaan nidhi gala magaaladan
oo kacuna xageeda Meejaad doontaan barwaaqa ah. kana gala irridda idinkoo
sujuudsan dhahana (Eebow) hoobi (danbi) aan idiin dhaafno gafafkiinee. waxaan u siyaadinayna
samafalayaasha (wanaag). (59) markaasay ku badaleen kuwwi dulmi falay hadalkii loo
yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soodajinay kuwii dulmiga falay Cadaab
samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed. (60)
Xusa markuu (Nabi)
Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada Dhagaxa,
waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka
cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad
ha ku xumeynina. (61) Xusa markaad dhahdeen Muusow
kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo
dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad
ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana
laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna
waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada
xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii. (62) kuwwi rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo
saab'iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambee oo camal suubanna falay
waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana
tiiraanyoodan. (63) Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay
(Buurta) Dhuur oon idinku
nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u
dhawrsataan. (64) markaasaad jeedsateen intaas ka
dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan
lahaydeen kuwa Khasaaray. (65) dhab ahaanbaad
u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda
daanyeer la fageeyo (oo dullaysan). (66) waxaana
kayeelay ciqabtaas waanada waxa ka horeeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano
kuwa dhowrsada. (67) xusa markuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac,
waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe
inaan ka mid noqdo Jaahiliinta. (68) waxaayna
dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu
leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas (labadaas) ee fala waxa laydin fari. (69)
waxay dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo Midabkeeda, wuxuuna yidhi Eebe
wuxuu leeyahay waa sac Boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin (cajabin) kuwa eegi. (70) waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay
tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu
ekaatay) Lo'dee, hadduu Eebe doonana waan
toosaynaa. (71) wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa
sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka
nabadgashantahay (eeeb)
midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen
Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin. (72) xusa markaad
disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen. (73) waxaan ku nidhi
ku garaaca kan
la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin
aayaadkiisa si aad wax u kastaan. (74) markaasay
ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka
darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal,
waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo. (75)
ma waxaad damcaysaan Mu'miniintaay inay rumeeyaan yuhuudda xaqa oy (idinraacaan) iyahoo kooz ka mid
ahi ay maqlayaan hadalka Eebe (Towreed) haddana ay xarrifaan (leexiyaan) intay kaseen kadib, iyagoo og (inay
gafsanyihiin). (76) markay la
kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale
la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan (u
qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah) si
ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn. (77)
miyayna ogayn in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin. (78) waxaa ka mid ah Ehelu Kitaabka kuwo aan wax qorayn
waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab (Towreed) hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma
socdaan. (79) halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku
qoraya Kitaabka (Towreed)
Gacmhooda hadana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebe si ay qiimo yar ugu
gataan, halaag baana ugu sugnaaday waxay qori Gacmahoodu, halaag baana ugu
suganaaday waxay kasban. (80) waxay dhaheen
yuhuud nama taabanayso naaru waxaan ayaamo tirsan ahayn, waxaad dhahdaa ma
ballan baad ka qaadateen Eebe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebe ballankiisa. mise
waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn. (81) saas ma aha ee
ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa asaxaabta naarta, wayna
ku waari dhexdeeda. (82) kuwa rumeeyey (xaqse) oo camal wanaagsan
sameeya kuwaasi waa asaxaabta Jannada wayna kuwaari dhexdeeda. (83) xusa markaan ka qaadnay Banii Israa'iil ballan inaydaan
caabudin Eebe mooyee, iyo inay u sama falaan labada Waalid iyo qaraabada,
agoonta masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana ooaan bixiyaana
sakada, markaasaad jeesateen in yar oo ininka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan. (84) xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) inaydaan iska daadin Dhiig (inaydaan
isdilin) aydaan qaarkiin (qaarka
kale) Guryihiinna,ka bixinin markaasaad
aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi. (85) hadana waxaad
ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda,idinkoo
isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad
furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad
rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo
idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin
cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan. (86) kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo (ee dhaw) aakhiro, lagamane
fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro. (87)
dhab ahaan yaan u siinnay (Nabi) musse Kitaabka, waxaana raacinnary gadaashiis Rasuullo,
waxaana siinnay (Nabi)
Ciise Ibnu maryama Mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinay ruux daahir ah (Jibriil) marastoose idiinla
yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan. (88) waxayna dheheen yuhuud quluubtanadu waxay ku sugantahay
dabool, saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay
rumeeyn. (89) markuu uga yimid Yuhuud Kitaab
xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay,
markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha
ahaato, gaaladee. (90) waxaa u xun
waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad
dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah,
waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday
cadaab wax dulleeya. (91) marka lagu
yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn
waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah
oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe
horay haddaad Mu'miniin tihiin. (92) dhab ahaan yuu
idiin la yimid (Nabi)
Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah. (93)
xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta
Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin
siinay xoog (niyadadag)
maqlana (xaqa)
waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey
quluubtooda (jacaylkii)
Dibiga (ay caabudeen)
gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu
haddaad muuminiin tihiin. (94) waxaad dhahdaa
hadday daarta aakhiro idinka uun idiinsugnaatay Dadka kale ka sokow jeelaada
geeti haddaad run sheeqaysaan. (95) man
jeelaanayaan (Geerida)
waligood, waxat hormardadeen Gacmahoodu darteed, Eebana waa ogyahay
daalimiinta. (96) dhab ahaan waxaad ugu ogaan
Yuhuudda inay ugu dadaal badanyihiin nolosha, kuwa Gaalada ah qaarkood wuxuu
jeeelyahay in la cimrisiiyo kun Sano, cimrigaasna kama
fogeeyo cadaab Eebana waa arkaa waxay camal fali. (97)
waxaad dhahdaa ruuxi Col
u ah (Malaku)
Jibriil (waa Colka Eebe)
maxaayeelay wuxuu ku dajiyey Qalbigaaga Idin Eebe dartiis, isagoo rumeyn
Quraanka wixii ka horeeyey waana Hanuunja iyo Bishaarada Mu'miniinta. (98) ruxii col Eebe ah, Malaa'igtiisa, Rasuuladiisa, Jibriil
iyo Miikaa'iil Eebana Colbuu u yahay Gaalada. (99)
dhab ahaan yaan kuugu dajinay Aayaad Cad cad kamana gaaloobo Faasiq cid aan
ahayn. (100) markastooy ballantamaana Yuhuuddu
waxaa tuura (buriya)
ballanka koox ka mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeeyn. (101) markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebe isagoo rumayn
waxa agtooda ahna (Tawrced) waxay ka tuuraan koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey (culimada Yuhuudda) Kitaabka Eebe
Dhabarkooda Gadaashiisa, waxayna la mid yihiin iyagoon garanayn. (102) waxay raaceen Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu
Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan,
laakiin Shayaadiinta yaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii
lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut,
mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin,
waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana
dhibaan ruuxna idinka Eebe la'aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon
anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro
nasiib ku lahayn, waxaana baasleh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax
ogyihiin. (103) hadday kuwa (Sixirkabaran) rumeeyaan xaqa oy dhawrsadaan wanaag kuabaalamarinta Eebe
yaa u Khayr roon hadday ogyihiin. (104) kuwa xaqa
rumeeyow ha dhihina na ilaali ee dhaha na sug maqlana, Gaalana waxaa a
sugnaaday cadaab daran. (105) ma jeela kuwii
Gaaloobay oo ehelu Kitaabka ahaa (Yuhuud iyo Na-
saara) lye Gaaladii Carbeed in Iaydinku soo
dajiyo khayr xagga Eebe ka yimid. Eebana wuxuu ku kaliyeelaa Naxariistiisa
ruuxuu donna, Eebana fadligiisu (Khayrkiisu) waa waynyahay. (106) waxaan tirro
oo aayad ah ama aan dib u dhigno waxaan keenaynaa mid ka khayrbadan ama la mid
ah, miyaadan ogayn in Eebe wax kastoos (doono) uu karo. (107) miyaadan ogayn
in Eebe leeyahay xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Idinmana sugnaanin Eebe ka
sokow sokoeye iyo gargaare midna. (108) mise waxaad
dooneeysaan inaad wax warsataan Rasuulkkiinna sidii loo warsaday (Nabi) Muuse mar hore
ruuxii ku bedasha Gaalnimo limaan wuxuu ka dhumay Jidka toosan. (109) waxay jeelyihiin in badan oo ehelu Kitaab ah (Yuhuud iyo Nasaara) inay idiin
eeliyaan iimaankiina ka dib Gaalo, Xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu
u eaddaaday ka dib, ee iska eafiya iskana saamaxa inta Eebe ka keeni amarkiisa (Ia dagallankooda ama islaamkooda)
Eebana waxkastuu doono wuu karaa. (110) Salaaddana
ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka
helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa. (111) waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama
Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan. (112) Ruuxiise u hogaamiya Wajigiisa Eebe isagoo soma fala ah,
wuxuu ku Ieeyahay Ajrigiisa Eebe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan. (113) Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana
waxay tidhi Yuhuudu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka (Tawreed
iyo lnjiilba) saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna
«Gaaladii Carbeed», hadalkoodoo kale, Eebana wuu kala xukumin dhexdooda
Maalinta Qiyaame waxay isku diidanaayeen. (114) l cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu xuso Magaeiisa, una
eamal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu ) kuwaas (Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee,
Adduunka waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn. (115)
Qorax ka soo box iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa
Jaho Eebe (markaad Qiblada garanweydaan) Eebana waa waasac (Naxariistiisu) wax walbana og. (116) waxay dhaheen
Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u
sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan. (117) isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono
arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa. (118) 1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday
aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is
Shabbahday (isu ekaatay)
qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin. (119) anagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo Bishaarayn
Digana, lagu warsanna maayo ehelka (Naarta) Jaxiimo. (120) Kaama raalli
noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raaedo Diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka
Eebaa hanuun ah, haddaad raaedo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo Gargaare (midna). (121) kuwaan siinnay Kitaabka waxay u raacaan raacid Xaq ah (u akhriyaan) kuwaasina waxay
rumeyn Qurannka, ciddii ka Gaalowdana Quraankase (ama
Nabiga) waa cidda Khasaartay uun. (122) Banii Isra'iilow xusa Niemadaydii aan iddinku
Niemeeyey iyo inaan idiinka fadilay adduunka (Waqtigiinii). (123) ka dhawrsada
maalintayna Nafna naf kale ka abaalmarinaynin waxba, Furashana aan laga
aqbalayn, Shafeeeana ayan anfaeayn oona loo gargaarayn. (124)
xusuusta marka Eebe ku imtixaamay Nabi Ibrahim kalimooyin (ereyo) uuna dhameeyey, kuna yidhi waxaan kaaga yeeli Dadka Imaam,
wuxuuna yidhi (Ibrahiim)
Caruurtaydana (kayeel) (Eebe) wuxuu yidhi
ballankaygaa (liican) ma
gaadho daalimiinta. (125) xusuuso
markaan ka yeeley baydka (Kaebada) meel Dadku ku kulmo, iyo Nabadgalyo kana yeesha Maqaamka
Ibrahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonay Nabi Ibrahim iyo Ismaaeiil inay u
daahiriyaan baydkayaga kuwa dhawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa Rukuuei ee
sujuudi. (126) xusuuso markuu yidhi (Nabi) Ibraahim Eebow
kayeel Magaaladan (Maka) aamin kuna Arzaaq Dadkeeda Midho kooda rumeeya Eebe iyo
Maalinta dambe (Qiyaamada) (Eebe) wuxuu yidhi iyo
kan gaalobaba waan u raaxayn in yar markaas waanu galin Cadaabka Naarta meel la
ahaadana iyadaa u xun. (127) xusuuso markuu
kor yelay Nabi Ibraahim Tiirarka Kaebada iyo Nabi Ismaaeiil iyagoo leh Eebow
naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge, (128) Eebow naga
yeel kuwa kuu hogaansama, Faraeanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi
eamalkannaga (Xajka)
nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe. (129) Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya
aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe. (130) Yaa naea diinta Nabi Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa
mooyee, waana doorannay Nabi Ibraahim, adduunyada, aakhirana wuxuu ka midnoqon
kuwa suusuuban. (131) xusuuso markuu Eebe ka yidhi
hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka, (132)
wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay,
wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina
idinkoon Muslim ahayn. (133) miyaad joogten
(Yuhuuday) marka Geeridu u
timid (Nabi)
Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen
waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo
Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa. (134)
taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad
mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen. (135) waxay ku dhaheen Gaaladii Muslimiinta ama Yuhud noqda
ama Nasaara aad hanuunteene, waxad dhahdaa mayee milladda (Diinta
Nabi) Ibraahim yaan raacaynaa ee Xaqa u
iishay, kamana mid ahayn Gaalda. (136) waxaad
dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo
dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la
siiyay (Nabi)
Muuse iyo (Nabi)
Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u
hogaansamaynaa Eebe. (137) hadday u rumeeyaan
saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku suganyihiin
khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebe isagaa wax maqla waxna oge. (138) ku sugnaada Diinta Eebe, yaa ka fiican Diinta Eebe (ma jiro) isagaana
caabudaynaa. (139) waxaad dhahdaa Nabiyow ma waxaad
igula doodaysaan Eebe isagoo Eebahanno iyo Eebihiinna ah, anaguna Camalkanagu
noo sugnaaday idinkuna Camalkiina, isagaana u kali yeelaynaa Diinta. (140) mise waxaad dhahaysaan Nabi Ibraahim, Ismaeiil,
Isxaaq, Yacquub iyo Caruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara, waxad dhahdaa
ma idinkaa wax og Mise Eeben yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebe
ku yeeshay, Eebana ma halmaamo waxaad falaysaan. (141)
taasi waa umad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay idinkuna waxaad mudaynasaan
waxaad kasbateen, laydin warsannamaayo waxay camalfalayeen. (142) waxay dhihi kuwii xumaa ee Dadka (Gaalada) ka mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay
Qaabilijireen (Baytul Maqdis)
waxaad dhahdaa Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku
hanuunin Ciduu doono Jidka toosan. (143) saasaan idinka
dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo
markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato
ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe
hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka. (144) dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee
Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga
xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa,
kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma
halmaansana waxay Camal fali. (145) hadaad ula
timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma
raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan
raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi
kuu yimid (waxyiga Eebe),
waxaad ka mid noqon daalimiinta. (146) kuwaan siinay
Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin
xaqa iyagoo og. (147) xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa
ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya. (148) cidwalba waxay
leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin
keeni (oo idin kulmin)
dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono), (149) meelkastood u
baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka
ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan. (150) meelkastood u
baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u
jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa
Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku
sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga
cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan. (151)
«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo
idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga,
idinna bara waxaydaan aqoonin. (152) ee I xusa aan
idin Xusee (ajir idin siiyee)
iguna mahadiya hana iga Gaaloobina. (153) kuwa (Xaga) rumeeyow kaalmaysta
Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree. (154)
hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas ma aha ee waa noolyihin, mase
kaseysaan. (155) , waxaan idin ku Imtixaannaynaa
wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo midhaha, ee u
Bishaaree kuwa Samra. (156) kuwaas markuu
dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa. (157) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo
Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan. (158) Safo iyo Marwo
waxay ka midyihiin Calaamooyinka )Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra
hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku
mahdin wuuna ogyahay. (159) Kuwa qariya
waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka
kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta
iyo Mu'miniinta). (160) Marka laga
reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad
aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan. (161)
Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe
iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan. (162) Waxayna
kuwaari dhexdeeda (naarta iyo
nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka
Loomana sugo. (163) Eebihiin waa Eebe kaliya isaga
mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste. (164) Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta
Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe
ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib,
kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo
sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi. (165) Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax
lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka
daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan
lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay. (166) markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay,
oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii. (167)
waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn
xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda (168) Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican
ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye, (169) wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku
sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn. (170) marka lahu
dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu
eaaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn
Hanuunsanayna (miyey raaci), (171) waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax
maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna
ma arkaan, waxna ma kasaan. (172) kuwa Xaqa
rumeeyow wax ka Cuna wanaagaan idinku aezuqnay, kuna mahdiya Eebe hadaad tihiin
kuwo isaga Caabudi. (173) wuxuu uun
idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa
waxaan ahayn lahu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebana
waa dambi dhaafbadane Naxariisbadan. (174) kuwa qariya waxa
Eebe soo dajiyey oo Kitaabka ah (Quraanka) kuna gata lacay yar kuwaasi kuma cunayaan (ma galinayaan) Calooshooda waxaan
Naar ahayn, lamana hadlo Eebe Maalinta Qiyaame mana daahiriyo waxayna Mudan
Cadaab daran. (175) kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida
Hanuun, Cadaabna dambidhaafid maxaa uga adkaysi badan Naarta. (176) arrintaas waxa ugu wacan in Eebe u soo dejiyey
kitaabka xaqa ah kuwii iskudiiday kitaabkana waxay ku suganyihiin khilaaf Fog. (177) Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka
soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame
Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada,
Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda,
bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga
saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay
Iimaankooda waana kuwa dhawrsada. (178) kuwa xaqa
rumeeyow wxaa laydinku waaJibiyey Qisaasta Dadka la dilo, xurta xurbaa loo
qisaasan, Adoonkana addoon, Haweeneydana Haweeney, ruxiise looga cafiyey
Walaalkis (xaggiisa) wax
waxaa saarun inuu si fiican u raaco isna Si fiican Loogugudo, taasina waa
fudayd xagga Eebe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan
Cadaab daran. (179) waxaa idinku sugan Qisaasta nolol
Dadka wax garadka ahow waxaadna mudantihiin inaad dhawrsataan. (180) waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad
ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq
vayna ku tahay kuwa dhawrsada. (181) ruuxiise
badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dambigu wuxuu saaranyahay uun kuwa wax
badala, Eebana waa maqle og. (182) ruuxii uga
cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi
masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan. (183)
kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii
idinka horreeyey si aad u dhawrsataan. (184) waa Maalmo
tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp kale
(soonkood) kuwa uu dhibina
waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan
haddaad tihiin kuwo wax og. (185) waa bisha Soon
ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn
hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo
kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad
dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u
dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe. (186)
hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa
(aqbalaa) baryada markay i
baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. (187) waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is
aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad
baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad
Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u
tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka
muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka
hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw
dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan, (188) hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad ugu
cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og. (189)
waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga
timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana
immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad
Liibaantaane. (190) kula dagaalama Jidka Eebe kuwa
idinla dagaalama, hana xadgubina Eebe ma jeelee kuwa xadgudbee. (191) ku dila meejaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin
ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan
agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la
dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe. (192) haddayse
reebtoomaan Eebe waa dhaafidbadanae naxariis badan. (193)
la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Eebe, hadday
reebtoomaan lalama Collaytamo cidaan xadgudbayn. (194)
Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda)
waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee
ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay
wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (195) ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebe, hana ku tuurina Gaemihiina halaag (waxbixin la'aan) wanaagna fala,
Eebe wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga fala. (196) dhamaystirana
Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo
hadya ah (inaad gawraedaan) hana
ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko
ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan
ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku
Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa
toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe
ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu. (197)
Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu
iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe,
ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada
kuwa caqliga lahow. (198) korkiina wax
dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe
mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen
xaqa hortiis kuwa dhunsan. (199) markaas ka
gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi
dhaafe naxariistee. (200) markaad
gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa,
Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn
Aakhiro qayb. (201) waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi
Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka
Naarta. (202) kuwaasi waxay mudan qayb waxay
kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu. (203) xusa Eebe
maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood
dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana
in xagiisa laydiin soo kulmin. (204) Dadka waxaa ka
mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa
qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan. (205) markuu jeedsadana,
soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebana ma
jeela fasaadka. (206) marka loo dhoho ka dhawrso Eebana
waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan jahannamo iyadaana u xun
gogol. (207) dadkana waxaa ka mid ah mid ku
gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u naxariistaha addoomada. (208) kuwa xqqa rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina
Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col Cade. (209) haddaad
simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade
falsan. (210) miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo
ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga
Eebaana loo celin umuuraha. (211) waydii Banii
Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad, ciddii badasha Nicmada Eebe intay u timid,
Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay. (212) waxaa loo
qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa
rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu
Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan. (213) dadky wuxuu
ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga,
wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa waxay
isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u
yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebe
waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku
hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan. (214) ma waxaad u
maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii
tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi iyo Cudur, waana la gilgilay intuu
ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, waa goorma gargaarka Eebe,
gargaarka Eebana waa dhawyahay. (215) waxay ku
warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan
Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Soodaha Waxaad fashaana oo
kahr ah Eebe waa ogyahay. (216) waxaa laydinku
waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo
khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar idiin ah,
Eeba wax og idinkuse ma ogdin. (217) waxay ku
warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la
mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa
waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan
iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka
wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla
dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba
Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo
aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda. (218) kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday
Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe
naxariista. (219) waxay ku waydiin Khamrada iyo
Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah
dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa
(bixiya) saa'idka, saasuuna
Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad fikirtaan. (220) adduun iyo aakhiraba (inaad
ka fikirtaan) waxayna ku waydiin agoonta, waxaad
dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa Walaalihin, Eebana
waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono Eebana wuu idin
dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan. (221) ha guursanina
Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr
roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay
cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u
guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka
khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku
yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa,
wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan. (222)
waxay ku waydiin Caadada (Ilaweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka
daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna
wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya. (223) Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga
beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana
ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta. (224) ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo
falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og.
(225) iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse
idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan. (226) kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan
iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka
noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (227) hadday
goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah. (228) Haweenka la
furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa
Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe.
Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas
dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna
waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu
sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan. (229)
furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn
fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan
inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda
Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe
ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta. (230) hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin
kale, hadduu (kaasi)
furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda
Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og. (231) haddaad
furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si
fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala
sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees,
xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab
iyo xigmad ah (Sunnada) wuu
idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta
ogyahay. (232) haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan
mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si
fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe
iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa
ogyahay idinkuna ma ogidin. (233) waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin
Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda,
kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo
dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa
dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo
raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka
nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad
bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan
Eebe arko. (234) kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah
oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah
idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa
ogyahay. (235) dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku
qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu
yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka
intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii
na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay. (236) dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan
idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna
qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada. (237) haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay
mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka
gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama
waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa
shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa. (238) xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta
badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci). (239) haddaad cabsataan
Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa Eebe
siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada). (240) kuwa la
oofsado (dhinto)
idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo
Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah,
Eebana waa adkaade falsan. (241) kuwa la furo
waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada. (242) saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad
kastaan darteed. (243) ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay)
kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku
yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa,
Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan. (244) ku dirira
Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay. (245)
waa kuma kan
amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku
cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka. (246)
ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen
Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad
mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna
dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey
guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen,
in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta. (247)
wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen
sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo
Waasac ah (Badan)
wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe
wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu
siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og. (248)
Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto
xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo
ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan
haddaad tihiin Mu'miniin. (249) markuu la
baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka
cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata
gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu
tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta
Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe
badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la
jiraa kuwa Samra. (250) markay u soo
muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub korkannaga
Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah. (251) markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud
Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo
iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan
jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u
saaxiib «u deeqe» caalamka. (252) taasi waa
aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa
la soo diray «Rasuulada»; (253) kuwaasu waa
Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay
qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay
ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil. haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka
dambeeyay intay u timid xujooyin kadib. laakiin way is khilaafeen waxaa ka
Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma
laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono. (254)
kuwa (xaqa)
rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin
iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah. (255)
Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma
qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka,
waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan
wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu
Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn. (256) Igraah (Qasab) ma aha Diinta galideedu, Hanuunkii (limaanku) waa ka cadaaday (soocanyahay) Baadida (Gaalnimada) ruuxiise diida Dhaaquut (shayaadiinta
iyo xuma fare wixii ah) oo Tumeeya Eebe
wuxuu qabsaday xadhig (guntay) sugan oo adag (Islaamka) oon go'ayn, Eebana waa maqle og. (257)
Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga (Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka
(iimaanka), kuwa Gaaloobayna
gargaarahoodu waa Dhaaquut (Xumaan fare) wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa Mugdiga (Gaalnimada) kuwaasina waa
ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda. (258) ka warran (warkiisu nia ku soogaadhay) kit
kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyey xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay
waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi
Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyey (oo aamusay) kii gaaloobay,
Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah. (259) ka warran kii
maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii (oo cidla ah) markaas yidhi sidee Eebe u nooleyn midan dhimasho (kharaah) kadib markaasaa
Eebe dilay Boqol Sano (qadarkeed) markaasuu soo bixiyey wuxunna ku yidhi imisaad nagaatay
adigoo mayd ah, uuna yidhi waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkecd, uu kuna
yidhi (Eebe)
waxaad nagaatay Boqol sano: ee day Cuntadaada iyo Cabidaada, oon doorsoomin,
day Dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo Dadka, day Lafaha sidaan u
sookoryeeeleyno (u nooleyn) una
huwinayno Hilib markuu u cadaaday xaalku wuxu yidhi waxaan ogahay in Eebe wax
walba karo. (260) Xusuusio markuu yidhi Nabi
Ibraahim Eebow i tusi sidaud u nooleyso wax a dhinia uuna yidhi miyaadan
rumeynin (Xaqa) oo
uu yidhi waan rumeeyey laakiin (waxaan doonay) inuu xasilo qalhigay^u maiktias (Eebc) yidhi qaad afar shimbirood una iil xagaaga (JarJar) kadibna yeel Buur
kasta qayb ka mid ah, markaas u ycedh waykuu imaan iyagoo ordi ogoowna in Eebe
adkaade Falsan yahay. (261) kiiwa ku
bixiya Xoolahooda Jidka Eebe waxay la midyihiin Xabbad (Masago
ah) oo bixisay Todobo Sabuul, Sabuul kastiina bixiyey Boqol
xabbo Eebe waa u Laab laabaa (Ajirka) Cidduu doono Eebana waa Deeq badane og. (262) kuwa ku bixiya Xuulahoooda Jidka Eebe markaasna
raacinin waxay bixiyeen Manno iyo dhib waxay ku mudan ajrigooda Eebahood
agtiisa, Cabsina korkooda ma ahaato, mana murugoon. (263)
hadal wanaagsan iyu dhaafid (Saamaxaad) yaa ka khayr badan Sadaqo uu raaco dhib, Eebana waa hodan
dulbadan. (264) kuwa xaqa remeeyow ha ku burinina
sadaqadiina Manno iyo dhib sida kan u bixiya xoolihiisa istusla Dadka, aan
rumeynin Eebe iyo Maalinta aakhiro, wuxuuna la mid yahay sida Sallax korkiisa
Carro lahay oo roob badan heley oo ma karaan kuwaasu wax ka mid ah waxay
kasbadeen (ajri kamahelaan)
Eebana ma hanuuniyo Qoom gaalo ah. (265) kuwa ku bixiya
Xoolahooda doonidda raali ahaanshaha Eebe iyo yaqiinsi naftooda (Khayrka) waxay la midyihiin
Beer ku taal meelsare oo heley Roob badan, oo markaas keentay Cunadeedii
Labanlaab hadduusan Roob - badan helinna nu helo Roob yar (Shuux) Eebana waxaad Camalfalaysaan wuu arkaa, (266) ma jecelyahay midkiin inay u ahaato Beer Timir iyo
Canabyo ah oy dareeri dhexdeeda Wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo
Midho ah ayna hayso Da'weyni uuna leeyahay Carrur tabaryar oo markaas beertii
Assibto (ku dhaedo) Dabayl
daran oo dab wadata oo Gubatay Beertii Saasu Eebenidiinku eadeeyaa aayaadkiisa
si ad u fikirtaan. (267) kuwa xaqa
rumeeyow wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo
bixinay Dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax kabixisaan, oo idinkuba aydaan
qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebe yahay Hodan la
mahdiyo, (268) Shaydaanku wiixuu idiin yahoohi
Faqri, wuxunna idin fari xumaan, Eebana wuxuu idiinyaboohi dambi dhaaf iyo
Fadl, Eebana waa waasac (Deeqdiisu) waxna og. (269) wiixuu siiyaa
xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax
waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro. (270)
waxaad bixisaan oo nafaqo ah (sadaqo) amaad ku nadartaan ou nadar ah Eebe waa ogyahay,
daalimiina gargaare uma sugnaanin. (271) haddaad
muujisaan Sadaqaadka waa fiicantahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada
yaa idiin khayr badan, wuunu asturi Eebe xumaantiina (Dambiga) Eebana waxaad falaysaan wuu ogyahay. (272)
korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebaase hanuuniya cidduu doono, waxaad
bixinaysaan oo khay ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebe
mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin
dulmiyeyn. (273) (waxaa
muta Sadaqadaas) fuqarada lagu koobay Jidka Eebe (Jahaadka) oon karin inay
dhulka ku safraan, wuxuna u malayn kaan ogayn Hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku
garan Calaamadooda, umana waydiiyaan Dadka ku eeleelin waxaad bixisaan oo khayr
ah Eebe waa ogyahay (oo ka jasayn). (274) kuwa bixiya
Xoolahooda Habeen iyo Dharaarba qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku mudan ajirkooda
Eebalhood agtiis, Cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna. (275) kuwa Cuna Ribada kama istaagaan (Qubuurahooda) siduu u istaago mid la dhiei Shaydaan taabasjadiis mooyee,
waxaana ugu waean arrintaas inay dhaheen Beecu (Gadashadu) waa sida Ribada, Wuu baneeye Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xarrimay
Ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii
horeeyey, amarkiisana waxaa (loo bandhigi) Eebe ruuxiise ku noqda (Ribada) kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda. (276)
wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka, Eebana ma jeela Gaalnimo badane Dambi badan
Dhammaantiis. (277) kuwa rumeeyey xaqa, oo Camalfiican
falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyey sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood
agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato. (278)
kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe kana taga waxa hadhay oo Ribo ah haddaad
Mu'mintihiin. (279) haddaydaan falin (sidaas) ogaada Dagaal Eebe
iyo Rasuulkiisa, haddaad Toobad keentaanna waxaad leedihiin Raasamaalkii
Xoolihiina, wax dulminmaysaan idiina laydin ma dulmayo. (280)
haddii la helo isagoo caydh ah (kan wax laguleeyahay) ha
la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka
saamaxdaan) yaa idiin khayr badan haddaad
ogtihiin. (281) kana dhawrsada Maalinta laydiin
soo celin Eebe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo. (282) kuwa xaqa rumeeyow haddaad wax kala Daynsataan tan iyo
muddo magacaaban quora hana idiin kala quoro dhexdiina qof si Cadaalad ah,
yunna diidin Quore inuu u qoro siduu wax u baray Eebe, ha quoro hana u yeedhiyo
kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu
yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabaryare ama uusan karin inuu yeedhiyo
ha u yeedhiyo Waligiisu si Caddaalad ah, maragana ka yeela Laba marag oo Rag
ah, haddaan laba Nin la helinna Nin iyo Laba haweenood ka raalli thiin marag
ahaan (laga yaabo) inay
midi halmaanto oo tankale Xusuusiso, yeyna diidin maragu haddii loo yeedho,
hana ka daalina inaad quortann wax yar iyo wax waynba tan iyo mudadiisa, saasaa
ku cadaaladbadan Eebe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin,
inay tahay Tijaara (Ganacsi) joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiina dhib (Dambi) ma aha inaydaan
qorin, Marag u yeela haddaad wax kala Gadanaysaan, yanna la dhibin Qore iyo
Marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiina, ka dhawrsada Eebe waxbuu idin
bariye, Eebana wax kasta waa ogyahay. (283) haddaad
safartihiin oydaan helin Qore rahan la qibloodo (ha
badasho qoridda) haddu qaarkiin aamino qaar ha siiyo
kii la aaminay amaanadiisa hana ka dhawrsado Eebihiisa barbaariyey, hana
qarinina maragga ruuxii qariyana wuu dambaabi Qalbigiisu' Eebena waxaad
camalfashaan waa ogyahay. (284) Eebaa iska leh
waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, hadaad muujisaan waxa naftiina ku sugan
ama qarisaan wuu idin ka xisaabin Eebe, wuuna u dhaafi cidduu doono ama
Caadaabi Ciduu doono, Eebena wax kasta (oo uu doono) wuu karaa. (285) wuu rumeeyey
Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu'miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay
rumeeyeen Eebe, Malaa'igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno
mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon
adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan. (286)
kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda
ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu
xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu
xambaarin (dhibin)
waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa
gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.