Al-Muminoon
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta. (2) Ah kuwa
Salaaddooda ku Khushuuca. (3) Oo ah kuwa
Hadalka Macno Darro ka Jeedsada. (4) Oo ah kuwa Fala
Zakada «bixiya». (5) Oo ah kuwa Furuujtooda
Ilaaliya. (6) Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu
mooyee, lagurna Dagaalo Taas. (7) Ruuxiise Doona
waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal. (8)
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra. (9) waana kuwa Salaadda Ilaaliya. (10)
Kuwaasu waa kuwa Dhaxli. (11) oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari. (12) Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo. (13) Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan. (14) Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray
Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib
Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu
Fiicanyahay. (15) Markaas Idinku
Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan. (16) Markaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin. (17) Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin
mid Khalqiga Halmaansan. (18) Waxaan ka soo
Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan
karraa. (19) Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero
Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka
Cuntaan. (20) Iyo Geed ka
Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni. (21) Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka
Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan,
Xaggeedaadna wax ka Cuntaan. (22) Korkeeda iyo
Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa. (23)
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux
Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo
Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn. (24) Waxayna Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah
ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo
Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey. (25) Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo,
Geerida. (26) Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar
Beenintooda. (27) Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon
Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku,
Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid
ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne. (28) Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad
Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta
ah. (29) Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la
Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee. (30) Arrintaasna
waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama. (31)
Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale. (32)
Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah
Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn. (33)
waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka
Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn
Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan. (34)
Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen. (35)
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin
soo Boxin. (36) Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa
laydinku Goodin. (37) Ma aha waxaan Noloshanada
Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin. (38)
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn. (39) Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda. (40) Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda.
(41) Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay
Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta. (42)
Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale. (43)
Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto. (44) Markaasaan
Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu
waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn. (45) Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad. (46) Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana
u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen
Qoom is korraysiiya. (47) waxayna dheheen
ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo. (48) Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay. (49) Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan. (50)
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare
oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh. (51) Rasuullow ka
Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye. (52) Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada. (53) Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo,
Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin. (54) ee
Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo. (55)
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah. (56)
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga. (57)
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid. (58) kuwa uun
Aayaadka Eebahood Rumeeya. (59) kuwa uun
Eebahood aan la Wadaajinin. (60) kuwa Bixin waxa
la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon. (61) Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay. (62) kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah
Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana. (63)
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin
Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali. (64)
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan. (65) (Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree. (66) Waxay ahayd
Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib
ugu noqda (Xaqa Diida). (67) Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama
Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo
Hadal Xun. (68) Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise
waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore. (69)
Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi. (70)
Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici.
(71) Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka
Jeedsan quraanka. (72) Mise waxaad
warsan Kharaj (u Juuro)
Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan
u Khayr Badan Arzaaqe. (73) Adiguna waxaad
ugu Yeedhi Jid Toosan. (74) Kuwa aan Rumeyn
Aakhiroona Jidka way ka lilan. (75) Haddaan u
Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi
Xumaantooda iyagoo ku Indho la'. (76) Waxaannu ku
Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin. (77) Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay
Quustaan. (78) Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo
Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe). (79) Eebe waa Kan idinka Abuuray
Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina. (80) Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna
Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn. (81) Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii). (82) Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo
Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin. (83) Waa Naloo
Yaboohay Aabayaalkanno kan
(Soo Bixinta) horay mana aha
kani waxaaan warkii hore ahayn. (84) Waxaad Dhahdaa
yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin. (85)
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn. (86) Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha
Carshiga Wayn. (87) Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan
Dhawrsanayn. (88) Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka
wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax
Ogtihiin. (89) Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee
Laydiin Sixri. (90) Waxaanse Siinay Xaq waana
Beenaalayaal. (91) Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha
Miciisa Ilaah (kale)
Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari
lahaa (Adkaan lahaa)
Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami. (92)
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin. (93) Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay. (94) Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah. (95) Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan
Karraa. (96) ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi). (97) Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska
Shayaadiinta. (98) Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay
ii Yimaadaan Shayaadiintu. (99) Markuu u
Yimaaddo Midkood (Gaalada)
Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya. (100) Waxaan u
Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska
Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin. (101) Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda
Maalintaas, waxna isma Warsadaan. (102) Ciddayse
Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay. (103)
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda
Jahannamayna ku Waari. (104) Waxaana Gubi
Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran. (105) (Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn
Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen. (106) Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii,
waxaana ahayn Qaar Dhunsan. (107) Eebow naga
Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah. (108)
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina. (109) Waxaa Jirtay
in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf
noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone. (110)
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna
Qoslayseen. (111) Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii
Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay. (112) Wuxuuna Dhihi
Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka. (113) Waxayna Odhan
waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya
«Malaa'gta». (114) Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax
Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin. (115) ma Waxaad u
Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn. (116) Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga
ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh. (117)
Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun
Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo. (118) Waxaad Dhahdaa
Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone.
An-Noor
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) (Tani) waa Suurad aan Soo Dejinay oo Faralnay (wax ku Caddaynay) kuna soo Dejinay
Dhexdeeda Aayaad Cad Cad inaad wax Xusuusataan (waano
qaada Taan) (2) Zaaniyadda (Haween) iyo Zaaniga (Ragga) Garaaca mid kastoo
ka mid ah Boqol Garaac yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis Diinta Eebe
Dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo
Garaacooda Koox ka Mid ah Mu'miniinta. (3) Zaani ma
Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani
ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu'miniinta. (4)
Kuwa (Zino) ku
Gana (Sheega)
Haweenka Dhawrsoon oon Afar Marag ah keenin Garaaca Siddeetan Garaacood, hana
ka Aqbalina Marag Waligood, kuwaasina waa uun Faasiqiin. (5)
Marka laga Reebo kuwa Toobad Keena intaas ka Dib oo Wanaajiya, Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
(6) Kuwa Qadfa (Zino ku Sheega) Haweenkooda oon Marag aan Naftooda ahayn Lahayn midkood
Maraggiisu waa inuu ku Marag Kaco Dhaarta Afar Dhaarood Eebe inuu Run Sheegi (7) Tan Shanaad waa inuu ku Dhaarto in Lacanadda Eebe ku
Dhacdo hadduu Beenaale yahay. (8) Waxaa Ka rida
Iyadana Ciqaabta inay ku Dhaarato Afar Dhaarood inuu Beenaale yahay. (9) Tan Shanaadna waxay ku Dhaaran in Cadhada Eebe ku Dhacdo
hadduu Run Sheegi. (10) Hadduuna Jirin
FAdliga Eebe iyo Naxariistiisa Korkiinna oosan ahayn Toobad Aqbal Badane Falsan
«Waxaa Beenaalaha ku Dhici lahaa Cadaab Daran». (11)
Kuwa la Yimid Been Abuurka (Qadafka Caasho) waa Koox Idinka mid ah, How Malaynina inay Shar Idiin
tahay, waxayse idiin tahay Khayr, Qof kasta oo ka Mid ahna waxaa u Sugnaaday
wuxuu kasban oo Dambi ah midka Qaatay Waynanka Arintana oo ka mid ah wuxuu
Mudan Cadaab weyn (Ibnu Salool). (12) Maxaydaan
Markaad Maqasheen Xaalka (Qadafka) ayna ugu malayn Mu'miniinta ragga iyo Haween Naftooda
Khayr, oyna u Dhihin Kaasi waa Been Abuur Cad. (13)
Mayse u Keenaan Korkiisa Afar Marag, Haddayna keenin Marag kuwaasu Eebe Agtiisa
waxay ku Yihiin Beenaalayaal. (14) Hadduuse Jirin
Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa Adduun iyo Aakhiraba waxaa Idin
Taaban lahaa waxaad Dhexgasheen Dartiis Cadaab weyn. (15)
Markaad kula kulmaysaan Qadafka Carrabkiinna oo ku Dhahaysaan Afkiinna
waxaydaan Ogayn, una Malaynaysaan wax Fudud Isagoo Eebe Agtiisa ku wayn. (16) Markaad Maqasheen Maad Dhahdaan Nooma Habboona Inaan ku
Haddallo kan, Eebaa Nasahan ee kan (Qadafka) waa Been Abuur wayn. (17) wuu idinka
Waanin Eebe inaad u Noqotaan Isagoo kale Waligeed Haddaad Tihiin Mu'miniin. (18) Wuxuuna idiin Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge
Falsan. (19) Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu
Kuwa Rumeeyey (Xaqa)
waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna
ma Ogidin. (20) Hadduuna jirin Fadliga Eebe ee
Korkiina iyo Naxariistiisa iyo in Eebe yahay Naxariis badane Ilaaliya, (Waxaa ahaan lahaa wax kale). (21) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu
wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee
Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin
Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og. (22)
Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada,
Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen,
miyeydaan Jeelayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista. (23) Kuwa Gana «Qadfa» Haweenka Dhawrsoon ee Halmaansan (Xumaanta) ee Mu'minaadka ah
waa La Lacnaday Adduun iyo Aakhiraba, waxayna Mudan Cadaab Weyn. (24) Maalinta Ay ku Marag-kici Carrabadoodu, Caemahoodu, iyo
Lugahoodu waxay Camalfaleen. (25) Maalintaas
wuxuu u oofin Eebe Abaal Marintooda Sugan, waxayna Ogaan in Eebe Yahay Xaqa Cad
(Sugan). (26) Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka
Xun, kuwa Xunna waxay u sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u
sugnaadeen Kuwa Wanaagsan, kuwaasna (Caa'isha iyo
Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi, waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf
leh (Janno). (27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam
Warsataan kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u
Xusuusataan. (28) Haddaydaan ka Helin Dhexdeeda
Ruuxna ha Galina inta Laydinka Idmi, Haddii laydindhaho Noqdana Noqda, Saasaa
idiin Wanaagsan, Eebana Waxaad Falaysaan wuu Ogyahay. (29)
Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan (Anfaco) idiinku Jirto,
Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan. (30) Waxaad ku Dhahdaa Mu'miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen
Furuujtooda (Zinada)
saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. (31)
Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu'minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna
Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u
Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo
Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod,
iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha
yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood
u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan
Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad
keena (U Noqda)
Xagga Eebe Dhammaan Mu'miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane. (32) U Guuriya Xaaslaawaha Idinka Mid ah iyo Kuwa Suuban oo
Addoomadiinna ah (Rag iyo Haweenba) hadday Sabool Yihiin wuxuu ka Hodmin Eebe Fadligiisa,
Eebana waa Waasac (Fadligiisu) Waana Oge. (33) Hase
Dhawrsadeen Kuwaan Helayn (awood) Guur inta Eebe kaga Hodmin Fadligiisa, kuwa Dooni Inay
Isfurtaan oo Hanatay Gacantiinnu Kitaabeeya (Ka
Ogolaada) Haddaad ku Ogtihiin Khayr, wax ka
Siiyana Xoolaha Eebe ee uu Idin Siiyey, hana ku Qasbina Gabdhihiinna (aad Ilanataan) Zino Hadday
Doonaan Dhawrsooni Idinkoo Dooni Sadka Nolosha Adduunyada, Ciddii Qasabta Eebe
Qasabkaas ka Dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (34) Waxaan
idiin soo Dejinay Aayaad Cad Cad iyo Tusaale Kuwii Tagay ee Idinka Horreeyey
iyo Waanada kuwa Dhawrsada. (35) Eebe waa
Nuuriyaha Samooyinka iyo Dhulka, Nuurkiisu wuxuu la mid yahay Daaqad Misbaax ku
Jiro Misbaaxuna ku Jiro Dhalo, Dhaladana aad Mooddo Xiddig lfi lagana Huriyey
Geed la Barakeeyay oo ah Zaytuun (Saliidd leh) oon bari iyo Galbeed midna ahayn, waxayna u Dhawdahay
Saliideedu inay iska Ifto Yuuna Taabaninba Dabe, waa Nuur lagu kordhiyay Nuur,
wuxuuna ku Hanuuniyaa Eebe Nuurkiisa Cidduu Doono, wuxuuna u Yeelaa Eebe Dadka
Tusaale, Eebana wax kasta waa Ogyahay. (36) (Kaasoo ah) Guryo (Masaajidda) uu idmay Eebe in
la Koryeelo Laguna Xuso Dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu Tasbiixsada Dhexdeeda
Aroor iyo Galabba. (37) Raga ayna ka
Shuqlinayn Ganacsi iyo Gadasho Xuska Eebe, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Zakada
kana Cabsan Maalin oy Gagadoomi Dhexdeeda Quluubta iyo Aragguba. (38) Inuu ka Abaal Mariyo Eebe Wanaagay Faleen una Kordhiyo
Fadligiisa, Eebana wuu Arzuqaa Cidduu Doono Xisaab la'aan. (39)
Kuwii Gaaloobay Camalkoodu wuxuu la Midyahay Dhalanteed Dhul Siman (Ka Muuqda) oos u Malayn kan Oomani biyo Markuu
Yimaadana uuna ka Helayn waxba, oo uu ka heli Eebe (Abaal
marintiisa) Agtiisa una Oofiyey Xisaabtiisa,
Eebana way Deg degtaa Xisaabtiisu. (40) Ama wuxuu la
Midyahay Mugdiyo Bad Dhexdeed ah oos Dabooli Hir Korkiisana yahay Hir,
Korkiisana Tahay Daruur, waa Mugdiyo Qaarkood Qaar ka Sarreeyo Hadduu Bixiyo
Gacantiisana uma Dhawa inuu Arko, Ruuxaan Eebe u yeelin Nuur malaha Nuur. (41) Miyaadan Ogayn in Eebe u Tasbiixsado waxa ku Sugan
Samooyinka iyo Dhulka iyo Shimbiraha oo (Fidsan) Safan mid kasta wuu Ogyahay Salaaddiisa iyo Tasbiixdiisa,
Eebana waa Ogyahay waxay Fali. (42) Eebe waxaa u
Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo dhulka Xagga Eebaana loo Ahaan. (43) Miyeydaan Arkayn in Eebe Kexeeyo Daruuro Markaas
Isudumo Kana Yeelo Mid is dulSaaran ood aragto Roobkoo ka Soo Bixi Dhexdiisa
wuxuuna ka soo Dejiyaa (Eebe) Samada Buuro Qabow ah (Thalaj) wuxuuna Gaadhsiiyaa Cidduu Doono, wuxuuna u Dhawyahay
Nuurka Hilaaciisu inuu la Tago Aragga. (44) Wuu Gagadiyaa
Eebe Habeenka iyo Dharaarta, Arrintaasna waano Qaadasho yaa ugu Sugan kuwa
Aragga leh (Caqliga lch). (45) Eebaa ka Abuuray wax Kastoo socda (oo
nool) Biyo waxaana ka Mid ah mid ku Socda
Calooshiisa, waxaana ka mid ah mid ku Socda Labo Lugood, Waxaana ka mid ah mid
ku Socda Afar, wuxuu Abuuraa Eebe wuxuu Doono, Eebana wax kasta waa Karaa. (46) Waxaan soo Dejinay Aayaad Cad Cad, Eebana wuxuu ku
Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan. (47) Waxay Dhihi (Munaafiqiintu) Waxaan rumeeynay
Eebe iyo Rasuulka waana Adeecnay markaasaa waxaa Jeedsada Kooxo ka Mid ah
Intaas ka Dib, Kuwaasi ma ah Mu'miniin. (48) Marka Loogu
Yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala Xukumo Dhexdooda waxaa soo Baxa Koox ka
Mid ah oo Jeedsan. (49) Hadduu Xaqu
iyaga U sugnaado way u Yimaadaan iyagoo Adeeci. (50)
Ma Qalbigay ka Bukaan mise way Shakiyeen mise waxay ka Cabsan in Eebe ku Jawr
falo iyo Rasuulkiisu, saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah. (51) Mu'minka Hadalkiisu marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisu
inuu kala Xukumo Dhexdooda waa uun Inay Dhahaan waan Maqallay Waana Adeecnay
kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (52) Ciddii Adeecda
Eebe iyo Rasuulkiisa oo Cabsata kana Dhawrsata Kuwaasi waa uun kuwa Liibaanay. (53) Waxay ugu Dhaarteen Eebe (Munaafiqiinta) Dhaar Daran inay u Baxaan (Jahaad) waxaad Dhahdaa ha Dhaaranina Adeecid la Yaqaan (ha Ahaado Xaalkiinnu) Eebana waa Ogyahay
waxaad Falaysaan. (54) Waxaad Dhahdaa
Addeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka Haddaad Jeedsataanna waxaa uun Korkiisa ah (Nabiga) waxa la Saaray (la Faray) idinkana waxa
Korkiinna ah waxa laydin Saaray (Xaq raacid) haddaad Addeecdaan (Nabiga) waad Hanuunaysaan, Rasuulkana ma Saarra waxaan Gaadhsiin
Cad ahayn. (55) Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyay
Xaqa oo Camal Fiican Falay inuu u Reebo Dhulka siduu ugu Reebay kuwii ka
Horreeyay, wuxuuna Makanin Diintooda uu uga Raalli Noqday wuxuuna ugu Badali
Cabsidooda ka Dib Nabadgalyo, wayna I cabudi Ilamana Wadaajiyaan waxba, Ciddii
Gaalowda intaas Ka Dibna kuwaasu waa uun Faasiqiin. (56)
Ooga Salaadda, Bixiya Zakada oo Addeeca Rasuulka waxaad Mudantihiin in laydiin
Naxariistee. (57) Hana Umalayn Kuwa Gaaloobay inay ku
Daalin (Eebe)
Dhulka, Guryahooduna Waa Naar waxaana u Xun Meel Loo Ahaado (Naar). (58) Kuwa Xaqa Rumeeyow Haydin Idan Warsadeen kuway Hanatay
Gacantiinnu, iyo Kuwaan Qaan Gaadhin oo Idinka Mid ah Saddex Jeer, Salaadda
Subax ka Hor iyo Markaad iska Dhigtaan Dharka Duhurkii, iyo Salaadda Cishaha ka
Dib, waa Seddex Waqti oo Cawro ah «la Nasto», ma aha Korkiinna iyo korkooda
midna Dhib «ma Saarra» intaas ka Dib, way idin kor Socdaan (Shaqeeyaan) Qaarkiinna Qaarbuu ka Ahaaday, saasuuna idiinku Caddayn
Eebe Aayaadkiisa Eebana waa Oge Falsan. (59) markay
Carrurtiinnu Qaangaadhana haydin Idan warsadeen siday idiin Idamwarsadeen kuwii
ka Horreeyay, saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge Falsan.
(60) Kuwa ka Fadhiistay (Ka quustay dhalmada) oo Haweenka ah oon guur Rajaynayn Korkooda Dhib (Dambi) ma Saarra inay
iska Dhigaan Dharkooda (Iska Fududeeyaan) iyagoon ismuujinayn Qurux, Inay Dhawrsadaan yaase u Khayr
Roon Eebana waa Maqle Og. (61) Ma Saarra
Indhoole Dhib, Lugoolana Dhib ma Saarra, Mid Bukana Dhib Ma Saarra, Naftiinnana
Dhib ma Saarra Inaad wax ka Cuntaan Guryihiinna ama Guryaha Aabayaalkiin, ama
Guryaha Hooyooyinkiin, ama Guryaha Walaalihiin, ama Guryaha Walaashiin, ama
Guryaha Adeeradiin, ama Guryaha Eeddooyinkiin, ama Guryaha Abtiyadiin, ama
Guryaha habaryarihiin, ama Guryahaad Hanataan Furihiisa, ama Guryaha
Saaxiibahiin, Dhibna Idinma Saarra Inaad wax Cuntaan Idinkoo Kooxa ah ama kala
Tagsan, markaad Gashaan Guryana Salaama Naftiinna, Salaan ka Ahaatay Eebe
Xagiisa oo la Barakeeyey oo Fiican, Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayaadka
Inaad wax kastaan. (62) Mu'miniintu Waa
Uun kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, markay la Joogaan Amar kulmiyey Dartiis
aan Tagin intay ka Idan Warsadaan, kuwa Idan warsada kuwaasu waa kuwa Rumeeyey
Eebe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu Idan warsadaan Danahooda Qaarkood u Idan
Ciddaad Doonto oo ka Mid ah una Dambi Dhaafwarso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe
Naxariistee. (63) Ha ka Yeelina u Yeedhidda Rasuulka
sida U Yeedhidda Qaarkiin qaar, Eebe wuu ogyahay kuwa Dusi iyagoo Gabban, (Fadhiga Nabiga) ha ka
Digtoonaadeen kuwa Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidmo (Masiibo) ama ku Dhoco Cadaab
Daran. (64) Eebaa iska Leh waxa ku Sugan
Samooyinka iyo Dhulka, waana Ogyahay Waxaad ku Sugantihiin, iyo Maalinta loo
Celin Xaggiisa, oo uga Warami waxay Camal faleen, Eebana wax kasta waa Ogyahay.