Ash-Shu'araa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku Tusin Mucjisada
Quraanka sida soo Hor martay. (2) Taasi waa
Aayadihii Kitaabka Cad. (3) Waxaadna u
Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (4) Haddaan Doono Waxaan kaga soo
Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
(5) Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha
Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. (6) Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (7) Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo
Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (8) Taasna waxaa ku
sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (9) Eebahaana Waa
Adkaade Naxariista. (10) (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay
Eebahaa (Nabi)
Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (11) Qoomka Fircoon,
Maydhawrsadaan. (12) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan
ka Cabsan inay I beeniyaan. (13)
Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga
Haaruun. (14) Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan
inay I dilaan. (15) Wuxuu Yidhi
Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
(16) ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu
waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. (17)
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (18) Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku
Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. (19)
Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). (20) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay
Anoon Wax kasayn. (21) Waana Idinka
Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay
kuwa La Diray (Rasuul).
(22) Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad
Addoonsatay Banii Israa'iil. (23) Fircoon wuxuun
Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (24) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha
Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (25) Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa
ahaa War ma Maqlaysaan. (26) Wuxuu Yidhi
Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (27) Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna
laydiin soo diray waa Waalanyahay. (28) Wuxuu Yidhi
Nabi Muuse waa Eebaha Bari
iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. (29)
Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa
Xabbisan. (30) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan
kuula Imaaddo wax Cadna. (31) Wuxuu Yidhi
Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (32) Markaasuu
Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (33)
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. (34) Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (35) Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee
Maxaad Faraysaan. (36) Waxay Dheheen
Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (37) Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (38) Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la
Yaqaan. (39) Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
(40) Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. (41) Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon
Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (42) Wuxuuna Yidhi
haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (43) Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad
Tuuraysaan. (44) Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo
Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (45) Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay
Dhoodhoobeen. (46) waxaana la Riday Saaxiriintii
Sujuud Darteed. (47) Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay
Eebaha Caalamka. (48) Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (49) Wuxuu yidhi
Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee
idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo
Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (50)
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (51) waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii
ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (52) Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa
Laydin Raaciye. (53) Markaasuu u Diray Fircoon
magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (54) Isagoo dhihi
Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (55) Wayna Na cadho
Galiyeen. (56) Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer
Digtoon. (57) Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (58) Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (59)
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (60) Markaasay
Raacen (ka daba Duulcen)
Qorrax soo Bixii. (61) Markay isu
Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna
Haleelay. (62) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (63) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii
wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (64)
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (65) Waxaana Korinay
(Nabi) Muuse iyo Intii la
Jirtay Dhammaan. (66) Ka dibna waxaan Maanshaynay
Kuwii kale. (67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana
aha Badankood kuwo Rumeeyn. (68) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista, (69) Ku Akhri
Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (70) Markuu ku Yidhi
Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (71)
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (72) Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (73)
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (74) Waxay Dheheen
waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (75)
Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. (76)
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (77) Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha
Caalamka Mooyee. (78) Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (79) Kan I Quudin ee I Waraabin. (80)
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (81) Waana kan I dili Ina Noolayn. (82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta
Abaal marinta. (83) Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa
Suuban. (84) Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (85) Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (86) Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
(87) Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (88) Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (89) Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (90) Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (91) Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (92) Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (93) Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama
Gargaarsanayaan. (94) Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga
iyo kuwa Baadiyoobay. (95) Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (96) Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (97) Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (98) Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (99) Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (100) Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (101)
Iyo Saaxiib Dhaw. (102) Ee hadaan
Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (103) Taas waxaa ku
Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (104) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (105) Waxay
Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (106) Markuu ku
Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (107)
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (108) Ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (109) Idinkana
Warsanmaayo (Xaqa)
Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (110)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (111) Waxay Dheheen
ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun
Xun). (112) Wuxuu Yidhi
Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (113) Xisaabtooda
Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (114) Anuguna ma
Eryayo Mu'miniinta. (115) Waxaan u Dige
Cad ahayna ma ihi. (116) Waxay Dheheen
Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (117)
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (118)
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (119) Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii
Buuxday. (120) Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii
Hadhay (Gaaladii). (121) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu
kuwo Rumayn. (122) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (123) Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (124)
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (125)
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (126) Ee ka
Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (127) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (128) Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (129) Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (130)
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (131)
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (132) Kana Dhawrsada
Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (133) Wuxuu idin
Siiyey Xoolo iyo Caruur. (134) Iyo Beero iyo
Ilo. (135) Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin
Wayn. (136) Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid
ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (137) Kanna ma aha
waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (138)
Nalamana Cadaabayo. (139) Wayna
Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha
Badankoodu kuwo Rumayn. (140) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (141) Waxay Beenisay
Thamuud suulladii. (142) Markuu ku
Yidhi Walaalkood (Nabi)
Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (143) Waxaan idiin
ahay Rasuul Aamin ah. (144) ee ka
Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (145) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (146) Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (147) Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (148) Iyo Beero iyo
Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (149) Ood ka
Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (150)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (151) Hana Adeecina
«Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (152) ah kuwa
Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. (153) Waxay Dheheen
waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (154) Mana Tihid
waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (155) Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna
Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. (156) Ee ha ku
Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. (157)
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (158)
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo
Rumayn (Xaqa). (159) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (160) Waxay
Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (161) Markuu ku
Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (162)
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (163) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (164) Idinkama Warsanaayo
Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (165)
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (166) Ood ka
Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo
Xadgudba. (167) Waxay Dheheen haddaadan Joogin
Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (168) Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna
waan la Cadhaysnahay. (169) Eebow iga Kori
iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (170) Waana korinay
Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (171) Habar ku
hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (172) Markaasaan Halaagnay Intii kale. (173)
Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (174)
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (175) Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (176)
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (177)
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (178)
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (179) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (180) Idinkama
Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (181) Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (182) Una Miisama Cadaalad Toosan. (183)
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (184) Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii
Horreeyey. (185) Waxay Dheheen waxaad uun Tahay
kuwa la Sixray. (186) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah
ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (187)
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (188) Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (189) Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii
Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (190) Arrintaasna
waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (191)
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (192) Quraankuna waa
soo Dejin Ebaha Caalamka. (193) Waxaa kula soo
degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (194) Qalbigaaga
inaad ahaato kuwa ku Diga. (195) Af Carabi ahoo
Cad. (196) Quraankuna wuxuu ku Sugnaa
Kutubtii hore. (197) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu
Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ (198) Haddan ku soo Dejino
Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (199) oo uu ku
Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (200) Saasaan u
Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (201) Mana
Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (202)
Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (203)
Oy Dhahaan ma nala Sugi. (204) Ma
Cadaabkanagay Dadajisan. (205) Ka Warraan
Haddaan u Raaxayno Sanooyin. (206) Markaas uu u
Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. (207) Muxuu uga Tari
Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. (208) Magaalo aan
Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. (209) Waano Darteed,
mana nihin Daalimiin. (210) Kumana soo
Degto Quraanka Shayaadiintu. (211) Kumana
Habboona mana Karaan. (212) Shayaadiintu
Maqalka waa ka Fogyihiin. (213) Ee ha Caabudin
(Baryin) Eebe Miciisa Ilaah
kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (214) Una Dig
Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (215) Una Raarici
Garabkaaga (U Naxariiso)
Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (216) Hadday ku
Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari
baan ka ahay waxaad Falaysaan. (217) Talo Saaro
Eebaha Adkaada ee Naxariista. (218) Ee ku Arka
Markaad Kici. (219) Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (220) Eebana waa Maqle Og. (221)
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (222)
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (223)
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (224)
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (225) Miyaadan Arkin
in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (226)
Oyna Sheegi waxayna Falayn. (227) Kuwa Xaqa
Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi
ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).