An-Naml
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Xarafka
hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin
Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad. (2) Waana Hanuunka iyo Bishaarada
Mu'miniinta. (3) Ee ah kuwa Ooga
Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin. (4) Kuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u Qurxinay Camalkooda
waana ku Indho la'Yihiin (Wareersanyihiin). (5) Kuwaasi waa
Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray. (6) Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi
Quraanka Falka San ee Og Agtiisa. (7)
Xusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan
Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad
Kulaashaan. (8) Markuu Yimid
waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeevev Cidda Dabka la Joogta iyo kuwa
Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka. (9) Muusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San.
(10) Ee Tuur
Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo Carari,
Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda Rasuulladuye.
(11) Ciddiise Dulmi
Fasha markaas Wanaag ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay Dambi Dhaafe
Naxariista. (12) Gali Gacantaada
Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna
ka mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo
Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiina. (13) Markay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay
Dheheen Kani waa Sixir Cad. (14)
Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee
Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha). (15) Waxaan siinay
Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan
Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah. (16)
Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka
Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad. (17)
Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh,
iyagoo iseeleelin. (18) Markay
Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo
Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn. (19) Markaasuu
Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji inaan ku
Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag Aad ka
Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda. (20) Wuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay Hud-Hudkii Mise kuwa
Maqan buu ka Midyahay. (21) Waxaan Cadaabi
Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad. (22)
Markaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan Ogaanin, waxaana kaaga keenay
ReeSaba War Yaqiina. (23) Waxaan Helay
Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn. (24)
Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U
qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana. (25) May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka
iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan. (26) Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha
Carshiga Wayn. (27) Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run
Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha. (28)
La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri
waxay soo Celiyaan. (29) Waxayna Tidhi
Maxaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh. (30) (Kuna Qoran) Waxay ka Timid
Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista.
(31) Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo
Muslimiina. (32) Waxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara
Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan. (33)
Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan,
amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari. (34) Waxay Tidhi
Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh
kuwo Dullaysan Saasayna Falaan. (35) Waxaanse u Diri
Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray. (36)
Markay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu
I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey, Idinkaase ku Farxi
Hadyadiina. (37) Ee U celi Waxaana ula Imaanaynaa
Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka Bixinaynaa Magaalada Iyagoo
Dullaysan oo Ihaanaysan. (38) Wuxuuna Yidhi
Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda Iyagoo Muslim ah. (39)
Wuxuuna yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin
Fadhigaada, waxaana ahay Xoog badane Aamina. (40)
Wuxuuse yidhi kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada
Laabideeda horteed (Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu Yidhi Kani
waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka Gaaloobo,
Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey Naftiisa Ciddii Gaalowdana Eebahay waa
ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay. (41) Wuxuuna Yidhi
Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn. (42) Markay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu,
waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin. (43) Waxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay Caabudaysay oo Eebe ka soo Haddhay,
waxayna ka mid ahayd Qoom Gaala ah. (44) Waxaa lagu
Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U Malaysay Mawjad (Biya
ah) waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa
Daar Salaax Sugan oo Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey
Naftayda, waxaana u Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha
Caalamka ah. (45) Waxaan u Dirray Ree Thammuud
Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda
oo Doodi. (46) Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u
Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu
idiin Naxariisto. (47) Waxayna Dheheen
waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu
wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey. (48) Waxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin
Dhulka Hagaajinayna. (49) Waxayna Dheheen
isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan ky Dhahno
Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa
Run. (50) Way Dhagreen Dhagar Anana waan
Abaal marinay Iyagoon Ogayn. (51) ee Day Siday
Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba
Dhammaan. (52) Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah
Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan. (53) Waxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey. (54) (Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan
Idinkoo Arko. (55) Idinku ma Raggaad u Tagaysaan
Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina. (56) Mana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya
Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad Isdaahirine. (57)
Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami. (58) Waxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday
Roobka kuwa Loo Digay. (59) Waxaad Dhahdaa
mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma
Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin. (60) Ma Eebaha
Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo
Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon
mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan
inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan. (61) Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro
oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Badankooduse wax ma Oga. (62) Mise Eebaha
Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska
Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan. (63) Mise Eebaha
idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista
Eebe (Roobka)
hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
(64) Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma
Ilaah (kalaa) Jira
Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan. (65) Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku
Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin. (66) Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho
La'yihiin Xaggeeda. (67) Waxay Dheheen
kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo
Bixin. (68) Waa Naloo Yaboohay Kan (soo
Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore,
kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn. (69)
Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha. (70) Hana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay
Dhagri. (71) Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi
Haddaad Run sheegaysaan. (72) Waxaad Dhahdaa
waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed. (73) Eebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu
kuma Mahdiyaan. (74) Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin
Laabahoodu iyo waxay Muuiin. (75) Waxa ku Maqan
Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad. (76)
Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku Khilaafeen. (77) Quraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta. (78) Eebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa
Adkaade Og. (79) ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku
Sugantahay Xaq Cade. (80) Adugu wax ma
Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay Jeedsadaan
iyagoo sii Socda. (81) Mana Tihid mid
ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey
Aayaadkanaga oo Muslima mooyee. (82) Markuu ku Dhaco
Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii)
waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen
kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga. (83) Xusuuso
Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey
Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi. (84) Markay
Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin
Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen. (85) Waxaa ku Dhacey
Qawlkii (Ciqaabtii)
Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan. (86) Miyeyna Arkayn
inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna
Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa). (87) Xusuuso
Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka
Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan. (88) Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay
ingagantahay (Sugantahay)
iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana
waa Ogaha waxaad Falayasaaan. (89) Ciddii la
Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna Iyagu way
Aamin Noqon. (90) Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa
Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
(91) Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax
kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta. (92) iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u
Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa
Diga. (93) Waxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska
leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid
Halmaansan waxaad Falaysaan.