Al-Qasas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Wuxuu ku Tusin Mucjisada
Quraanka. (2) Taasina waa Aayaadka Kitaabka (Quraanka) ee Cad. (3) Waxaannu kugu Akhrin Korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon
si Xaq ah Qoomkii Rumayn. (4) Fircoon wuu Isku
Kibriyey Dhulka (Masar)
wuxuuna ka Yeelay Ehelkiisii Kooxo, Isagoo Yaraysan (Dullayn) Koox ka Mid ah Gawricina
Wiilashooda oo Dayn Haweenkooda wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax Fasaadiya. (5) Waxaanu Dooni inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu
Dullaysanayay Dhulka kana yeello Imaamyo, kana Yeello kuwa Dhaxli Dhulka.
(6) Oon Makansiinno Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo
Januuddooda waxay ka Digtoonaayeen (Halaagooda). (7) Waxaan u Waxyoonay
ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis
Nuuji, markaad u Cabsatana ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon anagaa kugu soo Celine kana
Yeeli kuwa la Diro (Rasuul). (8) Waxaana Qaalay
Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col
iyo Walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay.
(9) Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda
iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno
Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta). (10) Wuxuu Ahaaday
Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay Muujiso Haddaanaan
Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta. (11)
Waxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon
ogayn. (12) Waxaana ka Reebnay Korkiisa
Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una
Samo Fali. (13) Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis,
si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq
Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga. (14) Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo
Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha. (15) Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn,
wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay
Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay
Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya
oo Cad. (16) Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan
Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi
Dhaafe Naxariistee. (17) Wuxuuna Yidhi
Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya
Dambiilayaasha. (18) Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii
Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo
Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad. (19) Markuu Doonay inuu Qabto (Wax
yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad
dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir
badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid
inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya. (20) Waxaana ka
Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku Tashanayaan
inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne. (21)
Wuuna ka Baxay (Magaaladii)
Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah. (22) Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu
u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan. (23) Markuu Gaadhay
Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay
Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma
Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn. (24) Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska
wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay. (25)
Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu
kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid
oos Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii
Daalimiinta ahaa. (26) Waxayna Tidhi
Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog
Badan oo Aamin ah. (27) Wuxuuna ku
Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku
Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo
inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan. (28) Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo
Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil. (29) Markuu Dhammeeyey (Nabi) Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay
Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u
Dhawahay inaan Idiinka Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan. (30) Markuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa
Midig, Meejii Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka ah. (31) Ee Tuur Ushaada Markuu Arkay iyadoo Gilgilanna ood
Mooddo Mas wuu Jeedsaday Isagpp Carari, mana soo Jeedan, (waxaana
lagu Yidhi) Muusow soo Qaabil (soo
Noqo), hana Cabsan Adugu Aaminbaad tahay (waad nabadgali). (32) Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay so Bixi Iyadoo Cad
Xumaan (cudur) La'aan,
Iskuna Dhaji Garabkaaga Argagaxa Dartiis taasina waa Xujooyin Eebe ka ahaatay
oo Fircoon iyo Qoomkiisa (Loo diray) waana Qoom Faasiqiina. (33)
Wuxuu Yidhi Eebow waxaan ka Dilay Naf waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (34) Walaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin
ha ii Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (35)
Wuxuu yidhi (Eebe)
waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli Xujo Idimana
Gaadhayaan (Dhibkiinna)
aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin Raacday yaana Adkaan. (36) Markuu Ula Yimid muuse Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay
Dheheen kani waa Sixir la Abuurtay mana Aanaan ku maqal kan (oo kale) Aabbayaalkannagii horreeyey. (37)
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebahaybaa og Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo
Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidday u ahaan Cidhibta dambe illeen ma
Liibaano daalime. (38) Wuxuu Yidhi
Fircoon Maxaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri Haamaanow Dhoobada
iina Yeel Daar (dheer)
inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u Malayn inuu Beenaale yahaye. (39) Waxay Isku Kibriyeen isaga iyo Colkiisiiba Dhulka Xaq
Darro waxayna u Maleeyeen inaan Xagganaga loo soo Celinayn. (40) Waana Qabanay Isaga iyo Colkiisii waxaana ku Turray
Badda ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Daalimiinta. (41)
waxaana ka Yeellay Madax ugu Yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaaro. (42) Waxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta
Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay). (43) Waxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka
Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore, Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo
Naxariis inay Xusuustaan Darteed. (44) Maadan ahayn
Dhinaca Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka «Nabinimada» mana
aadan ahay Kuwii Joogay. (45) Laakiin waxaan
ahaysiinay Quruumo waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa
Ehelkii Madyan Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin anagaa ku Dirray. (46) Mana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa naxariista Eebahaa
Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay Waantoobaan. (47) Hadday markay ku Dhacdo Musiibo (Dhib) waxay hormarsadeen Gacmahoodu Darteed oo Markaas ay
Dhahaan Eebow Maxaad noogu soo Diri wayday Rasuul oo Raacno Aayaadkaaga
Noqonnana Mu'miniinta «waa la Ciqaabi lahaa». (48)
Markuu uga yimid Xaqii Xagganaga yey Dheheen maa la Siiyo wixii la Siiyey (Nabi) Muuse oo kale,
miyeyna ka Gaaloobin wixii la Siyyey Muuse Horay, oyna Dhihin waa Labo Sixir oo
Iskaalmaystay waxayna dheheen Annagu Dhammaan waan ka Gaalownay. (49) Waxaad Dhahdaa ka Keena Kitaab Xagga Eebe ka Hanuun
badan Labadooda aan raacnee haddaad Run Sheegaysaan. (50)
Haddayna ku Ajiibin (Maqlin) Ogow inay uun Raacayaan Hawadooda, wax ka Dhumid badanna
ma jirto cid Raacday Hawadeeda Hanuun Eebe La'aantiis, Eebana ma Hanuuniyo Qoom
Daalimiin ah. (51) Dhah ahaanbaan ugu Xidhiidhinay (ugu Caddayn) Hadalka inay
Waantoobaan. (52) Kuwaannu Siinay Kitaabka Hortiis
way Rumayn isaga. (53) Marka lagu
Akhriyo Korkoodana waxay Dhahaan waan Rumaynay Quraanka inuu Xaq Eebaheen ka Yimid
yahay Annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin. (54)
Kuwaas waxaa la Siiyey Ajrigooda Labo mar Samirkoodii Dartiis, waxayna
Raaciyaan Xumaanta Wanaag waxaan ku Arzugnayna waxbay ka Bixiyaan. (55) Markay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan waxayna
Dhahaan Annagu Camalkanaga yaan leenahay idinna Camalkiinna Waad Salaamantihiin
ma Rabno Jaahiliin (Waddadooda). (56) Adugu ma
Hanuunisid Ciddaad Jeceshahay laakiin Eebaa Hanuuniya Cidduu Doono Isagaana Og
kuwa Hanuunsan. (57) Waxay Dheheen Gaaladii (Maxaad) Haddaan Raacno
Hanuunka waxaa Nalaga Dafi Dhulkannaga, Miyaanaan Siinin Xaram Aamina oo la
Keeno Midhaha wax Kasta quudin Darteed oo Xagganaga ah, Laakiin Badankood ma
Oga. (58) Badanaa intaan Halaagnay Magaalo ku
Kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahoodii lamana Degin Gadaashood wax yar
mooyee, Anagaana ah kuwo Dhaxla (Hadha). (59) Mana aha
Eebahaa mid Halaaga Magaalo intuu uga Bixiyo Tan Hooyada u ah «Caasimaadda»
Rasuul ku Akhriya Korkooda Aayaadkanaga mana nihin kuwo Halaaga Magaalo aan
Ehelkeedu Daalimiin ahayn. (60) Wixii Laydin
Siiyey oo Wax ah waa uun Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeed waxase Eebe Agtiisa
ah yaa Khayr Roon oo Hadhid badan ee Miyeydaan wax Kasayn. (61)
Ruuxan u Yaboohnay Yabooh Fiican oo La Kulmi ma la Midbaa Ruuxaan ugu Raaxaynay
Nolosha Dhaw markaas noqon Maalinta Qiyaame kuwa la Soo Joojin (La Cadaabi). (62) Xusuuso Maalinta Eebe u Yeedhi Gaalada oo ku Dhihi
Aaway kuwaad ila Wadaajiseen ah kuwaad Sheeganayseen (Caabudayseen). (63) Kuwii waxay
Dheheen uu ku Sugnaaday Hadalkii Eebe (Ciqaabtii) Eebow kuwaasu waa kuwaan Baadinyeynay, waana Baadiyeynay
sidaan u Baadiyoownay waana isagakaa Baryeelay mana ahayn kuwo Anaga Nacaabuda.
(64) Waxaana loo Odhan Uyeedha Shurukadiinna markaasay u
Yeedhaan mase Ajiibaan (Maqlaan) waxayna arkaan Cadaabka Markaasay Qoomamoodaan Hadday
Hanuunilahaayeen. (65) Xusuuso
Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oos ku Odhan Eebe Maxaad ugu Jawaabteen
Rasuulladii. (66) Markaasay ku Indho Beeshay korkooda
Xujadii (Waayeen Xujo)
Maalintaas, waxna Isma Warsadaan. (67) Ruuxiise
Toobadkeena oo Rumeeya oo Fala Camal Fiican wuxuu u Dhawyahay inuu Noqdo kuwa
Liibaanay. (68) Eebahaa wuxuu Abuuraa wuxuu Doono
oo Doorto, Doorasho ma Leh Iyagu (Dadku) waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay la
Wadaajin. (69) Eebahaana waa Ogyahay waxay qarin
Laabtoodu iyo waxay Muujinba. (70) Eebana waa
Ilaaha isaga mooyee aan Ilaah kale Jirin, Mahad buu mutaa Adduun iyo Aakhiraba,
Xukunkana isagaa iska leh Xaggiisaana loo Noqon. (71)
Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan
iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur
miyaydaan wax Maqlayn. (72) Waxaadna
Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo
Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku
Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn. (73) Naxariistiisa
waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad Xasishaan
dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan. (74)
Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah
kuwaad Sheeganayseen. (75) Waxaana ka soo
Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna waxayna
Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been Abuuran
Jireen. (76) Qaaruunna wuxuu ka mid ahaa qoomkii
(Nabi) muuse, wuuna ku
Kibray Korkooda, waxaana Siinay wax Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog
badan, markay ku Dheheen qoomkiisii ha Farxin (Kibrin) Eebe ma Jeela kuwa Farxa «Kibree». (77) Kuna
doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka
Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma
Jeela Fasaadiyaashee. (78) Wuxuuna Yidhi
waxaa uun La ii siiyey Xoolaha Ogaanshahayga, Miyuusan ogayn in Eebe Halaagay
Hortiis Quruumihii kuwo ka daran Xagiisa Xoogga kana Badan Kulan, lamana
Warsado Dambigooda Dambiilayaasha. (79) Markaasuu u soo
Baxay Qoomkiisii isagoo Xarragoon waxayna Dheheen kuwa Dooni Nolosha Dhaw
Shallaytee Hadaan leenahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale waa Nasiib wayn. (80) Waxayna Dheheen kuwii la Siiyey Cilmiga Magaciinba'ee
Abaal marinta Eebaa u Khayr roon Ciddii Rumaysa oo Fasha Camal fiican lamana
Waafajiyo hadalkaas Saabiriinta Mooyee. (81) Markaasaan la
Goynay Isagii iyo Xoolihiisiiba Dhulka mana Helin Koox uga Gargaarta Eebe ka
Sokow, mana Noqonin mid Gargaarta. (82) Waxayna
ahaadeen kuwii Doonayey Meejiisa Shalay inay Dhahaan. waa Yaabe Illeen Eebaa u
Waasiciyey Rizqiga Cidduu Doono oo Addoomadiisa ah kuna Cidhiidhya, Hadduusan
Eebe Nagu Galladaysan wuxuu nala Goynlahaa (Dhulka) waa Yaab ma Liibaanto Gaalo. (83)
Taasi waa Daartii Aakhiro waxaana u Yeelay kuwaan Doonayn isla Sarraynta (Kibirka) Dhulka iyo Fasaad,
cidhibta (Fiicanna)
waxaa leh kuwa Dhawrsada. (84) Ciddii la Timaadda
Wanaag wuxuu Mudan wax ka khayr roon Ciddiise la Timaadda Xumaan lagama Abaal
mariyo kuwa Xumaanta Sameeya, waxaan waxay faleen ahayn. (85)
Eebaha kugu Faral yeelay Quraanka wuxuu kuu soo Celin Meejii Ballanka (Qiyaamada ama Maka), waxaad Dhahdaa Eebahaybaa
og ruuxii la Yimid Hanuun iyo kan
ku Sugan Baadi Cad. (86) Mana Aadan
ahayn mid Rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, Hasayeeshee waa Naxariista
Eebahaa ee ha Noqonin mid u Kaalmeeya Gaalada. (87)
Yeyna kaa leexin Aayaadka Eebe intii lagugu soo Dejiyey ka Dib uguna Yeedh
Xagga Eebahaa, hana ka mid noqonin Mushrikiinta. (88)
Hana Caabudin Eebe la Jirkiisa Ilaah kale Eebbe mooyee Ilaah (kalana) ma Jiro, wax kasta
wuu Halaagsami (Tagi) Eebe
mooyee Xukunkana Isagaa iska leh, Xaggiisaana laydiin Celin.