Al-Ankaboot
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) waxay
ku tusin mucjisada Quraanka (sida la soo sheegay). (2) ma wuxuu u maleeyey Dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan
rumeynay oon la imtixaamayn. (3) dhab ahaan yaan u imtixaanay kuwii ka horreeyay, Eebana wuu
muujin kuwii run sheegay, wuxuuna muujin kuwa beenlowga ah. (4) mise waxay u maleeyeen kuwii
xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari) waxaa xun waxay xukumi. (5) ruuxii rajayn (ka cabsan) la kulanka Eebe, Ajashii Eebe (uu
qadaray) way imaan, Eebana waa maqle oge ah. (6) ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay
naftiisa, Eebana waa ka kaaftoon yahay caalamka. (7) kuwa (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan asturaynaa
xumaantooda, waxaana ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen. (8) waxaan u dardaaaranay Dadka
Labadiisii Waalid wanaagfalkooda, hadday kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso
waxaadan cilmi u lahayn (Gaalowdo) ha ku adeecin, xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana
idiinka warrami (abaalna marin)
waxaad camalfali jirteen. (9) kuwiise (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa
suuban (Janada). (10) Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Eebe,
markii lagu dhibo Eebe dartiisna kayeela imtixaamka Dadka (dhibookda) cadaabka Eebe oo kale, hadday timaado Guul xagga Eebe ka
ahaatay waxay dhahaan anagu waan idin lajiraa, Eebe miyuusan ahayn kan og waxa
laabta Dadka ku jira. (11) dhab ahaan yuu u muujin Eebe kuwa xaqa rumeeyey, dhab
ahaanna wuxuu u muujin kuwa munaafiqiinta ah. (12) waxay ku dhaheen kuwii galoobay kuwii xaqa rumeeyey raaca
waddadannada aan xambaarro gafafkiinee, mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda
ah, ee waa beenaalayaal. (13) waxayse dhab ahaan xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo
Culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame waxay
been abuuran jireen. (14) dhab ahaan baan ugu dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku dhexnagaaday Kun sano oo
kontan la'waxaana wabtay dhuufaankii (Halaagii Biyaha) iyagoo daalimiin ah. (15) waana korinay Nuux iyo Dadkii Doonta, waxaana ka yeellay
aayad (uu ku waantoomo)
Caalamku. (16) (Nabi) Ibraahimna (waa diray) wuxuuna ku yidhi qoomkiisii Cabuda Eebe akana dhawrsada
saasaa idiin khayrbadane haddaad wax ogtihiin. (17) waxaad uun caabudaysaan Eebe ka sokow Sanamyo, waxaadna
abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Eebe ka sokow idiinma hantaan wax rizqi
ah ee ka dalba Eebe rizqiga Cabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydin celine. (18) haddaad Beenisaan (Xaqa) waxaa beeniyey
Umado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn. (19) miyeyna arkayn sida Eebe u
billaabay (Abuuridda)
Khalqiga una soo celin, arrintaasna Eebe waa u fududahay. (20) waxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u biilaabay
khalqiga, hadana Eebe u ahaysiin abuuridda dambe (Soo
bixinta), Eebana wax walba wuu karaa. (21) wuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna
u naxariistaa cidduu doono xaggiisaana laydiin celin. (22) idinkuna ma tihidin kuwa Eebe ku daaliya Dhulka iyo Samada
midna wax Eebe ka soohadhay oo idiin sokeeya ah ama idiin gargaarina ma jiro. (23) kuwii ka gaaloobay aayaadka
Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen naxariistayda waxaana kuwaas u
sugnaaday Cadaab daran. (24) Jawaabtii
Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka koriyey
Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn. (25)
wuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl dhexdiinna
ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale
Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina
idiin ma sugnaan. (26) waxaa rumeeyey Nabi Ibraahim (Nabi) Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u hijroon Eebehay
illeen waa adkaade falsane. (27) waxaana siinay isxaaq iyo yacquub waxaana yeelay faraciisii
Nabinimo iyo Kitaab (loo soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda aakhirana
wuxuu ka mid noqon kuwa suuban. (28) «Nabi» Luudhna
«xusuuso» markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan aan cidna
idiinkahormarin addunyada. (29) idinku ma waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka
Kulana imaanaysaan Naadigiina wax la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii
inay dhahaan noo keen cadaabka Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha mooyee. (30) wuxuuna yidhi Eebow iiga
gargaar qoomka wax fasaadiya. (31) markay ulatimid fariintanadii (Malaa'igtii) Nabi Ibraahim bishaaro waxay dhaheen anagu waxaan
halaagayna ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine. (32) (wuxuu yidhi Nabi Ibraahim) waxaa ku sugan Luudh, waxay dhaheen anagaa og cidda
dhexdeeda ah waanu korinaynaa Luudh iyo ehelkiisa Haweenaydiisa mooyee oo noqon
ku wa halaaggu ku hadhi. (33) markay Rasuuladanadii (Malaa'igtii) u timid Luudh wuu ka tiiraanyooday wuuna la cidhiidhyamay
waxayna ku dhaheen ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga iyo
ehelkaagabee Haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa lahalaagi. (34) waxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid
faasiqnimadooda darteed. (35) waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata Qoomkii
wax kasi. (36) ree
Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku
yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana (ka yaaba) Maalintii dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin. (37) markaasay beeniyeen waxaana
qabtay Gariir (iyo Qaylo)
waxayna noqdeen kuwo Lawyaha u dhaca. (38) Caad iyo
Thamuudna (waan halaagnay),
«halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa Guryahoodii, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan
Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka waxayna ahaayeen kuwo wax arka (haday waantoobi) . (39) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaana (waa
lahalaagay), dhab ahaanna wuxuu ugula yimid (Nabi) Muuse xujooyin wayna
isku kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn (carari) kara. (40) dhammantood waxaan u qabanay dambigooda, waxaa ka mid ah mid
aan ku diray Dabayl Dhagax wadata, waxaa ka mid ah miday qabtay Qaylo, waxaa ka
mid ah midaan la goynay Dhulka, waxaa ka mid ah midaan maanshaynay, Eebana ma
aha kii dulmiya hasayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey. (41) kuwii yeeshay Eebe kasokow Awliyo (sokeeye
u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri
waxaana ugu xun Guri' Guri Caaro hadday wax ogyihiin. (42)
Eebe waa ogyahay waxay baryayaan (Caabudayaan) oo isaga kasoo hadhay, Eebana waa adkaade falsan. (43) taasina waa tusaale aannu u
yeelayno Dadka'wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro. (44) Eebaa u abuuray Samooyinka iyo Dhulka si xaq ah,
arrintaasna Calaamaa ugu sugan Mu'miniinta. (45)
Akhri (Nabiyow) waxa
luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog Salaaddana maxaayeelaySalaaddu waxay ka reebta
(Dadka) Xumaanta iyo waxa
la noco, xusidda Eebaana weyn, Eebana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan. (46) hakula murmina ehelu Kitaabka
wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga fala oo ka mid ah, waxaadna
dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii laydinku soo
dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u hogaansanay. (47) saasaanu kuugu soodajiney
Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa ka mid ah
kuwo rumeyn (ree Makaad),
mana diido aayaadkanaga Gaalmooyee. (48) matihid mid wax akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi
jirin Midigtaada markaas ay shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda. (49) waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la
siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro. (50) waxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu
dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa
uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige muuqda. (51) miyuusanse ku fileyn inaan
kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano
yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa). (52) waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati
ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil
kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray. (53) waxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban
waxaa u imaan lahaa Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn. (54) waxay kaa dadajisan Cadaab,
Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada. (55) maalinta (Qiyaamada) waxaa dabooli Gaalada Cadaab korkooda iyo Lugahooda
hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebe dhadhamiya waxaad Camalfali jirteen. (56) addoomadayda rumeeyow
Dhulkayga waa waasac ee Aniga uun i caabuda. (57)
Nafkastaa waxay dhadhamin Geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas. (58) kuwa (xaqa) rumeeyey Camalfiicanna falay waxaanu dajin Jannada Qolol
ay dureri dhexdeeda wabiyaal ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan
ujuurada kuwa shaqeeyey (Jannada). (59) ee ah kuwa samray Eebahoodna tala saarta. (60) badanaa dhul socod aan
xambaaran karin rizqigeeda ee Eebe arzuqo iyada iyo idinkaba. Eebana waa maqle oge ah. (61) haddaad waydiiso Gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka
oo sakhiray Qoraxda iyo Dayaxa, waxay odhan Ilaahay, ee xagee loo iili Gaalada.
(62) Eebaa u waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa
ah, kuna cidhiidhya (kuu doono), Eebana wax walba waa ogyahay. (63) haddaad waydiiso Gaalada yaa ka soo dajiya Samada Biyo oo ku
nooleeya dhulka intuu dhintay (abaaroobay) kadib waxay odhan Ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska
leh, badankooduse wax ma kasayaan. (64) mana aha noloshan adduunyo Ciyaar iyo dheeldheel mooyee,
Daarta aakhiraana meel nololeed ah hadday wax ogyihiin Dadku. (65) markay koraan Doonta waxay
baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Cibaadada, markuu u koriyo (oo
geeyo) Barrigana (Dhulkana) markaasay u shariigyeelaan (wax
la caabudaan). (66) si ay uga gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse
ogaan doonaan (Cidhibteeda). (67) miyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo
ladafayo Dadka dhinacyadooda ah, mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka
gaaloobi. (68) Cidna kama
dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa markuu u
yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada. (69) kuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga,
Eebana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala.