Aal-i-Imraan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Eebe Haah kale majiro isaga mooyee,
ee Nool, ee Maamula khaliga. (3) Wuxuu kugu
Dejiyey (Nabiyow)
Kitaabka (Quraanka) si
Xaq ah, isagoo u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo
Injiil (waqti). (4) Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay
Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada. (5) Eebana kagama Qarsoona Korkiisa waxba Dhulka iyo Samada
midna. (6) Waana Eebaha
idinku Sawira (Abuura)
Riximyada (Ilmo galeenka)
siduu Doono, Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro waana Adkaade Falsan. (7) Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid
ah Aayado sugan (Macnahoodu Cadyahay) oo
ah Hooyada Quraanka (Asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto
waxay, Raacraacaan kan is shabaha (isu eg) doonid Fidmo (Xumaan) iyo doonid Ta'wiil (Leexin Fasir) darteed, wax og Fasirka (kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee,
waxayna dhihi waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa,
mana waantoobo kuwa caqliga lch mooyee. (8) Eebow ha iilin
Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii
agtaada Naxariis, adiga unbaa bixinbadane ehc. (9)
Eebow adaa u kulmin Dadka Maalin darteed (Qiyaamada) oon shaki lahayn, Eebana ma baajiyo Ballanka. (10) kuwa Gaaloobay ugama taraan
Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe xagiisa waxha, kuwaasina iyaga umbaaah
Shidaalka Naarla. (11) Waa sidii
caadadii Fircoon iyo Ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen
Aayaadkangii, markaasuu Qabtay Eebe Dambigooda dartiis, Eebana waa darantahay
Ciqaabtiisu. (12) Waxaad u dhahdaa kuwii Gaaloobay
waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin Jahannamo iyadaana u xun Gogol.
(13) Waxaa iddinku sugan Aayad Labo Kooxood oo kulmay (Dagaalarnay) Kooxu Waxay ku
Dagaalami Jidka Eebe tan kalana waa Gaal, waxyna ku arkaan Mu'miniinta laba
Jibaarkood Xagga aragtida Isha, Eebana waa ku ayidaa (Xoojiyaa) Gargaarkiisa Cidduu doono arrintaasna waanaa ugu sugan
Ciddii Arag leh (wax garan). (14) Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo
ah Flaween, Wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo
Fardo laylyan oo darban, iyo Ancaamta (Xoolahanool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun, Eebe agtiisaana
noqosho wanaagsan leh. (15) Maydiin ka
warramaa wax ka khayroon kiinaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebahood
agtiisa Jannoovin ay dareeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo
Haween la Daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebe. Eebana waa
arkaa Addoomada. (16) ee ah kuwa dhihi Eebow anagu waan rumeynay ee noo dhaaf
Dambiyadanada nagana dhawr Cadaabka Naarta. (17)
Ee ah kuwa Samra ee Runloowgaah, ee Adeeca Eebe, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf
warsada Aroortii. (18) Eebe wuxuu Qirayaa
inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, Malaa'igtuna (way
qiri) iyo kuwa Cilmiga leh, Maamulana
Cadaalad, Eebe kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade Falsan. (19) Diintuna (Xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la
siiyey Kitaabka intuu u yimid Cilmi mooyee, Xasad (Dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka Gaalooba Aayaadka Eebe
Ilaahay waa deg deg badantahay Xisaabitiisu (wuu
Ciqaabi). (20) Hadday kula
Xujaytamaan (Murmaan)
waxaad dhahdaa waxaan u Flogaamiyey Wajigayga Eebe (Ani) iyo inta i raaeday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey
Kitaabka (Ehelu Kitaabka) iyo
Umiyiinta (Wax aqoon) ma
Hogaansamaysaan (Hogaansama)
hadday bogaansamaana way Hanuuneen, Hadday Jeedsadaanna waxaa uun ku saaran -
Gaadhsiin, Eebana waa arkaa addoomada. (21) Kuwa ka
Gaaloobi Aayaadka Eebe oo u Dila Nabiyada Xaq darro oo Dila kuwa fara
Caddaaladda oo Dadka ka mid ah ugu Bishaaree Cadaab Daran. (22)
Kuwaasi waa kuwuu buray (Hoobtay) Camalkoodu Adduun iyo Aakhiraba mana u sugnaan wax u
gargaara. (23) Ma aragtay (ka
waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah
Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay
jeedsan Koox ka mid ah iyagoo diidan (Xaqa). (24) Xaxaana ugu
wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee,
waxaa ku dhagray Diinlooda waxay been abuuran jireen. (25)
Ee say ahaan markaanu u kulmino Maalin aan shaki
lahayn, loona oofiyo. (dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la
dulmayn. (26) Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta
Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa»
Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa
Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta kara. (27) Waxaadna dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa
Maalinta Habeenka, kana soo bixisaa wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna
Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab la'aan. (28) Yeyna ka yeelan
Mu'miniintu Gaalada Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala saas waxba Eebe
kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka
digi Eebe Naftiisa, xaga Eebaana loo ahaan. (29)
Waxaad dhahdaa haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa
ogaan Eebe, wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta
uu (doono) wuu karaa. (30) (Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah
oo la soo xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la
yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa
(Ciqaabtiisa) Eebana waa u
Naxariistaha Adoomadiisa. (31) Waxaad dhahdaa
haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo
dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista. (32) Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad
jeedsataan Eebe ma jeela Gaalada. (33) Eebe wuxuu ka
doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka. (34) Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid
Eebana waa Maqle oge ah. (35) Xusuuso markay
tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu
Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee
iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe. (36) Markay dhashay
Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay
dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam waxaana kaa
magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la
dheereeyey). (37) Wuxuuna ka
aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano) waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa
agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa
wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la'aan. (38) Halkaasuu baryey Zakariye Eebihiis, yidhina Eebow iga
sii agtaada Farac wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee. (39) Waxaana u
dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu
Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa
wanaagsan. (40) Wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan
Wiil Anooy isoo gaadhay Duqnimo, Haweeneydeyduna Madhalaystahay, wuxuu yidhi
saasuu ku falaa Eebe wuxuu doono. (41) Wuxuu yidhi
Eebow ii yeel Calaamo wuxuuna yidhi Calaamaddu waa inaadan la hadlin Dadka
Saddex Maal mood ishaaro Mooyee, Xusna Eebahaa wax badan una Tasbiixso Galabatii
iyo A roortiiba. (42) (Xusuuso) markay tidhi
Malaa'igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa
doortay Haweenka Caalamka. (43) Maryamooy adeec
(u khushuue) Eebahaa sujuudna
Rukuuena (la tuko) kuwa
rukuuea (Tukada). (44) Taasi waa warka waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan
la joogin markey tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan
la joogin markey murmayeen. (45) (Xusuuso) markey tidhi
Malaa'igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay
Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah
kuwa la soo dhaweeyey. (46) Kulana hadli
Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah kuwa
Suuban. (47) Waxay tidhi (Maryam) Eebow sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u abuuraa wuxun doono, markuu xukmin
amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa. (48)
Wuxuuna (Eebe) bari
Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil. (49)
Waa Rasuulka Bani Isra'iil, (isagoo) u dhihi waxaan idiin la imid Aayad xaga Eebihiin ka
ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon
shimbir Idamka Eebe, waxaana bogsiiyaa indhala'aan kudhashe Baraslaha, waxaana
nooleeyaa Maydka Idamka Eebe, waxaana idiin ka warrami waxaad Cunaysaan iyo
waxaad ku kaydsanaysaan Guryihiinna, taasira waxay idiin tahay Calamad haddaad
rumeynaysaan (Xaqa). (50) Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah,
waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay Qaarkiis, waxaana idiin la imid
Calaamad xagga Eebihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebe, ina adeeca. (51) Ilaah waa Eebahay iyo Eebihiin ee Caabuda, taasaana ah
Jidka toosane. (52) Markuu ka kasay Ciise Xaggooda
Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah
gargaaraha Eebe (Diintiisa)
waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay. (53) Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raaenay
Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada. (Umadda
Nabi Muxamad). (54) Way dhakreen,
Eebana wuu ka abaalmariyey Eebana u wanaagsan wax abaal mariya. (55) Xusuuso markuu ku yidhi Eebe Ciisow waan ku oofsan
waana ku koryeeli, waana kaa dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka kuwa
Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin
kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen. (56)
Kuwa Gaaloobase waxaan Cadaabi, cadaab daran Adduun iyo Aakhiraba, mana helaan
gargaare. (57) kuwa (Xaqa) rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin (dhammayn Eebe) ajirkooda, Eebana
ma jeela daalimiinta. (58) kaasaan ku
akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus (Quraan) xigmo leh. (59) Tusaalaha Ciise
Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro markaasuu u yidhi ahow wuuna
ahaan. (60) Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha
noqonin kuwa shakiya. (61) ee ruuxii
kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u yeedhno
Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan
baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha. (62)
Kaas (Quraanka)
unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan. (63) Hadday
jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya. (64)
Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin
Eebe mooyee, (wax kale)
oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday
jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay. (65) Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed
iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn. (66) Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu
murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin. (67) Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada). (68) Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad
ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta. (69) Waxay jeelaatay
koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan
Naftooda ahayn, mana kasayaan. (70) Ehelu Kitaabow
maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og
xaqnimadeeda). (71) Ehelu Kitaabow
maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og. (72)
Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa (Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda
kana gaalooba maalinta gadaasheeda waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane
(Gaaloobaan). (73) Hana aaminina (rumeynina) ruuxaan Diintiinna raacin, waxaad dhahdaa Hanuun waa
hanuunka Eebe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula
doodaan Eebihiin agtiisa, waxaad dhahdaa Fadligu gacanta Eebe yuu ku suganyahay
wuxuuna siiyaa Cidduu doono, Eebana waa waasae (deeq
badane) og. (74)
Wuxuuna ku gaaryeelaa Naxariistiisa cidduu doono, Eebana iska leh Fadliga Wayn.
(75) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah Ruux Haddaad ku Aaminto
Xoolo badan ku siin (Nasaarada Qaarkeed) waxaana ka mid ah mid haddaad ku Aaminto Diinaar aan ku
siinaynin, inaad kor taagnaato mooyey (waa Yuhuudda iyo
wixii la mid ah) waxaana ugu wacan Arrintaas inay
dhaheeh naguma laha Umiyiintu Jid, waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og. (76) Saas ma aha ee ruuxii oofiya Ballankiisa oo Dhawrsada
Eebe waa Jecelyahay Dhawrsadayaasha. (77) Kuwa ku Gata
Ballankii Eebe iyo Dhaartoodii Lacag (Qiimo) yar kuwaasu Nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebe (si Naxariis ah) mana dayo Xaggooda
Maalinta Qiyaame, mana Daahiriyo, waxayna mudan Cadaab daran. (78) Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) Kox ku Leexisa Carraabkooda Kitaabka (Quraanka) si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka
waxayna odhan Isagu wuxuu ka ahaaday Eebe agtiisa kamana ahaanin Eebe agtiisa.
waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og. (79) Kuma haboona Dad
in Eebe siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha Dadka Addoomo ii
noqda Eebe ka sokow, hasayeeshee noqdo Cumino (Dabeeco
fiican) Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo
waxaad baranaysaan. (80) Idinmana farayo
Eebe inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada Eebayaal, ma wuxuu idin fari
Gaalnimo intaad Muslim noqoteen ka dib. (81) (Xusuuso) markuu ka qaaday
Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab iyo Xigmo ah markaas idiin
yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysatan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna
yidhi (Eebe) Ma
qirteen oo ma qaadeen Arrintaas Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi
Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici. (82) Ruuxiise jeedsada intaas ka dib kuwaasi waa kuwo
Faasiqiin ah. (83) Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yey
rabaan isagoo u hogaansamay waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan ogolaan iyo
ikraahba Xaggiisaana loo Celin (Dadka). (84) Waxaad dhahdaa
waxaan rumaynay Eebe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey (Nabi) Ibraahim,
Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo
Nabiyadii Xagga Eebahood kala bixin mayno dhexdooda Anaguna Eehaan u
hogaansameynaa. (85) Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn
laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray. (86)
Sidee u Hanuunin Eebe Qoom Gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in Rasuulku Xaq
yahay una Yimaadeen Xujooyin, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiin ah. (87) Kuwaas abaalkoodu waa Lacnad Eeboo korkooda ah iyo
Malaa'igta iyo Dadka Dhammaantiis. (88) Wayna ku waari (Ciqaatbtooda) dhexdeeda lagamana
fududeeyo Cadaabka lamana Sugo. (89) Kuwa Toobad
keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebana waa dambi dhaafe Naxariista. (90) Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo
lagama aqbalo Toobadooba kuwaasina waa kuwa Dhumay. (91)
Kuwii Gaaloobay oo dhintay iya goo Gaalo ah lagama aqbalo mid ka mid ah Dhulka
Muggii oo Dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday Cadaab daran
wax u gargaarana ma leh. (92) Ma gaadhaan
sama fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad bixisaana Eebe waa
ogyahay. (93) Cuntada dhamaanteed xalaal bay u
ahayd Banii-israa'iil wuxuu ka reebay Israa'iil Naftiisa mooyee, soo degidii
Tawreed ka hor waxaad dhahdaa keena Tawreed oo Akhriya haddaad runlow tihiin. (94) Ruuxii ku been abuurta Eebe korkiisa intaas ka dib
kuwaasu waa uun Daalimmin. (95) Waxaad dhahdaa
Runbuu sheegay Eebe, ee raaca Milladda Ibraahiim (Jidkiisii) isagoo toosan, kamana mid ahayn Mushrikiinta. (96) Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana
barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka. (97) Waxaa ku sugan
Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa ku yaal) Ruuxii galana wuxuu ahaan Aamin, Eebana wuxuu ku leeyahay
Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada, Ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka
kaaftoonyahay Caalamka. (98) Waxaad Dhahdaa
Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo Eebana Marag u
yahay waxaad Camal falaysaan. (99) Ehelu Kitabow
maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni (Xaqa) Qallooc idinkoo
marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan. (100)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey Kitabka (yuhuud
iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih
Gaalnimo. (101) Seed u Gaaloobaysaan idinkoo
laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana Joogo Rasuulkiisii, ruuxii
Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada)
waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan. (102) Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka
dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn. (103) Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee
korkiinna ah, markaad Col
ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo,
idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku
Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan. (104)
Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la
Naco (Xumaanta)
kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay. (105) Hana noqonina
kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin ka dib
kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday. (106)
Maalintay Caddaan (Nuuri) Wajiyaal oyna Madoobaan (Doorsoomi) Wajiyaal, kuway Madoobaato Wajiyadoodu (Waxaa lagu dhihi) miyaad Gaaloowdeen
Rumeyntiinii ka dib, Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinii darteed. (107) Kuwuu Caddaado (Nuuro) Wajigoodu Naxariista Eebe Dhexdeeday ku waarayaan. (108) Taasi waa Aayadkii Eebe oon ugu Akhriyeynaa korkaaga
si Xaq ah, Eebana ma aha mid la doona Dulmi Caalamka. (109)
Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku Sugan, Xaggiisaana loo
Celiyaa Umuuraha. (110) Waxaad tihiin
Ummadda u Khayroon ee loo soo bixiyey Dadka, waxaad fartaan Wannaagga waxaadna
ka reebtaan Xumaanta waxaadna ru meysaan Eebe, hadday rumeeyaan Ehelu Kitaabka (Xaqa) Saasaa u
khayrroonaanlahayad, waxaa ka mid ah Mu'miniin, badankoodna waa Faasiqiin. (111) Idin wax yeellayn mahayaan wax dhibah mooyee, hadday
idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin Dabada (way
carari) loona Gargaari Maayo. (112) Waxaana lagu qadaray Korkooda Dulli meel kastooy
joogaanba, Xadhig Eebe iyo Xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan Cadho Eebe,
waxaana lagu qadaray Miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka
Eebe Dilayaanna Nabiyada Xaq daro, waxaana ugu wacan Caasinimadooda iyo
Xadgudubkooda. (113) Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka
waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo
Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo iyo
Saaziibadiis). (114) Rumeynna Eebe
iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun) una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa
suuban. (115) Waxay Falaan oo Khayr ah laga ma
qariyo (Dayaeo),
Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada. (116) Kuwa Gaaloobay
kama kaafido Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe Xaggiisa waxba, kuwaasuna waa
Ehelka Naarta wayna ku Dhex waari. (117) Waxay Bixiyaan
Noloshan Adduunna waxay la mid tahay Dabayl Qabow (daran) oo ku dhaeday Beer Qoom dulmiyey Naftooda ooy Halaagtay,
ma dulmiyin Eebe iyagaase Naftooda Dulmiyey. (118)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan Fasaadintiinna
waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa Cadhadu Afkooda, waxay qarsan
Laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin Caddaynay Aayaadka haddaad wax kasaysaan. (119) Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela,
waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay
dhahaan waannu rumeynay Hadday kaliyoobaanna waxay idiin Qaaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed,
waxaad dhahdaa ku dhinta Cadhadiinna, Eebana waa ogyahay waxa Laabta ku sugan. (120) hadday idin taabato Wanaag way Xumeysaa hadday idinku
dhaedo Xumaanna way ku Farxaan, haddaad Samirtaan ood Dhawrsataan idinkama
dhibayso Dhagartoodu waxba, Echana waxay Camal fali wuu Koobay. (121) (Xusuuso) markaad ka Kallahday (tagtay) Ehelkaaga adoo u yeeli Mu'miniinta Goob Dagaal Eebana waa
Maqle og. (122) Markay Hamiday «Doontay» Labo
Kooxood oo idinka mid ah inay Fashilaan (Cabsadaan) Eebana Waligooda (Gargaarahooda) ahaa ee Eebe uun ha tala saarteen Mu'miniintu. (123) Dhab ahaan buu idiin ku Gargaaray Eebe (Maalintii) Badar idinkoo
dulaysan «Tabar yar», ee ka Dhawrsada Eebe waxaadna mudantihiin inaad ku
Mahdisaan. (124) Markaad ku lahayd Mu'miniinta Miyuusan
idiinku Fillayn inuu idinku Xoojiyo Eebihiin Saddex Kun oo Malaa'ig ah oo soo
Degi. (125) Waa na kaafiyaan ee haddaad
Samirtaan (Adkeysataan) ood
dhawrsataan (waydinku fillaan)
waxayna idiinku imaan deg daggooda, kaasna waa Xoojin Eebihiin Shan Kun oo
Malaa'ing ah oo Calaamaysan. (126) Uma yeelin
Eebe (Arrintaas)
Bishaaradiinna mooyee iyo inay ku Xasisho Quluubtiinnu isaga, Gargaar aan Eebe
agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan. (127)
Si uu u Gooyo (Halaago) qayb
ka mid ah kuwa Gaaloobay ama Walbahaariyo oy Noqdaan iyagoo Khasaaray. (128) Waxba Amarka kuma lihid Nabiyow ama wuu ka Toobad
aqbali Eebe ama wuu Cadaabi Gaalada, illeen waa Daalimiine. (129) Eebaa aska leh waxa Samooyinka ku sugan iyo waxa
Dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa (Dambiga) Ciduu doono, wuxuuna Cadaabaa Ciduu doono, Eebana waa
Dambi dhaafe Naxariista. (130) Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha u
Cunina Ribada Laablaab, kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad
Liibaantaane. (131) Kana dhawrsada Naarta loo Darbay
Gaalada. (132) Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad
u dhawdihiin in laydiin Naxariistee. (133) Una deg daga
Dambi dhaafka Eebihiin iyo Janno Ballaadhkeedu yahay Samaawaadka iyo Dhulka oo
loo darbay kuwa dhawrsada. (134) Ee ah kuwa wax
bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee Damiya Cadhada ee iska Cafiya Dadka,
Eebana waa Jeelyahay Samadalayaasha. (135) Kuwa markay
falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Eebe, Warsadana Dambi dhaafid
dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona
og. (136) Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi
dhaafka Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari
dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay. (137)
Waxaa dhab ahaan u tagay Hortood Sunno (Waddo) ee Socda Dhulka oo eega siday noqotay Cidhibtii
Beeniyayaashii. (138) Kaasi waa Caddayn Dadka waana
Hanuun iyo Waanada kuwa dhawrsada. (139) Ha tabar
yaraanina hana Murugoonina idinkaa Sareyn haddaad Tihiin Mu'miniine. (140) Hadduu idin taabtay Dhib (Dhaawac) Dhabahaan buu u taabtay Woomkana Dhib la mid ah, waana
Saas Adduunyadu waxaanuu ku kala wareejinaa Dadka Dhexdiisa iyo in Eebe Muujiyo
kuwa rumeeyey kana yeesho Xaggiinna Marag, Eebana ma jeela Daalimiinta. (141) Iyo inuu Imtixaamo kuwa rumeeyey Tirtirana Gaalada. (142) Ma waxaad u Maleyseen inaad Galayssaan Jannada isagoon
Muujinin Eebe kuwa Jahaaday oo idinka mid ah oosan Muujinin kuwa Samra. (143) Dhab ahaan waxxad u ahaydeen kuwa jecel Geerida ka hor
la kulankeeda, waadna aragteen Geeridii idinkoo Fiirin. (144)
«Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, cc
hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma
Cidhibtiisii (Gaalooba) kama
Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya. (145) Nafna
ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la'aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona
Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan
Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya. (146)
Imisa Nabi la Dilay ooy la Jireen culimo Dagaallami oo Badan, oyna Cabsanin wax
ku Dhacay Jidka Eebe Dartiis, Tabarna yareynin, Dulloobinna, Eebana waa
jecelyahay kuwa Samra. (147) Mana aha
Hadalkoodu waxaan ahayn Eebow nooDhhaf Dambigannaga iyo Xadgudubkanaga
Amarkanaga, Sugna Gornadahanaga noogana Gargaar Qoomka Gaalada ah. (148) Markaasuu Siiyey Eebe Abaalka Adduunyo iyo Wanaagga
Abaalka Aakhiro, Eebana wuxuu Jecelyahay Samafalayaasha. (149)
Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad Addeeedaan (Maqashaan) Kuwa Gaaloobay waxay idiin Celin Cidhibtiina, markaasaad
Noqonaysaan idinkoo khasaaray. (150) Eebaase
Gargaarihiinna ah, isagaana ugu Khayrroon Gargaare. (151)
Waxaan ku Tuuraynaa Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax la Wadaajintooda Eebe
waxaan loo soo Dejinin Xujo Darteed, Hoygooduna waa Naar, lyadaana U xun Xerada
Daalimiinta. (152) Dhab ahaan yuu idiinku Rumeeyey
Eebe Yaboohiisii markaad ku Dhamayneyseen (Ku dilayseen) Idamkiisa, intaad ka Cabsataan ood ku Murantaan Amarka ood
Caasidaan intuu idin Tusiyey waxaad Jeceshihiin ka Dib, waxaa idinka Mid ah
Ruux Dooni Adduunyo, waxaana idinka mid ah Ruux dooni Aakhiro, markaas idinka
Tilay Xagooda si uu idiin Imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin Cafiyey, Eebena wuu
ku Fadli leeyahay Mu'miniinta. (153) Markaad
koreyseen aydaan Milicsanayn Cidna, Rasuulkuna idiinka Yeedhi Gadaashiina oo
idinku dhacay Murug la jirto Murug (kale) si aydaan ugu Walbahaarin wixii idin ka tagay iyo wixii
idinku Dhacay, Eebana waa ogyahay waxaad Falaysaan. (154)
Markaas uu ku soo Dejiyey Korkiinna Murug ka dib Aaminnimo Darteed Lulmo
daboolaysa Koox idinka mid ah, Kooxna waxaa Walaacisay Naftooda waxayna u
Malayn Eebe Male Jaahiliyeed waxayna Dhihi ma waxbaan ku leenahay Amarka,
waxaad dhahdaa Amarka Dhamaantiis Eebaa iska lch, waxayna ku Qarin Naftooda
waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi haddaan Amarka wax ku leenahay Nalaguma
Dileen Halkan, waxaad Dhahdaa haddaad tihiin Guryihiinna way u soo
bixilahaayeen kuwa loo Qoray Geerida halkay Seexan (Lagu
Dili), (saasna wuxuu u
Falay Eebe) inuu Imtixaano Eebe waxa Laabtiinna ku
Sugan iyo inuu kala Shaandheeyo waxa Quluubtiinna ku Sugan, Eebana waa Ogyahay
waxa Laabta Ku Sugan. (155) Kuwii
Jeedsaday oo idinka mid ah Maalintay Kulmeen Labadii Col waxaa uun Simbiriirixiyey Shaydaan waxay
kasbadeen Sababtiisa Qaarkood wuuna iska Cafiyey Eebe Xagooda Eebena waa Dambi
Dhaafe dulbadan. (156) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Noqonina sida kuwa Gaaloobay oo ku yidhi
Walaalahood markay ku Safraan Dhulka ama Duulaan hadday Agtanda Joogaan ma
dhinteen Lamana Dileen si uu uga yeelo Arrintaas Qoomamo Quluubtooda, Eebana
waa Nooleeye iyo Dile, Eebana waxaad Camal Falaysaan wuu arkaa. (157) Haddii laydinku Dilo Jidka Eebe amaad Dhimataan Dambi
Dhaaf Eebe iyo Naxariistiisa yaa idiinka Khayrbadan waxay Kulmin. (158) Haddaad Dhimataan ama laydin Dilo Xagga Eebe umbaa
laydiin Celin. (159) Naxariista Eebe Darteed yaad ugu
Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen
Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas
haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee. (160) Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro
Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan
idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu. (161) Kama suurowdo Nabi
inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta
Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo. (162) Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux
la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo. (163) Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa
waxay Fali. (164) Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe
Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi
Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad. (165)
Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen
xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa.
(166) Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood
waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta. (167)
Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe
ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn,
iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda
waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin. (168)
waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen,
waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan. (169) Hana u Malaynina kuwa Lagu Dilay Jidka Eebe kuwa
dhintay, Saas ma aha waxay ku Noolyihiin Eebahood Agtiisa Laguna Arzaaqi. (170) Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebe oo Fadligiisa ah,
kuna Bishaaraysan kuwaan wali Haleelin ee Gadaashooda ah inuusan Korkoda Cabsi
iyo Murugo midna «ahyn». (171) Waxayna ku
Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu'miniinta.
(172) Ee ah kuwa Ajiibay (Maqlay) Eebe iyo Rasuulka ka Dib intuu Asiibay Dhaawac kuwa Wanaag
Falay oo ka mid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday Ajir wayn. (173) Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey
Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil. (174) Oo Noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan
Raacayna Raalli ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade. (175) Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku Cabsi Galin
Awliyadiisa (Saaxiibadiis) ee
ha Cabsanina, ee iga Cabsada Haddaad Mu'miniin tihiin. (176)
Yeyna ku murug galin kuwa u Deg degi Gaalnimada iyagu kama
Dhibaan Eebe waxba, wuxuu Dooni Eebe inuusan ugu yeelin Nasiib Aakhiree waxayna
Mudan Cadaab Weyn. (177) Kuwa ku Gatay
Gaalnimo Iimaanka kama Dhibayaan Eebe waxba waxayna Mudan Cadaab Daran. (178) Yeyna u Malaynin kuwa Gaaloobay inuu Sugidoodu Khayr u
tahay, waxaannu u Sugi uun inay Siyaadsadaan Dambi, waxayna mudan Cadaab
Dulleeya. (179) Ma aha Eebe kii kaga Taga
Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya
(Tusiya) waxa Maqan, hase
yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo
Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir
Weyn. (180) Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli
wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana
Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh
Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay. (181) Dhab ahaan yuu u Maqlay Eebe Hadalka Kuwii Yidhi Eebe
waa Faqiir Anaguna waxaan nahay Hodan (waa Yuhuuh ha
halaagmeene) waan Qoraynaa waxay dhihi iyo
Diliddooda Nabiyada ee Xaq daro waxaan u dhahaynaa dhadhamiya Cadaabka
Gubashada, (182) Taasina waa waxay hormarsatay
Gacmahoodu Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. (183)
Waa kuwa Yidhi Eebe wuxuu nagula Ballantamay Inaanaan Rumeyn Rasuul intuu Nooga
keeno Qurbaan (Sadaqo) oy
Cunto Naar, waxaad dhahdaa waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay Xujooyin iyo
waxaad sheegteen ee Maxaad u Disheen haddaad run sheegaysaaan. (184) Hadday ku Beeniyaan waxaa dhab ahaan loo Beeniyey
Rasuullo kaa Horreeyey oo la yimid Xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab Cad. (185) Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin
Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruusiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada
wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn. (186) Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna
waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo
Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib
Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo. (187) (Xusuuso) markuu Qaaday Eebe Ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad
u Cadaysaan (Xaqa)
Dadka Oydaan Qarinin waxayse ka Tuureen Dhabarkooda Gadaashiis waxayna ku gateen
Lacag Yar waxaa Xun waxay Gadan. (188) Haw Maleyn
kuwa ku Farxa waxay la yimaadaan oo Jecel in lagu Mahdiyo waxayna Falin Haw
malayn inay ka Nabadgali Cadaabka waxaana u Sugnaaday Cadaab Daran. (189) Eebaa iska leh Xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebaana
wax kasta kara. (190) Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka
iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Cawliga
leh. (191) Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo
Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaadan
Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay
Ee naga kori Cadaabka Naarta. (192) Eebow adigu
ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin
Gargaarayaal. (193) Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe
u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf
Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican). (194) Eebahanow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada
hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane. (195) Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid
Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa
Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo
la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda
Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin
Wanaagsan tahay. (196) Yeyna ku Dhagrin ka
Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka). (197) Waa Raaxo Yar
kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol. (198)
Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri
Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka
ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khary roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan). (199) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo
waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuei Eebe
kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajirgooda
Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu. (200)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda
Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin
inaad Liibaantaane.