Ar-Room
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxay ku tusin mucjisada
Quraanka (sidii soo hormartay). (2) waxaa lagaga adkaaday Ruum. (3)
Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan. (4)
dhawr sano dhexdeed, amarkana Eebaa iska leh horey iyo diba, Maalintaasayna ku
farxi Mu'miniintu. (5) Gargaarka Eebe,
wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah. (6) waa yabooha Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohiisa, laakin
Dadka badankiisu ma oga. (7) waxay yaqaanaan
Dadku muuqaalka nolosha addunyo Aakhirose way halmaansanyihiin (ka jaahil yihiin). (8) miyeyna ka fikirin naftooda Inuusan Eebe Samaawaadka iyo
Dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax
badan oo dadka ka mid ahna waxay ka Gaaloobi la kulanka Eebahood. (9) meyeyna ku soconin Dhulka oy eegan siday ahaatay
cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan,
Dhulkana waybeerteen wayna Dhiseen Dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna
ula timid Rasuulladoodii Xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin
iyagaa naftooda dulmiyey. (10) markaasay
noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (Jahannamo) beenintay aayadaha Eebe beeniyeen darteed, waxayna
ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa. (11) Eebaa billaahay
(Abuurka) Khalqiga isagaana
soo celin, xaggiisaana laydiin celin. (12) Maalintay kici
Saacaddu (Qiyaamadu) way
aamusi dambiilayaashu (ooy quusan). (13) ugumana
sugnaanin kuway Eebe lawadajiyeen (Cibaadada) Shafeeco waxayna noqon kuwo diida Shurakadoodii. (14) Maalintay kici Saacadu waa maalin ay kala tagi Dadku. (15) kuwa rumeeyey (xaqa) oo camalfiicanfalay Beer Janno yaa lagu faraxgaliyaa. (16) kuwa Gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga iyo lakulanka
aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin Cadaabka., (17)
Eebaa nasahan (Ceeb ka fog)
markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan. (18)
mahadna isagaa ku leh Samooyinka iyo Dhulka dhexdooda iyo Habeenkii iyo
Duhurkiiba. (19) kana soobixiya wax nool wax dhintay
wax dhintayna wax nool, nooleeyana Dhulka intuu dhintay ka dhib, saasaana
laydiin soo bixin. (20) waxaana ka mid
ah Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray Carro markaasaad noqoteen Dad
dhaqdhaqaaqi (Faafi). (21) waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray
naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo
naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri. (22)
Waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta
Afkiina (Luuqada) iyo
midabkiinaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa Cilmiga leh. (23) waxaa ka mid ah Aayadka tusin (Qudrada) Eebe Hurdadiina Habeenkii iyo Maalintii iyo doonidiina
Fadliga Eebe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli. (24) waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudra) Eebe Hillaaca uu idin tusiyo, Cabsi iyo Doonid darteed,
iyo Samada uu idiinka soo dajiyo Biyo, kuna nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka
dib, taasina Calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi. (25)
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudrada) Eebe inay Samada iyo Dhulku ku taaganyihiin amarka Eebe,
markuu Dhulka idiinka yeedhana (soobixinta) aad durba soo baxdaan. (26)
Eebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulkaba ku sugan, isagayna u khushuucaan (u hogaansamaan). (27) Eebe waa kan
billaabay abuurka Khalqiga, hadana soo celin wayna u fududahay arrintaasu,
Eebaana sifo sare ku muta Samooyinka iyo Dhulka, waana adkaade falsan. (28) Eebe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiina ah, waxaad
hanataan miyey idinlawadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku mid ah u
maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u caddayn
aayaadka ciddii wax kasi. (29) haseyeeshee
waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa Hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin
kara ruux Eebe dhumid u qadaray, wax u gargaarana lahayn. (30)
ee Wajigaaga u jeedi Diinta adoo toosan (Diintu) waa abuuridda Eebe ee Dadka uu ku abuuray, wax badali kara
abuurka Eebana ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka babidiis ma
oga. (31) idinkoo Eebe u noqon, kana yaaba,
Salaadana ooga, Galadana ha ka mid noqonina. (32)
ee Diintooda ku kala tagay noqdayna kooxo, Xisbi walba uu ku farxi waxa agtiisa
ah. (33) hadduu Dadka taabto dhib waxay
baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka
mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood. (34) si ay uga
gaaloobaan waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta
raaxadaasi. (35) mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo
ku hadli waxay Eebe la wadaajin. (36) haddaan
dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay
hor marsadeen darteed way quustaan. (37) miyeyna arkayn
in Eebe u waasiciyo rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu
doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan
kuwa rumeyn (Xaqa). (38) ee Qaraabada sii xaqeeda iyo Miskiinka iyo Musaafurka,
saasaa u khayroon kuwa dooni Wajiga Eebe, (u dhawaanshahiisa) kuwaasina waa kuwa liibaanay. (39)
waxaad bixisaan oo Ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebe
agtiisa, wixiise aad bixisaan oo Zako (xalaal ah) idinkoo ku dooni Wajiga Eebe kuwaas waa loo laablaabi. (40) Eebe waa kan
idin abuuray Iladana idin arzaaqay hadana idin Dili, hadana idin soo noolayn,
majiraa shurakadiina mid fali sidaas wax ka mid ah, Eebaa ka nasahana kana
sareeya waxay la wadaajin. (41) xumaanbaa ka
daahirtay Barri iyo Badba, waxay kasbatay Gaemo Dad dardiis, si Eebe u
dhadhansiiyo waxay camalfaleen qaarkiis, inay noqdaan. (42)
waxaad dhahdaa ku socda Dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore,
wuxuu ahaa badankoodu Mushrikiin. (43) ee Wajigaaga
Diinta toosani (Islaamka) u
jeedi, maalin aan la eelin karin ka hor, Eebe xaggiisana ka iman, Maalintaas
Dadku way kala tagi. (44) ruuxii Gaalooba
isagay (dhibi)
Gaalimadiisu, ruuxii camal wanaagsan fala Naftiisa yuu u goglay. (45) si Eebe u abaalmariyo kuwa rumeeyey xaqa oo camal
wanaagsan falay fadligiisa, Eebana ma jeela Gaalo. (46)
Calaamaadka Eebe ku tusin waxaa ka mid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku
bishaarayn (Roob) iyo
in Eebe idin dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo
inaad dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebe ku mahdisaan. (47)
waxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuulo qoomkoodii, waxayna ulayimaadeen
xujooyin waana ka aarsanay kuwii dambi Falay, waxaana korkanaga ah u gargaarka
Mu'miniinta. (48) Eebe waa kan diray Dabaylaha oo
markaas kicisa Daruuro kuna fidiya Samada siduu doono kana yeela Goosimo aad
aragtid Roobka oo ka soobixi dhexdeeda, markaasuu Eebe Roobka siiyaa Ciduu
doono oo adoomadiisa ka mid ahna markaasay bishaaraystaan. (49)
waxayna ahaayeen soo dajinta Roobka ka hor kuwo Quusan. (50)
ee day naxariista Eebe raadkeeda sida Eebe, ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay
ka dib Eebaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa. (51) haddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib
noqdaan kuwo Gaalooba. (52) adigu wax ma
maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin
kartid. (53) ruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin
Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn. (54) Eebe waa kan
idin ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana
xoog dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana
wax walba oge, wax walba karc (oo uu doono). (55) maalinta
Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad
mooyee, saasaana (xaqa)
looga leexiyey. (56) kuwii waxay dheheen cilmiga iyo
Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta,
kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn. (57) Maanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen.
(58) dhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa
tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan
baadhil (xumaan)
ahayn kuma sugnidin. (59) saasaa Eebe u
daboolaa Quluubta kuwaan wax ogayn (wax anfaca). (60) ee samir
yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa).