Al-Ahzaab
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Nabiyow ka dhawrso (ka yaab) Eebe hana adeecin
Gaalada iyo Munaafiqiinta, Eebana waa oge falsan. (2)
Raacna waxa lagaaga waxyoon xagga Eebahaa, Eebana waxaad camal falaysaan waa
ogyahay. (3) Talana Saaro Eebe, Eebaana kufilan
wakiile. (4) Mayeelin Eebe Laba qalbi Ruux
Laabtiis, mana yeelin Haweenkiina aad dihaaraysaanna (ku
dhaaranaysaana) Hooyooyinkiin oo kale, mana yeelin
kuwaad sheegateenna Caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun Eebana
wuxuu sheegi xaqa, isagaana ku hanuuniya Jidka (toosan). (5) Ugu yeedha
kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise, hadaydaan aqoonin
aabayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo Sokeeyihiinna, Korkiinana dhib ma
saara waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (yaa laydin waydiin) Eebana waa dambi
dhaafe Naxariista. (6) Nabigaa uga Roon
(Turid badan) Mu'miniinta
Naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood, Qaraabaduna iyagaa qarkood qaarka
kale kaga Mudan Kitaabka Eebe, Mu'miniinta (kale) iyo Muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan
gargaarayaashiina mooyee, Xukunkaasna wuxuu ku Qoran yahay Kitaabka. (7) «Xusuuso» markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo
adiga iyo Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise Ibnu Maryam, oo ka qaadnay Ballan
adag. (8) si Eebe u
warsado kuwa Runlayaasha ah Runtooda, Gaaladana wuxuu u darbay Cadaab daran. (9) Kuwa (xaqa) rumeeyow xusuusta Eebe siduu idiinku Nicmeeyey, markay
Junuud (Askar)
idiin timid markaas oon ku diray Dabayl iyadoy aydaan arkayn, Eebana waxaad
Camal falaysaan waa arkaa. (10) xusuusta markay idinkaga yimaadeen Kor iyo hoosba, Indhuhuna
lisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay Eebana aad u maleyseen malooyin. (11) Halkaasaa lagu imtixaamay Mu'miniinta Gilgilid daranna
lagu gil gilay. (12)
Markey Munaafiqiintu lahaayeen iyo kuwa Quluubta ka buka Eebe iyo Rasuulkiisu
waxaan dhagar ahayn nooma yaboohin. (13) markay qayb ka mid ah lahayd ree Madiinow meel aad
kunagaataan (goobta)
dagaalka ma jirto, ee noqda (xagga Madiino) koox iyaga ka mid ahna waxay idan warsan nabiga iyagoo
dhihi Guryihiibaa naga dayacnaa, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan. (14) Haddii loogu soo galo Magaalada dhan kasto, markaas la
warsado Gaalnimo way la imaan lahaayeen, waxaan wax yar ahaynse kuma
dhexnagaadeen. (15) Horay waxay ugu ballantameen inayan
cararin, Ballanka Eebana waa lays warsan. (16) waxaad dhahdaa carar aad geeri ka carartaan ama dil wax
idiinma taro wax yar waxaan ahayna laydiin ku raaxeyn maaayo (adduunka). (17) dheh yaa idinka ilaalin Eebe
hadduu dhib idiin la doono, ama naxariis, wax Eebe ka soo hadhay oo sokeeya ama
gargaare ahna heli meysaan. (18) Dhab ahaan yaa
Eebe u ogyahay kuwa reebayaalka ah (ku cabsiinta
dagaalka) oo idinka mid ah iyo kuwa ku dhaba
Walaalahooda (munaafiqiinta ah) noo
imaadda Dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee. (19)
way idinkala bakhayli (wanaaga) marka cabsi timaadna waxaad arki iyagoo ku soo eegi indhahooduna
wareegi sida mid Geeri hayso, marka cabsidu tagtana waxay idiinkugu Dhibaan
Carrabo afbadan, isagoo idinkala bakhayli khayrka, kuwaasi ma rumeynin (xaqa) waana Hoobiyey
Eebe camalkooda arrintaasuna waa u fududahay Eebe. (20) waxay malayn inayan tagayn Xisbiyadu (colalka) waxayna Jecelyihiin in marka Cololku yimaadaan ay
baadiyaha jiraan ay warkiina warsadaan, hadday idiin joogaana ma dagalameen wax
yar mooyee. (21) waxaa
idinku sugan Rasuulka Eebe Kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Eebe iyo Maalinta
Aakhiro, Eebana xusa in Badan. (22) markay Mu'miniintu arkeen Xisbiyadii (colkii) waxay dhaheen kan
waa wixii Eebe iyo Rasuulkiisu noogu yagooheen, runbuu sheegay Eebe iyo
Rasuulkiisu, waxaan Iimaan iyo Hagaansan ahayna uma siyaadinin. (23) Mu;miniinta waxaa ka mid ah Rag ka rumeeyey waxay Eebe
kula ballantameen, waxaana ka mid ah mid Gutay Ballankii (Ajashiisii) waxaana ka mid ah mid sugi mana ayna badalin. (24) in Eebe ka abaalmariyo Runlowyaasha Runtooda, oo
cadaabana Munaafiqiinta, hadduu doono, ama ka toobad aqbalo, Eebana waa
dambidhaaf badane Naxariista. (25) Eebe wuxuu ku
eeliyey kuwii Gaaloobay cadhadoodii, wax khayr ahna mayna gaadhin, Eebaana ka
kaafiyey Mu'miniinta Dagaal, Eebana waa xoogbadane adkaada. (26) kuwii u kaalmeeyey ehlu Kitaabka ahaana wuxuu ka soo
dajiyey (ka soo saaray)
Dhufaysyadoodii, wuxuuna ku tuuray Quluubtooda argagax, koox ka mid ah waad
dilaysaan, Kooxna waa Qafaalanaysaan. (27) wuxuuna idin
dhaxalsiiyey Dhulkoodii Guryahoodii iyo xoolahoodii, iyo Dhul aydaan hadda ka hor
ku joogsan, Eebana wax kasta (oo uu doono) wuu karaa. (28) Nabiyow ku dheh
Haweenkaaga haddaad tihiin kuwo dooni Nolosha adduunyo iyo Quruxdeeda kaalaya
waan idin gacan marin si quruxsanna idiinsiideyne. (29)
Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Dartii Aakhiro Eebe wuxuu
u darbay Haweenka wanaagga fala oo idinka id ah ajir wayn. (30)
Haweenka Nabigow tiinii la timaadda xumaan cad waxaa loo laalaabi cadaabka
arrintaasna waa u fududahay Eebe. (31) Tiise adeecda
Eebe iyo Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana
u darbaynaa Rizqi wanaagsan. (32) Haweenka
Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha
nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla. (33) kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko isfaydi) sidii jaahiliyadii
horraysay, Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe
wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo. (34) xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe
ah iyo Sunada (Nabiga),
Eebana waa wax walba oge Xeeldheer. (35) Raga
Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu'miniinta ah iyo Haweenka
Mu'minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo
Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe
iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma
iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan Eebe
xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir weyn. (36) kuma haboona (umana banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah Marka Eebe iyo
Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya
Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad. (37) (xuxuuso) markaad ku lahayd
kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd BinuXaarithah) hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku
Qarinaysay wax Eebe Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana
xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna
(isfureenna) aan kuu guurinay
si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa
kii la Fuliyo. (38) Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa
Eebe u Banneeyey, waana Jidkii Eebe ee Dadkii tagay ee hore amarka Eebana waa
qadar Xukuman. (39) (waxaa
amaan mudan) kuwa gaadhsiiya (Dadka) Fariimaha Eebe kana cabsada Eebe, oon kana cabsan Axad ka
soo hadhay, Eebaana ku filan, Xisaabiye (Kaalmayn). (40) ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha
Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada,
Eebana wax walba waa ogyahay. (41) kuwa xaqa
rumeeyow xusa Eebe wax badan. (42) weyneeyana
Aroortii iyo Galabtii. (43) Eebana waa kan idiin naxariista Malaa'igtiisuna idiin ducayso, si uu
idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan
u Naxariista Mu'miniinta. (44) Bariidoodu
Maalintay Eebe la kulmi waa Salaan wuxuuna u darbay ajir weyn. (45) Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn
oo digi. (46) oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa,
oo siraad ifi ah. (47) ee u bishaaree
Mu'miniinta inay xaga Eebe ku leeyihiin fadli (dheeraad) weyn. (48) hana, adeecin
Gaalada iyo Munaafiqiinta, dhibkooda iska gudub (hana
u aabayeelin) Eebana talo Saaro isagaa ku filan
wakiile. (49) Kuwa (xaqa) rumeeyow hadaad guursataan Haween Mu'minaad ah markaas aad
furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee
gacan mariya una siidaaya si quruxsan. (50) Nabiyow waxaan
kuu banaynay Haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay (Xagga gaalada) oo Eebe kugu soo
celiyey, iyo Gabdhaha Adeerkaa, Gabdhaha Eedadaa, Gabdhaha Abtiyadaa, Gabdhaha
Habaryarahaa oo kula soo hijrooday, iyo Haweenay Mu'minaad ah hadday Nafteeda
Nabi u hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kuga tahay
Mu'miniinta ka sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay Mu'miniinta xagga
Haweenkooda, iyo waxa gacantoodu hanato, sii aan korkaaga dhib u ahaan, Eebana
waa dambi dhaafe Naxariista. (51) Waad dib dhigi
taad doonto, waadna soo dhaweyn taad doonto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay
dhibna korkaaga ma aha. saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan
murugoon oy raali ku noqdaan waxaad siisay dhamaantood, Eebana waa ogyahay waxa
Quluubtiina kuy sugan, Eebana waa oge Dulqaad leh. (52)
kuuma banaana Nabiyow Haweenka (kale) mar dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood
ula yaabto Quruxdooda waxaad hanato mooyee (oo Gaalo laga helo) Eebana wax walba waa ilaaliye. (53)
kuwa (xaqa)
rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka
laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi
waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad
wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo
Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad
Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe
agtiisa. (54) Haddaad muujisaan wax ama qarisaan
Eebe waa wax kaste oge. (55) Korkooda (Haweenka) dhib kama Saarra Aabayaalkood, Wiilashooda, Walaalahood,
Wiilasha Walaalahood, Wiilasha Walaashood, Haweenkooda (Mu'miniinta
ah) iyo waxay hanatay Gacmahoodu, kana dhawrasada Eebe, Eebe
wax kaste wuxuu u yahay Marage. (56) Eebe iyo
Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan. (57) kuwa dhiba Eebe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebe
Adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u darbay cadaab wax dulleeya. (58) Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan
kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad. (59)
Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada
Shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana
waa dambi dhaafe Naxariista ah. (60) haddayna ka
joogin Munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa Gilgili (Beenta ku faafin) madiino waanu kugu
diri kulamana Darsayaan wax yar mooyee. (61) Waana la
lacnaday meelkastooy joogaanba hana la qabto oo la diloDilmo. (62) waana sunadii Eebe dadkii horee tagay wax badalina uma
heshid Sunada Eebe. (63) Dadku waxay
warsan Nabiyow Saacadda (Qiyaame) waxaad dhahdaa Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebe agtiis,
miyaadse ogtahay inay suuroowdo inay Saacaddu dhawdahay. (64)
Eebe wuxuu Lacnaday Gaalada wuxuuna u darbay (Naarta) Saciiro. (65) Iyagoo ku waari
dhexdeeda waligood oon helaynna Sokeeye iyo gargaare midna, (66) Maalinta lagu gagadin Wajigooda Naarta waxay dhihi waan
halaagsanaye haddaan Adeecno Eebe oon Adeecno Rasuulkii. (67)
Waxayna dhihi Eebow waxaan Adeecnay Madaxdannadii iyo kuwii noowaaweynaa
waxayna naga dhumiyeen Jidkii. (68) Ee Eebow Sii
kuwaas Laban laab Cadaab Lacanadwayna Lacnad. (69)
Kuwa (xaqa)
rumeeyow hanoqonina sidii kuwii dhibay (Nabi) Muuse oo Eebe ka bariyeelay waxay (ku) sheegan, Eebe agtiisana wuxuu ku leeyahay Waji (Sharaf). (70) kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla. (71) Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo
Dambigiinee, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan
Liibaan weyn. (72) Annagaa u bandhignay Amaanadda (Cibaadada) Samooyinka, Dhulka
iyo Buuraha wayna diideen inay Xambaaraan wayna ka Cabsadeen xaggeeda, waxaase
xambaaray Dadka wuxuuna noqday Dulmi badane Jahli badan. (73)
Si Eebe u cadaabo Munaafiqiinta Rag iyo Haweenba iyo Mushrikiinta (Gaalada) Rag iyo Haweenba,
uu kana toobad aqbalo Mu'miniita Rag iyo Haweenba, Eebana waa dambidhaafe
Naxariista.