Saba
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) mahad Eebaa iska leh ay
awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta
aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba
oge). (2) wuxuuna ogyahay waxa
dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u kori,
waana naxariiste dambidhaafa ah. (3) kuwii gaaloobay
waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way
idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona
samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna,
wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. (4) Si Eebe u abaal
mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo
risqi wanaagsan. (5) Kuwa u socda iney
aayaadkanaga (kaleexdaan)
iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. (6) Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo
dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. (7) Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin
ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. (8) Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma
aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. (9) Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda
ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo
rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo
towbadkeen badan. (10) Dhab ahaanbaan
u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya
tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya
tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta. (11) Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda
wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. (12)
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil,
carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe,
ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka
saciiro. (13) Waxay u sameyn suleymaan wuxuu
doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo
sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda
shugriga badan. (14) Markaan geerida ku xukunay Nabi
suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa,
markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku
nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). (15) Guryihii reer
sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga
bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad
wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane. (16) Wayse
jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood
beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. (17) Sidaasaana
ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa
kuwa gaalnimada badan. (18) Waxaana yeeley
dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku
nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. (19) Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna
dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney,
sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. (20) Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis
Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. (21) Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma
aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax
walba waa ilaaliye. (22) Waxaad dhahdaa
u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna,
wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha
khaliqiga. (23) Kumana anfacdo shafeeco Eebe
agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi
muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha
sarreeya. ee weyn. (24) Waxaad dhahdaa
yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka
mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. (25) Waxaad dhahdaa
laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad
camalfaleysaan. (26) Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin
Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. (27) waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo
shurako ah (wax la wadaago) saas
ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. (28) Kuu maanaan
dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi
gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. (29) Waxayna dhihi
waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. (30)
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana
hor dhacaynin. (31) Waxay dheheenna kuwii galoobay
rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd
daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii
raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan
laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd
arin weyn oo lala yaabo). (32) Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas
ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. (33) Kuwii tabarta
yaraa (raaciyaddii)
waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii
Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo
shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay
kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay
camal faleen mooyee. (34) Magaalo kasta
oo aan dige (Nabi) u
dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan
ka gaalownay. (35) Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo
Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. (36) Waxaad dhahdaa
Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono,
laakiin dadka badankiisu ma oga. (37) Ma aha
xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii
rumeeya (xaqa) oo
camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda
dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. (38)
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga
iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. (39) Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu
doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad
bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax
arsaaqa. (40) Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin
dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin
caabudi jireen. (41) Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog
Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni
badidoodna isagay rumaysnaayeen. (42) Maantase
«Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku
dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. (43) Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay
dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin
caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan
(quraanku) ma aha waxaan
beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani
waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. (44) Ma aanaan
siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). (45) Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii
Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay
kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). (46) Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin
inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan
saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran
hortiisna uu yahay, (47) Waxaad dhahdaa
Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii
laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax
walbana Eebe wuu daalacan. (48) Waxaad dhahdaa
Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. (49)
Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay, (50)
Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa
wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe. (51)
Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin
oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd
arrin wayn). (52) Waxay dhihi
markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). (53) Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay
ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. (54) Waana la kala
ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka
horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan.