Yaseen
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye. (3) Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada). (4) Jid toosanna waad ku sugan tahay. (5)
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista, (6)
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan. (7) Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan
xaqa. (8) Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna
qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed). (9) Waxaana yeelay
hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan. (10) waxaa isku mid ah hadaad u
digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan. (11) Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn,
uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan. (12)
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo
raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda. (13) Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay
uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray). (14) Markaan u diray
xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen
idinkaa naloo kiin soo diray. (15) Waxayna dhaheen
(gaaladii) idinku ma tihidiin
waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn,
Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn
masheegaysaan. (16) waxay
dhaheen (Rasuuladii)
Eebahannaa og in naloo kiin soodiray. (17) Korkannagana ma
aha waxaan gaadhsiin cad ahayn. (18) Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin
baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga
idinka taahan cadaab daran. (19) Waxay dhaheen
Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin
qoon xadgudbay, (20) Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda
fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada. (21) Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan. (22) Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana
laydiin celin. (23) Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay
ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan
wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn. (24)
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad). (25) Anigu waxaan
rumeyay Eebehiin ee maqla. (26) Waxaa lagu yidhi
gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado. (27) Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana
yeelay kuwo la karaameeyey. (28) Kuma aanaan
dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo
dajinin. (29) Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma
halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen). (30) Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay
addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa. (31) Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan
xagooda usoo noqonayn. (32) Dhammaanna
waxaa lagu soo kulmin agtannada. (33) Waxaa calaamo u
ah dhulka dhinta (abaarooba) oo
noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. (34)
Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay
dhexdeeda ilo (Biyo ah). (35) Si ay u cunaan
midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. (36) Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo
ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. (37) Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka
soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. (38)
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha
adkaada ee waxwalba og. (39)
Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo
kale. (40) Qorraxdana uma suurowdo inay
haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana
falagiisuu dhex dabaalan. (41) Waxaa calaamo
ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday. (42) Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan. (43) Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana
mahelaan lamana koriyo. (44) Naxariis Eebe
iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee. (45) Markaa gaalada
lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa
gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma
maqlaan). (46) Aayad kasta oo
u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan. (47) Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka
mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid
hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin. (48) Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu
dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan. (49)
Ma sugaayaan (gaaladu) hal
qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi. (50) Mana karaan
dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan. (51) Suurkaa la
afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi. (52) Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga
soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna
ku run sheegeen. (53) Waxaan qayki kaliyo ahayn ma
aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin. (54)
Maantana (qiyaamada)
lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal
falayseen mooyeen. (55) Asaxaabta
Jannada (ehelkeeda)
Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax. (56)
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro
(sare). (57) Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay
dalbaan. (58) salaan
Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli. (59)
Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada). (60) Miyaanan
idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu
idiin yahay. (61) Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada
toosan. (62) Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad
badan, miyaydaan wax kasaynin. (63) Tanina waa
jahannamadii laydiinku yaboohay. (64) Ee gala Maanta
gaalimadinii darteed. (65) Maanta waxan
daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi
lugahooda waxay kasban jireen. (66) Haddaan doono
waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki. (67) Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid
iyo soo noqosho midna. (68) Ruuxaan cimri
siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn. (69)
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad. (70) Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa
raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada. (71) Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay
xoolo ay hantaan. (72) OOn u laylinay,
ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan. (73) Waxaana ugu
sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe. (74)
Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan. (75) Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan. (76) Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee. (77)
Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane
cad. (78) Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna
halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay. (79) Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii
horaba, abuur walbana waa ogyahay. (80) Eebaha idiinka
yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad bursataan. (81)
Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin
inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan. (82) Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku
yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado. (83) Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu
ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.