As-Saaffaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Waxaan
ku dhaartay) malaa'igta safan. (2)
Iyo tan kaxaysa daruuraha. (3) Iyo tan akhrida
Quraanka. (4) Ee ilaahiin waa mid (qudha). (5) Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo
waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. (6)
Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (7)
Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. (8) Mana dhagaystaan
jameecada sare, (Malaa'igta)
waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (9) Iyagoo la cryi
oo cadaab joogta ah usugnaaday. (10) Marka laga
reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (11)
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka
abuurray dhoobo dhagta. (12) Waxaadse la
yaabtay (beenintooda)
iyaguna way jees jeesi. (13) Marka la
waaniyana ma waantooban. (14) Hadday calaamo
arkaana way ku jees jeesaan. (15) Waxayna dhahaan
kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (16) Waxayna dhahaan
ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (17) Ama aabayaalkannagii hore (iyagana
malasoocelin). (18) Waxaad dhahdaa
haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (19)
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (20) Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.
(21) Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee
aad beeninjirteen. (22) Kulmiya kuwii
daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. (23) Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. (24) Joojiyana waxbaa la waydiine. (25) (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin
oydaan isugu gargaaraynin. (26) Saas ma aha ee
maanta way isdhiibeen. (27) Wuxuu qaabilay
qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. (28) Waxayna dhaheen
kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa
ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). (29) Waxay dhaheen
madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. (30)
Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. (31) Markaasuu nagu waajibay (nagu
rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). (32) Markaasaan idin
dhuminay annaguna waan dhunsanayn. (33) Iyagu
maalintaas cadaabkay wadaagi. (34) Annaguna
saasaan kufalla dambiilayaasha. (35) Waxayna
ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. (36) Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa
waalan. (37) Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey
Rasuulladii (Eebe soodiray). (38) Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax
xanuujiya). (39) Waxaan
camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. (40) Addoomada Eebe
ee niyada san (xumaan ma arkaan). (41) Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). (42) Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. (43) Jannooyinka Naciima. (44)
Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. (45)
Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). (46) Taasoo cad oo u
macaan kuwa cabi. (47) Mana laha caqli
qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). (48) Agtoodana waxaa
ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn. (49) Ood moodo ukun
la dhowray. (50) Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka
kale (ehelo Jannaha)
iyagoo wax iswaydiin. (51) Wuxuuna dhihi
mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih. (52) Dhihi jiray
adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (53) Ma markaan
dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. (54)
Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (55) Markaasu dayaa
kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. (56) Wuxuuna dhahaa
Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). (57) Haddayna
Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (58) (Waxayna dhahaan
ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. (59) Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. (60) Taasina waa uun liibaanta wayn. (61)
Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (62) Mataasaa marti
qaad u fiican (Jannada) mise
geedii zaquum (xumeyd). (63) Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. (64) Waana geed
kasoobaxda gunta jaxiimo. (65) Midhaheeduna
waxaad moodaa madaxyo shaydaan. (66) Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan,
waxayne ka buuxiyaan caloosha. (67) Waxayna kalooy
mudan dheehid biyo kulayl daran. (68) Markaas waxay
ku noqon jaxiimo. (69) Waxay heleen
aabayaalkood oo baadi ah. (70) Iyaguna
raadkoodii bay ku dag dagi. (71) Waxaa dhab
ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. (72) Waxaana
udiraydhexdooda udigayaal. (73) Ee eeg siday
noqotay cidhibtii kuwii loo digay. (74) Hasa yeeshee
addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). (75) Waxaa dhabahaan
noogudhawaaqay (beryey) Nabi
nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. (76) Waxaana Ka
korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). (77) Waxaana ka
yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. (78) Waxaana ugu
reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). (79) NabadGalyo Nuux
korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. (80) Saasaana ku
abaal marinaa samafalayaalka. (81) Wuxuuna ka
midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). (82) Markaasaan
maanshaynay kuwii kale, (83) Waxaa kamid ah
gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. (84) Markuu ula
yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). (85) Markuu ku yidhi
Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. (86)
Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. (87) Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. (88) Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. (89) Wuxuuna yidhi waan bukaa. (90)
Markaasay katageen kana jeedsadeen. (91) Markaasuu aaday
Ilaahyaalkoodii (sanamyadii)
wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. (92) Maxaad
leedihiin oydaan la hadlaynin. (93) Markaasuu foorariyay
midigta oo ku garaacay (94) Wayna soo
qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu
jajabiyay). (95) Wuxuuna ka
yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). (96) Eebaana idin
abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. (97) Waxayna dhaheen
u dhisa meel (dab lagushido) kuna
tuura Jaxiimo (dabka). (98) Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo
hooseeya (laga adkaaday). (99) Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. (100) Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). (101) Waxaana ugu
bishaaraynay wiil dabeeco. (102) Markuu ku
gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay
hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu
faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. (103) Markay hogaansameen oos u lagday wajiga. (104) Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. (105)
Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. (106) Taasina waa imtixaan muuqda (oo
weyn). (107) Waxaana ku
furanay loog weyn (wan). (108) Waxaana ugaga
tagnay (ugureebnay) kuwa
dame. (109) Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. (110)
Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. (111) Wuxuu ka mid
ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. (112) Waxaan ugu
bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. (113) Waana
barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo
mid naftiisa si cad u dulmiya. (114) Dhab ahaan
yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). (115) Waana ka
korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. (116)
Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). (117) waxaana siinay
Kitaabkii caddaa. (118) Waxaana ku
hanuuninay Jidka toosan. (119) Waxaana ugu
dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). (120) Nabadgalyo ha
ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. (121)
Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, (122)
Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. (123)
Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. (124) Markuu ku
yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). (125) Mawaxaad
baryeysaan Bacli (Sanam) ood
ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. (126) Ee ah
Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. (127) Markaasay
beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). (128) Laakiin adoomada
Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (129) Waxaana ugu
reebnay dadka danbe (amaan ah). (130) Nabadgalyo ha
ahaato Ilyaas korkiisa. (131) Saasaana ku
abaalmarinaa kuwa sama fala. (132) Wuxuuna ka
midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. (133) Nabi luudhna
wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). (134) Xus markaan
korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. (135) marka laga
reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo
ku hadhay halaaga. (136) Ka dibna
waxaan halaagnay intii kale. (137) Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan
dhulkoodii waabariga. (138) Iyo Habeenkaba
ee miyeydaan wax kasaynin. (139) Nabi Yuunusna
wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). (140) Xus markuu
kudhuuntay (kucaray)
Doontii buuxday. (141) Oo uu qoriritay nodayna mid
laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). (142) Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. (143) Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). (144) Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta
lasoo bixin dadka. (145) Waxaana
kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. (146) Waxaana ka soo
bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). (147) Waxaana u
diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. (148) Wayna
rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. (149) Waydii
gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. (150)
Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. (151) Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. (152) Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. (153) Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. (154) Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. (155) Miyeeydaan wax xusuusaneyn. (156)
Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. (157) Keena
Kitaabkiina (cadayn)
hadaad runlayaaltihiin. (158) Waxay yeeleen
gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni
(qiyaamada). (159) Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. (160)
Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin
xumaan). (161) Idinka iyo
waxaad caabudaysaan (gaalooy). (162) Waxaa ka
fidmaysaan (dhumisaan)
Eebe. (163) Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.
(164) Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. (165)
Waana safannahay (cibaado darteed). (166) Waana
tasbiixsanaa (qadarinEebe). (167) Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. (168) Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). (169) Waxaan
noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. (170) Wayse ka
gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). (171) Dhab ahaanbuu
ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). (172) In iyaga uun
loo gargaari. (173) Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), (174) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (175) Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). (176) Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. (177) Markuu ku dago
cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. (178)
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (179) Fiirina
iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). (180) Waxaana
kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun). (181) Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. (182) Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.