An-Nisaa
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud
iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Dadow ka Dhawrsada
Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada
Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina
Ilaaliye. (2) Siiya Agoonta xoolahooda
hana ku Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna
Taasina waa Dambi weyn. (3) Haddaad ka
Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo
Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin
Mid kaliya (Guursada) ama
waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc. (4) Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday
idiinka Raali noqoto wax ka mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban. (5) Ha Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo
idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya kana Arradbixiya una Dhaha Hadal
Fiican. (6) Imtixaamana
Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka
degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha
ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa,
waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye. (7) Ragga waxaa u
Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana
waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu (8) Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una
dhaha Hadal Wanaagsan. (9) Hana ka Cabsadeen
kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa hana ka
Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan. (10)
Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali
Saciiro. (11) Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe
Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka
Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay
Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu
Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood
Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta
ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa
Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan. (12)
Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn,
haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar
meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen
iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo
lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed
Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad
dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo
Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu
Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la
dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana
Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan. (13) Taasi wa Xuduud
Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri
Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn. (14) Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba
Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax
Dulleeya. (15) Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka
mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha
intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo. (16)
Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy
Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista. (17) Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo
Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe
korkooda, Eebana waa Oge Falsan. (18) Uma aha
Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu
waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u
Darabnay Cadaab Daran. (19) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma
Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad
Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad
Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.
(20) Haddaad
Doontaan inaad ku Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina
Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan Been iyo Dambi Cad. (21) Seed uga Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood
kana Qaaddeen Ballan Adag. (22) Ha Guursanina
waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo
cadhoodo Waddana Iyadaa U xun. (23) Waxaa laydinka
Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna, Walaalihiin, Eedooyinkiin,
Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha walaashaa, Hooyooyinka idin
Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan.,
ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen, Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara
korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo inaad kulmisaan Labo Walaalo ah
wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe Naxariista. (24) (Waxaa Kaloo idinka reeban)
Haweenka la Qabo, waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah,
waxaa laydiin banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna
idinkoo dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda waa
Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida
ka Dib, Eebana waa Oge Falsan. (25) Ruuxaan Karin
oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay
hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka
ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la
Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas
waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin
khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (26) Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo
Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan.
(27) Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse
dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn. (28) Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La
Abuuray Dadka isagoo tabar Yar. (29) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina
Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina
Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee. (30) Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin
Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay. (31)
Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka
asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh). (32) Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar,
Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana
waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana
waxkaasta waa Ogyahay. (33) Cid kasta
waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo
kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag. (34)
Raggaa u taagan (Maamulka)
Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way
Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan
Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna
ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn. (35)
Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo
Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin
Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer. (36) Caabuda Eebe
hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada,
Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca,
Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee
Faanka badan. (37) Oo ah kuwa Bakhayla Farana Dadka
Bakhaylnimo qarinna wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah, waxaana u darabnay Gaalada
cadaab wax dulleeya. (38) Iyo kuwa u
bixiya Xoolahooda istuska Dadka oon rumeyn Eebe iyo Maalinta Dambe, ruuxii
shaydaan u noqdo Saaxiib wuu Xumaaday Saaxiibkiis. (39)
Maxaa korkooda ah hadday Rumeeyaan Eebe iyo Maalinta Dambe oy Bixiyaan Qayb
wuxuu ku Arzuqay Eebe, Ilaahayna waa Ogyahay iyaga. (40)
Eebe ma Dulmiyo wax la eg Darro (waxyar) hadday Wanaagtahayna wuu faab laabaa wuuna ka siin Agtiisa
Ajir Weyn. (41) ee Say
ahaan Markaan ka keenno Umad kasta marag oon kuu keenno adigana (Nabiga) kuwaas korkooda
Marag. (42) Maalintaas waxay Jeclaan kuwii
Gaaloobay oo Caasiyey Rasuulka in lala Simo (Liqo) Dhulka kamana Qariyaan Eebe Hadal. (43)
kuwa (Xaga)
Rumeeyow haw dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad
dhahaysaan iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka
maydhataan, haddaad tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid
ah kortag, ama Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro
Wanaagsan, kuna masaxa (Mariya) Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi
dhaafa. (44) Ka warran kuwa la siiyey Qayb
Kitaabka ah (Tawreed) oo
Gadan Baadi doonina inaad ka Dhuntaan Jidka. (45) Eebaa Og Colkiinna, waxaana ku filan Eebe,
wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare. (46) Kuwii
Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay
oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday
dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee maqal na dayna saasaa u khayroonaan
lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebe Gaalnimadooda Darteed
mana Rumeeyaan wax yar mooyee. (47) Kuwa la siiyey
Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid
wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan
lafalo. (48) Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo
wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo Eebe
wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn. (49) Ka warrama kuwa
daahirin (amaani)
Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex
Laf Timireed (Wax yar). (50) Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi
Cad. (51) Ka warran kuwa la siiyey qayb
Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka
hanuunsan (Toosan) Kuwa
Rumeeyey Jidkooda. (52) Kuwaas waa
kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare. (53) Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan
siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya). (54) Mise waxay ku
Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim
Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn. (55)
Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan
Jahannamo Gubid. (56) Kuwii ka Gaaloobay
Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku
badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan. (57) Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay
Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan
haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican. (58)
Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan
Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka. (59) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka
leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka
haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta. (60) ka warran kuwa Sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo
dejiyey iyo waxa lagu Dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku Xukuntami Shaydaan,
iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu Baadiyeeyo Baadi
Fog. (61) Marka lagu dhaho u kaalay wuxuu Soo
Dejiyey Eebe iyo xagga Rasuulka waxaad Arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa Jeedsan
jeedasho. (62) Say noqon markay ku Dhaedo Musiibo (dhibaato) waxay hor
marsadeen Gaemahoodu Darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebe
inaanaan doonin waxaan Wanaag iyo Tawfiiq ahayn. (63)
Kuwaasu waa kuwa Ogyahay Eebe waxa Quluubtooda ku Sugan ee ka Jeedso Xaggooda
waanina waxaadna u dhahdaa naftooda Hadal xeel dheer. (64)
Umaanaan dirin Rasuul in la Adeeco mooyee Idanka Eebe, hadday markay Dulmiyaan
Naftooda ay kuu yimaadaan oy Dambi dhaaf waydiistaan Eebe una Dambi dhaaf
waydiiyo Rasuulku waxay Eebe (ogaan) dambi dhaafe Naxariista. (65)
Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara
oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi. (66) Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka baxa
Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu
waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn). (67) Markaasaan ka
siin lahayn Agtanada Ajir wayn. (68) waxaana ku
hanuunin lahayn Jid Toosan. (69) Ciddii Adeeca Eebe
iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo nabiyada,
Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas. (70) Arrintaasuna waa Fadliga Eebe waxaana ku Filan Eebe
Ogaansho. (71) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox
ah, ama Duula Dhamaan. (72) Waxaa idinka
mid ah (Munaafiqiin)
Cabsin (Dib marin)
hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la
joogin. (73) Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii
isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon
Liibaano Liibaan wayne.
(74) Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha
Dhaw Aakhiro (doorta Adduun)
Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir
wayn. (75) Maxaad leedihiin ood ugu Dagaalami
waydeen Jidka Eebe, iyagoo kuwa la Daeiifsan (Tabarta
yaraa) oo rag iyo Haween iyo Caruurba ay
leeyihiin Eebow naga Bixi Magaaladan Daalimiinta ah Ehelkeedu noogana yeel
agtaada Wali iyo gargaare. (76) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku
Dagaallami Jidka Eebe, kuwa Gaaloobayna waxay ku Dagaallami Jidka Shaydaanka,
ee la dagaallama Sokeeyaha Shaydaanku dhagarta Shaydaanku waa tabar yaryahaye. (77) Ka warran kuwa loo yidhi Reeba Gaemihiinna (Billoowgii Islaamka) Oogana Salaadda,
Bixiyana Zakada markii lagu Faral yeelay Dagaalkana waxaa soo baxay Koox ka mid
ah oo uga Cabsan Dadka Cabsida Eebe oo kale ama ka daran Cabsi, waxayna dhaheen
Eebow maxaad noogu Faral yeeshay Dagaalka, maxaad Dib Noogu dhigi wayday Tan
iyo Muddo dhaw, waxaad dhahdaa Raaxada Adduunyo waa yartahay, Aakhiraana u
khayroon Ciddii Dhawrsan Laydinkama dulmiyo Fatiil oo kale (wax
yar). (78) Meejaad
ahaataanba wuu idin haleeli Mawdku (Geeridu) aad ahaateenba Daaro Dheerdheer oo la adkeeyey, hadday
taabato wanaag waxay dhahaan tani waxay ka timid Xaga Eebe, hadday ku dhaedo
Xumaanna waxay dhahaan tani waxay ka timid Agtaada (Nabiga) waxaad dhahdaa Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebe Agtiisa,
maxaa u sugnaaday Qoomkaas uma dhawa inay Fahmaan Hadale. (79)
Wixii ku soo gaadha oo Wanaaga waxay ka ahaadeen ebe, wixii kugu dhaea oo
Xumaan ahna waxay ka ahaatay Naftaada, waana kuu Diray Dadka adoo Rasuul ah,
wuuna ku Filanyahay Eebe Marag. (80) Ruuxii adeeca
Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe, Ruuxii Jeedsadana kuugu maanaan dirin
Haaliye. (81) Waxay dhihi (Munaafiqiintu) Daaead (baan nahay) markay ka tagaan Agtaadana waxay maamulaan (Habeenkii) Koox ka mid ah waxay
leedahay waxaan ahayn, Eebana wuu Qori waxay Maamuli (miri) ee Ka jeed so Xaggooda talana saaro Eebe, waxaana ku filan
Wakiil Eebe. (82) Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka,
hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is
khilaaf badan. (83) markuu u yimaaddo amar Nabadgalta
ah ama Cabdi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga
Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin Fadliga Eebee korkiinna iyo
Naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yart mooyee. (84) Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada
mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa
Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin. (85)
Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise
Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta
Maaliya. (86) Haddii laydin Salaamo Salaan ku
Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye). (87) Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga
mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan
Eebe Hadal (ma jiro). (88) Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen
dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu
dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun). (89) Waxay
jecelyihiin (Munaafiqiintu)
inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina
Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo
ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna). (90) Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama
idiin yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la
dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la
dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy
idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal). (91) Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin
nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa
dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka
reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan
idiinka yeellay Xujo Cad. (92) uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu
Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor
Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka
midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min,
hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo
Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad
Eebe, Eebana waa Oge Falsau. (93) Ruuxii u Dila
Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u
Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn. (94)
Kuwa xada Rumeeyow markaad u Safartaan Jidka Eebe wax caddaysta (Hubsada) hana dhihina Ruux
Salaan idiin soo gudbiyey ma tihid Mu'min idinkoo dooni Dhalateedka Nolosha
dhaq. Eebe agtiisa yey tahay qaniimooyin Badan, saasaad ahaydeen horay waxaana
idinku Mannaystay Eebe korkiinna, ee caddaysta (Hubsada), Eebana waxaad Camal falaysaan waa Ogyahay. (95) Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa
dhibban ahayn iyo kuwa kula Jahaadi Jidka Eebe Xoolahooda iyo Naftooda, wuu ka
Fadilay Eebe kuwa ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda kuwa fadhiya Darajo,
dhammaanna wuxuu u Yaboohay Wanaag, wuuna kaga fadilay Eebe kuwa Jahaaday kuwa
Fadhiya Ajir wayn. (96) Waa Darajooyin
Xaggiisa ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariis, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (97) Kuway Oofsato Malaa'igtu iyagoo Dulmiyey Naftooda waxay
ku Dhahaan maxaad ahaydeen waxayna dhahaan kuwo lagu Daeiifsadat (tabar yar) Dhulka, waxayna
dhahaan (Malaa'igtii)
miyeyna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda, kuwaas Hooygoodu
waa Jahannamo wayna u Xuntahay Aaye. (98) Kuwa la
Daeiifsado oo Rag, Haween iyo Caruur oon tabar lahayn kuna Toosi karin Jidka
mooyee. (99) Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebe inuu
iska Cafiyo Xaggooda, Eebana waa Saamaxe Dhaafa (Dambiga). (100) Ruuxii ku
Hijrooda Jidka Eebe wuxuu ka heli Dhulka Magangal badan iyo Waasacnimo, Ruuxii
ka Baxa Gurigiisa isagoo u Hijroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu
sugnaaday Ajrigiisu Eebe (Fadhi dartiis) Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista. (101) Haddaad ku
Safartaan Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin
Fidmeeyan (Dhibaan) kuwa
Gaaloobay, Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad. (102)
Markaad tahay dhexdooda Muslmiinta ood u oogto Salaadda ha istaagto Koox ka mid
ah Agtaada hana Qaateen Hubkooda, markay Sujuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna,
hana Tukadeen la jirkaaga hana Qaateen Digtooniddoda iyo Hubkooda, waxay
Jecelyihiin kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hubkiinna iyo Alaabtiinna oo
markaas ay idin soo Weeraraan mar kaliya (Idunku kadiyaan) Korkiinna ma aha Dhib hadduu idin hayo dhib Roob ah ama
aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan Hubka Qaatana Digtoonidiinna. Eebana wuxuu
u darbay Gaalada Cadaab wax Dulleeya. (103) Markaad
Gudataan Salaadda Xusa Eebe Taagni. Fadhi iyo Dhinieiinaba (Jiif) markaad xasishaanna (Aamin noqotaan) Ooga Salaadda (Dhameeya) Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun Waqtiyeysan (Mudaysan). (104) Haka Daeiifina (Jileina) Doonidda Qoomka (Gaalada) haddaad tihiin kuwa Xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad
u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynasaan, waxaadna ka rajaynasaan Eebe
waxayna ka rajaynayn, Eebana waa Oge falsan. (105)
Anagaa kugu soo Dajinay Kitaabka si Xaq inaad ku kala Xukunto Dadka dhexdiisa
wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin Khaa'in u doode. (106)
Dhambi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariista. (107) Ha ka Doodin kuwa Khayaamayn Naftoodda, Eebana ma
Jeela Khayaamo badane Dambi badan. (108) Waxay iska
darin Dadka iskamana Qariyaan Eebe isagoo la jooga markay Maamuli wuxuusan
raalli ka ahayn oo hadal ah. Eebana waxay Camal fali wuu Koobay. (109) Idinku kuwaasow waad ka doodeen Xaggooda Nolosha
Adduunyo, yaase ka doodi Xaggooda Maalinta Qiyaame ama u noqon Wakiil. (110) Ruuxii fala Xumaan ama Dulmiya Naftiisa (Dambaaba) markaas dambi
dhaaf warsada Eebe wuxuu ka heli (ogaana) isagoo Dambi dhaafa ah Naxariistana. (111)
Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday Naftiisa (Dhibkeeda) Eebana waa oge Falsan. (112)
Ruuxii kasbada Gaf ama Dambi markaas ku gana Dambiga (ku
sheega) mid barii ah wuxuu Xambaartay Been
abuurasho iyo Dambi Cad. (113) Hadduusan
jirin fadliga Eebee korkaaga iyo Naxariistiisa waxay Hammin lahayd Koox (dooni lahayd) oo ma kid ah inay
ku dhumiyaan mana dhumiyaan Naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna
kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon
Fadliga Eebana korkaaga waa ku waynyahay. (114) Khayr ma leh
wax badan oo Faqooda ah, oon ahayn mid fara Sadaqo ama Wanaag ama Hagaajin
Dadka dhexdooda, Ruuxii fala Saas doonid raali ahaanshaha Eebe waxaanu siin
Ajir wayn. (115) Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib
intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu'miniinta midaan ahayn waxaa uga
wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel
loo ahaado. (116) Eebe ma dhaafo in lala Wadaajiyo (Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafa
wixii waxaas ka soo hadhay Cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay
dhumid wayn. (117) ma Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn. (118) Ha Laenado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan
Addomada Qayb Sugan. (119) Waan baadiyeyn
waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi
Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali
Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad. (120)
wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn. (121) kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan
xaggeeda iilasho (iyo fakasho). (122) kuwa rumeeyey xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin
Janooyin oy socoto dhexdeeda Wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed. waana
yabooha Eebe oo sugan. yaa ka run badan Eebe hadal (cidna). (123) Ma aha (xaalku) yididiiladiinna
iyo yididiilada ehelu Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga Abaal marin
mana helayo Eebe ka sokow wali iyo gargaare (midna). (124) ruuxii fala
wanaag lab ah ama dhadig isagoo rumeysan (xaqa) kuwaasu waxay gali Janada lagamana dulmiyo duleel (laftimireed). (125) yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe
isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah). (126) Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo
Dhulka. Eebana waa wax walba koobe. (127) waxay ku
warsan Haweenka, waxaad dhahdaa Eebaa idiin fidyoon (sheegi) Xaalkooda iyo waxa lagu akhiriyi korkiinna Kitaabka
Haweenka Agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan
inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee caruurta ah, iyo inaad u maamushaan
Agoonta cadaalad, waxaad fashan oo kheeyr ahna Eebe waa ogyahay. (128) hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho
ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana
khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag
fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay. (129) ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba
dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad
wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista. (130) hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta
waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame. (131) Eebaa iska leh
waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey
Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse
gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana
waa hodan Amaanan. (132) Eebaa iska leh
waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil. (133) hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas. (134) Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa
Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka. (135)
kuwa (Xaqa)
rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha
ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u
mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse
iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay. (136) kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo
Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa,
kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog. (137)
kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday
Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan). (138) ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran. (139) waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka
sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed. (140) wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa
haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha
fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga
oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan. (141) oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi
miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u sugnaado nassibna waxay dhahaan
miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniinta, Eebaa xukumi
dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe gaalada mu'miniinta korkooda
waddo. (142) munaafiqiintu waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan
Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax
yar mooyee. (143) waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas
dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma
heshid Waddo (eid hanuunin). (144) kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka
sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo). (145) munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta
umanaheshid gargaare. (146) kuwa
toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela
Diintooda (Cibaadadooda) Eebe
kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniinta Ajir
wayn. (147) muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna
haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa mahdiye Waana oge. (148) Ma Jeela Eebe in lala Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux
la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og. (149) Haddaad
Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara. (150) Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rassulkiisa oo dooni inay
kala (Bixiyaan) Eebe
iyo Rasuulkiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka
yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo. (151) Kuwaasi iyaga
umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya. (152) Kuwa rumeeyey Eebe iyo Rassulkiisa oon kala bixinin
Cid ka mid ah kuwaas wuu Siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista. (153) Waxay ku warsan Ehelu Kitaabku Inaad kaga soo Dejiso
Kitaab Xagga Samada, Dhabahaan yey u warsadeen (Nabi) Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen noo tusi Eebe si
Cad waxaana qabatay qaylo (daran) Dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen Dibi intay u Timid
Xujooyin, waana ka Cafinay Arrintaas, waxaana siinay Nabi muuse Xujo Cad. (154) Waxaan koryeellay (Buurta) Dhuur Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala
Irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha ku xadgudhina Sabtida waxaana ka
qaadnay Ballan adag. (155) (Waan Lacnadnay) Burintooda
Ballankooda iyo ka Gaalowgooda Aayaadka Eebe iyo u Dilidda Nabiyada Xaqdarro
iyo Hadalkooda Quluubtanadu way daboolantahay, saas ma aha ee waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda
darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee. (156) iyo
Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn. (157) iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu
Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku
Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn
Raacid Male umana dilin dhab. (158) Saas ma aha ee
waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan. (159) Ehelu Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise Geeridiisa ka hor,
Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda Markhaati. (160)
Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga Reebnay korkooda Wanaaga loo
xalaaleeyey iyo ka Celintooda Jidka Eebe wax badan. (161)
Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha
Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran. (162) Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo
Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo
kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas
waxaan siinaynaa Ajir wayn. (163) Annagaa kuu
waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi
Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana
siinay Daawuudna Zabuur. (164) iyo Rasuullo
aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe
Nabi Muuse Hadal. (165) Waa Rasuullo
Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana
waa Adkaade Falsan. (166) Laakiin Eebaa
Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way
Marag furi, Eebana ku Filan Marag. (167) Kuwa Gaaloobay
ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog. (168)
kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku
Hanuuniya Jid. (169) Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku
waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe. (170)
Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr
roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo
Dhulka Eebana waa oge falsan. (171) Ehelu
Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna hana ku Dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn,
Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku Tuuray
Maryama iyo Ruux Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulasiisa, hana dhihina
Saddex (ILaah)
reebtooma, saasaa idiin Khayr Roon, Eebe waa uun ILaah Kaliya, waa ka
Nasahanyahay in ILmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka
ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil. (172) Iskama kibriyo
Masiix inuu ahaado Addoon Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (iskama
kibriso) ruuxii iska kibriya Cibaadadiisa oo
iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan. (173)
Kuwa rumeeyey Xaqa oo Camal fiican fala wuxuu u Oofin Ajrigooda wuxuuna u
kordhin Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibriya wuxuu Cadaabi Cadaab Daran
mana helayaan Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna). (174) Dadow waxaa
idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad. (175) Kuwa rumeeyase Eebe oo Qabsaday (isku
dhawray) Eebe (iyo
Quraanka) wuxuu Galin Naxariis xagiisa ah iyo
Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan. (176)
Waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa idiin Fidyoon Kalaalada, hadduu dhinto
Ruux aan ILmo lahayn oo leh Walaashiis waxay Mudan Nus wuxuu ka tagay isaguna
wuu Dhaxli hadduusan ILmo u sugnaanin, hadday Labo yihiina waxay Mudan Labo
Dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u sugnaaday
Labo Dhadig Qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan Dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.