Fussilat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku tusin mucjisada Quraanka
sida soo hormartay. (2) Quraanka waa soo
dajinta Eebe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista, (3)
Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii
wax garan. (4) Waana bishaareeye u dige ah, waase
ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan. (5)
Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi,
dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab,
ee camal fal anana waancamalfaleynaaye. (6) Waxaad dhahdaa
Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay
Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu
u sugnaaday mushrikiinta. (7) Kuwaan bixinin
zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey. (8) Kuwa xaqa
rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin. (9) Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan
kan
(Eebaha) ku abuuray Dhulka
laba maalmood, ood uyeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka. (10) Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyey
dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy usimantahay dadka
weydiin. (11) Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah
kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (laqasbi) waxayna dheheen
waan nimid anagoo addeecsan. (12) Wuxuuna Eebe ka
abuuray Cirka Todobo Samo laba maalmood wuxuuna faray Samo kasta amarkeedii,
waxaana ku qurxinay Cirka dhaw Misbaaxyo, waana ilaalinay, taasina waa
qadaridda (maamulka)
Eebaha adkaada ee wax og. (13) Hadday ka
jeedsadeen Gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran
oo lamid ah kii Reer Caad iyo Thamuud. (14) Markay ugaga
timid Rasuuladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Eebe ahyn,
ayna ku dhaheen hadduu doono Eebeheen wuxuu soo dajinlahaa Malaa'ig, anaguna
waxa laydiin soo diray waan ka gaaloownay. (15) Ree Caad iyagu
way isku kibriyeen Dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan
miyeyna arag Eebaha abuuray inuu ka xoogbadanyahay waxayna ahaayeen kuwo
aayaadkanaga diidan. (16) Waxaana ku
dirray korkooda Dabayl qaylo daran Todobo Maalmood oo uxun (iyaga) si aan u dhandhansiino cadaabka dulliga Nolosha adduun,
cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro. (17)
Ree thamuud waxaantusinay xaqa, waxayna ka jeeclaadeen indho la'aan (baadi) hanuunkii, waxaana
qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed. (18) Waxaana korinay kuwii rumeeyey (xaqa) oo dhawrsan jiray. (19) (u sheeg gaalada) Maalinta lagu
kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi. (20)
Markay yimaaddaana uu ku maragfuro korkooda, maqalkooda, aragoodu, iyo
haragoodu (jidhkoodu)
waxay falijireen. (21) ayna ku dhahaan
korkooda (Jidhkooda) maxaad
noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka hadliya wax
kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin. (22) Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan
jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood
falaysaan. (23) kaasina waa malihiinii aad u
malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray. (24) haday samraanna naarbay ku hoyan hadday cudur daar
dalbaana lagama aqbalo. (25) Waxaan u
darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya,
waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey
Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray. (26)
Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u
dhawdihiin inaad adkaataane. (27) Waxaan
dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii
ugu xumaa waxay camal falayeen. (28) Kaasi waa
abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo
laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen. (29) Waxay dheheen
kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan
yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta). (30) kuwa yidhi Eebahanno waa Alle hadana toosnaaday waxaa
ku soo dagta Malaa'igta (markey dhiman
iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna
bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay. (31) anagaa sokeeye
idiin ah nolosha addunyo iyo aakhiraba, waxaana idiinsugnaaday dhexdeeda waxay
doonto Naftiinnu waxaadna ka helaysaan waxaad dalabtaan. (32)
Waana martiqaadka Eebaha dambi dhaafa ee Naxariista. (33)
yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay (Dadka) Eebe xagiisa, oo camalfiican sameeyey, oo dhaha anigu
waxaan ka mid ahay Muslimiinta. (34) Mana eka Wanaag
iyo Xumaan, reebna oo (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soobixi in midkii col idin
dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib. (35) Lalamana
kulmiyo arrintaas kuwii samrey mooyee, lalamana kulmiyo mid nasiib weyn leh mooyee.
(36) Hadduu ku waswaasiyo shaydaan xaggiisa waswaasiye ka
magangal Eebe isagaa wax maqla waxna oge. (37) Aayaadka Eebe (jiridiisa iyo qudradiisa)
waxaa ka mid ah Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo Dayaxa, ha u sujuudina
Qorraxda iyo Dayaxa ee u sujuuda Eebaha abuuray haddaad tihiin kuwo (dhab) u caabudi. (38) Haday iska kibriyaan (cibaadada) kuwa Eebahaa agtiisa ah way u tasbiixsadaan Habeen iyo
Dharaarba kana noogin. (39) Aayaadka Eebe
waxaa ka mid ah inaad aragtidDhulkoo dulleysan (abaar
ah) markaan ku soo dajinno Biyaha uu gilgisho soona kor noqdo,
midka nooleeyey wuxuu nooleyn wixii dhintay wax walbana wuu karaa. (40) Kuwa iilaya aayaadkanaga nagama qarsoona, ruux lagu
tuuray Naarta miyaa khayrroon mise mid isagoo aamin ah imaan Qiyaamada, fala
waxaad doontaan, Eebe waxaad faleysaan waa arkaa. (41)
Kuwa ka gaaloobay Quraanka markuu u yimid (waa la abaal marin) waana Kitaab qaali ah. (42)
Mana timaado xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, (waa
dhawran yahay) waana soo dajinta Eebaha falka san ee
lamahdiyo. (43) Lagumana dhaho waxaan ahayn waxii
lagu yidhi Rasuuladii ka horreeyey, Eebahaana waadambi dhaafe ciqaab daran. (44) Hadaan kayeelo «Kitaabka» Quraanka Cajami ah waxay
dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey Aayaadkiisa, ma (quraan) Cajami ah iyo Nabi (Carabi ah) waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay Haanuun
iyo Caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha
la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog. (45)
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan
jirin kalimo ka hormartay Eebahaa waa lakala xukminlahaa dhexdooda waxayna ku
suganyihiin gaaladu shaki daran. (46) Ruuxi
camalfiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay
Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada. (47)
Xagiisaana loo celiyaa ogida Saacadda (Qiyaame) midhana kama soobaxaan
Sabuulkooda, mana uuroobo Dhadig mana dhalo ogaanshaha Eebe la'aantiiis,
Maalintuu ku dhihi away kuwaad ila wadaajiseenna waxay dhihi waxaan ku
ogaysiinnay Nagamidma aha Ruux marag furi arintaas. (48)
Waxaa ka dhumey waxay ahaayeen kuwo (baryo) caabuda horey, waxayna yaqiinsadeen inuusan u sugnaan
gargaare. (49) Dadku kama daalo baryada khayrka,
hadduu taabto sharra wuu quusasha badanyahay. (50)
Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay kadib, wuxuu
dhahaa kan anaa iska leh mana u maleeynaayo inay Saacadda (qiyaame) kici, haddii layceliyo Eebahayna waxaan ku leeyahay
agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu warranmeynaa kuwii Gaaloobey waxay camal
faleen, waxaana dhabahaan u dhadhansiinaynaa Cadaab daran. (51)
Markaan unicmeyno Dadka wuu jeedsadaa oo is dadbaa (daacadduu
ka tagaa) markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa
isagoo baryo badan. (52) Waxaad ku
dhahdaa bal kawarrama hadduu Quraankani xaga Eebe ka yimid markaas aad ka
Gaaloowdaan yaa ka baadi badan Ruux Gaalnimo iyo khilaaf fog ku sugan. (53) Waxaanu ku tusin aayaadkanaga jahooyinka iyo Naftooda
intey uga caddaato inuu Quraanku xaq yahay, miyuuna ku filleyn inuu waxkaste
ogyahay. (54) Waxayna Gaaladu kaga suganyihiin
shaki lakulanka Eebe, Eebana waxkasta wuu koobay.