Al-Jaathiya
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waa soo hormaray
macnaheedu. (2) soo dajinta Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka
ahaaday Eebaha adkaada iyo falkan san. (3) Samooyinka iyo
Dhulka dhexdiisana aayadbaa ugu sugan Mu'miniinta. (4)
abuurkiinna iyo waxa Eebe ku fidin «abuuri» Dhulka oo wax socda ah aayaadbaa
ugu sugan ciddii wax yaqiinsan. (5) iskhilaafka
Habeenka iyo Maalinta iyo waxa Eebe ka soodajiyey Samada oo Rizqi ah oo ku
nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagadoonka Dabaylaha waxaa ugu sugan
aayaad ciddii wax kasi. (6) taasi waa
aayaadka Eebe aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebe ka dib iyo
aayaadkiisa rumayn. (7) halaagna wuxuu u
sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis. (8) oo
maqli aayaadka Eebe oo la akhrin haddana daa'ima gaalnimo, isagoo iskibrin
sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran. (9)
markuu ogaado aayaadkanaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jees-jees, kuwaasina
waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya. (10) waxaa koobi
«kana dambeysa» Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka
yeesheen Eebe ka sokow owliyo, waxayna mudan Cadaab wayn. (11)
Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebehoodna waxaa u sugnaaday
Cadaab xumaan daran. (12) Eebe waa kan idiinfududeeyey
Badda say ugu socoto Doonnidu «iyo Markabku» dhexdiisa amarka Eebe, iyo inaad
gaadhaan Fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan. (13)
wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka Dhammaan xagiisay ka
ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri. (14)
waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebe si uu
uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen. (15) ruuxii camal
fiicanfala Naftiisuu u falay, ruuxii Xumaan sameeyana waxay uun dhibhi Naftiisa
markaas xagga Eebe uunbaa laydiin celin. (16) dhab ahaanbaan
u siinay ree Binii Israa'iil Kitaabka iyo Xukun iyo Nabinimo, waxaana ku
arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadillay Caalamkii (markaas). (17) waxaana siinay
xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee,
waxayna u diideen Xasad iyo Dulmi, dhexdooda ah, Eebahaana wuu kala xukumi
dhexdooda Malinta Qiyaame waxay isku khilaafsanyihiin. (18)
waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, Ee raac, hana raacin hawada kuwaan
wax ogayn. (19) iyagu kaagama taraan Eebe xagiisa
waxba, Daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebana waa u
wali kuwa dhawrsada. (20) kaasi waa (Quraanku) waa aragti (Nuurka) Dadka iyo hanuun
iyo Naxariis ciddii waxyaqiinsan. (21) mise waxay
umaleeyeen kuwii kashaday xumaanta inaan kayeeleyno kuwa xaqa rumeeyey ee camal
fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba, waxaa xun waxay xukumi. (22) Eebaa u abuuray samooyinka iyo Dhulka, xaq iyo in laga
abaalmariyo Naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo. (23)
ka waran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebe dhumiyey isagoo cilmi
leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna aragiisa dabool, yaa
hanuunin Eebe kadib, miyaydaan wax xusuusanayn. (24)
waxay dheheen Gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun nolashanada dhaw, waana
dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo, wax ogaansho ahna
uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan. (25)
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad wax xuja ah ma helaan oon ahayn
noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan. (26)
waxaad dhahdaa Eebaa idin nooleeya idina dili, idinna kulmin Maalinta Qiyaame
shakina ma leh, laakiin Dadka badankiis ma oga. (27)
Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame
maalintaasay Khasaari xumaanlowgu. (28) waxaadna arki
umad kastoo Lawyahay ku fadhida Qiyaamada, Umad kastana waxaa loogu yeedhi
Kitaabkii «camalkeeda» Maalintaas waxaa laydiinka abaalmarin waxaad
camalfaleyseen. (29) kani waa Kitaabkanagii wuxuuna ku
hadli xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal falaysaan. (30) kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin
Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn. (31)
kuwa Gaaloobayse waxaa lagu dhihi miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiina lagu
akhriyo ood iskibriseen noqoteen qoom dambi falayaal ah. (32)
marka la dhaho yabooha Eebe waa xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki ma leh, waxaad dhahdaan ma naqaan Saacadda (qiyaame) waannu uun malayn
mase yaqiinsanin. (33) waxaa u muuqan
Gaalada xumaantay camalfaleen (Ciqaabteedi) waxaana koobi waxay ku jees jeesi jireen (ciqaabtiisii). (34) waxaana loo dhihi Maanta (Qiyaamada) waanu idinka tagi (idinko cadaaban) sidaad u halmaanteen la kulanka Maalintiinan, Hooygiinuna
waa Naar wax idiin gargaarana ma jiro. (35) Arrintaasna
waxaa ugu waxan inaad ka yeelateen aayaadka Eebe Jees jees, idinna dhagartay
nolosha dhaw (ee adduun)
Maanta Qiyaamada lagama bixiyo Naarta, cudurdaarna lama warsado. (36) mahad Eebaa iskaleh Eebaha Samooyinka iyo Dhulka,
Eebaha caalamkana ah. (37) waxaana u
sugnaatay waynida Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisa, waana adkaade falsan.