Al-Ahqaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku Tusin mucjisada
Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa. (2)
Kitaabka (Quraanka) ah
wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa. (3) Samaawaadka
iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma
aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee
quraanka) ah way ka jeedsadeen. (4) Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad
caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama
shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i
tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax
raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan. (5) Wax ka dulmi
badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn). (6) Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi
jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri. (7) Marka gaalada
lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu
kani waa sixir cad. (8) Waxay dhihi waa
been uu abuurtay (Nabigu),
Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa,
isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe
naxariista ah. (9) Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar
ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa
lay waxyoodo (ee quraanka ah)
waxaana ahay u dige cad (oo muuqda). (10) Waxaad Dhahdaa
bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka
marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale (xaqnimada
iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is
kibriseen, Eebana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah, (11)
Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen
rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah) waa beenihii hore.
(12) Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah
hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga
falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay. (13)
kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma
arkaan. (14) Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku
waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed. (15) Dadka waxaan u
dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday
iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa
Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu
toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay Aniga iyo
waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina
wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta. (16) Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa,
kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay
yabooh run ah. (17) Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii
waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin
iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi
magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi
waxaasi waa beentii dadkii hore. (18) Kuwaasi waa kuwa
caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo Jinni iyo
Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray. (19)
Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon
la dulmiyaynin. (20) (Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu
dhihi waxaad wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku
raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah,
iskibrintiinnii aad xaq darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed. (21) Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi
huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo
daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo
ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad
maalin wayn/ (22) Waxay ku dheheen ma waxaad noola
timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad
run sheegeyso, (23) Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh
(goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan
idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa
jaahiliin ah. (24) Markay Gaaladii Reer caad arkeen
caddibaaddii (Sida daruur) oo
Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa
waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad
darani ku jirto. (25) Wax kasta oy martana way
burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin
Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah. (26) Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay
maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo
Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku
jees jeesayeen. (27) Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna
ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo. (28) Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u
dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii
iyo war abuurashadoodii. (29) Xusuuso markaan
kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen
dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi. (30) Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo
rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan. (31) Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha
dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane; (32)
Ruuxaan ajiibin (raacin)
uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama
cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina
ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan. (33) Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka
aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma
aha ee Eebe wax walba oo uu doono wuu karaa. (34)
Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn