Al-Fath
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow. (2) Si Eebe kuugu dhaafo waxaad
hormarsatay iyo wixii dib maray oo gaf ah, Nicmadiisana kuugu taam yeelo, Jidka
toosanna kuugu hanuuniyo, (3) Kuuna gargaaro
Eebe Gargaar wayn. (4) Eebe waa kan
ku dajiyay xasilloonida Quluubta mu'miniinta si ay Iimaan ugu siyaadsadaan
Iimaankoodii, Eebaana iska leh Samaawaadka iyo dhulka Junuudda ku sugan, Eebana
waa wax walba oge falsan. (5) si uu u galiyo
mu'miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay dureereyso dhexdeeda Wabiyaal iyagoo
ku waari, Dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Eebe agtiisa waxay ku tahay
Liibaan wayn. (6) iyo inuu caddibo munaafiqiinta Rag
iyo Haweeenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag iyo haweenba, Eebana u maleeyey mala xun, xumaantu
korkooda ha ku wareegto, Eebana Ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo
Naarta Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (7)
Eebaa iska leh Junuudda ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade
falsan. (8) Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo
marag ah, Bishaareeye Digena ah. (9) Si aad dadow
Eebe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Eebana ugu
tasbiixsataan Aroor iyo Galabba. (10) Kuwa Nabiyow
kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebe, ballanna ka qaadeen, Ruuxiise
burriya Naftiisa umbuu ku buriyay, Ruuxii oofiyana wuxuu Eebe kula ballamay
wuxuu siin Ajri wayn. (11) Waxay kugu
dhihi kuwii kaddib maray (Jahaadka) ee Ree-Baadiyaha (carbeed ahaa), waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee Eebe
noo dambi dhaaf waydii, Carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin,
waxaad ku dhahdaa yaa Eebe wasx idiinka hanankara hadduu dhib idinla doono, ama
gargaar idinla doono Saas ma aha, ee Eebe waa ogyahay waxaad camal falaysaan. (12) Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo Mu'miniinta u
soo noqonnaynin ehelkooda waligood, saasaana loogu qurxiyay qalbigiinna,
waxaadna ahaateen kuwo halaagsamay. (13) Ruuxaan Eebe
rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan Gaalo u darabnay Naarta Saciiro. (14) Eebaa iska leh xukunka waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku
sugan, wuxuuna u dambi dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana
dambi dhaafe naxariiste ah. (15) Waxay idinku
odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aadaan si aad u soo qaadataan nadaaya aan
idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebe, waxaad dhahdaa naraaci
maysaan Eebaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na xasdaysaan, waase
kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen. (16) Waxaad ku
dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee Ree baadiyaha ah waxaa laydinku yeedhi kuwa
xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse
addeecdaan wuxuu Eebe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba
ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran. (17)
Ruux Indha la' korkiisa dhib (Jahaad) ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka, Ruuxiise Eebe addeeca iyo
Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhexdureeri Wabiyaal, Ruuxiise jeedsada
wuu caddibi caddibaad daran. (18) Eebe wuu ka
raalli noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow Geedka
hoostiisa, Eebana waa ogaaday waxa Quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku dajiyay
xasilooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw. (19) Iyo Qaniimooyin
badan oy qaadandoonaan, Eebana waa adkaade falsan. (20)
Eebena wuxuu idiin yaboohay Qaniimooyin badan ood Qaadanaysaan, Tanna wuu idiin
hormariyay, (qaa Qaniimadii khaybar), wuuna idinka reebay Gacmaha dadka (gaalada) si ay ugu noqoto mu'miniinta calaamo (Runta
Nabiga) idiinkuna hanuuniyo jidka toosan. (21) Waxaa kale oo uu idiin dadajiyay Qaniimo kale oydaan
awooddeen, Eebana wax walba waa karaa. (22) Hadday idinla
diriraan kuwa gaaloobay way carari (oy jabi) sokeeye iyo gargaarna heli maayaan. (23)
Saasna waa waddadii Eebe ee u horreysay ummadihii tagay, wax baddali karana ma
jiro. (24) Eebe waa kan idin kala reebay «idinna kala ilaaliyay»
gaaladii markaad maka gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib,
Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan. (25) Gaaladii makaad
waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darbantahay inaygaadho
halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo Haween mu'miniin ah (oo la nool) idinna aydaan
ogayn marka aad baabi'neeysaan ayna mashaqo idin haleesho (Eebe
waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo
naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu'miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebe
caddibi lahaa gaalada caddibaad daran. (26) Xusuusta marka
Eebe yeelay kuwii gaaloobay Quluubtooda islawayni iyo cadho, sidii isla
waynidii iyocadhadii jaahiliinta oo Eebe ku dajiyay xasilloonidiisii
Rasuulkiisa korkiisa iyo mu'miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada (Ashahaadada iyo ballan ku sugnaanshaha),
iyagaana ugu mudan kalimadaas chelna u ah, Eebana wax walba waa ogyahay. (27) Eebe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah, abaydna
in mu'miniintu gali MAsjidka xurmaysan hadduu Eebe doono, iyagoo aamin ah oo
Timaha xiiri ama gaabin (Xajka iyo Cumrada
ka dib) iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna
Eebe ogyahay waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Maka ka soke Fatxi (Xudaybiya). (28) Eebe waa kan
la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo Diimaha oo
dhan, Eebaana marag ku filan. (29) Muxammad waa
Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu
naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda
Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda
raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiilna waxay
lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay
layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u
yaboohay kuwa xaqa rumeeyay