Al-Hujuraat
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa xaqarumeeyow ha ku
dagdagina Eebe iyo Rasuulkiisa hortiisa (waxayan fasixin), Eebana ka dhawrsada ileen wax walba wuu maqli wuuna
ogyahaye. (2) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka koryeelina
codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qaylyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon agayn. (3) kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa
kuwo Eebe imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudanyihiin dambi
dhaaf iyo ajri wayn. (4) kuwa kaaga
dhawaaqi qolalka gadaashooda badankoodu wax ma kasayaan. (5)
Hadday samraan intaad uga soo bixi yaa u khayr badnaan lahayda, Eebana waa
dambi dhaafe naxariista, (6) Kuwa xaqa
rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin
ogaansho la'aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen. (7)
Ogaadana in Rasuulkii Eebe idin dhexjoogo, hadduu idinku addeeco waxyaala
hadanna aad dhibboonaysaan, wuxuuse Eebe idinla jeclaaday limaan, una qurxiyay
quluubtiinna, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo,
kuwaasina waa kuwa hanuunsan. (8) Waa fadliga (siinta) Eebe iyo
naxriistiisa, Eebana wax walba waa ogyahay, waana falsame. (9) Hadday
Laba qolo oo mu'miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku
xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtay intay amarka Eebe uga noqoto (xaqa aqoonsato), Hadday u noqotana
si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe wuxuu jecelahay kuwa
garsooree. (10) Mu'miniintu waa uun walaala, ee
wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu
idiin naxariistee. (11) Kuwa xaqa
rumeeyow yuuna yasin Ragna Rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, Haweenna
yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana
ceebeynina Naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca
faasiqinimada iimaan kadib, Ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin. (12) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah,
maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar
yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd
ah, waad necebtihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee.
(13) Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dhaddig, waxaana
idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu
sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa
ogyahay, (14) Waxay dheheen ree baadiyihii
carbeed waan rumaynay (xaqa), waxaad ku dhahdaa maydaan rumaynin, laakiin dhaha waan
hoggansannay, Iimaankuna wali Quluubtiinna ma galin, haddaadse adeecdaan Eebe
iyo Rasuulkiisa kama nusqaamiyo camalkiinna waxba, Eebana waa dambi dhaafe
naxariista. (15) Kuwa mu'miniinta ah waa kuwa uun
rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa oon shakiyin, kuna Jahada Xoolahooda iyo naftooda
jidka Eebe dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah. (16)
Waxaad dhahdaa ma Eebbaad usheegaysaan diintiinna isagoo og waxa Samaawaadka iyo
Dhulkaba ku sugan, Eebana wax walba waa ogyahay. (17)
Waxau kugu mannaysan inay Islaameen, waxaad dhahdaa haygu mannaysanina
Islaamkiinna Eebaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay Iimaanka haddaad run
sheegeysaan. (18) Eebe waa ogyahay waxa Samaawaadka
ku maqan iyo dhulkaba, Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan.