Al-Maaida
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa (Xaqa) Rumeeyoow Oofiya Ballanka, waxaa Laydiin Baneeye Xoolaha Nicmoolayda
waxa laydinku Ahrin Korkiina Mooyee idinkoon banaysanayn Ugaadshiga idinkoo
xarman Eebana wuxuu Xukumaa wuxuu Doono. (2) Kuwa (xaqa) Rumeeyow ha
Banaysanina Calaamooyinka Eebe (waxa reeban) iyo Bisha Xurmaysan iyu Hadyada iyo Midda loo Luqun Xidhay
(Hadyada Baydka) iyo kuwa u Qasdi
Baydka Xurmaysan, iyagoo Dooni Fadliga Eebahood iyo Raali ahaanshihiisa,
Markaad Xalaalowdaanna (Dhamaysaan Xajka
iyo Cumrada) Ugaadhsada (hadaad
Doontaan) yeyna Idin ku Xambaarin Cadhada Qoom
idinka Celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad Xad gudubtaan, Isugu kaalmeeya Samaha
iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo, kana Dhawrsada Eebe,
Ilaahay way darantahay Ciqaabtiisu, (3) Waxaa laydinka
Xarrimay Bakhtiga iyo dhiigga iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu Gawraco) waxaan magaca Eebc
ahayn, iyo tii In Ceejiyo, iyo la Ganac gooyo, iyo lan meel ku dhacda, iyo Tii
la Hardiyo, iyo Midduu Cunay bahal, wuxaud Gawracdaan mooyee (waxaa kaloo reeban) wixii lagu gawraco
Sanam, iyo inaad ku Nasiib doontaan Faal, kaasi waa Fisqi, maantayna ka
quusteen kuwii Gaaloobay Diintiinna, Ee ha ka Cabsanina ee iga Cabsada,
Maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda
waxaana idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan, Ciddii loo Dhibaateeyo Baahi
inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon Falayn Dambi Eebc waa dambi dhaafe
Naxariista. (4) waxay ku warsan maxaa loo
Xalaaleeyey waxaad dhahdaa waxaa laydiin xallilay Wanaagga (Xalaasha) iyo waxaad wax barteen oo wax Dhaawaca idinkoo ku
ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Eebe ee ka cuna waxay idiin qabtaan
ku Xusana Magaca Eebe kana Dhawrsada Eebe, ILaahay waa deg degtaa
Xisaabtiisuye. (5) Maanta waxaa Laydiin Xalaaleeyey
Wanaagga Cunada kuwa la siiyey Kitaabna Xalaalbuu idiin yahay. Cunadiinuna
xalaalbay u tahay, iyo kuwa Dhawrsoon oo Mu'minaadka ah (Guurkooda) iyo kuwa Dhawrsoon oo ka Mid ah kuwa la siiyey Kitaabka oo
idinka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda (Meherkooda) iyagoo Dhawrson oon Xumaan (Zino) Samaynayn Yeelanaynna Saaxibbo (Xun) Ciddii ka Gaalowda limaanka wuu Hoobtay Camalkiisu wuxuuna
ka mid noqon aakhiro kuwa Khasaaray. (6) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u
Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana
Madaxiinna (Dhaqana)
Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya, Haddaad
Buktaan ama Safartihiin ama ka timaadaan Kortag ama Istaabataan haween oydaan
helayn Biyo ku Gagabaysta shul daahir kuna Masaxa Wajigiinna iyo Gacmihiinna,
idin lama doonayo Eebe inuu isin yeelo korkiina Dhib wuxuuse dooni inuu idin
Daahiriyo idiin dhammeeyo Nicmadiisa korkiinna inaad Shugridaan Darteed. (7) Xusuusta Nicmada Eebe iyo
Ballankiisa uu idin kula Ballamay markaad Dhahdeen waan maqalay waana adeecnay
kana Dhawrsada Eebe ILIeen ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. (8) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u
Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad
yeyna idinku Xambaarin Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin, Caddaalad fala
iyadaa u dhaw Dhawrsashada (Eebe) kana Dhawrsada ILaahay, Eebe waa Ogyahay waxaad
falaysaane. (9) Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal
Fiican inuu u sugnaaday Dambi dhaaf iyo Ajir wayn. (10) Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkannaga kuwaasu waa
Asaxaabta (Ehelka)
Jaxiimo. (11) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen
«dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe,
Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniintu. (12) Dhab ahaanbuu u
qaaday Eebe Ballanka Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Labo iyo
toban Madax ah, wuxuuna yidhi Eebe anagu waan idin la jiraa Haddaad Oogtaan
Salaadda oo Bixisaan Zakada ood Rumaysaan Rasuuladayda, ood una Gargaartaan oo
amaah gashataan Eebe amaah (Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna
Xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay Dureeri Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii
Gaalooba intaas ka Dib oo idin Ka mid ah wuxuu ka Dhumay Jidka Toosan. (13) Burintooda Ballankooda (Yuhuud) yaan u Lacnadnay kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan,
iyagoo ka leexin Kalimada meejeeda waxayna halmaameen qayb ka mid wixii lagu
waaniyey kamana waydid Xaggooda inaad ku aragtid Khayaamo wax yar mooyee ee
iska Cafi iskana Saamax Eebe wuxuu Jecelyahay samo Falayaashee. (14) Kuwa Yidhi waxaan nahay Nasaara
waxaan ka qaadnay Ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu Waaniyey,
markaasaan ku sii daynay Dhexdooda Colnimo iyo Cadho Tan iyo Maalinta Qiyaame,
wuuna uga warrami Eebe waxay Samaynayeen. (15)
Ehelu Kitaabow waxaa idiin Yimid Rasuulkannaga oo idiin Caddayn wax badan ood
ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka (Tawreed) wuxuuna idinka Cafiyi wax badan, waxaana idiinka Yimid
Xagga Eebe Nuur iyo Kitaab Cad. (16) Uuna ku
Hanuuniyo Eebe Ruuxii Raaca Raalli ahaanshihiisa Jidka Nahadgalyada kana bixin
Mudiyada Xagga Nuurka Idinkiisa kuna hanuunin jidka Toosan. (17) Waxaa Gaaloobay kuwa yidhi Eebe waa uun Masiixi Ibnu
maryama, yaa uga Hanan Eebe waxba hadduu doono inuu Halaago Masiixi Ibnu
Maryama iyo Hooyadiis iyo waxa Dhulka ku sugaan Dhammaan, Eeba iska leh Xukunka
Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa u Dhaxeeya, wuxuuna abuuraa wuxun Doono Eebana
wax kasta wuu karaa. (18) Waxay Dheheen
Yuhuud iyo Nasaaraba anagu waxaan nahay Caruur Eebe iyo juwuu Jecelyahay waxaad
Dhahdaa Muxuu idiinku Cadaabaa dambigiinna saas ma aha ee waxaad Tihiin Dadka
Eebe Abuuray, wuu u Dhaafi Cidduu Doono wuuna Cadaabi Cidduu Doono, Eebana
waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka, iyo Dhulja iyo waxa u Dhexeeya
Xaggiisaana loo ahaan. (19) Ehelu Kitaabow
waxaa idiin Yimid Rasuulkanagii isagoo Idiin Caddayn Muddo (kadib) rasuulada inaydaan dhihin nooma Imaan Bishaareeye iyo
Dige, Eebana wax kasta wuu karaa. (20) (Xusuuso) Markuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Qoomkiisa,
Qoomkayow Xusuusta Niemada Eebe ee korkiinna markuu yeelay Dhediinna Nabiyo
idinkana yeelay Xukaam idinsiiyeyna waxaan la siin Cid Caalamka ah, (Waqtigiinnii). (21) Qoomkayow gala Dhulka la Daahiriyey oo idiinyaboohay
Eebe hana u noqonina Gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaray. (22) Waxay dheheen Muusow waxaa (Dhulka) Dhexdiisa ah qoom daran mana galayno intay ka baxaan
xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali. (23) waxay Dheheen Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe
uga gala albaabka Markaad gashaan idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad
Mu'miniin tihiin. (24) Waxay dheheen
Muusow anagu ma galayno Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la
dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye. (25) Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma
hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee nakala Bixi (Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun). (26) (Eebe) Wuxuu Yidhi iyadu
«Dhulka» waa ka Xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku Wareeri Dhulka ee haw
Murugoon qoomka Faasiqiinta ah. (27) Ku akhri
Korkooda warka Labadii Wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayd si dhab ah, markay
Dhaweeyeen (Sadaqaysteen)
Sadaqo oo laga Aqbalay Midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu Yidhi waan ku
Dili uu Yidhi (Kii kale)
wuxuu uun Eebe ka aqbalaa kuwa Dhawrsada. (28) Haddaad u soo
Fidiso Xaggayga Gaeantaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo gaeanta inaan
ku dilo Anugu waxaan ka Cabsan ilaahay ee ah Eebaha Caalamka. (29) Waaxaana Dooni inaad la Noqoto
Dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta Ehelkeeda Taasina waa Abaalka
Daalimiinta. (30) Markaasay u
qurxisay Naftiisii Dilka Walaalkiis Wuuna Dilay wuxuuna Nooqday kuwa Khasaaray.
(31) Wuxuuna Eebe u Bixiyey (Muujiyey) Tuke Faadhi Dhulka inuu Tusiyo siduu u Asturo Maydka
Walaalkiis, wuxuuna Yidhi Shalaytee miyaan ka Cajisay inaan noqdo Sida Tukahan
oon Asturo Maydka Walaalkay wuxuuna ahaaday mid Qoomamooda. (32) Saas Darteed yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii
Disha Naf aan (Dilin) Naf
ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka Dhammaan, Ciddii
Noolaysa Nafna (Korisa)
Waxay la mid Tahay Isagoo Nooleeyey Dadkoo Dhan, Waxay ula Timid Rasuuladanadii
Xujooyin Markaas in Badan oo ka mida Intaas ka dib Dhulkay ku Xadgudbeen. (33) Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo Rasuulkiisa oo la
Socda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la Wadho, ama loo gooyo Gacmahooda iyo
Lugabooda Isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna waa inay Mudanyihiin
Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna. (34) Kuwa Toobad keena qabasho ka hor mooyee Ogaadana in
Eebe Dambi Dhaafo oo Naxariisto. (35) Kuwa (Xaga) Rumeeyow ka Dhawrsada
Eebe una Doona Xaggiisa Dhawaansho kuna Jahaada Jidkiisa waxaad u Dhawdihiin
inaad Liibaantaane. (36) Kuwa Gaaloobay
hadduu u ahaado waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan iyo wax la mid ah inay iskaga
Furtaan Cadaabka Maalinta Qiyaame lagama Aqbaleen waxayna Mudan Cadaab Daran.. (37) Waxay Dooni
inay ka soo Baxaan Naarta kamana Baxaan Xaggeeda waxayna mudan Cadaab Joogta
ah. (38) Tuugga iyo Tuugadda Gooya
Gaemahooda Abaalmarin waxay kasbadeen Darteed waana Xanuujin Eebe ILaahayna waa
adkaade Falsan. (39) Ciddiise Toobad
keenta Dulmigiisa ka Dib oo Fiienaada ILaahay wuu ka Toobad Aqbali, Eebana waa
Dambi Dhaafe naxariista. (40) Miyaadan Ogayn
in Eebe u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka uuna Cadaabi Cidduu Doono,
waana u dambi dhaafi Ciddu la doono Ilaahayna wax kasta wuu karaa. (41) Rasuulow Yeyna ka Walbahaarin kuwa ku Dag dagi
Gaalnimada oo ah kuwa ku Yidhi Afkooda waan Rumaynay ooyna Rumayn Quluubtoodu,
iyo kuwa Yuhuudoobay waxay maqli ogyihiin Beenta waxayna maqli Ogyihiin qoom
kale oon kuu Imaanin waxayna ka leexiyaan Kalimooyinka Meelaheeda (Dhabta) waxayna Odhan
haddii laydinsiiyo kan (Leexsan) qaata haddaanse laydin siinin ka Digtoonaada, Ruxuu Doono
Eebe Ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la
Doonin inuu Daahiriyo quluubtooda, waxayna Mudan adduunka Dulli Aakharana waxay
mudan Cadaab wayn. (42) Waxay Maqli
Ogyihiin Beenta waxayna Cunid Badanyihiin Xaaraanta hadday kuu Yimaaddaana kala
Xu kun Dhexdooda ama ka Jeedsohaddaad kajeedsatana Wax
kaama dhibaan haddaad kala xukuntana Caddaalad kukala xukun Eebe wuxuu
Jecelyahay caadiliintee. (43) Siday kuugu
Xukuntami Iyadoo agtooda yahay Tawreed oo Xukunkii Eebe ku Yaal markaasna ay ka
Jeddsan intaas ka Dib Kuwaasi ma aha Mu'Muniin. (44)
Anagaa soo Dejinay Tawreed oo Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku
xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamay Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray
madaxdii iyo Culimadii wixii laga Doonay inay ILaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm
waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana
ku Gadanina Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey
Eebe kuwaasi waa Gaalo uun. (45) Waxaan ku
Faralyeelay korkooda in Nafta (Loo qisaaso) Nafta, ishana Isha, Sankana Sanka, Dhagtana Dhagta,
ILigana ILiga, Nabaradana waa laysu Qisaasi, Ciddii iska Sadaqaysata (Samaxda) waxay u Noqon
Kafaaro (Dambi Dhaaf)
Cidaanse Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Daalimiin uun. (46) Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise Ibnu Maryama Isagoo
Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo
Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana
u ah kuwa Dhawrsada. (47) Ila Xukumeen
Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyey Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin wuxuu soo
Dejiyey Eebe waa Mid Faasiq ah uun. (48) Waxaana kugu
Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyey oo Kitaab ah. Isagoo
Marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe hana
ka Raacin Hawadooda waxa kuu Yimid oo Xaq ah, Dhammaan waxaan u Yeellay
Shareeco iyo Waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad kaliya, Laakiin
wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka, Xagga Eebe yey
Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idiinka Warrami waxaad isku Diidanaydeen. (49) Ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe, hana
Raacin Hawadooda, kana Digtoonow inay kaa Fidmeeyaan waxa Eebe kugu soo Dejiyey
qaarkiis, hadday Jeedsadaanna Ogow in Eebe la Doonayo inuu ku Aassi ibo (Ciqaabo) Dambigooda
Qarkiis, wax badan oo Dadka ka mid ahna waa Faasiqiin. (50)
Ma Xukunka Jaahilayad yey doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe Xukunkiisa qoomka wax
Yaqiinsan (Rumaysan). (51) Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara
Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid
ah wuxuue ka midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah. (52) Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka
Buka (Munaafiqiinta) oo u
Degdagi Dhexdooda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u Dhawdahay
in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen
Naftooda (oo Gaal jacayl ah)
Qoomameeya. (53) Waxay Odhan
kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma
kuwaasaa Kuwii ku Dhaartay Eebe Dhaar Adag inay idinla Jiraan, waxaa Hoobtay
Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo Khasaaray. (54)
Kuwa Xaqa Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebe
keeni qoom uu Jeeelyahay iyana Jeeel una naxariista Mu'miniinta kuna Daran
Gaalada, kuna Jahaadi Jidka Eebe oon ka Cabsanayn Canaanta Canaante, Taasina
waa Fadliga Eebe wuxuuna Siiyaa Cidduu Doono, Eebana waa Deeq Badane Og. (55) Waligiinnu waa uun Eebe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa
Rumeeyey (Xaqa) ee
Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Rukuuea. (56) Ciddii ka
Waliyeelata Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Kuwa Rumeeyey Xaqa Xisbiga ILaahay Umbaa
Adkaan. (57) Kuwa xaqa Reemeyow ha ka Yeelanina
kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah
Idinkana Horeeyey iyo Gaalada sokeeye, kana Dhawrasada Eebe haddaad Tihiin
Mu'miniin. (58) Markaad ugu Dhawaaqdaan Salaaddana
waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin
Qoomaan waxkasayn. (59) Waxaad Dhahdaa
Ehelu Kitaabow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo
Dejiyey iyo wixii la Dajiyey horay Mooyee, Badankiinnu waa Faasiqiin. (60) Waxaad Dhahdaa maydinka warramaa waxa ka Sharbadan
Arrintaas abaal Marinta Eebe Agtiisa waa mid Eebe Nacladay una Cadhooday kana
Yeelay Daanyeerro, Doofaarro iyo Shaydaan Caabude, Kuwaasay Shar badantahay
Meejoodu kana Dhumid Badan Jidka Toosan. (61) Hadday idiin
Yimaaddaan waxay Dhahaan waan Rumaynay (Xaga) iyagoo la soo Galay Gaalnimo, lana
Baxay, Eebana waa Ogyahay waxay Qarin, (62) Waxaad Arkaysaa
wax Badan oo ka mid ah oo u degdegi dambiga iyo Colnimada iyo cunidda
Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay Fali. (63) May ka Reebaan
Ikhyaartu iyo culimadu hakalkooda dambiga ah iyo Cunidda Xaaraanta, waxaa
Xumaan badan waxay Samayn. (64) Waxay Tidhi
Yuhuuddu Gacanta Eebe waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana La naclado
hadalkay Dheheen Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin Khayrka (Deeq badane) wuxuuna u
Nafaqeeyaa Siduu Doono, wuxuuna u Kordhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa
lagaaga soo Dejiyey Eebahaa Xad Gudub iyo Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col
iyo Cadho tan iyo Qiyaame, mar kastooy huriyaan dab Dagaalna waxaa bakhtiiya
Eebe, waxayna la Soedaan Dhulka Fasaad, ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya. (65) Hadday Ehelu Kitaabku Rumeeyaan
xaqa oy Dhawrsadaan waxaan ka Asluri lahayn Xagooda Xumaantooda waxaana
Galinlahayn Jannada Naciimo. (66) Hadday ku Camal
falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga Eebahoodna waxay ka
Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka mid ah Umad Dhex
dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali. (67)
Rasuulow Gaadhsii waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa (Dadka) Haddaadan Falin Maadan Gaadhsiin Risaaladiisa
«Fariintiisa», Eebaana kaa Haalin Dadka, Eebana ma hanuuniyo qoom Gaala ah. (68) Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad
ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin
wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo
Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. (69) Kuwa Xaqa Rumeeyey iyo kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'iinta
iyo Nasaara Ciddii Rumeysa Eebe, Maalinta Dambe (Qiyaamada) oo fala camal fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo
Walbahaar (Midna).
(70) Waxaan Qaadnay
Ballanka Banii'israa'iil waxaana u Diray Xaggooda Rasuullo, Markastoos ula
Yimaaddo Rasuul waxaan Naftoodu Jeelayn Koox way Beeniyaan Kooxna way Dilaan.
(71) Waxayna u Maleeyeen inaan Fidmo Jirin, wayna Indho
Beeleen oo Dhago Beeleen, Markaasuu Eebe ka Toobad Aqbalay, markaasay Indho
Beeleen oo Dhago Beeleen wax badan oo ka mid ah Eebana waa Arkaa waxay Fali. (72) waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi
Eebe waa Masiixi Ibnu Maryama, Wuxuuna Widhi Masiix (Ciise) Banii Israa'iilow Caabuda Eebe ee ah Eebanay iyo Eebihiin,
Ruuxii u Shariig Yeela Eebe (La wadaajiya) wuxuu Eebe ka Xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta
Daalimna ma helo Gargaare. (73) Waxaa Gaaloobay
kuwii Yidhi ILaahay waa Saddex Midkood, ILaah kaliya Mooyee ILaah kalana ma
jiro, hadayna ka Joogin waxay Sheegina waxaa Taaban kuwa Gaaloobay oo ka mid ah
Cadaab Daran. (74) Miyeyna u Toobad keenayn Eebe oyna
Dambi Dhaaf warsanayn, Eebaana Dambi Dhaafe Naxariista ah. (75)
Masiix (Ciise) Ibnu
maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis rasuuladii,
hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen Cunnada, day Saannu ugu
Caddayn Aayaadka Markaas day Sida loo iilo. (76) Waxaad Dhahdaa ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow
waxaan Hananin Dhib iyo Dheef (midna) Eebana Yahay Maqle Oge ah. (77)
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow ha ku Xadgudbina Diintiinna si aan Xaq ahayn,
hana Raacina hawada qoom Dhumay mar hore Dhumiyeynna wax badan kana Dhumay
Jidka Toosan. (78) Waa lagu Lacnaday Kuwii Gaaloobay
oo Banii Israa'iil ah Carrabka Daa'wuudd iyo Ciise Ibnu Maryama Arrintaasna
waxaa ugu Wacan Caasinimadooda ahaayeenna kuwo Xadgudba. (79)
Waxayna ahaayeen kuwaan iska Reebayn Xumaan ay Falayaan, waxaa Xun waxay
Falayeen. (80) Waxaad Arkaysaan wax badan oo ka
mid ah oo ka Sokeeye Dhigan kuwo Gaaloobay waxaa Xun waxay u Hortmarsatay
Naftoodu oo ah in Eebe u cadhooday, Cadaabkana ay ku Waari. (81) Hadday Yihiin kuwo Rumeyn Eebe iyo Nabiga iyo waxa lagu
soo Dejiyey mayna Yeesheen Sokeeye Gaalo laakiin wax badan oo ka mid ah waa
Faasiqiin. (82) Waxaad Ogaan
kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin
laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo Dhaw Jacayl
kuwa Rumeeyey Xaqa (muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa
ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan. (83)
Markay maqlan waxaa lagu soo Dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo
Ilmo ka Daadan waxay aqoonsadeen oo xaqa ah iagoo dhihi Eebow waan Rumeynay ee
nagu dhig (Yeel) kuwa
marag furi (Xaqa qiri). (84) Maxaanaan u rumeynaynin Eebe iyo waxa noo yimid oo xaq
ah oonaan u Damcaynin inuu na galiyo (naga yeelo) Ilaahanno qoomka
Suuban la Jirkooda. (85) wuuna ku Abaal marin Eebe waxay Dhaheen Jannooyin oy Socoto
Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Abaal marinta
Samafalayaasha. (86) kuwa
Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga Kuwaasu Waa Jaxiimo Ehelkeeda. (87) Kuwa xaqa Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin
Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma Jeela kuwa Xad gudbee. (88)
Waxna ka Cuna Wuxuu Idinku Arzaaqay Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada
Eebe ee ah kaad Rumeysantihiin. (89) Eebe Idiin ma
Qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan,
Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad
Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood,
Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna
Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudantihiin inaad ku
Mahdisaan. (90) Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka,
Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan. (91) Wuxuu uun Dooni Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro
Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo
salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga). (92) Adeeca Eebe
Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse Jeedsataan Ogaada waxaa uun
Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi. (93) Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa
Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa
Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa
Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo
Falayaasha. (94) Kuwa Xaqa Rumeeyow wuxuu idinku
Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebe Muujiyo
Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan
Cadaab daran. (95) Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina
Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran
wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah
isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u
Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe
wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade
Aarsada. (96) Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga
Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo Socdaalba, (Idinkoo
Xarman) waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadshiga
Barriga intaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin. (97) Wuxuu ka Yeelay ILaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada Leh,
Dhawridda dadka iyo Bilaha Xurmada leh iyo Hadyada iyo Tan la Calaameeyey (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan
in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta
Ogyahay. (98) Ogaada in Eebe Ciqaabtiisu
Darantahay Eebana yahay Dambi Dhaafe Naxariista. (99)
Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa Ogyahy waxaad Muujinaysaan
iyo waxaad Qarinaysaan. (100) Waxaad Dhahdaa
(Nabiyow) ma eka wax Xun iyo
Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida