Qaaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud
iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Quraanka sharafta leh (in dadka la soo
bixin). (2) Waxayse La
yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan
waa wax la yaab leh. (3) Ma markaan dhimanno
oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog. (4) Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana
waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan. (5)
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. (6) Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una
qurxinay ayna duleella u lahayn. (7) Dhulkana waan
waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc
kasta oo quruxsan. (8) Inay aragti iyo
waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. (9) Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo
bixinnay Beero iyo Midho la goosta, (10) Iyo timir dheer
oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. (11) Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku
noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. (12)
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. (13)
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). (14) Iyo kayntii
dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen
Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). (15) Ma waxaan ka
noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). (16) Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay
waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. (17) Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo
bidixda ka fadhida. (18) Wax kastoo lugu
hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). (19) Waxaa u yimid
sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. (20) Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). (21) Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku
marag furi. (22) Waxaana loo odhan waad
halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog
badan yahay. (23) Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi
waa kan waana
darbanyahay, (kiilayxilsaaray). (24) Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo
badane madax adag dhammaantiis. (25) Oo khayrka
reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. (26)
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. (27) Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi
fog ku sugnaa. (28) Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina
agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. (29) Hadalla agtayda
laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. (30) Xusuusta
Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma
la ii siyaadin. (31) Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii
dhawrsaday iyadoon ka fogayn. (32) Waxaasina waa
wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). (33) Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo
la yimaada Qalbi toobadkeen badan. (34) Waxaa lugu
dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. (35) Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa
ah siyaado. (36) Imisa Qarniyaan halaagnay Reer
Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga
cararana ma jirto. (37) Waxaasina waa
waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. (38) Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u
dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin. (39) Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin
qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor. (40) Habeenkana qaar
u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. (41) Dhagayso
Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw. (42)
Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda. (43) Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo
soo ahaan. (44) Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo
dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. (45) Annagaa og
waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii
Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka
yaabi.