At-Tur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Eebe
wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (2) Iyo Kitaabka la dhigay, (3) Oo
ku qoran warqado la fidiyay. (4)
Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). (5) IYo saanqaafka
la koryeelay (cirka). (6) Iyo Baddii la kululeeyay. (7) Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (8) wax celinna ma jiro. (9) Waxay dhici
caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (10) Buuruhuna
socon. (11) Halaagna waxaa iska leh maalintaas
kuwa xaqa beeniyay. (12) Ee ah kuwa
tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (13)
Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (14) Waatan
Naartii aad beenin jirteen. (15) Ma sixirbaa,
mase waxbaydaan arkayn. (16) Gala, ama samra
ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal
falayseen. (17) Kuwa Eebe ka
dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. (18)
Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda
Jaxiiimo. (19) (Waxaana
lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan
camalkiinnii dartiis. (20) Idinkoo ku
dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). (21) Kuwa xaqa
rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana
waxba kama
nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». (22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay
jecelyihiin. (23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda
(iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal
xun iyo dambi midna lahayn. (24) Waxaana u
adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (25) Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale
qaabila iyagoo wax is waydiin. (26) Waxayna isu
dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (27) Eebaase nagu mannaystay (dambi
dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda
Samuumka (Jahannama). (28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa
Baarrii naxariista. (29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed
ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (30) Mise waxay
dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (31) Waxaad dhahdaa
suga anna waan idin la sugiye. (32) Mise caqligooda
(xun) yaa saas faray, ma
aha ee waa Qoom xadgudbay. (33) Mise waxaydhihi
isagaa abuurtay (Quraanka)
waxba ma ayan rumeynin. (34) Ha la yimaadeen
hadal la mid ah hadday Run sheegi. (35) Mise waxaa la
abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (36) Mise iyagaa
Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa
xisaabin dadka. (38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax
ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (39) Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku
cuslaatay. (41) Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay
qoraan. (42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa
gaaloobay iyagaa dhakran. (43) Mise Ilaah Eebe
ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». (44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa
waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (45) Ee iskaga tag
Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u
gargaarana uusan jirin. (47) Kuwa xad gudbay
waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (48)
Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi
Eebahaa markaad kici. (49) Habeenka
qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.