Al-Qamar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu
dillaacay. (2) Hadday Gaaladu
arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. (3) Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay
meel uu ku sugnaado. (4) Waxaana ugu
yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. (5)
Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. (6) Ee
iskaga jeedso (sugna)
Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. (7)
Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax
faafay. (8) Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha
xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. (9)
Waxaa beeniyay (xaqa)
iyaga hortood (Nabi) Nuux
Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay,
waana la guulguulay, «oo la canaantay». (10) Eebuuna tuugay
inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. (11) Markaasaan ku
furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. (12)
Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen
biyihii amar la qadaray dartiis. (13) Waxaanna ku
xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. (14)
Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. (15) Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo
wax xusuusan). (16) Seese yahay
Caddib Eebe iyo digiddiisu. (17) Waan fududaynnay
Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (18)
Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. (19) Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin
baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. (20) Oo dadka siibaysa
sida Timir gunteedii la rujiyay. (21) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (22) Waxaan
ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (23) Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. (24) Waxayna dheheen
ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay
baadi iyo dhibaato. (25) Ma isagoo na
dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. (26) Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. (27) Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug
kuna samir. (28) Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin
gaara leedahay. (29) Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood
hashiina wuu dilay. (30) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (31) Dhawaaq
kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. (32) Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma
jirtaa cid ku wacdoomi. (33) Way beeniyeen
Qoomkii (NabiLuudh) u
digiddii. (34) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl
Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. (35) Nicmad
xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). (36) Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen
digiddaas. (37) Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha
tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (38) Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. (39) Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo
digiddiisa. (40) Waan fududaynay Quraanka xusuus
darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (41) Fircoon iyo
ehelkiisii waxaa uyimid digid. (42) Wayna beeniyeen
Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. (43) Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi
la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. (44) Mase waxay
dhihi koox guulaysan yaanahay. (45) Waa la jabin
kooxda, Dabadayna jeedin. (46) Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah,
Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. (47) Kuwa
dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. (48) (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta
WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. (49)
Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. (50) Amarkannaguna
ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. (51) Dhab ahaan baan
u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. (52) Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. (53) Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. (54) Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (55) Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa
ah (yaa u sugnaatay).