Ar-Rahmaan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Eebaha) Raxmaan ah. (2) Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (3) Dadkana wuu abuuray. (4)
Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (5) Qorraxda iyo
dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (6) Xiddigga iyo
Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (7) Samadana Eebaa
koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. (8) Si aydaan uga
gudbin Caddaaladda. (9) Miisaanka ku
hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (10)
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga. (11)
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh. (12) Xubuubna (midho) ball leh iyo
udgoona wuu abuuray. (13) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (14)
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah. (15)
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta. (16)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (17)
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (18) Nicmooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (19) Eebe waan kan
Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi. (20) Dhexdoodana
yeelay soohdin (kala reebta)
iskumana xadgudbaan. (21) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (22) Waxaa lagala
baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (23) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (24) Eebe waxaa u
sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (25)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (26) Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu
tagi. (27) Waxaase hadhi Eebaha wayn ee
sharafta leh. (28) Nimcooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (29) Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo
Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (30)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (31) Waana idin
xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (32) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (33) Jinni iyo
Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka
baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (34) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (35) Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri
Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (36)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (37) Markay Samadu
dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (38) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (39) Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba
ma jiro. (40) Nicmooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan
astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana
lagu tuuri). (42) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan, (43) Tani waa
Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (44) Waxay ku
meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (45) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (46) Ruuxii ka yaaba
Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (47)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (48) Jannooyinkaas
oo midabyo leh (iyo Laamo). (49) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (50) Waxaa laga helaa ilo socda. (51)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (52) Waxaa laga
helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (53) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (54) Waxay ku
dangiigsan (ehlu Jannuhu)
Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (55)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (56) Jannooyinka iyo
Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay
Insi iyo Jinni midna. (57) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (58) Waxaad moodaa
Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (59) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (60) Wanaag
abaalkiisu soo wanaag ma aha. (61) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (62) Waxay heli
Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (63) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (64) Waana Laba
Jannoo madow (cagaaran). (65) Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (66) Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (67) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (68) Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (69)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (70) Dhexdooda waxaa
ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (71) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (72) Waa Haween
Indhacad oo Gurigooda jooga. (73) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (74) Waa Haween
uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (75)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (76) Waxayna
ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (77) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (78) Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee
shrafta leh.