Al-Waaqia
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud
iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Markay Qiyaamadu dhacdo. (2) Dhiciddaas wax
beenin ma jiro (markay arkaan). (3) Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah. (4)
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (5) Buurahana la
riqdo. (6) Oy noqoto boodh Firdhisan. (7) Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa
dadka la soo bixin). (8) Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa
midigta mari. (9) Iyo kuwa bidixda mari
(waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa
Bidixda mari. (10) Iyo kuwii aad u hormaray. (11) Waa kuwa Eebe dhaweeyay. (12)
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (13)
Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (14) Iyo wax yar oo
ka mid ah kuwii dambeeyay. (15)
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan. (16)
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (17)
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari. (18) Koobab iyo
kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda. (19)
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (20) Faakihaday
«khudaartay» doonaanna way heli. (21)
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah. (22) Iyo Haween Janno oo Indha cadcad. (23) Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay. (24)
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (25) Kumana maqlaan
Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (26) Waxayse ku
Maqli Salaan (dhexdooda ah). (27) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan
kuwa midigta. (28) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon
Qodax lahayn. (29) Iyo Geedka
Dhalxiga ah oo buuxa. (30)
Iyo Hoos joogta ah. (31)
Iyo Biyo socda (goor walba).
(32) Iyo Faakiha
badan. (33) Oon la goynaynin lana
reebaynin. (34) Iyo Gogol la
koryeelay. (35) Annagaa ahaysiin
(Da'yarayn Haweenka Jannada). (36) Kana dhigi kuwa aan la taaban. (37)
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (38)
Liwa Midigta yaa muta (arrintaas). (39)
Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (40)
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (41) Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (42)
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (43)
Iyo hoos madow oo wax guba. (44) Aan qaboobayn
aragna fiicnayn. (45) Waxay ahaayeen arrintaas ka
hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (46) Waxayna Daa'imi
jireen dambi wayn. (47) Waxayna dhihi
jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana
soo bixin. (48) Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (49) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (50) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (51) Markaas Baadiyaalyahow
Beeniyayaasha ah. (52) Waxaad wax ka
cunaysaan Geed xun. (53) Aad kana
buuxinaysaan Caloosha. (54) Waxaadna ku
cabbaysaan Biyo kulayl badan. (55) Waxaadna u
cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (56) Kaasina waa
waxa lagu soori (Gaalada)
Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (57) (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin
abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (58) Ka warrama
Dhibicda aad tuuraysan «Manida». (59) Ma idinkaa
abuura mase Annagaa abuurra, (60) Annaaa idinku
eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (61)
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan
aqoon. (62) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii
hore, maad wax xusuusataan. (63) Ka warrama
waxaad beereysaan. (64) Ma idinkaa soo
dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (65) Haddaan doonno
waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (66) (Idinkoo dhihi) Waa nala
khasaariyay. (67) Mase waa nala hoojiyay. (68) Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (69)
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (70) Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe). (71) Ka warrama
Dabkaad Madagta ka shiddaan. (72) Ma idinkaa
ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay. (73)
Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo
cidlada). (74) Ee waynee oo u
Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (75) (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay
halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (76) Waana dhaar
wayn haddaad ogtihiine. (77) Quraanku waa shay
sharaf leh. (78) Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la
dhawray. (79) Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. (80) Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (81) Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (82)
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa). (83) Maxaydaan
markay Naftu dhuunta gaadho. (84) Idinkuna aad
fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (85) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan
arkaynin. (86) Haddaad tihiin kuwa aan la soo
bixinaynin. (87) Maad Nafta ku
celisaan, haddaad Run sheegaysaan. (88) Hadduu ka mid
yahay (Ruuxa dhiman) kuwa
Eebe dhaweeyay. (89) Wuxuu heli naxariis iyo farax
iyoJannada Naciima. (90) Hadduu yahay
kuwa Midigta marina. (91) Nabadgalyaa u
sugnaatay (iyo wanaag). (92) Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (93) Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (94) Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (95)
Waxaad (la soo sheegay) waa
run dhab ah. (96) Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.