Al-Hashr
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Waxaa Eebe nasaha (sharifa) waxa Cirka iyo Dhulka ku dhexnool, waana xoo badane
Falsan.
(2) Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka
ahaa «Yuhuud» Guryahoodii kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana
waxay u maleeyeen in Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel
ayan filayn, qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen
(ku halleeyeen) gacmahooda iyo
gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato. (3) Haddaan Eebe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi
lahaa Adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed. (4) Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen,
ruuxii Eebe khilaafana Ciqaabtiisu waa darantahay. (5)
Wixii aad gooysaan oo geed ah (qq Cadawga) ama aad daysaan iyadoo ku taagan Salkeeda waa idinka Eebe
iyo inuu dulleeyo Faasiqiinta. (6) Wixii Xoola ah
ee Ilaahay Nabiga uga soo celiyo Gaalada isagoon Fardo iyo awr lagu dagaallamin
waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebana Cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax
walbana Eebe waa karaa. (7) Wixii Xoola aha
ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa;
waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Musaafiriinta
«socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah dhexdooda wuxuu
Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka
reebmaan, Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa
darantahay. (8) Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa
Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo Xoolahoodii dar Eebe iyo
gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda. (9) Kuwii Madiino deganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel
yihiin dadka u soo hijroon (u soo qixi) wax necbaansho ahna Laabta uma geliyaan dadkaas waxay
siin, waxayna Naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo hahaysee, ruuxii laga dhawro
bakhaylnimada Naftiisa waa mid Liibaanay. (10) Kuwa imaan
Asxaabta Nabiga ka dib waxay Eebe weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo
Walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa
rumeeyey Eebena waa naxariis badane. (11) Ma ogtahay in
kuwii Munaafiqiinta ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee Yuhuudda ahaa haddii
laydin bixiyo waan idinla jiraynaa Cid aan idiin maqlaynana ma jiro waligeed,
haddii laydinla dagaallamana waan idiin gargaaraynaa, Ilaahayna waa ogyahay
inay Beenaalayaal yihiin. (12) Haddii la
bixiyo Yuhuudda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan hadday
isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana gargaarayo. (13) Mu'miniinta yey uga cabsi badan yihiin Yuhuuddu
Ilaahay, maxaa yeelay waa dad aan wax garad ahayn. (14)
Kuwa xaqa rumeeyeyna lama dagaallami karaan «dhufaysyo iyo Gidaaro dhexdood
mooyee» dhibka dhexdooda ahna waa daranyahay quluubtooduna waa kala tagsan
tahay, maxaa yeelay waa dad aan wax kasayn. (15)
Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii
camalkooda, Cadaab daranna u sugnaaday. (16) Waxay la
midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah