Al-Mumtahana
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka
dhiganina colka Eebe iyo Colkiina (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay
xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo Muuminiinta inaad Eebe
rumeeyseen darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebe
idinkoo rabo, kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad
qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, Ruuxii saas yeelana Jidka xaqa ah wuu ka
dhumay. (2) hadday idin
helaan (Gaaladu)
waxay idiin noqon Col
gacmaha iyo Carabkana xumaanbay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.
(3) Qaraabada iyo Caruurtu waxba idiin ma taraan Maalinta
qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad Camal falaysaan. (4) Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo
kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay Gaaladii Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay
Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka
rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey Aabihiis,
isagoon waxba u hanankarin (intaan laga reebin
Arrintaas). Eebe yeynnu talo saaran, isagaan u
toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro). (5) Eebow hannagu
fidnaynin kuwa Gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay adkaade (Casiis) Falsan. (6) Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni Ilaahay
Maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Eebe waa ka kaaftoon yahay waana
ammaananyahay. (7) Wuxuu Eebe u dhawyahay inuu yeelo
jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada Qureesheed ah dhexdooda,
maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi dhaaf badane naxariis badane
ah. (8) Eebe kama reebayo kuwa xaqa rumeeyey
inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan Diinta kula dagaallamin Guryahoodana
ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel yahay kuwa Caadiliinta ah (Garsoor). (9) Eebe wuxuu ka reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye
yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta kula dagaallamay ee Guryahoodii ka
bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka
dhigtaa wa kuwa daalimiin ah. (10) Kuwa xaqa
rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo
Hijrooday (ka soo tegay)
Imtixaana (inay ka dhabtahay iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa
inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha Meherkiina ha u
celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad Meher
siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina,
weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u
bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa
ogyahay (waxa la Camal falo)
waana Falsame. (11) Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka
mid ah Gaalada (Gaaloobaan)
markaas ka dib la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku
masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada. (12) Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si
ay kuugula ballantamaan inay Eebe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna,
Caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna
ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Eebe waa dambi
dhaafe naxariiste ahe. (13) Kuwa xaqa
rumeeyow haka sokeeye dhiganina kuwa Eebe u carooday oo aakhirana ka quustay (waa Gaaloodhane) sida Gaaladu uga
quusatay kuwii dhintay.