As-Saff
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa Cirka iyo
Dhulka ku sugan, Eebana waa adkaade falsan. (2)
dadka xaqa rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin. (3) Waxaa Cadho weyn Eebe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax
aydaan falaynin. (4) Eebe wuxuu jecel yahay kuwa
ku dagaallama Jidkiisa (Jihaadka) iyagoo af ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda). (5) Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan
Rasuul Eebe idiin ahay, markay xaqii ka iisheen yaa Eebana sii iilay
qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah. (6)
xusuusta marka (nabi)
Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa'iil waxaan ahay Rasuul Eebe idiin soo
diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul
gadaashayda imaan oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna
waxay dheheen kani waa sixir cad. (7) yaa ka dulmi
badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka, Eebe ma hanuuniyo
dadka daalimiinta ah. (8) Waxay doonayaan (Gaaladu) inay Nuurka (xaqa) Eebe ku
bakhtiiyaan Afkooda Eebena wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen Gaaladuye. (9) Eebe waa