Al-Jumu'a
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin
Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame ah. (2) Eebe waa kan
u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda
Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwo haadi cad ku sugan. (3) (Waxaa kale oo Eebe
Nabigu u diray) kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas,
Eebena waa Adkaade falsame ah. (4) Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa
deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne. (5) Kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (qaa Yuhuudda) haddana an ku
camal falin, waxay la mid yihiin Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun
masalka kuwaas beeniyey Aayadaha Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin
ah. (6) Waxaad dhahdaa (Nabiga) kuwa Yuhuuda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin Awliyo
Eebe dadka kale ka sokow, geeri jeelaada haddaad run sheegaysaan. (7) Geerina ma jeelaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Eebana
waa ogyahay kuwa daalimiinta ah. (8) Waxaad ku
dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin eelin
Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idinka warrami (idinka jaasin) waxaad camal
falayseen. (9) Kuwa xaqa rumeeyow marka laysugu
yeedho Salaadda Maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebe, wax gadashadana ka taga,
saasa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og. (10)
Markase Salaadda la dhammeeyo Dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Eebe,
Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan. (11) Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa
waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta
wax arsaaqda.